Gabayga: HOGATUSAALE
Gabagaan waxaa ku jira (66) bayd, oo xambaarsan ilaa (150) sifo, sidaas daraaddeed lixdan iyo lixdaas bayd waxaa loo adeegsan karaa mahmaah, duurxul ama hogatusale hadba gudboon, ee ka bogasho wacan.
Ha’da gabay Bashiir Maxamadow, hooda curinteeda
Halabuur haddaa tahay abwaan, hibo ILAAH siiyey
Suugaanta waa la hojiyaa, heer walbooy tahaye
Mar kastana hadaaq loo ma dhoho, sida halhayseede
Maalinteey arrini haawatee, talo hummaagowdo
Oo ay himmaddu kuu dirtaa, la hindisoodaaye.
Marka xigana hooyaale gabay, waa hogtii culuse
Waana hooy hiddaha kaydiyoo, hariya taariikhe
Waana eray hikaadiye hubaal, laga halraacaaye
Waana dhigane kaa hara berri, sii jira hadhoow’e
Ha yeeshee hilaaddaas si aan, loo hareer marinin
Hiyiraac fudayd loo ma holo, heedhe maansada’e
Muddaa loo horseedaa halkii, aad ka hawlgeline
Misna lagu hawadiyaa xaqiiq, loo hanweyn yahay.
Afartaasi waa hooto gabay, qaabka loo humo’e-1
Haddii aan halkaas ku hakiyeen, horay u sii guuro
Seddaxley haloosiman habdhaca, oon hambo u diidey
Halhaleel anoo ka la hufaya, xarafna haabhaaban
Aan haaneedsho hogorkiyo-2 sidii, sidigti heemaale-3
Idinkuna horaaddada-4 u dhiga, haamihiyo dhiisha.
ALLAA hiba leh, Nabigaa hidda leh, hanasho diintaa leh
Aabbaa hurid leh, hayn iyo habniin, hirasho hooyaa leh
Ragbaa hiirle, dumarbaa halbale, gaydho-5 halahaa leh
Fardaa hagacle,-6 baqalbaa huftale,-7 hogof dameer baa leh
Geelbaa hayin leh, giirbaa-8 hebdale,-9 haylna-10 ari baa leh
Haadbaa baalle, halaqbaa micile, haaruf-11 bahalbaa leh
Dadbaa hiil leh, xoolaa hiliba leh, haraso eey baa leh,
Badbaa hirar leh, webibaa hilale,12 halalac roobbaa leh
Dhirbaa hoos leh, milicbaa hanfi leh, hogo-13 kaliilbaa leh
Dhulbaa hogoble,-14 hawdbaa mirale, heega samadaa leh
Higlaa hadawle,-15 huyunbaa-16 udbale, haali-17 garasbaa leh
Godbaa huur leh, haarbaa-18 hawale, hilif bannaanbaa leh
Dabbaa holacle, halas iyo dhimbilo, digo hulaaqdaa leh
Honkorriyo,-19 harraad loo dhintiyo, haqo abaar baa leh
Hara buuxda, hoobaan curdana, hamash barwaaqaa leh
Hobeey iyo helleey, hees macaan, horasho ceel baa leh,
Halgan dirir, naftoo loo hantaqo, geesi hanad baa leh
Handafyiyo-20, fudayd haadaduun,-20 hoorig fulay baa leh
Huqya gocasho, haydaaro abid, haydal-21 doqon baa leh
Hillaab rogan, hayeeshaalihiyo, haandhe-22 nacas baa leh
Handhareeg, habaar waalidkiis, kuu hertiyey baa leh
Harreen tabasho, habarraawihiyo, hagas agoon baa leh
Hibaaq cabasho, hiilkii walaal, ruuxaan helin baa leh
Hafyo ba’an, harmiid-23 iyo higayn, tuug had-hadaybaa leh
Shaki hawiran, haybaal-24 warxumo, badaw hinnaasaa leh
Hafar dulun, haweeneey masayr, uu helliyey baa leh
Aqal heelad weyn, hooy udgoon, gaari hufan baa leh
