Filan waa Q23AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q23AAD 

Maxamed ood moodo inuu xog hore sii hayay, ayaa la soo booday hadal kulul waxuuna ku yidhi: “waxaan aaminsanahay in sheekadaa aad akhriyayso waxba ka jirin, waxwalba waan ogahay laakiin maadaama aad igaqarisay waxaan is lahaa waxwalba hortaada ayay imandoonaan, maantana indhaha ayaa ii macalina, balse inta ay naan sheeko kale guddagallin waxaan kaa rabaa inaad  ii sheegto waxa aad Muqdisho u raadisay waxa ay ahaayeen?.

Deeqa si dagan ayay ula hadashay Maxamed, waxayna ku tidhi: “Walaalo dib ha a inoogu celinin sheekadaas, waxay ahaydba iminka waan ka soo faraxashay, calashaan waan ka soo gudubnay, intii wakhti inagaga lumay ayaa dhib noogu filan, sidaa darteed gacaliye aniga waxaa ila quman inaan ka wada hadalno sidii aan mustaqbalkeena udhisi lahayn.

 Maxamed, dareen iyo shaki uu horay u qabay ayaa ku sii xoogaystay, waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday arrimo hadda ka hor uu maqlay, oo ay kamid ahaayeen, in saaxiibadii Deeqa umushay, iyo hadda ka hor oo nin darawal ah uu ku yidhi naagaha la qabo maxaa ku daba dhigay, hadaladaas iyo waxyaabo kalloo uu niyadiisa la kaashaday, wuxuu iska dhaadhiciyay in Deeqa sir badani u qarsoontahay, wuxuu yidhi isaga oo isla hadlaayaa, xilligii farriimahaasi isoo gaadhayeen dadkaas waan la yaabanaa, laakin wax walba hadda ayay iimuuqdaan.

Maxamed oo wajigiisa cadho ka muuqato, islamarkaana hadalka sare u qaadaya ayaa wuxuu ku yidhi: “Walaalo ma waxaad ii qabtaa qof ciyaala, kaddib markaad ogaatay inaan si dhaba kuu jeclahay, ma waxaad is tidhi waa doqon, wax walba waan la socdaa, xageed ku aragtay dad isjecel oo sirta iyo arrima la soo darsa kala qarsada, xageed ku aragtay qof shan bilood laga maqnaa oo hal maalin xitaa aan lala soo hadlin, iyadoo Taar iyo Telefoon arladda ka buuxaan.

Haddii jacaylka aad sheegayso dhab kaa yahay ama aad igu kalsoonthay, maalintaad Muqdisho u sii ordaysay ayaad wixii kugu dhacay si daacad ah iigu sheegi lahayd, laakiin waxaan ogaaday inaadan kalsooni igu qabin, shaki kuma jiro inay dhagar badani kugu duugantahay, waad I khayaantay, kaamana filayn inaad abris igu noqoto, balse waa nasiibkay, mid hore ayaa sidan oo kale I toogatay, adna waxba iila maadan hadhin, noolashaydii iyo mustaqbalkaygii waad ku ciyaartay.

Wax walba ood caawa sheegto ha kayaabin inaan kaa aqbalo ama ku aamino, ha iskudayin inaad hadba sidii qof carruura dhan ii jihayso, muddo badan ayaan sidii ruux dhagoola ah hadalo badan duuduub ku liqayay, laakin caawa maya maya.

Deeqo, waxbadan ayay isku dayday inay wax fahamsiiso, sheekadana ay wadaagaan si markaasi wixii jira uga wada hadlaan, laakin Maxamed hadalkeeda dhag jalaq uma siin, wuxuu istaagay maanta indhahaa ayaa ii macalina.

Ugu dambayntii waxay damacday inay  guddoonsiiso haddiyad qaaliya oo ay u waday, balse Maxamed wuxuu ugu jawaabay, ma rabo ee ugee ninkii aad ka soo qaaday.

 Intaa kaddib, haddalkii wuxuu isku badalay dood iyo muran, sheekadiina way isla fahmiwaayeen, ilaa arrintu gaadhay in la kala aamuso.

Deeqa oo ilmaynasa aadna uga niyad jabsan kulanka caawa, ayaa iyadoo amakaagsan iska soo baxday, Maxamed intuu ka soo dabakacay ayuu ku yidhi isug, aan ku sii dhaweeyee, waxaan ka baqayaa dhalinyaradda xaafadda inay wadada kugu dhibaan, runtii wax la raaco ma istaahishidee.

Deeqa Baskii xaafadda Nuur Xawaad ayay fuushay, isna wuu ka soo hadhay,intuu iska soo lugeeyay ayuu gurigoodi yimid, dabadeedna qolkii uu daganaa ayuu cadho iyo ciil sariirtiisi kula dul dhacay.

Deeqa oo oo yaaban ayaa gurigoodi timid, durba telefoonkii ayay ka wacday, laakiin cidna kama qabanin.

Muddo ayay ku soo celcelisay wicitaanka, ilaa uu, Maxamed u’adkaysan waayay qaylada  dhawaqa Telfoonka dhacayaa, ugu dambayntii isagoo xanaaqsan intuu ka qabtay ayuu ku yidhi: “walaalo amaan iisii lixda lambar, mar dambana ha isoo wicin”.

Deeqa iyadoo ooyaysa ayay ku tidhi: “walaalo adigoo raali ah, fadlan wax yar idhagayso arrin muhiima ayaan doonayaa inaan kaala hadlo.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN