Dhaqan guur iyo dhalaal dummar| W/Q: Cabdimajiid Cali Cabdi (Abwaan Jabane)
Sheekadii Geydho iyo Guhaad. Guhaad waa wiil lixaad iyo itaal Eebbe u ebyay oo soo baxay loogana hamuun beelay dhowr kadin oo geel ah oo ay reerku bar ka lahaayeen. Gayiga iyo degaanku waa miyi waana reer guuraa, hadba meeshii hillaac ka bidhaamo ayaa loo hayaamaa. Guhaad waa wiil cag-dabacsan, sahmiye ah tafna ku ah noolasha miyiga. Geyiga uu ku nool yahayna waa laga waay wiil la dabadhigo.
Geydho waa gabadh gaari haween ah oo gayaankeeda ka libin keentay, hablo iskuma jiraane waxa ay aheyd tii ugu sidatay dumar hooyo dihatay oo dhaliil iyo dhimaalba Eebbe ayaa ka dhowray. Waxay aheyd; gabadh uu Eebbeheey isugu daray bilicsami, hannaan ku marriiman iyo qurux asal ah oo heybad ku maamuusan. Waa gashaanti si fiican u garaadsatay oo guudka u fidhan yahay. Waxay usha u jaratay xeyn ari ah oo reerka u foofta. Foorida Geydho haadka ayaa geedaha ka duda. Luqunta, baraaraha iyo xubnaheeda geri aad moodeyso waa guud haldhaaley garasho waayeel leh qof walba oo milicsadona farxad la muusoonaayo la na ashqaraarayo.
Barbaar walba oo gayaankeeda ah waxa uu is yiri tani idiga ayey ku geysaa aqalka ha kuu joogto owlaad jaceylna ha kuu dhasho. Waa tii Soomaalidu horay ugu maah-maahday: “dhabeel iyo naag dhaliil lihi dhab looma wada dhowrto”. Gabannadi oo dhami xodxodasho xeeladeysan ayaa loo xaynduubtay. Cagatan calaf doon ah ayaa golaha ay joogto ka socdo. Waa xilli kala guur ah oo hoghoga ah, waa kal Alle iyo kal roobaad, geedaha quracda ahi magool ayey guudka saareen, wayna wada dhalaaleen, geesleyna warkeeda daaye geelii ayaa harraad tagaan. Dhaandabagalku ama unreys aroorku meel shishe ayuu ka bidhaamayaa. Gurgurshaaga iyo kii gar-qabanaayay way wada gaabiyeen, golowguna geedaha ayuu ka hadaaqayaa, qorraxduna waa kuleyl oo dhulka noh ayaa ka soo gufaaceyso. Reeruhu waa aroor ka dheer iyo qatin.
Sida aan horay idiin kugu sheegay Guhaad waa wiil baxdooy ah, waa nin karmeed nolosha miyiga aad u fahmay. Waa wiil loo bogay oo reerku ku diirsaday diracnimadiisa. Waa xilli hiraab ah, geelii ayuu ka yimid, Guhaad asiga oo la soo dardaarmay wadaaygiis Gallad oo ay geelleey isla ahaayeen. “Cidda ayaan u dhaaminayaa oo waa oonleey ee waa adiga iyo geela berri garabkaada Alle ha galo Galladow. Dardaarankii Guhaad ayaa sidaas ahaa.
