GARBADUUB Q16AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q16AAD

Waxaa la gaadhay maalinnimadii sabtida ahayd, waxaanna  laysugu yimid xarunta  talis dhammaan taliska ciidanka xoogga ee Baarcad taliyayaasha iyo madaxdiisa oodhan, Garsoorka ciidanka ee riday casaartii iyo qabbirkii lagu xidhay Guhaad, dadkii goobjoogga ahaa markii maragga beenta ahaa lagu furayey, maragyadii beenta furay kuwo ciidan ah iyo kuwa dadweyne ah, taliye Caddaawe iyo labadiisa jaal.

Meesha waa goobta wareysiga iyo wada hadalka ee ciidanka waxaa  yaalla kuraas hal dhinac u badan oo labaateemo gaareysa,  dhinaca kalena meel ka soo horjeedda waxaa fadhiya, taliye Caddaawe iyo labadiisi jaal Xaashi iyo Oogle,  meel kale oo barbarkooda ahna waxaa fadhiya laba nin oo garsoorkii hore ka mid yahay, dhanka kalena waxaa fadhiya, Afartii maraggaa laga dhigay.

Waxaa warbixintii bilaabay  Xaashi oo si wanaagsan u qaadaa dhigay inta meerto uu soo maray baadhitaankan iyo caddeymo in la hayo inkasta oo uusan muujin sheeginna caddeymaha, wuxuu kale oo ku dul aqriyey xaashidii faridda ahayd in dib loo furo galkan gareed ee baadhitaanka ah.

Intaas markuu dhammeeyey ayaa waxaa is taagay Oogle oo si weyn u lafa guray, xeerarka u yaal ciidanka iyo garsoorkiisa, ganaaxyada iyo  leh dil iyo xadhig ee uu mudan karo qofka  baalmara, waxa uuna sheegay in qofkii qiraal keena arrintiisu ka fududaanayso tan kale.

Halkaa markii laga gudbay ayaa waxaa kursi meel gees ah yaallay looga yeedhay Huruuse, si wax looga weydiiyo, eedaymaha lagu xidhay laguna qabbirey Guhaad.

Huruuse iyo Bile dheere hore ayay u heshiiyeen inay marka hore indho saab ku dayaan oo ay eedo ku dhoobaan, haddiise caddeymo la keeno ama lagu soo oogo inay si badheedh ah  isaga diidaan awooddoodana adeegsadaan.

Huruusena waa nin hawsha si weyn ula socdaye, wuxuu u  sheegay in ninkaas gacan bir ah lagu qabtay oo halis uu ku ahaa ciidanka iyo nabadgelyada dadweynahaba.

Taliye Caddaawe ayaa wuxuu si deggan u weydiiyey intee in le’eg ayuu waday hawsha lagu soo eedeeyey Guhaad? Sideese lagu helay xogta ah inuu hub gudbinayo yaa soo sheegay? Yaase soo ogaaday? Hubku haddduuba yahay hubkii ciidankiisa iyo ururkiisa ku qornaa, side loo caddeeyey inuu cid kale u wado?  goob joog ma ahaa, markii baabuurka hubku saarnaa kaymaha duleedka magaalada lagu qabtay?  Aawaye ciidankii kale ee hubka la gudbinayey?  inuu hawshiisa ciidan watay iyo inuu hub gudbinayey sidee lagu ogaaday, maxaa yeelay meesha uu joogay waa duleedka magaalada uu ka hawlgalo ee ma ahayn soohdin dalka ka baxsan?

Huruuse ayaa inta gubtay oo isla kacay u dulqaadan waayey weydiimahan dhimbilaha ka kulul markaasuu yidhi: “Oo ma waxaad marmarsiinyo u raadinaysaa nin Mahbar ah, maxay tahay caddeynta aad u baahan tahay saw ma ogid ninkaasu inuu yahay nin reer Dacar ah reer Dacarna ay maanta yihiin dad ka soo horjeeda dowladda iyo nabadgelyada dalka?”

Taliye Caddaawe oo gartay ninkani in uusan hayn wax caddeyn ah iyo waddo lagu xidhi karo nin ciidan ah ayaa yidhi: “Adiga iyo isaga midna reerkiisa ma aqaan ee waxaan aqaana inaad tihiin laba nin oo ciidanka ka mid ah, hawlaha kale iyo godobaha beelihiina ka dhaxeeya waxba kama gelin ciidanka iyo xeerarkiisa.

