GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 11aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)
Tarbiyada ama rabaynta awlaada, waxa ay muhiim u tahay in mustaqbalka la helo awlaad/ilmo saalax ah naftiisa/waalidkiis/diintiisa iyo dalkiisa wax tara, si middaasi loo helo waa in waalidku si wacan oo waafaqsan diinteena suuban u gutaa waajibkaa ka saran xagga barbaarinta ubadka.
Howshaasuna waa qeyb ka mid ah nolosha lamaane kastaa bisho, isla markaasna bulshada ku soo kordhiso dad wacan oo dhaqan suuban leh. Waxaa kale oo ay abuurtaa wada joog aanan kala go’in dhinaca lamaane walba oo jidkaas ku tilaabsado, laakin haddii la khilaafo tarbiyeynta islaamka na faray ee awlaadeenaa waxa ay hoos u dhigtaa qiimaha lamaanaha iyo awlaadooda ay bulshada ku dhax leeyihiin. Waxa ayna keentaa khilaaf ka dhex aloosma lamaanaha, kala tag, qeylo iyo muran u joog aanan dhamaaan , ama waxa ay bulshada ku soo kordhisaa falal gurracan iyo awlaad waxyeeleyso quraxda bulshada.
Korinta iyo rabaynta/barbaarinta ma ahan wax fudud, balsa waxay ku xiran tahay adiga jidka toosan oo aad u adeegsato tarbiyeynta awlaadda iyo korintoodaba. Awlaada/ilmaha tarbiyeyntooda, waxa ay ka bilaabataa oo aynan dad badan ku baraarugsanayn inta uu cunugga ku jiro uurka hooyadiis, waayo waxa ay culumada ku tahkhasustay arrimahaas kashifeen, in cunugga inta uu uurka ku jiro maqlaayo doodaha wanaagsan ama xun-xun ee waalidkiisa dhax maro had iyo jeer kolka ay sheekeysanayaan ama wada hadlayaan, haddii ay bataan doodaha aanan quraxsanayn ee dhaxmaro lamaane walba waxa ay cunugga dhashay u keenaan qalafsanaan, dhalashada keddib iyo ka horba, haddiisa ilmaha uurka ku jiro uu caadeystay maqalka doodda suuban wuxuu dhashaa isaga oo nuurayo, haddii aynan caqabad(jid goyn) kale ku imaan waqtiga korintiisa.
Cunug waliba sida aad adiga la jeceshahay ma noqonayo, wuxuu la qabsanaa wixi guriga ka jiro, wixi xaafadda iyo malcamadda(dugsiga) iyo iskuulka ka jiro ee san ama xun, wuxuu la imaanaa dhaxal dhaqan, jir iyo raad uu kala yimaado dadka ay ka soo jeedaan, waxaas oo dhan, weliba wixi dhaqan xun ah waxaa ka ilaalin kara si deggan oo faham xambaarsan Aaabaha iyo Hooyada dhalay ilmahaas.
Wixi fiicanna waxaa ku tilaabsigooda ku dhiiri-gelin karo waalidka ama lamaanaha dhalay caruurtaas.
Rabaynta/barbaarinta carruurta, waxa ay ka bilaabataa kolka uu ilmuhu dhasho ilaa iyo inta uu ka baxayo da’da uu gaaro/gaarto ee loo yaqaan ka guuridda yaraanta iyo u guurista weynaan tebista(Muraahiq) illaa Qaangaar.
Rabaynta/barbaarinta caruurta, waa ka warheynta ummuurahooda tan iyo inti uu ka qaangaaro iyo keddiba haddii ay jirto duruufo gaar ah, marki uu yaryahay waxaa loo baahan yahay la socodka iyo suluugga/dabeecadda dhaqdhaqaaqiisa had iyo jeer, kolki uu lix ama toddoba sano lugta la galo/gasho waxaa carruurta badankooda ay la kowsadaan isbeddel cusub iyo u baahashada in lagu dhiirigeliyo waxbarasho miyo iyo magaalaba.
Miyiga, wuxuu u baahan yahay baridda diintiisa iyo ku tarbiyeynta la hawl-gelidda hawlaha reerka iyo baahidooda nololeed guud ahaan iyo gaar ahaan, si ilmahaas loogu diyaarsho in uu si fudud ula qabsado nolosha iyo dhaqanka deegaankaas ee suubban, kolka uu gaaro da’da uu qaadanayo mas’uuliyadda noloshiisa/nolosheeda.
Dhinaca magaalada, sidoo kale waxaa lamaane walbo laga rabaa inti tabartooda ah in ay la yimaadaan u diyaar-garowga, sidi ay wax u bari lahaayeen carruurtooda, dugsi quraan iyo mid cilmiyeed u geyn lahaayeen, u bari lahaayeen nolosha reerka guud ahaan, gaar ahaan iyo la dhaqanka suubban ee dadyowga kale.
Waxa kale oo muhiim ah, in loo sii diyaarsho carruurta mid walba loo sii sheego in isaga/iyada mustaqbalka dhaw laga rabo in uu doorkiisa/doorkeeda ula jaan qaadi lahaayeen mas’uuliyadda noloshooda waqtiga la gaaro in wiil/gabdh walbo gaaraan da’da ay doorkooda mas’uuliyadda noloshooda u qaadi lahaayeen. Barista arrimahaas waa in ay badankooda ahaadaan mid fal ah si ay naftiisa/nafteeda uga kori lahayd dayacnaan ku timaado mustaqbalka noloshooda, ilma kasto yaraanta iyo tan iyo weynaanta waa in la baro, in ay shaqeystaan shaqo caadi ah ama tujaaro/ganacsi, la baro in gacantooda aynan noqon gacanta hoose , balsa ay ahaato gacanta kore iyada oo wax waliba fadhi looga dhigayo ku tiirsanaashada Allah iyo ku dheganaashada xarigga toosan ee Allah. Ilmuhuna, waa in mug walba lageliyo,laguna beero isku kalsoonaan, si mustaqbalka uu u noqdo mid isku filan isku kalsoon.
