Caweys: Shiribka Toddobaadka Laashin.
Shirib aad u xiisa badan oo dhex maraya wiil iyo gabadh u haasawaaya sidii hiddaha iyo dhaqanku ahaa, Laashin Cabdinuur oo shiribkan isagu akeekimey iskana dhigey labadii lammaane ayaa yiri:
Wiilka:
Casir wanaag san caasho kiin
Ceyntaada waaba caashaqee,
Gabadha:
Casir jawaan ku caashaqaa
Cabdoow miyeeysan ceeb ahayn,
Wiilka:
Ceeb maahin waaku caashaqee
Cilmi miyaad lahayn carfoon,
Gabadha:
Cagta dhulkuu dhig cabdiyoow
Waxaan cunmeynin caarifkood,
Wiilka:
Cankaagaya calaacashaan
Caasho nin arkay mees celaa,
Gabadha:
Cankeyga arki maa cabdoow
Caruuda geel nimaan celeyn,
Wiilka:
Ceel buuxa caag biyaa carfoon
Minaad ka cabto wees curjaa,
Gabadha:
Cawa tagtay mineey cabdoow
Soo ciydo waaku caawihaa,
Wiilka:
Cirkuba caad la,aan carfoon
Waasoo curtaahe ii ciddeey,
Gabadh:
cadiinya ciir waxaad cunnee
Cood iyo waa qabnaa cantoog,
Wiilka:
Cirbad nin rabay hoo cadkaan
Ku caafimaadi maa carfoon,
Gabadh:
Caqli woxoowsan soo celeyn
Codso bal aan ku ceeyriyee,
Wiilka:
Cidla ninkugu caashaqee
Caasho ku yiri caana sii
Gabadha:
caasho nimaa hor calmadee
Is ceeji amma hoor carroo,
Mida kale,
Ha ii caweeynin ee caraaw
Cungaa arri u soo ciyee
Curiye:Laashin Cabdinuur Waddani