Gabay ka mid ah Silsiladdii Qawad ee uu bilaabey Ibraahin Cismaan Afrax(Nolosha) waana Silsilad Xifaalla ahayd oo u dhaxaysay gabdhaha waayaha cusub iyo Wiilaha waayaha cusub is dhalanroga dhinacyada saameynta nolosha iyo dhaqanka, Gabaygan waxaa tiriyey Dhaqane Rooble Xalane (Dhaqane Dhuux)
Gabayga Qasad
- Qaafleeydu waa gabay haddii, loo qiyaas dayo’e
- Qormo baana laga dhigi karaa, oo la qirayaaye
- Bal aan qulubka saaroo misana, qiima una yeelo
- Qun-yar aan u sheegee wixii, dunida qeyb waalay
- Oo leeysku quursanahayee, qiiqna kicinaayay
- Bal aan qeydo waa tuu nafluhu, wax un ku qaataaye
- Waa ninkii qoslaayiyo midkii, qoonsi u halgaaday
- Waa ninkii qab weeynaa midkii, qaadan kari waayay
- Waa kuwa is qalayoo haddane, qoomamadda jooga
- Wax is qoomka sababtii ahoo, leeysku qarribaayo
- Qaayaheena waxa lumiyay ee, qaabka naga yeelay
- Waa qadafsanaan iyo warkoo, qaab xun loo dhigo’e
- Sida ina cusmaan uu qiroo, gabay ku qaabeeyay
- Qoowlkiisa sida aan ka helay, een anigu qaatay
- Mida qaawan inu doonaheyn, quruxda dheeggeeda
- Nin walbaana qaabkaa ahoo, qoonsan qaawnida’e
- Mida qarisay badankeeda baa, lagu qarwaayaaye
- Ma asaa dhammaan qaayo tiray, qalanjo soomaali?
- Qaryaan ina cusmaanoow haldoor, qalinka soo qaado
- Ina aay qancaan baa rabaa, inama qiirooday
- Oo qalad inteey kaa fahmeen, wada qamuunyooday
- Hodan qaayo badaneey adoon, qalad na saareeynin
- Dumar maanan qaab tirin inagu, waan qaddarinaaye
- Inan qaawni qaadano miyaad, nagu qasbeeysaa dhe?
- Leeylaay rag baa wada qafilay, qaabka noloshoode
- Oo rag baa ka tagay qaayihiyo, dhaqanka qoomkeena
- Balse waa raggaa qaadin uur, ceebtu ay qaban dhe
- Bal aan soo qatimo hadalka iyo, qoowlka gabageeyga
- Qof walibaa wuxuu sheegayaa, waa qiyaas dhabahe
- Balse gabayga qasad kuu ahaa , waa la qaab tiraye
- Maansada qurxiya qaariyaal, qoowlka gabaygiina
- Oo qiila qaalada ka jira, qaadir idin dhoowrye
- Qiiriyo xanaaq yeeysan noqon, qodobka doodiina
W/T: Dhaqane Rooble Xalane (Dhaqane Dhuux)