Aroor hore ayuu ka toosay ratigii qaloocow oo ay reerku ku dhaansadaan ayuu ku boobay filqo, kabad iyo heeryihii lugu dhaamin jiray, ceynkii ayuu u dhameeyay intuu ku dhuujiyay ayuu kaldhaamahana ku adkeeyay. Maryan oo aheyd Guhaad walaashiis ayaa lasoo gaartay haaman arjeeg ka sameeysan oo ay xalay si wacan u cugtay. Laba horaad iyo laba haan danbeed ayuu ku tuuray oo ku hoggaamay, dhabbaha ayuuna cagta saaray. Wuxuu sii guureeyo oo god iyo gal-galin ka sii hoobto, dooxa iyo buur ka sii dhaadhaca, qalloocowna hoggaankiisa sii haayo, waqti gadiid ah ayuu soo gaaray gorfihii biyeeysnaa. Ratiga ayuu furay oo haamankii dhulka tubay si uu u nasto, intuu wadaan biyo ah soo daray ayuu ratigii oo darka dushiisa faruur heeminaayo u buuxiyey darkii, ratigii qalloocow dabnihiisa dafsiiyey oo duraantay biyihi. Ratigii si hamuun leh ayuu darkii afka ula helay. Guhaad wuu heesay asoo hadbo dhinac eegaayo, ratigana biyaha u maceeynaya ayuu ku heesay:
Dheelmadki xalay
Dhulkan jaray iyo
Dhaxanteedii
Socodkan dhigay
Daal u dheeryahay
Dhibta iyo howl
Aan ka dhiidhiyo
Dhibta iyo howl
Kama dhuuntee
Waan dhexdaada
Dhaan ka fulisiyo
Dhiirrin ku ahoow.
Guhaad kolkii uu ratiga shubay waxa uu billaabay in uu haamankii biyeeyo, markii uu haamanki biyeeyay ee uu higaagga u dhuujiyay, wuxuu gudagalay in uu ratiga ku hubsado. Geydho oo waddo tiro xeyn arri ah ayaa ku sugan goobta biyaha. Waxayna kala horeeysaa arigii ay wadday. Orgi ka mid ah arigii Geydho ay wadday ayaa u dhoodaalay xeyn ari ah oo kob gees ah lagu horaayay. Orgagii ayey dhagta soo qabatay lana soo agmartay Guhaad oo haamankii ratiga saaraayo. Wuu eegay, eegma labaad ayuu haddana u celiyay wuuna ku dheeygagay asoo ku hadaaqaaya ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mase waa dhaayaheyga?. Runtii quruxda Geydho ee aad mooddo Daa’uus ama qorrax soo baxeyso ayaa laabtiisa qarisay. “Gabadhu maxay aheyd? Tolow xaggee ayaan ka helaa heybteeda? Intuu dhahay ayuu ratigii howsha kusii watay. Ishana wuxuu la sii raacaayay Geydho oo hadba dhinac ka mareeyso hormada ariga ah.
Quruxda Geydho ma aheyn mid la dhayalsan karo, waxayna aheyd; gabadh gilgishay quluubta ragga oo idil. Waxay aheyd; gabar dheer oo midabkeedu yahay maarriin sida masciideedka, san dhuuban, afka dhuxul ah, dhaxdana madag, dhaayaha indha iyo dhabannada shuban. Hadalkeeduna wuxuu ahaa mid ay u beyr-raqeen raggii usoo xodxodasho tagay. Geydho qudheeda ma liidaneyn oo isha ayey ku heysay wiilka miiggan ee ratiga u heesaayo, codkiisana dhugma ayey u laheyd, dhawaaqiisana way dhageysaneysay intii uu hormada joogay. Geydho qudheedana rabitaan jaceyl ayaa galay. Guhaad asiga oo gargariiraaya luguhuna ay xajin la’yihiin oo la ashqaraarsan quruxda Geydho ayuu aroorsinkii cagta saaray, waxaana maskaxdiisa ka dhex guuxaayay warmaha jaceyl ee sidii utuntii wadnihiisa lugu ligay. Inta uu jidka ku sii jiray waxa uu is weydiinayay weydiimo dhowr ah asiga ayaana iskaga warcelinayay. Guhaad laabtiisu way qalantay oo waxaa qaadatay suuraddii iyo sawaaddii Geydho. Guhaad golihii biyaha ayuu ka tegay, dhabbahana ayuuna cagta saaray. Maankiisa wuxuu gelin la’yahay quruxda Geydho.
