Faallaynta dhiganaha “Kula-lihi”
W.Q. Abka xaaji Qalinweyne
Inta aan buugga guda galin, nacfiga maggaga badan ee gudihiisa ka buuxa, marka hore waxa aan jecleystay in erayga KULA-LIHI aan is dul taagto sababta oo ah waa bar biloowga nuxurka buugga uu xambaarsan yahay, haddii aadan fahmin wax ka danbeeyana ma fahmi kareysid waa uun ku dhex dawaqi doontaa, inta xaax inta xuux inta xaarin biyaa , inta xab iyo calool. Waad xujowday adya koboweyne, Ood ,maya Caad, maya mugddi idinkala qari doono, markaas ayaad is arki doontaa adigoo leh INTEEN MARAA? Meel Alle in aan kugu kaalmeyno kaama baqiili doono taas ka werwer la’aaw.
Haddaba Buugga habka uu u qoran yahay waa hab ka duwan hababka aan uga baranay qoraayada/qora, Qoraalada Soomaaliyeed sida ay wax u qoraan.
Sida Erayga KULA-LIHI oo uu durba kuu iftiiminayo wax lagula leeyahay, su’aashu waxa ay tahay, yaa kula leh? Ma kuwa joogaa, ma kuwa imaan doonaa mise kuwo horuu tegay oo aakhiro aaday?
Sida magaca uu sito buugga KULA-LIHI ka muuqato, waa buug la wada leeyahay ee yaan beegga lagaa badsan.
Buugga KULA-LIHI waxa uu si guud iyo si gaar ah diiradda u saarayaa si xikmadeysan, wacyi gelinta bulshada, waano , wacaal iyo wax is weyddiin, wa tii lahaa wax is weyddiin ma xumee wax is weydaaris baa daran.
Buug yarahaan waxa uu ku barayaa farqiga u dhaxeeya muranka iyo doodda, adigu ma kala taqaan Muran iyo Dood? Muranka waxa uu ku Ibbo furtaa isla saxnaanshaha labada dhan ee murmaayo (I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis) waxa uu ku dhammaadaa Anmaa Giir kaa mudan, balse Doodda waa ka duwan tahay oo waxa laga wada hadlaa maxaa saxan? Maxaan ka yeelaa? Maxaa nala gudboon? Maxaa, maxaa,… ugu danbeyn isla qaadasho wadar ogol ah baa ka soo baxda.
Dhan kale haddaan ka istaago waxa uu buugga farta ku fiiqayaa in maanka fayoobi waxna diidi karo waxna yeeli karo, lahaanna karo hilaadin, garan karo tegtada inuu wax ka barto, timaadadana u toog haayo,
Sidoo kale waxa uu farta ku godayaa in dadka soomaaliyeed ay is dhigteen meel walba ay dunida ja joogaan, kuna baraarugsaneyn meeshii la soo maray iyo rabta maanta la joogo, iyo in kala duwanaanshaha aragtiyada ay noqotay aalad la isku colaadsho.
Tusaale inta badan waa aragnaa waad aragtiin, waad aragtaa meesha liidnimo laga gaaray, qofka kaa aragti duwan durbaba maanka qunfulan waxaa ku soo dhaca hebel ama heblaayo waa reer hebel awal miyey biyo qaboow ii shubeysay/shubaayay, bax dheh ma guulwade aan warkiisa dhulka ka qaadaa, ii wad sheekada, Guul qof kuu wada maxaad ku maagtay ?
Sidoo kale buugga waxa uu farta ku fiiqayaa in aad shahaddooyin heer sare soo aruursato sannado badan ka dib aad tolkaa laaluush siiso , xil sare laguugu sharfo kama tarjumeyso in aad aqoonyahan tahay kana tarjumeyso in aad nolosga ku guulleystay waayo aqoontu qof ay gasho ay rabtaa, si kale haddaan kugu dhigo aqoonta aad soo baratay haddaan caqli iyo adaab lagu kabin, waxba kama duwana waraaqahaaga, Dameer malab saaran, si kale oo ka sahlan haddaan kuugu dhigo hal booli ah Nirig xalaal ma dhasho, xisaabka Aakhiro kaliya ayaa isku badiday sababtoo ah tuugga caadiga ee guryaha dadoow u dhaca ee agabka ka aruursada, hal reer ayuu dhibaateeyay, jeebsiibahanahal ruux bal qiyaas ninka u soo tafaxeytay inuu ummad dhan xoolaheeda afka u dhigto Tuuggadu kala xisaab badan maalinka danbeeyo.
Isku soo wada duub Dr Hussein Wadaad nagu farayaa buuggiisa KULA-LIHI Fahamka suuban in uu kugu hagi karo dhabbe aad ku gaarto hiigsagaaga, waxa kale uu na barayaa in wax la wada yeelan karo , sideedaba waxaa jirta, wax aadanaha dhan isla ogol yahay waxaas oo ah Midnimada.
Midnimada faa’iidada ay leedahay waa la isla ogol yahay, bal eeg umadaha horuu maray wax walba walba waa isku darsadeen sidaas ayeyba liibaantu ku jirtaa.
Qof walba waa ogyahay qiimaha wadajrka leeyahay macalin Xuseen Cabdulle waxa uu na leeyahay aan ka nimaado waa ognahay ee aan isla ogaano oo isla ogolaano ileen gacmo wadajir ay wax ku gooyaane waa tii la yiri;: HADDEY BIDIXDU MAQAN TAHAY, MIDIGTUNA MICIIN MALE WAA LABO MATAANOO HOWSHA MAAMULAAYEE..
Ugu danbeyn buugyaraha Dr Wadaad waa dhaxal uu ku soo koobay xikmado, murti, maad iyo maaweelo ,ujeedkiisa guud waa garo markii Dan guud la helaa Dan gaar la helaa, caano daatay hanbadaa la qabtaa ee barberkey ka baxdaa waa Bakeyle mareen.
Abka xaaji Qalinweyne