Huruuse ayaa isagoo afka ka xumbaynayaa ka baxay iridka, isagoo aan dheg jalaq u siin farid la siiyey oo ahayd inuu digtoonaado, dhegaystana hadalka taliyaha,  waxaa markiiba ka daba istaagay, Xaashi iyo Oogle oo faray ciidankii meesha joogay in la qabto.

Durbadiiba waxaa ka daba istaagay Taliye Bile Dheere oo afka hore fadhiyey, waa uuna ka dhego adeygay, kaddib ayuu  yidhi ” Waa dhallinyaro ee waan ka daba tagayaa ee i sug”

Taliye Caddaawe warkaasi kuma socone wuxuu ugu warceliyey” Ciidanku dhallinyaro iyo xigaalo ma  yaqaan ee waa inuu ku soo noqdaa fadhiga, weydiimahana iiga warceliyaa haddii kale waxaan farayaa in ciidanku xidhaan weliba  (Farid diid) ayaa lagu qaadayaa  ganaaxana waxaa hadda ka dhawaajinaya Garsoorka oo horteyda fadhiya.

Bile Dheere ayaa isaga oo badbaadinaya wiilkiisa dharbaaxo labada indhood ku gooyey  farayna inuu dhegaysto Taliyaha, gutana xilka qaran ee saaran.Bile Dheere wuxuu arkay inaan laga lug baxayn Caddaawe, haddaan loo helin caddeymo buuxa.

Huruuse ayaa farta ku fiiqay laba oday oo meesha fadhiyey oo yidhi: Waa kuwaas raggii hawsha la waday, Labadaas nin waa kuwii isku xidhayey isaga iyo kooxaha hubeysan ee shisheeyuhu ku adeegto, labada kalena midna waa wadihiisa midna waa xoghayntiisa waana niman xog ogaal u ahaa arrinka.

Arrinkii ayuu dhegaystay Taliye Caddaawe kaddib wuxuu arkay labada nin ee kale in arrinta loo soo meeriyey ee aysan waxba ka aqoonin Guhaad. Waxa uuna labadoodi si kala duwan u weydiiyey dhawr arrimood oo ku saabsan Guhaad.

Taliye Caddaawe ayaa weydiiyey ninkii koowaad ee  sheegtay inuu hawsha isku xidhka ka dambeeyey.

Taliye Caddaawe: Guhaad immisa Jeer baad kulanteen? Maxaadse nooga tilmaami kartaa qaabka uu egyahay iyo arrimaha ku saabsan balwaddiisa?

Maraggi Koowaad oo aan weligiis arag Guhaad ayaa bixiyey tilmaam mutuhis ah ileyn muuqaalkiisa weligiis ma arage: “ Guhaad wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo da’ 30maad ku jira oo dhiig furan, nin ciidan ah oo jidhkiisu dhisan yahay xooggan, intaan isla joognanyna sigaar buu cabayey oo balwad aan taas ahayn kuma arag.

Taliye Caddaawe ayaa weydiiyey, maraggii labaad ma aragtay ama xasuusataa astaan gaar ah oo ninkaasi lahaa?

Maragii Labaad ayaa isna hinqaday oo yidhi: Nin qurxaan ah ayuu ahaa balse inta badan habeen ayaan kulmi jirnay oo ma caddeyn karo astaamo gaar ah.

Taliye Caddaawe iyo jaalkiisa hore ayay ula kulmeen labadii marag ee la yidhi, been farriima waxa ayna ka hayaan cod iyo qoraal ay ka qaadeen suul iyo summad, waxa ayna shideen oo shirka hortiisa ka caddeeyeen codkoodi iyo qoraalladii ay suulka saareen, sidaas ayaana maraggoodi ku burey.

Taliye Caddaawe ayaa  weydiiyey garsoorka “ Garsoore sidee ayaad u aragtaa tilmaanta nimankani ka bixiyeen Guhaad? Ma ku raacsan tahay?

