Daneyste mise daacad?!
“Ma aniga?” Anoo uurka ka leh ayaan farta isku goday. Waxaa dhakeenna u soo farfiiqayey nin aanan bar garanayn, haddana, iila ekaa nimaan aqaan oo kale.
Dhinacyada ayaan eegay si aan u ogaado hadduu qof kale u yeerayey iyo inuuba aniga iila dan lahaa farfiiqiisa. Dadkii dhinacyada iga fadhiyeyse qof dhaqaaqay ma jiro, dan iyo heellaba kama leh ninka farta soo taagaya, shaqadooda ayey iska wataan.
Faruuryaha ayuu nuuxnuuxinayaa, haddana, wax ba laga maqli maayo, xabeeb ma leh, xabadkana ma la’a, haddana waxaad mooddaa inuu si uun u xiiqsan yahay.
Inta u dhawaaday oo aan ka istaagay halkii aan fadhiyey ayaan ku iri: “Caawin miyaad u baahan tahay?” inta iga sii jeestay ayuu hoos u hadlay, sidii iuu gunaanacayo oo kale. Waan u dhagraarcshay, waxbase kama fahmin.
Cabbaar markii uu sii maqnaa ayaa qolo i agfadhiday inta igu soo jeesteen waxay igu dheheen: “Miyaadan aqoon? Waa nacaskii reerka oo waqtigu uga lumay dan aan tiisa ahayn, oo wuxuu la qafiiday: Gargaarid dad kale!” marka baan ku iri: “Oo idinku ninka caynkaa ah, ma doqon baad u taqaanniin?” hadalkii kalama sugane, mar qura ayey la soo wada boodeen: “Haa, haddaa ma dan aan taada ahayd ayaa lagu mashquulaa!”.
Anoo la yaabban nimanka jawaabtoodii, ayaan halkii ka istaagay, qasadkaygii markaan gutay ka dib. Markaan dibadda u baxay, ayaan tallaabada boobsiiyey, anoo is leh mar ka gaar ninka nacaska lagu sheegay, mise ma lahan raad iyo hoos midna. Anoo meel dheer ma gaari karo isku qancinaya ayaan rucle orod ku daray socodkii, ma se arag.
Anoo quustay ayaa waxa iga hor yimid widaay aan is bar (arag) naqaan, haddana, aannaan xiriir iyo lahayn xog-is-dhaafsi. Nin baadi ka maqan tahay ayaan ahaye, waan joojiyey mudanihii, oon wediiyey inuu arkay Oday caynkaa ah. Wuxuu ii sheegay inuu deggan yahay meel aan sidaa u sii dhaarayn. Waxaan ka codsaday inuu ii tilmaamo, balse, inuu i geynayo ayuuba ii sheegay, haddii aan haddadanba u socdo. Madaxa ayaan u luxay, sidii ilma yar oo wax uusan filayn la siiyey oo kale, sidiina igula laabtay widaaygii, oo isu raacnay.
Qaddar daqiiqado ah ka dib, ayaa waxaa nagu soo muuqday guri aafafka hore dhan uu doog ka baxayo oo wada cagaaran, markaa buu igu yiri: “gurigan ayuu deggan yahay”. Intii aanan macsalaamayn ba waxaa soo baxay odaygii, oo inta albaabka isgaatay dhankeenna soo eegay. Markan xaggiisa u dhaqaaqay ayuu isna dhankayga soo aaday, oo iiga horyimid iridka hore ee guriga.
Salaan iyo soo dhawayn ka dib ayuu igu yiri: “Maxaa darnaa, oo aad iigu timid?” hoos iyo kor inta eegay anoon garanayn wax aan u sheego, ayuu yiri: “Saw haddaayato iskuma annaan arag dunaanka?” markaa baan “Haa” la soo booday. Wuxuu ii tilmaamay inaan Jardiinka guriga fariisanno, markii aan saldhigannay ayuu sheeko dheer ii galay, oo iiga warramay sooyaalkiisa iyo sida hadda uu yahay.
Aniga waxaa igu taagnayd inaan ka sargaaro eraygii ahaa waa “waa nacas, dadkuu u adeegaa!” oo waxaan si toos u weydiiyey: “Waa maxay sababta dadka magaalada kula dagani ay nacas kuugu tilmaamaan?” inta muusooday ayuu yiri: “Kuwan, kuwan, waa kuwa wareersan oon warkoodu qabasho lahayn!” “Haa, balse, oo sidee ah?” baan ku celshay. Wuxuu igu yiri: “Ma inaan is ammaano ama is liido ayaad mid iga doonaysaa, warcelinta weydiintu labadaa ma dhaafsanee!” markaa baan inta dhoollacaddeeyey ku iri: “Maya, maya, ha ka yaabin taa! Labadaaba kuuguma iman, ee waxaan is lahaa armay si kale wax u jiraan!”
Cabbaar buu iga aamusay, markaa buu yiri: “Adigu magaalkan ma daganide xaggeed horta naga soo booqatay?” markaa baan ku iri: “Sidaa idiin kagama fogi, ee socodkayga ayaa iska gaaban”. Markaa buu is furfuray oo iiga sheekeeyey dadkan maanta ku sheegaya nacaska inuu dhammaan halkan uu ku soo wada dhaweeyey iyagoo bay hoof ah oo aan gambo iyo beesteen wadan (fara maran), maantana ay sidan u dhaqmayaan. Wuxuu igu yiri: “Waxa la igu colaadinayaa ama la igu riixayaa, waa maxaad danta guud ugu taagan tahay, ee aadan ugu ekaanayn dantaada kaliya! Haddaad isku daydo inaad fahamsiiso in dantaadu (gaarkaa) danta dadka ka mid tahay waa kugu qaylinayaan ee ku dhagaysan mayaan, marka anigu intii aan danayste noqon lahaa ama ay igu tilmaami lahaayeen, waxaan ka jeclahay oo aan ka doorbidayaa inay had walba NACASKAA iigu yeeraan!”.
Wuxuu ahaa nin aad isugu kalsoon, hadal miisaan leh oo aadan marnaba eray jaban ka maqlayn. Markii aan is macsalaamaynnay ayuu igu yiri: “DANAYSTENIMADU NACASNIMADA KA DARAN!” oo malaha uu ula jeedeyey dardaaran iyo digniin isku lammaanan. Waa maroo uu leeyahay intaad danayste noqon lahayd nacas iska noqo kuu dhaantee, see nabsi gali mayside. Waa marka labaade, oo uu leeyahay, waligaa iska jir inaad dantaada ka hormariso danta guud! Inta aanan soo gaarin gurigayga oo dhan ayaa waxaa maankayga ka dhexguuxayey weydiintan ah: “Daneyste mise Daacad” keebaa lagu tilmaami karaa mudahan oo kale?! Bal adba isku day inaad ka warceliso weydiinta, adoo eegaya bulshadeenna, dadkeenna iy umaddeenna maanta sida ay tahay.
Bashiir M. Xersi