GUBISTII BUUGTEYDA
(Sheeko Gaaban)
Waxaa qoray Maxamed D. Ciise
1
Dhammaadka simistarka ayaa la sii galayaa, daraasadduna waa dhammaad, maalinteyduna ma aheyn maalin wanaagsan oo odeyga xun ee maamulaha kulliyadda ah ayaan isku yara buuqnay. Jaamacadda kulliyadda dhaqaalaha ayaan ka dhigaa maaddada maamulidda kheyraadka aadanaha. Galab dheertii ayaan maantay shaqada kasoo baxay fasalkana ma aanan ka yeerin tiro koobaha ardeyda, saxiixa barayaasha ayaan iska soo boobsiiyay, waxaan horey usoo raacey Hindo.
Gaari Aliyoon ah ayey wadataa, waana xoghayaha xafiiska maaliyadda jaamacadda.
-Nabadeysan Hindo, waxaan filayaa in aanan berri soo raaci doonin gaarigaaga!
-Nabadsan Suldaan, ma gaari ayaad soo gadatay, oo sidaas baad iiga maarmeysaa?
Laba kala baridey kala war la’. Iyadu waxeyba ii heysataa, in aan soo gatay gaari, aniguna waxaan si kedis ah ugu sheegay in aan baxaayo oo aan berri subax safar u ahay Guriceel. Waxa ay ii sheegtay in aan hoosta kasoo geliyay, se ay ii rejeyneyso samo wanaagsan in aan kusoo noqdo.
Gurigeyga ayey i hordhigtay, degaannada soomaalidana waa iska caadi in aad gaari raaxo ka soo degto misana aad dhex gasho guri jaqafyo jiingad ah. Dhexdii ii xirneyd ayaan iska furay, qolkeygii yaraa ayaan u sii gudbay aniga oo aanan salaamin gashaantiyo deedka weyn ee guriga ku sheekeysanaayay. Qub, Qac, iyo xoog u adeegsi ayuu ku furmaa albaabka qolkeygu. Keligiis noole ayaan ahay, oo ma jirto cid ii hagaajineysa qolkeyga. Warqado yar yar oo joornaalkii shalay ahaa ayaan sii dulmaray; kabaha iyo dharka ayaan iska bixiyay, waxaan u soo baxay bannaanka, oo musqusha iyo qolka wey kala fog yihiin. Biyo caag seddexle ah ku jiro ayaan isku soo daadiyay; durbaba dhar ayaan isku soo taagay; waxa aan buugteyda kala soo baxay sheeko faneedda Gabriel García Màrquez oo aheyd mid dhex ii mareysay. Baraafuun ma heysto, bal se cadar caraf badan oo aan isbuucii hore ka gatay wiil Suuriyaan ah ayaan isku xarriiqxartiiqey; wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee Akedeemiyadda Cilmiga ayaan sariirta dusheeda ka soo qaatay. Joodariga oo dhulka ii yaalla ayaan maro yar ku sii jafay. Kartoonkii/baakaddii rasaasta (sigaarka) waxaa kaliya ku hartay xabbad xun oo jactad la ildaran, kartoonkii ayaan soo dhufsaday qolkana ka soo dhaqaajiyay.
Shantii Galabnimo ayey daqiiqado sii dhaafeysaa, gabdhihii aan labada jeer hareer maray ayaan af macaan ku sii salaamay. Salaan lama agmari karo tooktaan, oo waayo? Waxa aan uga baahanahay hashoo igaar oo fariid ah in ey ii soo shiddo xabbad sigaar ah, si aan u sii qiiqiyo inta aan ka helaayo kobashiinno xaraar fiican leh.
Isgooyska Baar Ubax ee jidka soddanka in badan iima jiro. Gaariga dadweynaha ayaan sii raacey si aan u gaaro maqaaxida Baar Itaaliya, kana furan Lambar Afar. Ma jecli galabteyda in ay iiga dhammato nolol darro/macna darro, waxa aan jeclahay galabteyda in aan ku cabo kobashiinnaha amaba cabitaannada tamarta dhinaca jidadka waaweyn iyo isgoysyada.