Guri holofa, agab wada hunyuca, baalli habacdaaleh,
Hoyaad iyo harsimo, hoo anfaco, deeqsi huban baa leh
Hagoog foolxun, hiingaar jirxumo, hudur baqayl baa leh
Ceeb hadiidan, haaweey-25 hunguri, uu horkacay baa leh
Haruubraac, hadhiin baahatiyo, hamas-26 dagaagbaa leh
Hadba hoorso, deeq hadalla badan, tuugsi haqasbaa-27 leh
Hanti laga dhergiyo, haybad wacan, haabo shaqadaa leh
Hiddiwaas,28 halaanbooy hiddii, hawl dad hayabaa leh,
Hubaashiyo, xaqoo lagaa hakiyo, hagar ibliis baa leh
Hujuun iyo, hangaaguro-29 shishiyo, heerid cadawbaa leh
Hagardaamo, hoosaasin dhagar, hode gumeystaa leh
Horatubyo, hargaafiyo hantaaq, xaasid haganbaa leh
Hantaaturo, dadkii hadimo nacab, daba hadeecaa-30 leh
Bahdil hogasho, hoog iyo darxumo, Ina la haystaa leh
Haaraan shallaay, iyo handaco,-31 haajir baqaybaa leh
Farxad hambalyo, horintii xorriyo, haakah tiri baa leh
Hiddiidiilo, heelliyo caweys, guul dad helay baa leh,
Halyaal go’a, haldoor haadku cuno, duullan ororbaa leh
Hoh-hey murug, heddii dhimashadiyo, geeri hebel ba leh
Himbiriir dahsoon, iyo hundhurid, hibasho ciil baa leh
Habheeb iyo, afdhiig haadwariiq, heel cabsiyabaa leh
Hantatoobsi, haab’haabashiyo, hiyikac dhiillaa leh
Habayaaq,-32 hantaawilif-33 qax iyo, habqan colaadbaa leh
Hansashiyo,-34 halkaa doonto hurud, haysi nabadbaa leh,
Hilmaan badan, hotqayl -35wiila iyo, Hiindo-36 umulbaa leh
Arrin la himliyiyo, talo habboon, haarib-37 oday baa leh
Heedaddaaw,38 hunnaa-39 jaahilnimo, daba-huleel-40 baa leh
Hoggaan dhaba, aqoon la higsadoo, lagu hadaafaa leh
Hawraar rumeed, ballan hirgala, daacad huwashaa leh
Hunnu hunnu, huruuf iyo nacayb, hagag qabyaalaa leh
Habarwacasho, halkasiinyo-41 been, hirig siyaasaa leh
Huuhaa, lagu hungoobiyo hantaqo, hadaf qabiil baa leh
Habsan dibudhac, waalka ka harid, ummad is hiiftaa leh
Isku soo hiloow, heer midnimo, wadar heshiis baa leh
Horusocod, hannaan iyo wanaag, qaran hagaagaa leh,
Hanqalooc silloon, iyo hankaag, heemis-42 damacbaa leh
Habda heer, hamuun iyo hunguri, hawo adduunbaa leh
Hakad-43 waxa leh, hooy aakhiroon, laga habaabeeyne
Jannaa haracle, holan iyo kulayl, hura cadaabbaa leh
Ha yeeshee, hilada wacan qofkii, ALLE hanuunshaaleh,
Ha’da gabay, hikaad iyo halbeeg, hoorisyada baydka
Hidde raaca suugaanta guud, haqab la’aan weera
Galayr ina Hilowliyo(1) Bashiir(2), heegantii dhaqanka
Hodan Sheekh(3), horyaalkii Cabdiyo(4), Hoodo anigowle.
Afartaasi waa haatufkii, hogatusaaleeyne
Hojis iyo tilmaan dhibic ku xira, tii hartana hooya
Hoosin-44 kaa dhugmale baa la yiri, geeddi haayiraye
Anna hingilka-45 maansada waxaan, soo hintiqiyaaba
Hayaankeeda meeshaan u wedey, haatanaan imide
Heensaha intaan yara ka rogo, dabarna haabsiiyo
Aan hinraago sida halable aar, oo habaansanaya.
