Gabaygani waa gabay ku aadan, Sanadguurada 43aaad ee Qorista Farta Soomaaliga taasoo horseeday inuu Afku helo, Agab lagu kaydiyo iyo Afaaf laga soo galo , waxaan mahadcelin ballaaran u gudbinaya, intii hore isu hawshay hirgelintiisa, sidoo kale inta hadda ku hawlan ilaalintiisa, Mahadsanidiin.
- Haddaan aqalka tiir celiya jirin, sii ahaan weeye
- Waxa udubka loo galiyay waa, yuu aguugsamine
- Arigaba waxaa loo suntaday, waan ogsoonnahaye
- Urta yuusan raacinana waa, loo af saaraaye
- Ujeeddadu waxay tahay haddaan, idin abbaarsiiyo.
- Ummadaan Af-iyo luuqad qabin, iimo loo yeelye
- Ajanabigu goortuu arkuu, la anfariiraaye
- Asalkaad u dhalataan la hubin, aayo kaaga ahe
- Shakibaa abuurmaa illeyn, lagu aqoon waaye
- Baadida abaajidoo kalaa, lagu eryaa jeere
- Aadane waxaa lagu gartaa, ereyga kiisaaye
- Bulsho iyo afkeed waa sidii, aqal iyo tiirkiise
- Is ku eega eeggiyo markaan, Eregta qaadeyno!
- Aqiyaar haddeey taliso waa, lagu ildoogtaaye
- Aqlibaa ka aakiba wixii, laysku aamino’e
- Arrad baan ka baxay maalinkii, lay agaasimaye
- Arxan bay sameeyeen kuwii, noo agaagumaye.
- Aqbaarahan ku tabin laa af kale, waan ka oon baxaye
- Unti baan dagnayn maalinkaan, Alif la meegaarin
- Asaaggii ninkii tuugsadaa, la ma ammaaneyne
- Shaqalkiyo adeegsiga shibbane, oode soo xiraya
- Afar iyo tobnaad dayax ah iyo, ubaxyo weeyaane
- Inaan aaran joognaan hubaa, oo if noo baxaye
- Saddex iyo afartan iyo waliba, nolasha ii laaban
- Afka hooyo waa lama huraan, Inaan ilaashaaye
- Aqriskiisu waa daawiyo, idhan barwaaqeede
- Eraygii qalaad inaga jira, Waa ibtilo jaane
- Oo aruursha Suugaanta iyo, Arar Afeedka
- Isirkeena weeyaan afkani, Ab iyo oodeene
- Allahayoow adigaa noo gartay, Erayga noo xooji.