Fiira gaar ah, dhinaca waxbarashada cilmiyeed iyo tan diimeed waxaa dalkeenna iyo dalal kale oo badan ka jiro qaab darro badan oo soo galooti ah, taana waa in laga ilaaliyo carruurta, waxa ayna taa xilkeeda saaran yahay lamaane walbo.
Waa in carruurta la baraa, in xalaasha caddahay, Xaaraantana caddahay, xumaha cad yahay iyo in wixi wanaagga oo dhanna ay cad-yihiin.
Lamaane walbo, in ay carruurta wax baraan kaliya, ma jirto wax ay soo kordhineyso kol haddii waalidka uunan hormuud(Qudwa) toosan u noqon carruurtiisa, lagama yaabo in ay toosnaan la yimaadaan waalid caruurtiisa ku hor cabayo Sigaar, mukhadar, qamri, qaat, xatooyo, xaaraan quudasho, xaasidnimo, been, khiyaana fal, nac iyo cadawtooyo iwm ah ilaa iyo inti Allah uga raxmado jidkaas qaloocan.
Waalidka waxaa laga rabaa in ay ku dadaalaan in ay ilmahooda yaraantooda ku dhiirrigeliyaan wax yaabaha uu cunuga jecel yahay ee wanaagsan, bulshadana ku soo kordhin karo wanaag iyo horumar, balsa aynan ku hogaamin carruurta waxa ay iyaga la jecel yihiin, waayo taa haddii ay diidmo ka hortimaado waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin aanan lagu xisaabtamin, xitaa waxa waalidka la rabo ay yihiin wax fiican.
Waxaa jiro, dhibab badan oo dhanka muddadada wax barashada naga heysto Soomaali ahaan iyo dalal kale oo badan, waxaa nalagu xukumay ama noola meeriyay, isticmaarki laga dhaxlay in aan dugsiyada hoose, dhaxe iyo sare dhiganno laba iyo toban sano, kolkaa wiilka/gabadha waxa ay qiyaasti da’dooda tahay sideed iyo toban jir, ardayda badanaa isaga mid ma ahan fahmada waxbarasho muddada waxbarasho ee 12 sano ah.
Marka waxabarashadaas ay dhamaato, waxaa in badan ku soo baraarugaan in nolashooda dhax gashay waqti dhumis xooggan(balaaran), maadaama aynan ku aflixin waxbarashada ay soo mareen muddadaas, horena aan loo tijaabin in shaqsi walba loo diro wuxuu ku fiican yahay qof ahaan.
Waa in muddadaas waxbarasho wax laga bedelaa, lagamana yaabo in qof ama labo wax ka beddali karaan. Taa waa in nidaamka dalka lala kaashtaa, lala kaashtaa aqoon-yahanno khibrad u leh arriimahan oo kale, loo saaraa guddiyo daraaso ku sameeyo, in iyada oo aanan waqtiga looga dhumin ardayda, waa in lala yimaado sidi wax loo bari lahaay arday walba iyo hortiisa iyo in ka hor laba iyo toban loo diro shakhsi walba wax uu ku fiican yahay, haddii ay ahaan lahayd farsamooyinka kala duwan ee adduunyada ka jiro, ganaacsi iwm.
Fiira gaar ah oo na barayso ku cibra qaadasho, waxaa arkeysaa kutaab wax ku soo bartay dugsi quraan yaraantiisa mudda gaaban, kolki uu kororsi wax barasho ee dhanka diinta islaamka u doonto caalim masaajidka ka aqriyo kutuba diiniya, ardaygaas ugu badnaan afar sano ayey ku qaadaneysaa in uu culuumta islaamka ka gaaro meel sare, halka ay ardayda barato cilmiga maaddiga ah 12 sano iyo afar sano oo jaamacadeed loogu celcelsho isla culuumta dugsiga hoose loogu soo dhigay ama bilaabay.
Waalid walba ha ka feejignaado, haddii ay carruurtiisa la yimaadaan waxyaaba la qalafsan isaga ama hooyada in aanan laysku dayin in arrintaas lagu xaliyo jajuub ama qeylo iyo dagaal, waa in si deggan loo xaliyo. Arrin walba oo u baahan isfaham iyo wada hadal deggan si looga koro in cunugaaga ka weecdo halki aad la rabtay, adiga oo aan taa dareensaneyn.
Lagama yaabo in ilmahaaga ay is wada ahaadaan ama sida aad la jeceshahay wada noqdaan. Waxaa jiro arrima badan oo la xiriiro qaddarka iyo ebtalooyin aadan adiga u war qabin xikmadda Allah ka leeyahay. Adiga la imow dulqaad iyo in aad isku daydo si deggan in aad ula jaan-qaaddo arrin walba iyo horteeda.
Caruurta oo toosto, waxaa ka horreeyo toosnaan ay qabaan ama la yimaadaan waalidka, balsa haddii uu guriga ka jiro muran joogta ah iyo in wax yaabaha aan wanaagsaneyn lagula hadaaqo ilmaha meel agtooda ah, waxa ay sababayaan in qalooc ku yimaado awlaadaada, in niyad xumo iyo jah-wareer iyagana ku yimaadaan waalidka naf-ahaantiisa.
La soco Q. xigta
W/Q.Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)