Kuraasta maqaayadda bannaankeeda taalla mid kamid ah ayaan u la jeestay jidka dhiniciisa. Wargeyskii aan sitay ayaan la soo baxay si aan isugu mashquuliyo inta la ii keenaayo kobashiinnaha. Saxmmadda magaalada ayaan iska daawanayaa, odoyaasha hareeraheyga fadhiya ayaa igu abuurey xaraarad; nin walba bushimo duqoobey ayuu xabbad sigaar ah kaga dhuuqaya tubaakada iguna soo afuufayaa.
Baakad cusub ayaan ka soo qabsaday odey ku iibiyo miis yar waxyaabaha fudud. Beryahaan magaalada waa ka sii baxayaa Isboortis, baakad beensal ah iyo jante qurux badan ayaan soo dhufsaday. Kursigeygii ayaan ku soo noqdey, koboshiinnihii ayaa la ii keenay, xoorta bakeeriga ka muuqato ayaan ka sii carafsanayaa xaraarka kofeega. Xabbaddii ugu horreysay ayaan kala baxay baakadka, afka hore ayaan kaga qabtay dab ka imaaday booyadda jantaha, isla markiiba bushimaheyga oomman ayaan ku qabsaday qeybta danbe ee sigaarka u na nuugey si xammaasad iyo jaceyl leh. Dhimbil gaduudan ayuu isu baddelley afkii hore, qiic ka soo burqaday sambabada ayaan ka soo daayay faruuryaha, cantuugo xaraar ahna ku sii qaaday labadeyda daan, u na dejiyay caloosha. Jawigayga ayaa mar keliya isbaddelay kuna raaxeystay fadhigeygii.
Wadaadkii ayaa ku dhuftay aadaankii salaadda maqrib, cid walbana wey u dareertay. Maalinteydii buuqa badneyd waxa aan afuufey iyada oo qiiq ah.
Billowga habeenkeyga waxa aan u wajahayaa caawey si xasilloon. Waxaa i soo wacday Hindo ii na sheegtay in ay caawey waqti i la qaadaneyso. Durbaba waxa aan iska xaadiriyay halkii ballanta iyo maqaaxida Daash ee Buulo Xuubey. Iyadoo carafsan oo aad moodid cuudkii oo naf la geliyay ayey i la soo fadhiisatay qeybta danbe ee maqaaxida.
-Suldaan waa see jawigaagu?
-Hindo jawigu waa taagan qurxoon se habeen danbe tagto ayuu iga noqonayaa.
-Sow adigii i baray xeerka ku noolaanshaha taaganta iyo ku raaxeysigeeda.
Afkii ayaa juuqda gabay! Waa isla anigii oo la iiga dheereeyay xeerkii aan jeediyay.
Sheeko iyo dheehasho kaddib waxey ii sameysay sagootin wacan. Cid kale oo ii dhaw kuma lihi magaaladaan oon Hindo aheyn, reerkeyguna waa dad ku nool goballada dhexe. Caweys dheer kaddib waxa ay igu soo qaadday gaarigeeda. Markii ay i keentay albaabka gurigeyga ayey daaqaddii gaariga iska furtay kana soo degtay. Inta ay horteyda isa soo hor qotomisay ayey laabta iigu qabatay sidii oon u dhoof tagaayo dhul dheer iyo qaarado kale. Waxa ay iga qabatay gacanteyda midig, waxa ay si kedis ah boorso dumarreedkeedii iiga soo bixisay labo baakad oo beensal ah, iina sheegtay in aan ku soo xusuusto qiica iyo tamarta sigaarka, daankana shumis kulul iiga dhejisay.
Gaarigeedii caddaa iyo habeenkii shumiska kulul watay sidaas ayey iiga mirqeen. Qolkeygii ayaan gudaha u galay, dharkii ayaan iska bixiyay, joodariga ayaan isku tuurey. Baakaddii aan soo gatay galabtay ayaan kala soo baxay rasaas aan ku damiyo xusuustii maantay. Qolku waa mugdi keliya waxaa iftiimaayo xabadda sigaarka ah. Qiic ayaan sambabada buuxsaday kana nafisey xusuustii darneyd hurdo macaanna iga soo dhacdey.
La soco qeybta xigta