Gabay ka hadlaya arrimo xasaasi ah uu curiyey Laashinka da’da yare e Ibraahin Cismaan Afrax Ibraahin Nolosha, Laashinka ayaa wuxuu la hadlayaa gabdhaha Soomaaliyeed, Gabaygu dhinac waa ka kaftan dhinacna waa ka wacyigelin dhinaca kalena waa ka daandaansi bal haddaba bogasho wacan.
- Indhaweydba qaafleyda gabay, maan quruurixine
- Dibnaheyga waa taan qufulay, tan iyo qaaruune
- Eeggana wax uun bey qasboon, qaadan kari waayey
- Doobbi qooble, aameel la qoray, Qaabaddii Burayga
- Aan qadiidsho maantoo kalaa, leyga qorayaaye.
- Qacda hore tallaabada middii, qiiro igu beerta
- Qowlkana saluug iyo xumaan, qoonsi lagu diidin
- Qorrax soo baxaysiyo tabtii, qaanso kala jaada
- Dhal qureysh sideedii haddii, qaayo lagu sheego
- Quruxdaba middii muujisiyo, qaararkii damacle
- Qalbigeyga waa taan ka jaray, qalanjo feysbuuge.
- Afartaa qormeeyee dadyow, saani ma u qeexay
- Afar kalana waan soo qaddimi, sida qaryaankiiye
- Deel-qaafka uma qiil dayee, gabayga qiimeeya.
- Hablayahow qiyaas li’i ammaan, waad u qalantaane
- Inkastood qalqaaliyo waddaan, qaali iyo beeybi
- Kalgaceylka goortii la qiro, lana qorsheeynaayo
- Qabanqaabo guur iyo arwaax, ballani waa qaane
- Qaar baa is beecinahayoo, sawirro soo qubiye
- Qaaradaha raggaan dhoobanee, leysu qalabeeyay
- Laba qolo ayuun baan lahaa, wey qawadayaane
- Kumannaan is qaawinahayoo, qayiray diinteenna
- Kuman feytay qeybaha sariyo, qoorta iyo foolka
- Oo faallo duul baas qoreen, quundarreeynaaya
- Waa maal ninkii quudanlaa, qiimo loo haayne
- Quruxdaba middii muujisiyo, qaararkii damacle
- Qalbigeyga waa taan ka jaray, qalanjo feysbuuge
- Afartaa qormeeyee dadyow, saani ma u qeexay
- Afar kalana waan soo qaddimi, sida qaryaankiiye
- Deel-qaafka uma qiil dayee, gabayga qiimeeya.
- Qumanaanta jooggiyo xubnaha, qaaddirkey beeray
- Sancadii qudduus siiyey beey, Qalad u heystaane
- Midab Qaaje, waa waxay habluhu, qarash ku goobaane
- Qorshohoodu waa inay hantaan, inan qaraabaaye
- Ma nin qoodh iyo xero leh baa, qalanjo moodaaya?
- Waxba qaafku yoow ila durkine, waxan ku soo qoolay
- Gabdhayahow anoon qulub xun iyo, qadaf idiin geysan
- Qaayiyo milgahad leedihiin, maan qamaamudine
- Qambaruurka waxa iigu wacan, qaafilnimadiinna
- Qof dardaarma oo jiir-nixiyo, qaafo talinaaya
- Haddeydaan qaddarin wallaad, qoys yagleeleyne
- Hadmaad qowlka eebbiyo sunnaha, qaadan amar waalid?
29-12-2016
Waxa Curiyey: Ibrahiim Cismaan Afrax