Gabayga; GUHAAD
Gabayga; GUHAAD
- Adduunyada kolley garannay, oo way gebidhacyeeysaa e
Gaajiyo harraad iyo marbaad, oon la gubataa e
Marbaa galal xareed ku gashaa, lagu garguurtaa e
Gacmahaaga aad uga baxdaa, gaajo iyo oon e
Galladaa ne Eebba leh iyo, guusha libineed e
Waxan uga gollee yahay kolley, waad i garataa e
- Garaad badan haddaad igu ogeyd, waanigaas guray e
Geesinnimo haddaad igu taqiin, waan gabbanayaa e
Afki baa gam yiri oo ka tagay, gabayadeydii e
Garan waayay xaajadu halkey, geesku leedahay e
Ila guri Fogaad Maxamadey, galinba waa heer e
- Gacalkii i garanaayay wey, iga gadoodeen e
Bar in aan galoofey la tahay, guran sidiisii e
Barne in aanba gaabinahayiyo, godob u qaateen e
Anigune gaddii an ahaa, Guullahaa garan e
Bal haddii gujeyn leyga heli, gaawaha i siiya!
- Duul aan gabdhiyo wiil u harin, oo doon ku wada gooshay
Duul gabannadoodi badweyn, guratay jiirkoodi
Oo ay gasiinteen naflaha, Guulle ku abuuray
Oon ka guban dhibtoodaan nahay e, sow ma garanneysid?
- Kuwa Yurubta soo gaaray oo, guusha wada sheegan
Sida geel horweyn ee la dhacay, gabannadii joogay
Goblan ubadki laga qaaday oo, giigle baa badan e
Oo guri madow soo fadhiyo, Guullehey magan e
Ilaahow gargaarkaagii sii, goor iyo ayaan ba
Oo gacantaada ugu soo hannee, meel un bey go’ane!
- Waa guuldarreeysteen kuwii, Yaman gargaar mooday
Gunnimey ku caan yiin, Islaam uma garaaban e
Gabdhahii cafiifyada ahaa, ee gacalka soo mooday
Waa kaa gondihii ay wada xirtoo, gaday jiirkoodi
Anigow guhaadaye tolkood, garani maayaan e
Gurmadkaagi Eebbow ku bixi, gube naftaydii e.
- Colaadaha gundheeraaday arrag, saan u kala gaabtay
Arag cadawga ii soo galoo, gacalka i sheegtay
Gobol gobol siduu iiga dhigay, iine kala gooyay
Gucleheyga maa aragtid iyo, garasha la’aanteyda
Sida uu u gaashaaman yaahay, guniyo baar fiiri
Gawaankaan ku cararaayo iyo, geed li’ida fiiri
Gacmo raareceeygiyo i arag, gaarka igu meersan
U ekaa dad dabargo’ay markaan, gees walba u eeg eegay
Guulloow Ilaahoow baryada, kama gaboobeeynno
Adigaan gallado kugu ognahay, geed sidii baxo e
Nagu soo gufee Waaxidow, meel wal baa go’an e.
- Gaalkaan madow oo dhulkii, gallabayeynayo
Cadawgaan guyaal badan lahaayn, godobti loo daa’ e
Gobolladi horuu haystay baan, cidi ka goobeeyn e
Gunta Xamar markii uu galaane, lagu gariifeynnin
Caleemaha la soo goyay baa, loo gilgilayaa e
In uu guuldareystuhu waxtari, geesh dhan baa qabo ee
Isagune u guux waa kanaa, guray hubkiisii e
Oo guluf colaadeed diree, gees walba u qaadye
Jiilaalka maatida ku go’ay, haadku guranaayo
Rabbiyoow ka soo gaar adey, kuu gudboon tahay e
kane gooso aaqiro kuwii, gaalada u yeeray.
- Sida gumarro xoolaad kuwey, Keenyo gadataa e
Guryahane habeen ugu dhacdoo, gaban ma dhaafan e
Xabsiyada intaa lagu guraa, lagu garaacaa e
Kuwo goostay baa iyane jiro, oo gaalnimo u baxaaye
Oo Furqaanki gaws dhaafsadiyo, googo‘ lacageed e
Ilaahoow na soo gaar gunnimo, waa la qaayibay e
- Gacma furan halkii aan ka rabay, gacan in ley siiyo
Iyagaa isgoobanahayoo, gudinta soofeystay
Gurigeygi waa kaa haddaan Taangi lagu guuxi
Gucunlaha Amxaariyo haddaan, cadaw gucleeyneynin
Gabdhihii gaduudna sarwaal, laguma giigsheen e
Cadaw baa gacmaha loo hayaa, kii ka gubanlaane
Oo ka guure Soomaalidi, garasho ii maanki.
- Intaas oo gubtaanyo ah iyado taallo garabkeyga
Gobannimane guumays ka ahay, gurne filaneynin
Gacalow bal ii sheeg maxaan, gabay ka hootamin
Adigaba gartaa qaad Islaam, waw gudboon yahay e
- Guleed sharduu noo dhashiyo ina Gureey miiran
Gaashaanqaadne ay wada noqdaan, geesi wada dhaarsan
Garmalleyti waan necebahay e, uu jilbaha gaaro
Sarwaal kane u wada gaaban yahay, goor iyo ayaanba
Oo godobti raacdeeynayiyo, gobolladii aasmay
Siyaasadaha garacyadu dhaleen, diido ganacdooda
Maalintaa markaan gaaro baan, soo gabyi lahaa e
Sida wabi Ganaanoo kalaan, gees la bixi laa’ e
Gayigaa ka sheekeeyn la haa, gaafafkaan dhige e
Rabbiyoow i garsii adey, kuu gudboon tahay e.
- Kuwa galabta joogane, Allow gaalo ha u loogin
Oo nagu gargaar waa inagaas, goob walbaba naal e
Wax dhan baan u guuxay e, Allow gacanta noo hoori.
- Ilaahow guddoonsaday gafkaan, geystay oo idil e
Ilaahow waxaan galo ma jiro, amase gooyaa e
Ilaahow gacmaha taagtay oo, gorodda laadlaadshay
Ilaahoow gargaarkaagi baa, loo galliin yahay e
Ilaahow go’doon baan nahaye, galabta noo hiilli
Oo dhulkeenna gees iyo ka gees, nabadda gaasheeyso
Oo guga u soo raaci iyo, roobka gobbo’diisa
Oo colaada waa ina gubtay e, galab ka sheekeynno.
.Dhammaan.
.
.
● Qormo: “GUHAAD”
● Wq Amino Abdullahi Yusuf