Waa geeraar aad u murti iyo miisaan culus, Hal abuurka da’da yar ee Ibraahim Cismaan Afrax ayaa wuxuu ku soo gudbinayaa sheeko xiiso leh oo ku saabsan dareen iyo kalgacal soo marey, bal haddaba bogasho wacan waa Geeraarkii Mas dil
Geeraarka “Mas-dil”
- Tix yaroo burqaneeysa
- Haddii aan kugu biirsho
- Ama aan bal-ballaarsho
- Imtixaanka ku baaso
- Daraja aad bixineeyso
- Billad maygu gargaari?
- Ama buundada leexso
- Sida baadi la waayey
- Bustahaada ku huuri.
- Kan diiwaanka ka baara
- Kolku boorka ka qaado
- Geeraarkii lagu baantay
- Anigoo ku barmoosay
- Kuman baa i boqreysa.
- Bilistaan dhaq iraahdo
- Ama aan bogga saarto
- Birrish bey noqotaaye
- Rabbiyoow i badbaadi
- Igu aaddi mid buunsho
- Badar haadi taqaanna.
- Kalgaceeyl bilo gaaray
- Ubaxaan ku barbaarshay
- Beryuhuu engegaayey
- Anuun baa bilbilaayey.
- Baqtigii la rusheeyo
- Budda wuu ka qurmaaye
- Maxaan baaldi tifqaaya
- Barqadii ku waraabshay
- Ama booyado buuxa
- Ugu keydshay baraago.
- Kolkaad baahi dareento
- Tagto looma baroorto
- Sida baydhabadeenna
- Bardihii lagu sheegay
- Intan maagay ku beero
- Bu’da leyska dareemo
- Sow niman ka baqaayey
- Kuma faagin badiillo.
- Inkastooy beladaasi
- Riyadeyda bargoysay,
- Haddaan been il’ileeysa
- Ama baaddil la sheegin
- Berga waan turcayaaye
- Boqnaheeyga ma laaban.
- Mas-diloow bulalleyrka
- Kaligaa ku bidhaanshay
- Ragga qaar u bayaani
- Adna beerka ku hayso
- Qof wuxuu ku bas beelo
- Sida booli ha moodin
- Dadka leysku banneeyay
- Haka eegin baruudda
- Boqorkaa ku dayaaya
- Aadmigiisa ha beegsan
- Sida neef la bireeyay
- Hilbahood ha bisleysan
- Ba’da yaan ku falaadin
- Burjigeeda halleeynin
- Ama Boowdka taraarin
- Hadduu beydku daloolo
- Buryaroow iga daari
Waxa Curiyey: Ibrahiim Cisman Afrax (Ibrahim Nolosha)