Fallanqeyn maansada HAL AQOON Qore. Mustafa Nuur ‘Aasbaro’
Faalladan kooban waxaan ku eegayaa fallanqeyn ku saabsan maansada HAL AQOON, ee uu faafiyey Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ sanadkii 2012.
Waxaan maalin dhaweyd soo geliyey sawir aan ka soo dheegtay madasha fool-buug, oo muujinayey qof waxsoobartay oo uu xarigga hoggaanka u hayo oday dhaqameed. Muuqaalkaas ayaa dhaliyey dood si guud iyo gaar ah ba asxaabtu iila soo xariireen.
Doodda waxaa saldhig u ahaa eraybixin cilmiyeedka qofkaas la hoggaaminayo loo bixinayo, iyo natiijada laga sugayo qofka noocaas ah.
Waxaase dooddaas dadka noo dhaxeysay garsoore ka noqday Bashiir M. Xersi, oo maanso ka sameeyey isla mawduuca muddo 10-sano ka hor ah. Taas oo aan dhihi karo, waa nin indheergarad ah oo ku baraarugsanaa waqtigaas in dadka waxbartay ee hoggaanka dalkeenna u haya aysan aheen aqoonyahan.
Weliba xilligaa oo badi degaannada dhulkeenna aysan ka jirin xasillooni siyaasadeed ama amni ee maanta ka jirta, ayna u sii dheer tahay, in aqoonta badan balse barako ama tayo la’aanta ah aysan sidan ugu baahsanayn dhulkeenna.
Tan waxay astaan u tahay in Bashiir uu ka sii hordhacay doodo badan oo maanta taagan oo ay ugu horreeyaan: horta maxaa aqoon ah? Yaa aqoonle ah? Yaa aqoonyahan? Maxaa dheef ah oo lagu qabaa? Sidee looga manaafacaadaa aqoonta? Habkee ayuu aqoonyahanku bulshada uu wax u taraa?
Waa weydiimo noo wada furan bulsho ahaan, qof walba laga rabo warcelintooda si loo helo xalka furaha mushkaddeenna.
Maansadu, waxa ay xanbaarsan tahay labo farriimood, oo kala ah;
1) Waxa ay tilmaamaysaa xaaladda siyaasadeed ee maanta lagu jiro.
2) Waxa ay kala saaraysaa oo ay eraybixin cilmiyeed u sameynaysaa magacyo aan aalaaba isku khaladno.
Maansadu, waxa ay ku bilaabantay in ay qeexdo oo ay kala saarto erayada garaad, aqoonyahan, iyo hal-aqoon.
1) GARASHADA
———————-
Abwaanku waxa uu leeyahay garashadu waa furaha aqoonta. Isaga oo taas tilmaamaya waxa uu yiri;
Orod iyo adduun iyo
Awood iyo itaal iyo
Afti laguma heli karo
Uurka iyo laabtiyo
Maskaxduu Ilaaheey
Ku asteeyey garashada.
Ayaan weeye Eebbuhu
Addoomada midkuu rabo
Deeq uu u siiyaa.
2) AQOONYAHAN
————————
Waxa uu Abwaanku noo sheegay in qof kasta oo wax soo xarriiqday uusan aheyn ‘aqoonyahan’. Balse aqoonyahanku yahay kan aqoontii uu bartay ku dhaqankeed la yimid, oo garaadkiisa isticmaalay, oo ay hab-fakarkiisa u jeedisay dhanka horumarka. Abwaanku waxa uu yiri isaga oo aqoonyahanka ka hadlaya;
Eeg samada loo kacay,
Adduunyadan cilmigu wado,
Dayax oogadiisiyo,
Xidigaha agtoodaa,
Laga ootay seeroo,
Aqal lagu aroosiyo,
Ubad lagu korshaayoo,
Aariyo macaanloo,
Biyo aad ku oon bixi,
Ummadana ku noolyihiin,
Adeeggii bulshadu yaal,
Ma ogtahay Abwaankoow?
