Gabayga: Dardaaran iyo digniin!
Da’da gabay dareenbaa xukuma, kiciya doorkeeda
Hadba dani markii ay timaad, waad ku dalabtaaye
Waxbaa lagu dunshaa oo mar kale, laguna doonaaye
Waa deeq Ilaahay naflaha, qaarba daraf siiyay
Dunidaa sidaas ehe waloow, aan dan kale yeeshay
Oo aan inaan daabiciyo, joojay dihadkeeda
Daal baa i haayoo runtii, waan dardhinayaaye
Markaan molasha daannoow day iyo, eegay dirirteenna
Isha kama daboolane dhibkaa, wayga dagi waayay
Caawana waxaan doonayaa, inaan dardaarmaaye
Digniin weeye qaybina, wixii dhiigleh duri doona
Wayga daacad hadalkaani ee, dhab u daraaseeya!
Daalnayeey dalkii sanada badan, gubatadaa duubneede
Dayrtoo da’aysoo gu’gii, wali la daaqaayo
Kama doogannee ceelka dheer, baan u dala’naaye
Dirir ceelka geeyoo gugcaan, omas dareennaaye
Daadkaa biyuhuu soo fataho, waana dilayaane
Kuma diirsannoo oogadaa, saa’id noo dilane
Daba dheer xagaa iyo diraac, baa ka siidarane.
Dulucdiyo ujeedkiyo haddaan, daaqalkaba aado
Oo waan dulmeeree haddaan, dulka maqashiiyo
Dacdarraa dadkeennii qabaa, duumo iyo qaaxo
Cudur aan dabiib iyo lahayn, daawo lagu mayro
Ayuumbaa qalbiga naga dagoo, sababay diihaalka
Soddon sano dabkii baxahayaa, waaga nagu daaran
Reeruba inuu dayr xirteey, dani mareysaaye
Waa waxa dib noo dhigay qabiil, laysku durayaahi
Darisnimo wanaaggii ayaa daaqad, laga saaray
Hal dagmoo quraad leedihiin, diilin kala Saara!
Dufkubexee dareen muujiyoo, dhan isugu duumma!
Ducaystoo Ilaahay baryoo, duma qaluubtiina
Caaddifaadda duug-duuga waa, dabar go’eenniiye
Qalbigiinna daahira dadyohow, doc isugu jeesta
Diintaan ku dhalanniyo Sunnaha, dhab ugu daanshooda
U daruura gaashaanka kii, xumaha doonaaya
Dagaal ooge yaan loo sacbiyin, kana digtoonaada
Doodaha qabiilkiyo ka taga, sheeko dacarreyda
Carrab dalab leh lama doonayee, hawsha diriteeya!
Nin dan lihi ma daalee waqiin, nabadda doon-doona
Oo waa la doogiye, waxaba, yaan la dacaroonin!
Dunta hoose, diirkiyo abkiyo, diinta iyo luuqda
Midabkaan ku wada daabannahay, diirka soomaali
Doqonkii wax yeelleeynayee, duuga sharafkiinna
Ka digoo, qabtoo, dayriyoo, dila wuxuushiinta!
Siyaasiga dulloobee, shacbiga kala dilaayaahi
Dab inaan la kala qaadan buu, noo dardaarmaaye
Dastuur gaalo soo daabacdeey, noo daliisheenne
Daarood iyo waxay noo baxsheen, Digil iyo Shiiqaale
Dir, Hawiye, Isaaq iyo waxbeey, kala dahaareene
Oo waana duul wada dhashoo, daan iskula yaale
Waa qoys ku wada seexda darin, daarna wada jiifa
Yaan laysku keen dirin qabiil, darajo loo waaye!
Ajanabiga soo duulayee, dagaya hooygeenna
Oo diintu aysan naga dhaxayn, af iyo diir toonah
Dahar iyo hadduu Gaarisiyo, Doollo naga haysto
Dooloow inuu soo damcaa, waa daciifnimo’e
Innaguna inaan dibad tagnaa, waa damiir li’iye
Doqonnimo miyaaneey ahayn, duul la wada haysto?
Dhisa sowlad loo wada dhan yahay, doorta madaxwayne
Dagdag baxa, dagaal qaada oo, galana duullaanka
Kaaraha daryaamiyo, Shilkaha, siliska noo duuba!
Darandoorris ugu rida, wixii ciidda yada doona!
Iska diida daba qoodhigaas, gaalka daba jooga!
Dabar gooya soomaalinnimo, kama dambeeyaane
Magaceenna yey dilin waxaa, DAACISH kama roona
Ayagiyo wixii soo dirsaday, waa dakana raadis
Aar doonashaa loo socdaa, mana dareemeynno
Dan umbaa mideysoo Axmaar, waa ul iyo diire
Waa Dameer iyo labadiis dhagood, wax isma doorshaane
Saban-saban dabkii aan ku shiday, way il duufeene
Inaan ugu darneey doonayaan, dan iyo yeelkoode!
Dhamamad.
Curintii:
Hodan Sh. Cumar