Dhaanki wuxuu sii carraabiyaba goor galabgaab ay tahay ayuu ku furay golahii reeruhu degganaayeen, is nabdaadin ka dib, su’aalo ayuu weydiyay gabadhii ariga raaci jirtay, neef miyaa kaa maqan, Arigase ma tirisay oo xerada ma ku soo ogaatay? ayuu si darandoorti ah isu dabadhigay. Gabadhi ayaa tiri: “xooluhu way ii dhanyihiin oo neefna igama maqna waana tiriyay, xeradana waan ku hubsaday. Cid uma sheegin Guhaad wixii uu maanta soo arkayna gooni ayey u tahay oo ruuxna lama wadaagin. Markii qorraxdu godkeeda gashay, kfkuna soo dudumay ayuu Guhaad geeliisii aaday si uu ula-tuuro, ulana maalo saaxibkiis Gallad oo maalintaas geela jiray. Inta uu sii socday ayuu kaligii sheekeystay, isla markaana tala gorfeeyay, dabadeedna go’aan hoosta ka xarriiqay. Wuxuunna niyadda ku guntaday inuu helay gashaantidii uu dumarka ka naawilayay. Waxa uu talo ku goostay inuu marka xigs ee uu soo dhaaminayo uu Geydho xodxodasho ugu kuur galo si uu o ogaado dhammaan hoodeeda reerahu halka ay daggan yihiin, in ay doonan tahay iyo in ay dun furan tahay. Waxa uu sii caloolyoobo moowjado caashaq ah sii dhax-maquurto, faraha firdhiyo sidii nin waalan marna dhalanteed iska dhaadhiciyo oo dhoolaha ka qoslo ayuu aakhirkii naftiisa ku qanciyay in uu Geydho helaayo oo aanay rag kale oori u noqoneyn, sallina u dhigi doonin. Wuxuu soo gaaray Gallad oo kob rabaal babaciisa ah geelii ku meeyracaayo, hal walbana geedaha tigaadda gorodda la gashay oo gooni ugu naaxday. Guhaad hadba dhinac ayuu geela kala wareegay wuxuuna u bogay sida quruxda leh ee geelu u daaqayo ee deymada u roon naftana riyaaq gelineeysa. Guhaad ayaa geelii soo dhex galay Gallad ayey is bariidiyeen wareeysi dheer oo ay ku lafagureen nolosha miyiga, golaha biyaha, jabadka reerku uu deggan yahay. Waxa ay is la garteen, islana garwaaqsadeen in golohu cidda uu ku xun yahay, balse, hadda aysan jirin meel naq ka dhacay oo cidda loo naqraaciyo ilaa doog iyo xareed laga helaayana ay halkooda ku negaadaan.
Go’aankaas tala wadaagga ah ka dib waxay u dhaqaadeen in ay geela maalaan. Bure caano ah oo xoortu ay ka korreyo ayuu lasoo gaaray fiidkii. Golihii geela la tuuri jiray ayey iskugu keeneen isagoo tiro dhameystiran oo tulad kasta la tiriyey la isna tusay muuqeeda. Maalintii xigtay Gallad ayaa reerkiisii u dhaamiyay, Guhaadna geelii ayuu usha u qabtay mar kale. Ciddu waa saddex qatin, dhaankana saddex malmood ayey ku joogaan. Maalintii dambe ayuu ratigii rartay si uu cidda ugu dhaamiyo, afartii haamood ayuuna soo saartay ratigii rareyga ahaa. Waddadana cagta ayuu saaray. Farxad ayuu la gargariirayaa, waxa uu dhararsanaa inta uu biyaha kasoo gaaraayo waxa uu u muhanayaa Geeydho isagoo heesihii salsalka kolba mid luuq doobeed oo dabacsan u saaraaya. Hadba erayo, maahmaahyo iyo kalgaceyl ay xushmadi ku dheehan tahay oo uu Geydho ku beer jilicsado ayuu