Garsoorihii oo Khalkhal ku dhacay aadna uga baqdin qaba arrinka dib ugu soo noqday oo hore looga ballan qaaday in uusan soo noqonayn, ayaa si kalsooni ah u yidhi “ Maya kuma raacsani, mana aha tilmaamtaasi mid Guhaad leeyahay?

Kaddib taliye Caddaawe ayaa ku yidhi “ Waxaa noo cad in aydaan la kulmin Guhaad weligiina arag, marka marag beenaadka xeerkaas ayuu ciidanku ka qabaa, Garsoorkiina waa fadhiya,  waxaadse ku badbaadi kartaan, haddii aad tihiin dadweyne inaad runta sheegtaan maxaa yeelay ciidan ma tihide, haddii ay jiraan arrimo idinku sandulleynaya ama cabsi aad qabtaan in aad marag been ah furtaan xeerka dalka iyo ciidanka ayaa nabad gelyadiisa dusha u ridanaya.

Labadii nin oo markay maqleen hadalka Garsooraha oo hore loogu sheegay inuu wax ka ogyahay iyo labadii marag ee ciidanka ahaa oo codkoodii iyo qoraalkii beeninta ahaa la  gole keenay, ayaa waxa ay qireenn aysan weligood arag, ciidanna waxba u kala wareejin, lacagna la siiyey, dad danyar ah oo hunguri galayna ay yihiin, gacan dadnimo iyo naxariisna loo fidiyo.

Markii sidaa la wada maqlay ayaa madaxdii ciidanka iyo taliyayaashii kale ee goobta fadhiyey guux iyo xamxam badani gashay waxaana  aad looga yaabay orodka Huruuse iyo maragga beenta ah.

Taliye Caddaawe ayaa istaagay oo una mahadceliyey ka soo qaybgelayaasha, Taliye Bile dheere iyo Garsooraha una sheegay in maanta halkaas ay gartu ku xidhan tahay, laba maalmood kaddibna laysu iman doono,  oo ku beegan maalinta talaadada  ah. Garsooruhu waa u hoggaansamey waana yeelay arrinka maxaa yeelay isaga ayaa hadda naftiisa u baqay, dhambaalka  ka yimid garsoorka ka sarreeya,caddeyn la’aanta Huruuse iyo maraga beenta ah ayaa argagax geliyey.

Taliye Caddaawe oo halkaas ku muujiyey ciidanka dhexdiisa in la shirqooley Guhaad oo magaciisa la uskageeyey, lagana dhigay dhagarqabe oo loo maleegay mallas iyo dabin ayaa yidhi “ Baadhitaanka iyo caddeymaha hadhay maalinta xigtaan ayaan idinla wadaageynaa, ciddii ka dambeysayna  xeerka dalka iyo ciidanka ayaa arrinkooda lagu qaadaya.

Taliye Bille dheere iyo Huruuse ayaa arkay arrintu aysan fududeyn, ninkanina yahay nin adag oo aan ka hadhayn ciidankii oo dhamina dhankiisa maray, isagoo u muujiyey waddo ay ku raaci karaan oo muujinaysa hufnaanta iyo kala dambeynta.

Taliye Bile dheere wuu dareemay in  lagu soo maqan yahay oo aysan hawshu halkaas ku dhammaan, nin loo dhawaan karona maaha Taliye Caddaawe oo ma hawlyara, marka wuxuu isku dayey inuu raadiyo qaab uu ku baajiyo arrinkiisa, wuxuuna  la hadlay, taliska guud ee wasaaradda gaashaandhiga, isaga rag ay isku xulufo ahaayeen kana mideysnaayeen, dhibaataynta dadweynaha iyo beegsiga deegaamo gaar ah u sheegay in ninkaasi hawshiisa  laf dhuun gashay ku yahay baadhitaan adagna uu wado uuna u baahan yahay in laga hor wareejiyo oo hawl kale loo diro.

Arrintaas wuu sii hordegay taliye Caddaawe, waxa uuna wasaaradda Gaashaandhiga ka haystaa dhambaal  awood farid ah,  tirakoobka ciidanka iyo diiwaangelinta wixii dhintay, gaboodfalyada dhacay iyo kuwa baxsaday, arrintan oo ah ciidanka ciidankiisa( Booliis Meleteri) oo adag sida laysu hortaago ama ammin qaadanaysa baajinta arrinkaas.

