Faallada dhiganaha ‘Dhimaal Dhaqan’ W.Q. Sulieman B. Isse

Faallada dhiganaha ‘Dhimaal Dhaqan’
W.Q. Sulieman B. Isse
08 Luuliyo 2024. Muqdisho, Soomaaliya.
———————————————————-
Tan iyo intii ay burburtay dowladnimadii Soomaaliya sanaddii 1990 bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadkii ku noolaa jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay dareemeen oo dhadhamiyeen qaran jab ba’an oo dhinac walba ka saameeyey. Qaran jabka ama dowlad la’aanta waxaa u dheeraa ugana dhib badnaa burburka bulsho ahaan ku dhacay oo dhinacyo badan ka saameeyey.
Soomaalida waa umad islaam ah oo ab kasoo gaar ah, waxay lahaayeen dhaqan suubban oo waafaqsan diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga ahba. Dhaqammadaas suubban waxaa ugu sad roona; runsheegidda, daacadnimada, dulqaadka, dibindaabyo la’aanta, daljacaylka, xaaraan nacaybka iqk. Laakiin tan iyo markii dowladnimadii ay inaka hagaastay, waxaa muuqata in aynu wayney wax walba oo wanaag ah oo aynu lahayn. Waxaa bulshadeenna gaarey dhaawac-maskexeed (psycho-trauma) mana aysan helin la talin dhaawacaas ah (lack of psycho-trauma counseling).
Maalmahan waxaan akhinayey dhiganaha DHIMAAL DHAQAN, dhiganahaan oo qoraagu uu aad u sarrifaayo kala shaandheyn iyo micno muuqdana u samaynayaa wax uu ku tilmaamay “dhimaal dhaqan” oo ah dhaliilooyin badan oo tilmaamaya sida bulshadu ay u dayacday dhaqankii Soomaaliyeed kii suubbanaa ee soo jireenka ahaa. Dabcan dhimaal dhaqan waa eray soomaaliyeed, booskiisana loo adeegsado erayga carbeed ee nuqsaan. Badi maaanso yahannada ayaa u adeegsada, wax dhimman ama aan buuxin ayuuna ku halbeegan yahay. Buuggu sida qoraaguba sheegay wuxuu dareenfur u yahay inta dhoohan, halka uu baraarujin doono inta damman.
Waxaan kusoo koobayaa afar ka mid ah mawaadiic qoraagu buuggan ku sharraxaayo, oo aan isleeyahay haddii intaan aynu xal u helno waa hubaal inaynu xal degdeg ah u helayno qofnimadeenna, qoyskeenna, qabiilooyinkeenna iyo qarannimadeennaba.
1. SIIN SAWIRIN
Inta badan, marka aad u fiirsato qaab dhismeedka bulshadeenna, dhinacyo kala duwan aad ka joogsato waxaa kuusoo baxaya in sidii loo magaalodegey wax badan ka beddelmeen dhaqan iyo hiddo waxaynu lahayn. Waxyaabaha dhaawucu gaarey waxaa ugu horreeya siintii deeqeed iyo bixinta hanti, qaaraan, kaalo, dago, yabooh iqk badan lahaa, oo dhammaan iskugu tegaya bulsho is taageerta xilliyada dhibtu jidho, si aan qofna uusan gadaal ugu harin kelina u noqon. Dhaqan aad u wanaagsan, oo maanta jiraalkiisu khatar ku sugan yahay, qiil qiilna uu ku jiro.
Waxaa bogaadin mudan in la xuso lana bogaadiyo inta u taagan wax-u-qabashada qayrkood qaab walba oo ay tahay maaddi ama macnawi labadaba, sidoo kale, inta u taagan baridda dadka kale, siiba barbaarinta maxaa yeelay waa labada badbaadada u ah bulshada rogmatay. In la is gargaaro ama la is garab qabto waa udub ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay nolosha aadanaha, qofkii, qoladii ama qarankii dhibaataysan in loo qaaraamana waa wax ku sheegan diimaha iyo dhaqamada dadka, haddana, hababkii lagu yaqiinnay siinta, ee dhaqanka iyo diintu qeexeen maalmahan waa laga leexday.