Waa aqoonta dunidoo
Isticmaalka lagu daray.
Tudacyada kore, waxa ay tilmaamayaan shaqada laga rabo qofka aqoonyahanka ah. Aqoonyahanku waa kii bulshadiisa u horseeda barwaaqo iyo isbaddal lagu farxo.
3) HAL AQOON
———————-
Abwanaku waxa uu tilmaamay hal-aqoon ama hal-yaqaan cidda la dhaho. Waxa uu sheegay in labo tilmaan ay leeyihiin oo lagu garan karo, oo kala ah;
1. In ay dhaqankii iyo duubabkii ay bahdileen, oo ay karaamadii ka qaadeen. Dhaqanka noocaan ah waxaan dhihi karnaa waa islaweyni faaruq ah. Waxa uu yiri Abwaanku;
Dabadeed gu’ aarana
AQOON YAHAN ku sheeg iyo
HAL AQOON ayaa yimid
Isku sheeg AGAASIME
Iyo inuu USTAAD yahay
Odayaashii quursaday
Urduf iyo acraab iyo
Eber iyo asqaan jirin
U arkaaya aadmiga.
2. Waxa ay wada xanbaarsan yihiin darajooyin aan waxtar laheen. Dhaqanka noocaan ah waxaan dhihi karnaa waa tufatooreyaal been badan. Waxa uu yiri Abwaanku;
Aafaday abuureen
Abaartii ka dhalataa
Lagu aayo beeloo
Aan laga idlaan wali!
3. Waxaa labada hore u dheer in ay yihiin xaaraan-ku-naaxeyaal aan waxba ka xishood. Isagoo taas tilmaamaya Abwanaku waxa uu yiri;
Ardaygii Canshuurtiyo
Xooggii ISLAAMAHA
Odayada XAMAALKA ah
Dugsiyada asaaskiyo
Ku idleeyey Jaamacad
Umaddaan muxuu taray
Ama uuba ugu yaal
HAL AQOONNA ugu yahay?!
Islaweynida, boobka iyo beentu waa dhaqamo aad uga fog qofka aqoonyahanka ah. Waana astaan lagu garto qofka maran oo faaruqa ah.
4) TALO SOOJEEDIN
——————
Abwaanku waxa uu isweydiiyey su’aalo dhawr ah, oo uu leeyahay aaway aqoonyahankii abaalka loo galay?
Sidoo kale, waxa uu tuducyada ugu danbeeya ku sheegayaa in hal-aqoonku ama hal-yaqaanku abeeso ku noqday bulshadii, wuxuuna yiri:
Inan yahaw abaalkii
Uu dadkaagu kuu galay
Isku duubni lagu falay
ISKUULLADA dhammaantood
Nin walboow iskaa iyo
U tar loogu dhax dhigay
Ku abaabi ubadkoo
Aqoon biiri lagu waday
Tarbiyadda ISLAAMKIYO
Asluubta iyo DHAQANKIYO
IJTIMAACA noloshiyo
EDUCATION Lagu baray ‘Edukayshin’
Aaway aayatiinkii
Ubaxii ay beereen
Araggana u roonaa
Anfacay ka sugayeen?
Adigaa irdheeyoo
UUBATO danleey iyo
YEEY iyo ABEESIYO
ABRIS uga darraaday.
Wuxuu ku gunaandayaa dareen caloolxumo ah oo uu na leeyahay inta sidan xaalkiinnu yahay haddana kuwa noocaas oo kale ahna ay hoggaan idiin yihiin waa idinka iyo nasiibkiin! Wuxuuna yiri:
Amakaagga iyo yaab
Arimada naftaydiyo
Uugaabka igu dhacay
La ilmeeyay awgood
Oogada jirkaygii
Ummal uu ku oogsamay!
Af la tolay addimo xiran
Ummad Aakhir sabankii
Illinkiisa joogtoo
Ambatoo asqoowday
Aawadeeda weeyaan!
Qore. Mustafa Nuur ‘Aasbaro’
Bashiir M. Xersi saaxiib horey u soco.