Beljamka: Q-3AAD
Goob lagu iibiyo wargeysyada Belgium ayaa ku xigtay oo iyaduna soo saartay: “Nieuwe Tijdingen” qarnigii 16-aad, gugiisii 16-aad.
Faransiiska
Dalka Faransiisa wargesykii ugu horreeyay waxaa lagu magacaabi jiray: (the Gazette de France) waxaana la soo saaray: qarnigii 16-aad, gugiisii 32-aad.
Denmaah (Denmark)
Dalka Denmaag ayaa markii ugu horreysay isaguna lagu arkay wargeys lagu magacaabi jiray: (Danish news media) qarnigii 15-aad, gugiisii 40-aad, markaas oo la arkay warqado gacanta lagu qoray oo ay ku qoran yihiin warar iyo warbixinno.
Ingiriiska
Wargeysyada dalka Ingiriiskuna waxay billaawdeen; qarnigii 17-aad. Wargeyskii ugu horreeyay Ingiriiska waxaa la daabacay: qarnigii 16-aad, gugiisii 41-aad. Hase yeeshee ereyga (word newspaper) lama diiwaangelin ilaa 1670-kii. Wargeyskii maalin laha ahaa ee ugu horreeyana wuxuu ka soo baxay dalkaas Ingiriiska 1690-kii. Dalka Ingiriiska waxaa iyaguna markii ugu horreysay soo baxay: (Sunday newspaper iyo Sunday Monitor) oo la daabacay sannadkii 1780-kii. Sidaas ayeyna sannadba sannadka ka dambeeyaa u soo korayeen wargeysyada Ingiriisku. Intii u dhexeysay 1640 iyo xilligii Ingiriiska boqortooyadiisii dib isugu soo celinaysay waxaa laga soo saaray dalka Ingiriiska in ku dhow: 30,000 oo warqad-wareed iyo wargeysyo ayaa la daabacay, qaarkoodna maanta waxaa laga heli karaa matxafka Ingiriiska. Hase ahaatee wargeys sax ah waxaa dalka Ingiriiska laga soo saaray: 1666-kii, kaas oo la dhihi jiray: (London Gazette), wuxuuna ahaa; wargeyska rasmiga ah oo la dhihi karay waa wargeys. Intaas dabadeedna maalinba wargeys hor leh ayaa daaha laga rogayey ilaa ay markii dambo gaareen inay xarkaha goostaan wargeysyadii boqortooda midowday.
Maraykanka:
Wargeyskii ugu horreeyay ee dalka Mareykanku, wuxuu kasoo baxay: Boston 1690-kii, isagoo aan wax oggolaansho ah haysanin, taasoo keentay in dhammaan qorayaashiisii la xirxiro oo jeelka la wada dhigo, waxaana la baabi’yey dhammaan nuqulladiisii. Waxay noqotay; in layska illaawo arrimihii wargeyskaas ilaa sannaddii 1845-tii oo la ogaaday in makatabadda (Library British) laga helay wax raadad ah ee uu lahaa wargeyskii Boston ee la xiray uu ku badbaaday. Warqad-wareedkii ugu horreyay ee Boston ee guuleysata wuxuu soo baxay: 1704-kii, kaas oo uu billaabay nin la dhihi jiray: John Campbell oo madax ka ahaa; xafiis boosto. Warqad-wareeddaani waxay ahayd: mid ay dhaqaalo ahaan ay taageerto xukuumaddii isticmaarka, hase ahaatee muddo ka dib, waxaa tijaabadaas ku yimid fashil, iyadoo dadka ay gaareysay ay aad u yaraayeen aadna u koobnaayeen.
Waxaa kaloo la sheegay; iney laba kale oo warqadahaas ah ay ka soo muuqdeen Philadelphia iyo New York sannadkii 1720-kii, ka dibna, si’ aan kala go’ laheyn ay usoo badanayeen, iyaga oo si tartiib tartiib ah u sii abuurmayey.
Xilliyadii dagaalladii isbeddeldoonka ilaa labaatameeyo warqad-wareed baa ka soo baxayay dhammaan meelihii la gumeysanayay, walow ay magaalooyinka Massachusetts, New York iyo Pennsylvania ay ahaayeen bar-dhexaadka daabacaadda dalka Mareykanka oo dhan muddo sanooyin ah.
Qoraallada warqad-wareedayda gumeysigu waxay inta badan ahaayeen kuwa ka soo horjeeda kuwa wada dacaayadaha kacaanka, waxayna ahaayeen xoogag muhiim ah oo saameyn ku yeeshay ra’yiga dadweynaha iyo in wada hadal lala galo gumeysiga Ingiriiska iyo dib u heshiisiin, ka dibna, la qaato xornimo buuxda.
Markii uu dagaalkii dhammaaday dabayaaqada qarnigii: 1783, wargaysyadii waxay gaareen; 43 wargays. Daabacaaddu waxay ciyaartay kaallin muhiim ah marka laga hadlayo arrimaha muhiimka u ah qaranka cusub ee Mareykanka. Waxaana billowday wargaysyo dhowr ah oo ka hadlaya dhammaan dhinacyada ra’yiga siyaasadda.
La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.
W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Dusoos”
NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com