Arrinta ayaamahan dambe Soomaali sal iyo baar u samaysay waa ‘deeq duuban iyo sadaqo sawiran’. waxaan ula jeedaa wax bixinta dhami waxay kusoo urudhay sawir iyo duubis. Bixintu waa awood aad qofka dheer tahay iyo tabar aad kaga sarrayso. Si kale, waa hanti haysad uusan qof kale haysan ee aad adigu keli ku tahay, marka loo fiiriyo isaga ama iyada. Marka waxaa lama huraan ah, in wax bixinta aysan la socon labo arrin oo nuxurka iyo nahda ka qaadaysa oo kala ah; mannasheegad iyo istus. Waxyaabaha kordhiyey siin sawiran waxaa u horreeya, waxyaabaha ay ka midka yihiin: Ismuujin, istustus, mannasheegad, iyo qabweyni. (B. 23-33).
Dad badan waxay ka taagan tahay;
Saddex laguma dhaamee, saddex yaan lagaa badin;
Siin laguma dhaamee, sawir yaan lagaa badin!
Soosaar laguma dhaamee, safar yaan lagaa badin
Saluug laguma dhaamee , sirta yaan lagaa badin! Qoraagu affareydaan wuxuu curiyey 2017.
2. DANAYSI
Nooluhu kalama maarmo, siiba aadanuhu waa baahi socota iyo dan lugaynaysa, mid ogaal, aqoon ama aqool mid ay tahayba, haddana, waxaa ugu sii saamayn badan, midda maaddiga ah ama maskaxeed, oo tan ay hore dhuuni ku xiran tahay, halka tan damme dhako ama dhimir hagayso ama hagaajinayso.
Soomaalidu waa iyaga ku maahmaaha ‘Qof dan lihi ma daalo’ ‘Dantii mooge maro duug ah horteed ayuu dhammaadaa’ iqk.
In danaysigu ahaa dhaqan jiraal ah waxaa tusaale usoo qaadan karnaa, wiilka iyo gabadhii ismasaafaystay, ee markii shiikhii loo tagay, uu wiilkii yiri: “shiikhow igu xir gabadhaan waan ku dangaarayaaye!” gabadhiina ku tiri: “ Shiikhow igu xir inta, uu igu dangaarayo ayaan anna ku dangaarayaaye”. isu soo duuboo waa tii la yiri ‘biyoqabe iyo budoqabe waa isu baahi qabaan’.
Marka aniga (qoraaga) sida ay ila tahay, danaysiga waxaa horseeda arrimaha ay gunta u yihiin; rabid, sarriigasho la’aan, iyo abaaldhac.
Danaysigu kala xanuun badane, wuxuu sii xanuun badan yahay, marka qofku ku danaysto dad isaga ka hooseeya dhinacyo badan ama ugu yaraan markaas aan loodin karin caqabad haysta awgeed. Sida badanaa dhacdana danaysigu dadka uu taabto waxaa ugu nugul marrasta, maatada, iyo danyarta. (B. 55-60).
3. XILKASNIMODARRO
Xilka laga sugayo qofka gudashadiisa wuxuu qoraagu u kala qaadayaa saddex wixii kasoo hara, ay soo hoosgeli karaan:
Xilqaad: xil uu dusha u ritay, iyadoon qofna u dirin. Waa howl uu isu diray doorashado dad kale la’aanteed.
Xilqaan: xil loo dhiibey,oo uu u qabtay, in loo doortay ama loo xushay.
Xilkas: xilwadareed si guud wax looga wadaqabanayo, oo haddii hal qofi qabto, inta kale uu xilkii ka dhacayo.
Labada hore, qofku keligiis ayaa wixii qaan ka dhasha u qoolan, loona raacanayaa xisaabteeda dhaliil, dhalleeco ama gardhigasho (maxkamad), halka kan dambe, qaantu aysan keli qabanayn, ee qoladaa oo dhan ay u siman yihiin.
