CAWRALA IYO CALI-MAAX

CAWRALA IYO CALI-MAAX

 

“Cali-maax sidii johoraddii, yaanan kuu jamane
Jannadii sidaa tahayna yaan, jawda kugu hayne
Dabadeedna kala jiidanine, mar ila soo joogso”… -Cawrala Barre.

Sheekadaan waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay sheekooyinkii ugu horreeyay ee la qoray wax yar ka dib hirgalintii far-Soomaaliga, waxaana qalinkiisa ugu hiilliyay mahadad ballaaran ha ka gaartee qoraaga Soomaaliyeed ee Faarax Maxamed Jaamac Cawl, kaasi oo ka mid ah ragga aadka loogu qaddariyo ku xarragooshada qoraalka iyo sheeko-tabinta. Cawl buugga uu sheekadaan ku tebiyay wuxuu ugu magacdaray “Aqoondarro Waa U Nacab Jacayl”.

Sheekadaan jacaylka ihi waxay ku saabsan tahay oo ay soo warinaysaa qiso jacayl ah oo dhax martay gabar la oran jiray Cawrala Barre iyo nin lagu magacaabi jiray Cali-Maax.
Sheekadani waa mid aad u cuddoon una qurux badan, wax badanna naga baray xaalkii iyo dhaqankii Soomaalida ee waayadaas 1915-tii gaar ahaan gobolka Sanaag oo ah halka ay ku noolaayeen Cali-Maax iyo Cawrala.

Waxay kaloo sheekadu noo bidhaaminaysaa doorkii cajiib ahaa ee ay haweenkii Soomaaliyeed ku lahaayeen curinta maansada jaadadkeeda kala duwan iyo waliba kala sarrayntii u dhaxaysay raggii iyo dumarkii Soomaaliyeed ee waayadaas noolaa.

Waxay na baraysaa oo kale doorkii shariifka ahaa ee ay diinta islaamka iyo culimadu ku lahaayeen nolosha dadka iyo waliba qaddarintii iyo waynayntii loo hayay wadaadadii waqtigaas joogay, kuwaasoo laftirkoodu ahaa kuwo fahansanaa doorkooda ku aaddan hagidda iyo hanuunta dadka.

Sawir fiican ayay naga siinaysaa halgalkii ka socday dhulka Soomaalida iyo geeska Afrika, waxayna si qurxoon wax nooga baraysaa geylankii ay ururkii Daraawiishtu ku hayeen gumaystihii Ingiriiska iyo boqortooyadii saboolka ahayd ee Abasiinya/Itoobiyada maanta, kuwaasi oo xusulduub ugu jiiray sidii ay u wiiqi lahayeen una gumaysan lahaayeen bulshadeennii xaq-u-dirirka ahayd ee waqtigaas.

Sheekadu, waxay kaloo na dulgaynayaa dhulkii ay ku koree labadaan mucaashaq ee waqooyi bari, waxayna wax badan nooga bidhaaminaysaa aqoon badan oo dhanka gobolkaas ah iyo deegaannada ku xeeran sida Nuugaal iyo Bari, Cadan iyo qaar kale oo ka mid ah dhulka Yaman ayuu si dulxaadis ah qoraagu wax nooga barayaa, dhulkaas oo xukun ahaan waayadaas ku hoos jiray boqortooyada Ingiriiska ahaana halka uu uga soo duuli jiray dhulka Soomaaliyeed iyo xoogaggii Daraawiista ee uu hoggaanka u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sheekadu waxay ka billaabanaysaa doon ka soo dhaqaaqday Cadan oo u socota magaalada faca wayn ee Xiis, doontaas oo ay saaran yihiin dad labaatameeyo ah oo ay ku jiraan Cawrala iyo Cali-Maax. Isla markii ay doontii shiraacatayba waxaa ka dhax billaabanaya kaftan tix iyo tiraabba iskugu jira oo dhaxmaraya Cali-Maax iyo qaar ka mid ah raggii doonta la saarnaa, kaftankaas oo bannaanka soo dhigaya aftahannimada iyo suugaanyahannimada mudane Cali-Maax oo ahaa afartan jir xaasle ah oo ka tirsanaa ciidankii gobanimodoonka Daraawiishta, ujeedkiisii uu Cadan u yimidna uu ahaa in uu soo basaaso saldhigyadii uu Ingiriisku ku lahaa dalka Yaman, kuwaasi oo uu ka soo qaadi jiray duullaannadii uu ku hayay geeska Afrika, gaar ahaan dalwaynaha Soomaalida.