isku sii toosisanayaa. Wuuna ku celcelinayaa si aysan ugu dhumin. Wuxuu soo garguurtaba meel fog ayuu ka soo bidhaansaday, kobtii biyaha ayuuna nabad ku yimid asiga oo aan ratigii furin ayuu labada dhinac eegay misana dhaayahiisu Geydho way il-doogsan waayeen, eegma labaad ayuu ku celiyay wuxuuna ka dhex raadiyay ari badan oo hormada biyaha joogay, nasiibdarrose xilligaas Geydho gorfahii biyaha meysan joogin oo way ka maqneyd. Wuu dhididay, hooray oo uu dhamaantiis qooyay. Murugo, niyad jab, boholyoow iyo ciil ayaa iskugu yimid. Sidii aar gaajo ku abaaday ee gocashadu heyso ayuu riimay gurxan ayuuna galay sidii galow colaad la qeylinaaya. Ratigii dhankiisa ayuu u saaman qaaday, xargihii uu soo xiray ayuu furi waayay, fikir dheer ayuu galay oo hadba dhinac ayuu u calool wasaaday, haddana wuu is canaantay oo is yiri nin rag ah ayuu Eebbe kaa dhigay ee adkeyso arrin way toosiye. Mar qur ah ayuu afka kala furtay waxana ka so burqaday amaan u shakaalan Geydho kana hadleyso dhibka soo gaaray aramideeda uu la aadaarayo, xiisaha ay xubnihiisu la xadreeynayaan iyo xaaladda baaxaadegga ah ee uu ku sugan yahay waxaana naftiisa kula tiraabay tixdaan hoose ee ah:
Jaceyl baa idhibayoo
Dhacadiidkan igu beeray
Dhuuxiyo lafaha iyo
Halbowlha dhiiga wado
Dhanka bidix wadnaha iyo
Guduhuu u dhaadhacay
Dhibta aan la dhuubtee
Dhakafaarkan igu dilay
Dadkii ugu dhexbaxay
Dhoohane jogin iga dhigay
Dhaxantiyo dabeylaha
Kama dhuumanaayoo
Dharaaraha aroortii
Dhulka oo cidlaayoon
Qof dhaqaaqayaa jirin
Dhawaaqa shimbirahaya
Golowgaan dhageeystaa
Cidladaan ka dhowrtaa
Dhig leyga beeriyo
Wehel baan ka dhigtaa
Dhabti ruuxi aan rabay
Dhaayaheygu dooneen
Dhibna aan u soo maray
Dhabtii adiga weeyaan
Dharaartaan ku milicsaday
Dhowrsaneey Gobadeey
Dayax dhaasha sare iyo
Dhalaalkiisa loo bogay
Dhulkana soo iftiimiyay
Qorax sii dhaceeysaay
Guul aan dhowranaa iyo
Dheellimaadka caashaqa
Hadba dhinac u weecino
Dhambaallada jaceeylkaa
Aynu sii dhameeynoo
Dhag dhag aan ku dhaashanno.
Asigoo ciil la cagajiidaaya sidii qof magnad heystana u jareeynaayo ayuu ratigii furay haamankiina biyeeyay. Kolba dhinac ayuu eegaa, ari kasta oo hormada soo tiigsado wuxuu moodaa in ay Geydho waddo. Foori kasta oo dhagahiisa soo gaartana wuu u toog hayaa bal in ay noqoto tii naftiisu sugeysay. Sidii uu u madluunsanaa ayuu ratigii rartay haamankiina saaray. Il qooraansi ayuuna kusii eegtamay, isagoo haloonsinki cagta saaray, wuuna ka jiitay asigoo gabi ahaanba murugo beddashay muuqiisa. Markii uu cabbaar sii socday, ayaa waxa ka horyimid ari badan oo harraadsan, Geydho oo foori wacanna ay afka dhigatay, buraashadna garabka ku sidato ayuu mar qura indhaha ku dhuftay, dhaayahana la raacay, isagoo ku dheygagay, dhawaaqna tahli waayay farxad ka tanbadisay awgeed, markii uu arkay tii uu ifka kaga tolnaa. Tolow muxuu Guhaad sameyn doonaa?
Waxaa yaab! Amakaag iyo anfariir! La noqotay sidii uu Geydho ula hadli lahaa oo afkii ayaa juuqda gabay. Sidii qof xarad haayana kolba dhinac ayuu eegay, goor barqo ah ayey ahayd, qorraxdii ayaana u muuqan weysay, caguhuna ciidda qay u qaban waayeen, wuuna gargariiray caashaq si fiican u culay oogadiisa awgeed. Halkaa markuu xaal marayo, Guhaad ayaa is canaantay, naftiisana ciriqyeeyay. Wuxuu cod hoose isku yiri: “war nin rag ah ayuu Alle kaa dhigaye calool adeeg isbid ma iyadaa ku cuneyso haddii aad la warranto? Asigoo cagajiidaaya sidii qof aar qabsaday oo kale ogeyna meel laga jiro ayaa waxaa ka soo fuqay hadal utun ku ahaay oo sidii gamuun oofaha kaga taagnaa, wuxuuna ku yiri: “ma nabad baa?
Inta ay socodkii iyo fooridii hakisay ayey ku tiri: “waa nabad balaayo lama qabo oo waa beyda.”
Cabsidii uu qabay Guhaad ayaa sidii culeys laga dajiyey oo kale cagahiisa dhaaftay. Is nabdaadin iyo is wareysi ka dib inta uu usoo dhawaaday ayuu ku yiri: “Intee ayaad ariga ka soo aroorisay?” Geydho oo aheyd; gabar gaari ah oo baxdooy ah ayaa durba garatay dulucda iyo dabuubta Guhaad, garwaaqsatayna in uu yahay inan xodxodasho doon ah, waxayna ku tiri: burka gellinsaar boggiisa ayaan kaso arooriyay.
Waa yaabe meesha ay sheegtay waa masaafo iyo carro adag gadaasheeda aad ayeyna u kala fog yihiin haseyeeshee waa meesha ay Soomaalidu tiraahdo: Nin dan lihi ma daalo. Guhaad wuxa uu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu u hanan laha gabadhan qalbigisa qaadatay qarowgana ku heyso. Geydho iyo Guhaad oo haasaawe isla helay iskuna fahmay, isla markaana ku ballamay in uu habeen dambe usoo xodxodosho tego halka ay reerahu yaallaan. Taleefan iyo taar midna ma jiro, balse, nin tuur leh tabuu u jiifto ma waayo ee Guhaad waa ka go’an tahay in uu gaaro goobtii ay Geydho ku nooleyd waana go’aankiisa ugu dambeeya. Sidaas ayaana lugu kala tegay maalinti koobaad asigoo tixdan caashaqa ah ku sii sagootiyey:
Caashaqu naceyb maaha
Ciil iyo culeys maaha
Caraf iyo udgoon weeye
Calaf iyo macaashkiisa
Cirka hirarka muuqdiyo
Tii aan ku ciil baxo
Ceysh wadaagno ii noqo.
Inta ay deymo xishood leh ku eegtay dubaaqiisa ayey si duur xalan ah tix sarbeeb ah ugu aaftay;
Hadii calafku dooryahay
Dooqana isaga mid nahay
Labo dareenkoodu wada jira
Daarbaan wada dageynaa
Damiirkaadaa kaashoo
Dadaalkaada soo badi.
Guhaad oo farxad la muusoonaayo ayaa sidaa reerahiisa talaabo dabacsan ku tiigsaday. Guhaad wuxuu amminta dhowraba, waxaa la gaaray xilligii ballanta. Dhulku iskuma dhowa ee xilli hore ayuu toobiyaha soo qaaday, wuxuu soo guureeyaba xilli fiid ah ayuu so gaaray kobtii ay tilmaanta Geydho ku qumaneyd. Wuxuu soo galay kaadka cidda, wuxuuna si wacan u maqlayaa jabaq kasto oo cidda kasoo yeerto. Waxaa laabtiisa kusoo dhacaayo codka Geydho oo kolba hees howleed godlin ah riyaha ku maaleysa. Wuxuu is gaabiyaba markii ay ciddu kala xarootay ayey isku kaliyeeysteen isaga iyo Geydho oo mar hore ilqoodheedka is kala socday, sheeko ay u beyr-raqday ayuu bogga iyo beerka ugu qaboojiyey iyana ileyn basteed bay aheyde way ku bogsatay. Waxay habeenno badan haasaawaha iyo haludhaalaha laga hamuun tirto, waa leys afgartay in leeysku xisha oo leysku dun xidho, noolashana la mantaaneeyo. Geydho ayaa tiri: “reeraha iga soo doono oo waddadii gabar loo mari jiray soo mar wuxuyna yiri: “waa hagaag waa howraarsan iyo gudoon waana gar iyo xaajo Soomaaliyeed oo guur lagu yaqiinnay.
