Doolaal| W/Q: Seynab Xaaji “Ugbaad”

Doolaal| W/Q: Seynab Xaaji “Ugbaad”

Isagoo ciidda lug iyo gacan is dhaaf ah kula jira, sidaasna ku fekeraya ayuu dushiisa ka arkay nin sii dhinac fadhiisanaya. Maankiisa kacsan uma oggolaan in uu ninka ka durko ama la hadlo. In uu yahay doolaal aan xaafadda lagu arki jirin wuu arkaa umasa jeedo. Ninkii wuu soo jilbajabsaday. Markii dambana lugtiisa ayuu ku fadhiistay. Ciiddii uu gabanku addimada kula jiray ayuu la qasay. Yarku, wuxuu ku fekersanaa, kooxdiisii oo maanta soo dayrisay. Maalmaahanba kooxda wuu ka harayay. Sababtoo ah, saaxiibkiis Asad oo xaafaddooda ka guuray.

Ma fiican tahay adeer? Ayuu yiri; isagoo garabka ka soo ridaya boorsadii uu sitay. Isagoon soo eegin ayuu yiri: Khaliif wuxuu is moodaa in uu aniga iga adag yahay, hadduu Asad baxay!. Intuu muusooday ayuu madaxii hore u soo dhigay, si uu gabankan qiiraysan ula sinmo. Aniga waxay ila tahay, sidii Nasriin baad u malaysaa, in aanan kaligay wax iska celin karin.

Nasriin been? Haa, waa beenleey, soo ma ogid? Hahaa!
“Ma kuu sheegaa sababta ay Khaliif ugu hiilliso? Ma Khaliif bay u hiillisaa? Mar kasta ayey ammaantaa!. Nasriin waxay sheegaysaa, been. Wallaahi waa beenteed.

Khaliif iyo Nasriin waa walaalo, saw ma aha? Doqontaas miyuu Khaliif walaal ka dhiganayaa! In uu qosol la dhaco ayuu ku sigtay doolaalkii. Doqonnimada iyo carruurnimada cunugga ayuu la ashqaraaray. Si uu wajigiisa qosolsan uga qariyo wiilka yar, ayuu boorsadiisii ku foorarsaday. Isagoo ciid ka jafaya ayuu ka dhex taabtay, shay culus. Wajigiisii baa isku soo ururay. Sidii in uu meel ka daahay ayuu saacaddiisii eegmo ku xaday. Wuu ka daahsan yahay, sida caadiga ah. Waa in waqtigiisii barqabtaa, intay goor goor tahay.

Gabanku, in uusan ninkan dadka xaafadda u ekayn wuu dareensan yahay mase ku baraarugsana. Boorsada uu jeeniqaaran yahay, buudka uu xiran yahay iyo marada luqunta ugu duuban wuu la dhacay lamase yaabin!. Ma ogtahay in aad adigu geesi tahay? Ayuu ku xakameeyay eegmadii cunigga ee ku soo maqnayd.

Waan ogahay, wuu is qabtay. “Adi ma ogtahay, in aan anigu geesi ahay? Ayuu u celiyay. Waxaa tahay geesi!” Farxad iyo naxdin badan baa ku soo kulmay gabankii. In uu Khaliif meesha ka dhowaado ayuu jeclaystay. Madaxiisa ayey sidii waniintii uga jabaqday, geesi baa tahay. Wuu ku fekeray oo mala-awaalay geesinnimadiisa.

Isagoo muraaqaysan ayuu si riyo leh u waydiiyay; balse, sidee baad ku ogaatay adigu, in aan anigu geesi ahay? Waayo, adigu, qofna kama baqaysid. Taasi si fiican uguma cuntamin. Yuu ka baqaa oo hadda agjooga! Waa maya! Balse, Nasriin, mar kasta, waxay tiraahdaa geesi ma tihid. Khaliif miyaa sidaas dheh ku yiri?

Hooyo Xabiibo xataa waxay tiraahdaa; ha la hadlin qof aadan garanayn! Ninkiiyoo dareen soo gelay baa yiri: Miyaad iga baqaysaa? Iyagaa sidaas u maleeya; Nasriin iyo aniga ma aha. Ha iga cabsoon. Wallaahi adeer, kaama baqayo. Haddaad i raacdo, maxay kugu dhihi doonaan? Ayuu yiri: isagoo sii istaagaya. Khaliif baa mise Nasriin?

Isagoon la hadlin ayuu ciiddii uu qasay labadiisa kabood la dhexmaray. Waxaan tusayaa in aan Asad la’aantiis ku raaci karo ayuu kaga daba joogsaday. Markuu boorkii surwaalkiisa ka jafay ayuu gabankii xusuus gelay. Ma baqaysaa?! Maya! Balse, Khaliif. Isagoo guryahoodii xaggooda eegaya ayuu dareemay in baahi iyo daal. Kaalay, Khaliif u sheeg in aan geesi ah. Doolaalkii oo caro iyo qahar isugu darsan yihiin, ayaa damcay, in uu gabanka fulaynimada iyo faanku beddeleen, in sasabo kale ku dayo. Ma rabtaa in aan magaalada ku geeyo? Wuu istaagay, sidii wax u riyaaqay warkaas. Haddana, si buu isku gelay. Asad oo aan col ka ahay ayaa jooga!. ayuu kala dhaqaaqay ninkii xaggiisa.

W/Q: Seynab Xaaji “Ugbaad”

SHEEKOOYIN