Gorfeynta dhiganaha: Dhimaal Dhaqan
Dhige: Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’
Daabicid: Laashin
Bog: 201
Sanadka: 2023
In kasta oonan aqris badnayn, haddana Dhimaal Dhaqan buug la mida ma aqrin weli. Wuxuu ii furay ogaal badan wuxuuna i baray aqoon dhinac badan oo nolosha ah taabanaysa.
Waa dhigane si qotodheer u lafaguraya dhaqanka soomaalida, dhaqanku waa waxa lugu garto ummad si looga sooco ummada kale.
Dhinac kale dhaqanku waxa uu lanbarka saddaxaad ka yahay shan qodob oo la tixgaliyo marka xeer cusub la samaynayo oo kala ah: dastuurka, diinta, dhaqanka, xeerarkii hore, iyo caddaaladda.
Buuggan wuxuu fatashaad ku samaynayaa dhimaalka ku dhacay dhaqankeenii suubbanaa, si aan looga baran qore soomaaliyeed ayuu ugu nuuxnuuxsanayaa is badalada ku dhacay hab noolaanshihii bulshada dhaqan ahaan, nolol ahaan iyo siyaaso ahaan.
Waxan ku talinayaa horna loogu taliyay – sida prof Eenow ku sheegay hordhaca buuggan- in buugan manhajka ubadka soomaaliyeed wax lugu baro lugu daro, maxaa yeelay, waa buug ay tahay inaad aqrido si aad qaladkaaga u saxdo, inta aan la gaarin qof kale si aad u saxdp qoyskaaga, haddana bulshada aad u hagaajiso inta karaankaaga ah.
Waxan taladaa ku darayaa in dadka bulshada huggaansha la gaarsiiyo iyaguna ha aqriyaane, si ay u hagaagaan umadda ay madaxda u yihiin una hagaajiyaan, illeyn dhiganaha waa dhaqtar dhaqane.
Inta aan faallan kooban soo xirin waxaan soo xiganayaa dhawr sadar oo aan uga helay, sida uu murti iyo sooh suugaaneed ugu sameeyey, oo ku tusaysa sida uu qoraagu u yahay afyaqaan ku xeeldheerin ararintiisa, wuxuuna qoray:
“Inta gadan, inta la gadan karo, inta godan, inta la godi karo, inta ganacsade ah, inta laga ganacsan karo, inta gunnodoon ah, inta gunno la siin karo, inta garaaddo rabta, inta garaado loo galin karo inta guddoon jecel, inta guddoon lugu sa saban karo, inta go’aamin u hanqaltaagee, inta go’aamintooda lugu go’doomiyo bulsho dhan, intaas oo dhaqan gurracan ah ayaa jirjirrooleyn lugu sifaynkaraa.” Halbeegga: Jirjirroolenimo. Baalka: 124
Ugu dambayn waxaan ku soo xirayaa maansadan gaaban oo leh:
“Dhiganahan layaab kale
Dhanbaalkaan la soo diray
Dhimaal Dhaqan ma kuu yimid?
Ma dhammayday waayahe?
Dhaqso ku hel ma kugu jiray?
Ummad dhalan gaddoontoo
Dhuntay oo habaawdoo
Dhaxday dhowr habeenoo
Dhankan iyo dhankaas jirin
Dhaqankay lahayd iyo
Diintii hor loo dhigay
Dhammaan aan tixgalinoo
Dhebbe uga dhaqaaqdaa
Dhiig lugu shubaayiyo
Dawo looga dhigayaa
Dhaqtarbaana soo qoray
Dhugtay cudurradeennee
Dhammaan yaan la moogaan!
Markow ararta dhaafee
Afeeftana dhammeeyow
Dhexda waxow na leeyahay
Asagoon dhan kale marin
Bulshayahay dhutaydaa
Dhiga falalka liitood
Caadada ka dhigateen
Dhawaqiina toosiya
Dhibku waydin dhaafine!
Eraybixinno dhaxalgala
Sheekooyin dhaqameed
Maahmaahyo dhiganaa
Suugaan dhammaystiran
Maanso gabayo dhaadheer
Dhexda waxay u yaallaan
Buuggaan Dhimaal Dhaqan
Qof kastoo dhammeeyaa
Dhahyey: dhaxal ha laga dhigo
Barri ubadka loo dhigo
Dhabna waabay ila tahay
Anse waxaan ku dhafayaa:
Kuwa dhaarta marayoo
Huggaan aan ka dhiganniyo
Siyaasiga ha loo dhigo!
Shacabkayga dhumayow
Dhaqankood ka tagayoow
Dhaqan kalana qaadane
Kab cidlaa ku dhumayoow
Dhaawac aan dawada helin
Dhaqso ku ma biskoodee
Dhiganaha Dhimaal Dhaqan
Dhaymadiinna weeyee
Yaan loo dhugma la’aan!”
Qorid & curin: Xasan Qorile