Cawrala waxay aad uga helaysaa haybadda iyo halyeynimada Cali-Maax, waxayna intii ay socdaalka ku wada jireen dhagta u raaricinaysaa gabayadii ashqaraarka lahaa ee uu goobta ka tiriyay, sida gabayga uu ku leeyahay:
“Wallee daacufloow reer miyaan, doocna garanayne
Dab la shaday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho
Doqonniimo waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye
Hadduu doog Ilaahay shuboo, duni barwaaqoowdo
Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo
Oo rodol uu doondoon ku helay, uga dambeeysiiyo
Asaga iyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye
Damdamtiyo hankoolkii ma jiro, diriri maayaaye
Maantaas ninkii dan u lahoow, dayso hadalkaaga…”

Cawrala, waa gabar nasiib u yeelatay in ay waxbarato, waxayna ka soo jeedfay qoys aad looga qaddariyo magaalada Xiis, wanaagga iyo ilbaxnimada qoyskeedana waxaa caddayn ugu filan in gabadhoodu aqoon lahayd 1915-tii waqtigaas oo ay aad u adkayd in qof dumar ah oo Soomaaliyeedi ay qalin qaadato!

Dhanka kale, Cawrala waxay aad ugu fiicnayd oo ay heer sare ka joogtay curinta maansada jaadadkeeda kala kala duwan, gaar ahaan gabayga oo uu qoraagu noo soo tabinayo qaar ka mid ah intii laga reebay. Waxay kaloo u ol-olayn jirtay in la qiro oo la aqoonsado kaalinta ay dumarka Soomaalidu ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan suugaanta iyo aqoonta, waxayna si wayn uga didsanayn dhaqanka Soomaalida ee ay raggu aadka ugu amartaagleeyaan una muuqda mid ay gebi ahaantiisba uu raggu qaabeeyay, aadna geeska ugu dhufta dumarka.
“Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay
Waxaan ahay middaad caawintoo, cudud ku taageertay
Cilmigii iyo haasaawihii, lagu cawaynaayay
Waxaan ahay codkaad tiri, mid uu cudur gayaysiiyay
Waxaan ahay mid kuu cabatay oo, caashaq dhibayaaye…”
Mid ka mid tixihii calaacalka ahaa ee ay Cawrala Barre u dirtay saaxiibkeed Cali-Maax.

Wax la Kaftamo oo tix iyo tiraabba la is waydaarsadaba, waxay dabayli ku kacaysaa doontii ay ku socdaalayeen Cawrala iyo Cali-Maax, waxaana qofba meeshiisa biyuhu ugu imaanayaan dadkii doonta saarnaa, dadkii farxadda iyo kaftanka ku jirayna waxay wada dareemayaan in ay aad u kooban tahay filashakooda ah in ay ifka ku sii socondoonaa.

Markii ay doontii degtayna waxaa Cali-Maax u suurtagalaysa in uu badbaadiyo Cawrala oo ay isku dagaalayaan hirarkii baddii gadoodsanayd, wuxuuna ku guulaysanayaa in bannaanka keeno iyadoo caafimaad qabta, taasi oo Cawrala ku sii laba jibbaaraysa ka heliddii iyo jacaylkii ay u qaaday Jaalle Cali-Maax.

Dadkii intoodii badnayd way soo badbaadayaan, waxayna soo gaarayaan magaaladii Xiis, Cali-Maaxna maalmo kooban ka dib wuxuu u sii gudbayaa magaaladii Taleex ee xarunta u ahayd hoggaamiyihii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, fartana ka saarayaa xogtii uu ka soo aruuriyay Ingiriiskii Cadan fadhiyay, xogtaas oo sahlidoonta duullaanno ay daraawiishtu ku qaadeen xeebaha bari ee Soomaaliya, duullaannadaas oo uu qayb ka ahaa naftii-hure Cali-Maax.

Maadaama ay Cawrala ahayd gabar aqoon leh oo waliba suugaanyahanad ah waxay waraaqo jacayl oo suugaanaysan u diraysaa Cali-Maax, waraaqahaas oo ay ugu sheegayso in ay u hayso doonis, ayna danaynayso in ay mar kale wada kulmaan si ay wax iskula meel dhigaan. La yaabka ayaase noqonaya in Cali-Maax ahaa mid aan aqoon aqriska iyo qoraalka, taasina waxay ku keenaysaa in uu soddoggiis ka codsado in uu waraaqdii ay Cawrala u soo dirtay u aqriyo, soddoggiina wuxuu si hoose u aqrinayaan warqaddii markii uu la yaabayna u sheegayaa Cali-Maax in uusan waxba ka garan karin waxa warqadda ku qoran!

Cali-Maax wuxuu u qaadanayaa in soddoggiis indhayareeyay ka dibma warqaddii u dhiibayaa seeddigiis oo goobta la joogay, halkaas oo uu seeddigiis ugu sheegayo in warqaddu ka timid qof Cawrala la dhaho, ayna xambaarsan tahay jacayl, halkaas oo ay Cali-Maax ka raacayso ceeb iyo waji-gabax ugu dambayntiina lagu xukumayo in uu bixiyo xaal uu siinayo xididkiisii uu warqadda caynkaas ah u dhiibay!

Cawrala waxay waynasaa wax warcelin ah oo uga timaadda dhanka Cali-Maax, waxayna taasi ku dhalinaysaa walwal iyo niyad-jab. Ku darsoo waxay reerkoodu u sheegayaan in lagu darayo nin aad u xoolo badnaa oo ay ka dhimatay gabar Cawrala la dhalatay, guurkaas oo ay Cawrala aad uga soo horjeesatay una arkaysay mid dulmi iyo gaf ku ah!

Jacaylkii ay u qaaday Cali-Maax, wariqihii ay dirtay iyo maansooyinkii ay ku calaacashay ayaa deegaankii ku faafaya, waxaana arrinkaas aad uga xumaanaya reerkii Cawrala maadaama ay waayadaas ceeb wayn ahayd in qof dumar ihi mawduucaas la soo banbaxdo, waxayna taasi soo dedejinaysaa in la diyaariyo gurigaynteeda si meesha looga saaro xiriirkii u dhaxeeyay Cawrala iyo Cali-Maax.
“Maalqabeenka geelisa ramag, madar ku maalaaya
Oo mulluug adduunyada qaboo, midigta loo saaray
Nin macnaha magaalada yaqaan yey maskabi dhaama.

Magalooti jaahila oo haddana, madaxa taagaaya
Oo muran hadduu idin dhaxmaro, meel ku jabinaaya
Midka biri-ma-gaydada yaqaan, yey maskabi dhaama.

Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe
Oo mugdi habeen gudahayoo, marin habaabaaya
Oo aan maraaciga haween iyo, muxubadood haynin
Oo aan milgiyo maansa gabay, miro ka sheegeeynin
Oo aan sidii Maahir Maax, mayay u hooraynin
In aan meel cidla ah waytamaa, yey maskabi roone……” -Cawrala Barre.

Cali-Maax, wuxuu raacayaa duullaankii Daraawiishtu qaaday, wuxuuna ku dhaawacmayaa dagaalka, waliba waxaa dhaawiciisii looga soo tagayaa goobihii lagu dagaallamay oo la soo tabinayaa in uu dhintay, halka Cawralana ay cuntadii ka soomayso heer ay dhuldhacdo oo ay sariir ku aruurto, waxayna reerkii Cawrala iyo odaygii arooskeeda u diyaarsanaa ay isku afgaranayaan in aysan suurtagal ahayn in Cawrala la gurigeeyo, taas baddalkeediina waxaa odaygii loo aroosinayaa gabadhii ku xigtay.

Cawrala, waxay sababsanaysaa xanuunkii ay ka qaaday cunto-ka-soomiddii, waxayna sidaas ugu biiraysaa uunkii aakhiro, dadkii deegaankuna waxay marqaati ka noqonayaan markii ugu horraysay duugistii Cawrala oo noqonaysa qofkii ugu horraysa ee jacayl dartiis u dhinta, dhacdadaas oo deegaankii ka noqonaysaa maangad iyo looma-fadhiyaan.

Cali-Maax wuu ka soo badbaadayaa xaaladdii adkayd ee uu galay, wuxuuna bilo ka dib imaanayaa magaaladii Taleex. Markii uu yimidna waxaa loo sheegay xaaladdii ay gashay Cawrala, in ay dartiis u diiday guurkii lagu qasbayay ayna sariir saaran tahay, markii uu warkaas helayna, wuxuu u kooraysanayaa socdaal dhanka Xiis ah si uu ula kulmo Cawrala iyo qoyskeeda uuna u gogol fadhiisto reer Barre si ay u siiyaan gabadhooda Cawrala ayaandarrose! Cali-Maax wuxuu Xiis ku aadayaa ayadoo dhawr maalmood laga joogo ” duugtii iyo tacsidii boqoraddii uu guurkeeda uga soo socdaalay Taleex.

“Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way i danqanayaane
Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalalaadhiciye
Ogoobey anigaa dulmiyay, oo dilay xabiibtaye
Ogoobey aniga baa daldalay, oo dambi i haystaaye
Ogoobey dayn baan qabaa, la iga daynayne
Oo waxa dayradaas dhigay ba waa, dib u dhacaygiiye….”
Gabaygii uu Cali-Maax ugu baroordiiqay geeridii Cawrala Barre.

 

Waxaa qoray Cabdinaasir-Xiddig

SHEEKOOYIN