Oday Waasuge waa Guhaad aabbihiis. Waa oday dhaqameed caan ah oo loo geeyo garta la bixin waayo. Waa guurti gar caddaa ah, cidna kama daba hadasho gadaashiisa gar uu gooyayna lama furo. Wuxuuna usoo kaba gashtay in uu u doono kana odayeeyo wiilkiisa Guhaad, una yagleelo guri negi, leesuna aaqibeeyo Geydho iyo Guhaad. Oday Waasuge ayaa u yimid Geydho aabbaheed oday Xaayow wuxuuna uga sheekeeyay xaajada uu u socdo iyo dhaqanka suubban ee soo jireenka ah. Waxay isla gorfeeyeen talada. Geydho aabbahed ayaa ku yiri: guurtidii labada dhinac waan ku siinnay gabadha, balse, ciddu way xoog xun tahay ee markii uu geed hoosaabo ayaan kuu aqal geynayaa. Oday Waasuge ayaa yiri: waa hoowraarsan iyo guddoon. Warsan koobis iyo waddeeca Alle ayey ku kala tageen.
Gayigu waa barwaaqo geeduhuna way doogaabeen waa xilligii guri-geynta Geydho. Waa oday Waasuge oo xoolo ka xeynaayo oo ay ku jiraan ramad dhalay oo reys doog ah, doonayana in Geydho iyo Guhaad leysku aaqibeeyo. Oday Waasuge waa xilkas dhaqan aqoon ah mana rabo in hoos loo fiiriyo Geydho oo qeyrkeed ka qiimo yaraato in qab jabiso mooyee. Wuxuuna la laafyoonayaa geel, qori iyo fardo.
Waxa la joogaa, waa habeenkii arooska ee labada dhinac u hilbo qasheen is qaabbilaadda, is qaddarinta iyo qoys yagleelidda. Dhulku isuma dhawo masaafo fogna wey u dhaxeeysaa. Geydho hooyadeed Arli oo aad ugu faraxsan arooska gabadheeda ayaa haanshaalisay si fiicanna u agaasintay arooska. Iskuguna wacday gabdho laashimiin ah oo heeloowga iyo maansada si hufan u kala hagi kara, dambiishana u qaado oo alagas, alalaaska iyo siroowga si fiican uga ciiltiro. Subax talaado ah ayaa galbiska Geydho laga soo anba qaaday gayigii iyo gurigii ay ku kortay. Or, alagas, alalaas iyo risaas ayaa cirka isku shareeray. Haadka ayaa geedaha ka duday. Dhul cag dabeec carro-san ah ayaa cagta loo soo saaray caruuska iyo caruusadda oo salligii nabiga iyo suuradaha qur’aanka lugu dul akhriyey. Galbataye guryosamo allow geey. Dardaarankii hooyadeed ayaa sidaas ahaa, waxayna u daba dhigtay tix duco ah:
Ducaan ku hibeey hooyo
Allah ku darajeeyo hooyo
Daartaada nuur hooyo
Dardaaran baan ku siin hooyo
Dhaqaalee dadkaadoo
Dulqaadkaada badi hooyo
Duunyadiyo xoolaha
U daryeel sideedaba
Oo daacad noqo hooyo.
Waa guri galeen Geydho iyo Guhaad sideed carruur ah ayeyna isku dhaleen. Waana isku ag gaboobeen welina waxa ay isku jecel yihiin sidii shan iyo toban jirro hadda uun sheedda iska bartay.
W/Q: Cabdimajiid Cali Cabdi (Abwaan Jabane)