Han gurrucan, aqoon higsi maran, aragti haybsoocan
Caqli hadidan,-46 hiyi wada hangalan, garasho heehaaban
Hawaas beena, haad-haad fudayd, harawsi dhoodaala
Halaaq abida, hiinhiin-47 hordhada,-48 hadadaf-49 beeleysan
Habhab durugsan, hammi gaabaniyo, hootanuud-50 damaca
Hamaghamag nacayb, iyo handadid, hawhaw iyo aabi
Hadba gooddi, dhaar iyo hanjabid, hugun is weydaarta
Hurgumiyo, harriigtimo damqada, haaro iyo boogo
Hayaay iyo hayaay, hoognayeey, haadnayeey na la hel
Halaag le’asho, halakiyo dagaal, weerar lagu hoobto
Hiraab la arko, dhiig hoora iyo, meyd is haraf yaalla
Hambo dirirta, habaqle is halliga, haajira collowda
Hawtulhamag, hareer ka la mariyo, heeran ka la guura
Hasin nolola, hadanhaad-51 rajaa, himilo hoos qaawan
Intaasoo hulhulan,-52 halis horma ah, hadi-53 la’aanteeda
Soomaalidan belada haakuftaye,-54 ka la habawdaa leh.
Dhammaad
Curiye: Maxamad Xuseen Faarax
ERAYEYN;
- Humid; humhumid: farsameyn.
- Hogor: nuuc geelu u boxo.
- Heemaal: hal magaceed.
- Horaaddada: hasha naasaheeda hore.
- Gaydho: timaha dhaadheer ee garbaha geela ka baxa.
- Hagac: orod booddada.
- Hufto: daalid.
- Giir: lo’da.
- Hebed: neefka aan bayrka ahayn.
- Hayl: dhegjeex summad ariga dhegta looga dhogo.
- Haaruf: timaha bahalaha wejiga uga yaal.
- Hilo: meesha webiga laga cabo.
- Hogo: kulaylka xilliga roobku curan rabo.
- Hogob: dhulka meesha godan.
- Hadaw: madowga caleenta dhirta.
- Huyun: geed magiciis.
- Haali: caleenta garaska ka baxda xilliga jiilaalka.
- Haar: meel bannaan.
- Honkorre: kulayl.
- Handafyo: haadaduun= fudayd.
- Haydal: doqon.
- Haandhe: qofka garashada gaaban.
- Harmiid: muuqaalka qofka baqaya.
- Haybaal: weydiin.
- Haaweey: qofka caqliga iyo tabartu ku yartahay.
- Hamas: marras.
- Haqas: aqash.
- Hidiwaas: heesid.
- Hangaagurro: handadid niyad jebin.
- Daba hadeec: daba socosho.
- Handaco: iska hadal.
- Habayaaq: dad carar ku ka la lumay.
- Hantaawilif: geeddi ka la lumay.
- Hansasho: nasasho.
- Hotqayl: wiil.
- Hiindo: hooyo.
- Haarib: shayb.
- Heedadaaw: hadba meel u carar.
- Hunnaa: hadal aan hubbanayn.
- Huleel: samir iska tegid.
- Halkacsiyo: arrin kuu gaara dad ku qatalid.
- Heemis: weel salkiis cuto ku hartay af ku gororin.
- Hakad: joogisi laga sii dhaqaaqayo.
- Hoosin: geeddi socda.
- Hingil: hanqalka ama qalka dadka
- Hadidan: meel ujeeda.
- Hiinhiin: qatar. Hiimhiim.
- Hordhad: xoolaha guriga ku soo hormara.
- Hadadaf: or-orod.
- Hootanuug: ubadka geela ee labada halaad nuuga.
- Hadanhaad: wax ku boodid ama ka boodid.
- Hulhulan: wax meelo ku kal qarqarsan.
- Hadid: fahmid.
- Haakuf: le’asho.