“Baaddiyaha kuweennaa degiyo, beledka kii joogay
Iyo kuwa u baxay caalamkee, badi kasoo laabtay
Wax aan kala badalanahayoo weyn, yaan bulshooy jirine
Waxaan nahay bah wada reer miyiya, oon ilbax ahayne
Waxaan nahay dad beentiyo ka hela bootadiyo faane
Waxaan nahay bilaash xaytayaal, wada burweynaahe
Waxaan nahay dad aan baahi rabin, tacabna beeraynin
Baraaruga dad yohow waxaan nahay, baadiyoo kale’e.” Abwaan Xirsi-dhuux.
“Haddaba, si xeerin loo helo, xarrago loo dhawro, xumo loo dhaqdo, xigto loo dhaqaaleeyo, xigaalo loosoo dhaweeyo, xilna loogu dhiirrado, dhimaalna looga ilaalsho dhammaantood, waa , in xilkas la helaa, si loo helana, waa in la abuuraa, si loo aburana waa in dhaqan xileedka dhiirrigeliyaa oo lagu xushaa la iskuna xulaa, si xildhibaan run ah iyo xilkas reer, raas ama rug, oo la samatabixiyo u yimaado” ayuu qoraagu ku soo afxirayaa qoraalka ku saabsan mawduucan. (B. 104-115).
4. JIRJIRROOLENIMO:
Jirjirrole ama geel-ururiye waa xayawaan hadba geedka uu koro isu ekaysiiya, oo yeesha midabkkiisa oo kale. Halkan maldaha ekaysiin ee ku jira waa qof hadba waxa markaa taagan ku milma ee aan lahayn mabda’ u gaar ah.
Qof qaddiyad, mabda’ iyo ujeed leh, hadddana abaarkeeda yaqaan qof ama qolo loodin kartaa waa yartahay, si walba oo halganku ula dheeraado, haddaba, in nalaka dhex helo way adagtahay.
“Ninka labada hoos maalintii, gelinba hees qaada
Ee hirkii socdaba leexiya e, haybba beri raaca
Ee shalay wuxuu haa lahaa, waa huf yiri maanta
Hadba meeshii loo jeediyaba, kii hoggaansamayay
Halkaad saaka ku ogayd midkaan, ku harsanayn jeere
Heehaabi jirey meelahaa, hayjadiyo duurka
Hantaataca kii lagu yaqiin, hadal carruureedka
Hadaflaaweyaashii ayaan, haybinahayaaye.” abwaan Indhageelle
Dadka noocaas ah waxaa ugu wacan; xishood la’aan, xilkasnimodarri, Xildoon iyo xooladoon, sida uu qoraagu qabo. (B. 124-134).
Dhimaalladan dhaqan ee qoraagu uu ku soo bandhigay dhiganaha, wuxuu sheegay in ay waagi horeba ay jiri jireen laakiin waxaa jiray laba qodob oo xakamayn jirtay:
1. In lagu baraarugsanaa, dadka ku suntanna aan kaalin la siin jirin, mararka qaarna aysan iyaga qudhoodu dooni jirin.
2. In ay meelaha bulshada dhexdooda ku yaraayeen, yureynta lagu hayey iyo garaadkooda guddoon oo sarreeyey awgood.
Buuggan qiimaha badan waxaa qoray abwaan, mufakir, al ustaad Bashiir M. Xersi wuxuuna ka kooban yahay in ka badan 200 oo bog, waana buug fikri ah. Waxaa sidoo kale ku jira tiro mawaadiic kale oo aad u xiiso badan waaqicina ah, sida; ballan xumo, iswargelin laaan iyo isu mahadcelin la’aan, tanaasul la’aan, hubsiimo la’aan, hiin iyo dhuuniraac, dulqaadyari, iskaashidiinimo iqk. Isku soo duuboo, qof walba waxaan kula talin akhrintiisa.
Xijin:
Madasha Akhriska & Qoraalka Qardho

SHEEKOOYIN