Waxaa soo dhacay Taar laga doonayo in Taliye Caddaawe tago xeryaha gobolka Hareeriley oo arrimo aan looga maarmayn halkaas looga rabo, balse Taliye Caddaawe waa ka cudurdaartay isagoo sheegay in hawl ka culus uu hayo haddii ay rabaanna in qayb ka mid ah hawlwadeennadiisa u diran karaan arrimaha Hareeriley.

Iyadoo murankaasi jiro ayaa Garsoorihii ugu yimid guriga taliye Caddaawe isaga oo anfariirsan, waxa uuna u sheegay in xaalkiisu xun yahay, laguna sanduleeyey inuu Guhaad ku eedeeyo inuu dhagarqabe yahay, haddii uusan falinna  in wixii uu hore falkiyey oo dhan la soo saarayo, isaga iyo qoyskiisana la beegsan doono, weliba waxaa laygu hanjabay buu yidhi “ In anigoo arkaya gabdhahayga laygu hor kufsan doono” intaas kaddib waxaa i soo wacay nin ka mid ah, madaxda sare iina sheegay in aan qoro dhambaal aad magaalada uga baxayso.

Taliye Caddaawe ayaa yaabay, balse waxa uu u ballan qaaday in isaga iyo qoyskiisaba u badbaadinayo, arrinta dooddaa iyo gartana dib loo dhigayo oo aysan talaadada dhacayn.

Isla markiiba wuxuu la hadlay talis aan ka fogeyn oo ciidan waxaana  si arrinkan looga kaalmeeyo, waxaana u yimid rag ka tirsan ciidanka ciidankooda(Booliis Meleteri) waxa ayna qaadeen  goor habeennimo  qoyskii Garsoore Siidoow

Maalinnimadii talaadada laysuma  iman, waxaana ay mar dambe ku baraarugeen in Garsoore Siidoow aysan qoyskiisu joogin,  isagiina aan meel lagu ogeyn, arrintan ayaa talo sii murjisay, waxaana galay werwer cusub Taliye Bile Dheere iyo Huruusi, waxa ayna ka baqdin qabaan in arrinkani bannaanka u baxo, kaddibna warbaahinta cara edeg gaadho, arrintuna noqoto mid daaha ka qaada gabboodfalka baahsan ee kooxda gaashaanbuurtu waddo.

Waxa ay la xidhiidheen nin ka mid ah, golaha sare si uu xal u helo, balse, markaan arrinku waa dhaafay mara guudkeed, waxaa toos loola soo hadlay, Taliye Caddaawe loona sheegay inuu faraha kala baxo, hawlaha uu wado ee ka dhan ka ah arrimaha ciidanka, haddaanu joojina inuu isagu ku guban doono, dabka uu ku ciyaarayo.

Taliye Caddaawe markan isaga ayaa godkiisa biyo ugu soo galeen, waayo ninka la hadlay waa nin awood u leh inuu berri xilka ka qaado, kaddibna hawlgal ka dhigo ama qabbir u dhaadhiciyo iyadoon waxba loogu marmarsiinyoon. Waa ninka ugu sarreeya ciidanka oodhan isagana ay hoos yimaadaan talis walbaa, waa nin aan madaxweynaha maahine nin kale waxba ka dhegaysan.

Taliye Caddaawe ayaa ciil la joogi waayey cadho awgeedna indhuhu guduuteen, waxa uuna is weydiinayaa, maxaa keenay in ciidankii loo tabbobaray loona diyaariyey inay bulshada ilaaliyaan, nacabka iyo shisheeyaha ka jiraan inay sidii gumaystaha ula dhaqmaan oo ilaa heerkaa dadka cadaadis la saaro.

Wuxuu  uu dareenkiisa ka helay inuu ogyahay hal dhacdo, balse, ay jiraan kumanyaal ka daran oo dadweynaha iyo shaqaalaha kale lagu hayo.Faridi maaha baryo iyo codsi ee waxaa lagu jujuubay Taliye Caddaawe inuu faraha kala baxo hawsha Guhaad iyo Garsoore Siidoow, saddex maalmood gudahoodana uu ku wareejyo wixii caddeymo ah ee uu hayo, Bile Dheere.

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN