GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 12aad W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

 

GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 12aad

W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

 

Qeybtan waa mathalaad aan ku soo qaadaneyno xaaladaha nololeed ee gurya kala duwan.  Qeybaha dambe ee sheekadan waxa aan  guda gelaynaa tusaaleooyin laga dhaxli karo, lagan baran karo nolosha guurar kala duwan iyo ka sheekeynta dhacdooyin nololeed laga dheehan karo wejiyo kala geddisan si jiilalka haddeer joogo iyo kuwa dambaba ay uga digtoonaadaan in ay ku dhacaan dhib horay loo arkay meeshuu ku so af-jaray wada jirka lamaanayaal kala duwan iyo kuwa laga dheehan karo adkeynta in uusan burbur ku dhamaan ama kala tag nin iyo naag is qaba.

Guri-Neg:

Qoraal tixana ah, ka hadlayo arrimaha Guurka iyo dhaqamada guryo dhisan ,Guryo dumay ama guryo waa hore ah, kala dhaqan duwanaanta guryaha ku xusan sheekadan iyo guud ahaan guryaha oo dhan, guulaha iyo dhibabka ka dhasho dhaqan walba iyo guri walba hortiisa.

Fiira gaar ah:

Waxaan ka cudurdaaranayaa afeef ahaan ,haddii ay dhacdo in sheekooyinka soo socdo midkood uu kuula ekaado dhaqan ka jiro guri aad taqaan ama dhaqan ka jiro gurigaada, waa in aad ogaato in sheekooyinka qoraalkan uu xambaarsan yahay in aynan khuseyn dad gaar ah, balsa ujeeddada uun tahay in wixi wacan lagu daydo ,wixi dhaqan xun ahna laga leexdo.

 

Dulqaad, isdhawr iyo isfaham

Xaliima waa gabadh firfircoon, quruxsan.

Xilligu, waa bilowgii lixdameeyadi, waxaa dalkeena ka curtay nidaam dowlo.Waa xilligii dalkeennu ka xoroobay isticmaarki Talyaaniga iyo ingiriiska. Dalkana waxaa ka hana qaaday isbeddel siyaasadeed saameeyay nolosha dadka soomaaliyeed guud ahaan miyi iyo magaalalaba.

Xaliima waxay ahayd reer Miyi, waxaa yaraanteedi la geeyay malcamad ama dugsi quraan.  Xaliimo waxay ku soo barbaartay guri uu ka jiro ismaqal, kala dambeyn, fulinta hawlaha sida loo kala leeyhay, adeeg la kala leeyahay.

Xaliimo kolki ay qaangaartay, waxaa arkaday oo ay ishiisa qabatay wiil dhalinyara  ah oo guur doon ah.  Isagana ku soo barbaaray guri uu ka jiro ismaqal, kala dambeyn, fulinta hawlaha sida loo kala leeyhay. Wiilkaan arkooday Xaliimo, waxa ay yihiin qaraaba dhawn.  Wiilkaa Aabihiis, wuxuu lahaa xoolo iyo beer, reerkiisa waa dhaqnaayeen, wuxuu meel dheer ka dareensaday, arkay in wiilkiisa uu xodxodasho ugu jiro gabadh uu dhalay nin ay kala tirsadaan saddex oday reer ahaan.

Odaygi,  wuxuu habeen u yeeray wiilkiisa, hoosna ugu dhigay bal inuu gabadhaas u doono, wiilkina wuxuu yiri:  Aabe, u kaadi aan yara bisleeyo sheekada aniga iyo Xalimo, balanna kala xiranno aniga iyo gabadha naftayda gaclootay.

Wadahadalkii Odayga iyoigaarkiisa,  kolki bil iyo xoogaa laga joogay,  wiilki wuxuu aabahiis u sheegay inuu u doono Xaliimo Xaayow.

Odaygina wiilkiisa jilicow wuu u doonay gabadhi uu dhalay odaygi ay qaraabada ahaayeen, waxaana maalmo keddib ay labadaa reer isla meel dhigeen in laysu guuriyo Jilicow iyo Xaliimo.

Isu guurin keddib, labadooda waxay si dhab ah ugu istaageen udbaynta gurigooda iyo in guurkooda ahaado mid waaro oo ay gadaashiisa ku helaan Awlaad suubban. Ma dhicin taa Qadarta Allah, wax awlaada lama helin immin dheer, balsa si kasto oo hadalo deel qaaf ah loogu tuurtuuro, wada jirkooda ama noloshooda la soo fara gelsho, waa lagu kari-waayay in ay kala tagaan oo gurigooda la dunsho. Waxa ay ahaayeen dad dabeecadooda is qaaday, waxay lahaayeen isfaham wacan oo u dhaxeeyo iyo waxay isla go’aansadeed in ay ku adkeystaan inay aqbalaan wixi Allah u qoray, dadna aynan dheg u dhigin, ehel ha ahaadeen ama korreeye.

Da’ada Xaliimo marki ay 45 sano lugaha la gashay waxaa dhacday in Xaliimo ay yeelatay uur, sagaal bilood keddibna ay isu dhalaan Gabadh barakeysan sida la sheegay.

15 sano keddib Jilicow iyo Xaaliimo waalidkooda waa xijaabteen, mudda gaaban keddibna waxaa geeriyooday Jilicow.

Xaliima iyo gabadheeda waxay yimaadeen deegaanka Jowhar, waxaana gabadhooda loo guuriyay Wiil u dhashay reer kale, waxaa la sheegaa in gabadhi jilicow iyo Xaliimo ay wiilki loo guuriyay u dhashay mataano tiro iyo shan jeer, iyagana ay mareen waddadi ay jeexeen Aabayaashood iyo hooyooyinkooda, wadda fududeyneyso wada noolaasho dulqaad iyo is-maqal loo huwiyay.

Guur iyo guri neg oo waaro waxaa xeeriyo, Dulqaad iyo arrima laga qaato Diinteena suuban iyo dhaqankeenna soo jireenka ah.

Waxaa xeeriyo sheekooyinka wacan ee maqalka ah ee laga soo tebiyo guryo nololeedka noloshooda ku dhamaatay dhaxal wacan oo ay wax ka bartaan jiilalka iyaga xigo iyo kuwa ka dambeeyaba.

Ogow badanaa mas’uuliyada ninka waa inuu isaga ahaado tiirka koowaad ee adkeynta udubbada isku haayo guriga, waa inuu ahaado nin shaqeysto oo mas’uuliyadda maareynta nolosha gurigaas gacanta ku haayo, u roon xaaskiisa iyo carruurtiisa haddii awlaad la kala helo iyo haddii kalaba, xaaskiisa ka dhawro war iyo fal dhib ku ah.

Dhinaca kalana Naagta/xaaska waa inay ahaato garabka ninkeeda, daryeesho ninkeeda, sirta gurigeeda in aynan bannaanka u bixin, carruur haddii la helo, ku dadaasho korintooda iyo bed-qabkooda, haddii aan la kala helinna dulqaad lagu wada joogo ama is-faham lagu kala tago, wixi culays ku soo kordho ay si hoose ugu sheegto ninkeeda, kuna dadaasho xal u heilidda arrin kasta si degan, labada dhinacba taagnaashada iyo guusha gurigaas laga gaaro waxaa ka saaran mas’uuliyad xoogan.

Sheekadan Jilicow iyo Xaliimo waxaan sheekadan ugu furay in ay jiilalka cusub ka bartaan in Dulqaadka yahay nolosha wacan fadhiisinteeda, marki laga reebo waxyaabaha ka dhasho qaddarta Allah. Dulqaadka, isdhegeysiga si degan, is fahamka in ay ahaadaan had jeer tiir sabab u noqdo in lamaana walbo uu badanaa guurkooda raago.

Waxaa kale ee dulqaadka ku baraa ka gudbidda dhibka jiro waqtigaas, si loo fududeeyo hawlaha kale iyo in dib loogu soo noqdo xal u helidda wixi laysku fahmi waayo xal u heliddooda,dibna loogu soo noqdo xal loo helo dhib kasto iyada oo laga degan yahay maskax ahaan inti hore, is-fahamka, is dhawrida iyo daryeeleyn joogta ah waxay kor u qaadaan jaceylka iyo isu hiloow aanan dhamaan oo dhaxmara lamaana kasto.

La soco Q.xigta

W/Q. CabdullaahiMacallin Maxauud (SIYAASI)

SHEEKOOYIN