GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 13aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)
Ma tole:
Cali waa wiil dhallinyara ah oo guur doon ah, xaraaro ay ku heyso hebel oo guursaday miyaad ka hooseysaa? af mac, maakirnima u dheer-tahay, shaqo wacan heysto, ka fikirin nolosha uu doonayo midda ay tahay, dhac dhac badan, isku dul wado la sheekeysiga gabdha badan, gobalka uu ka shaqeeyo ka fog yahay deegaanki uu ku soo barbaaray, gabdhaha uu shukaansado mid walba waxa ay niyada iska leedahay, waa kan kii kula dhisi lahaa gurisan.
Cali, gabdhihi uu u sheekeeyay mid ka mid ah ayuu la baxay ama masaafeystay, iyada oo aanan reerkeeda lagu war-gelin, waa la meher-shay, lagama fikirin sharci ahaanta guurkaas, shiikhina xoogaa yar ayaa jeebka loo gelshay, labadoodana wax kama weydiin aaway reerkiina, marqaatiga guurkana waxaa mid la yimid Cali, midna shiikha, mudda keddib, layskuma daahin.
Khadro, iyada oo aanan guurkeeda weli loo sheegin reerkeeda, gurina aan loo dhisin ayey dareentay in ay uur leedahay. Waxaa soo food saartay shan bil yey ku sheegin, Khadra waa adkeysan weysay. Aabaheed ayey dhibkan ku dhacay hoos ugu dhigtay, odagina talo ayaa ku dhanaanaataay, lama joogo meel caro wax lagu xalliyo, dan waxay ka fursan weysay inuu xal ka doono in uu Cali la kulmo, la xaajoodo, kana dhaadhiciyo in uu gabadhi geysto guri dhaqan, mar kalana lagu celiyo meherki si ay dadka qaraabada ah iyo deriska u ogaadaan in Khadro la bixiyay, lana siiyay Cali oo dool ku ah gobalkaas.
Cali waa aqbalay codsigaas, gabadhi mar kale ayey labada reerba ku celiyeen meherinti, iyaga oo taa uga gol leh in la ceeb tiro meherkaa ay wada galeen Cali iyo khadro oo aanan ku imaan weji qurux, markaa mudda keddib Khadro waxay dhashay gabadh, iyada oo aanan weli loo dhisin guri dhaqan iyo nololeed, Cali maadaama uu si fudud ku helay Khadro, wuxuu bilaabay shukaansi iyo gabdho kale la sheekeysigooda inuu halkiisa ka sii wado ilaa ay dhacday in khadro u dul qaadan weysay dabeecadda noocaas ah, haba ugu darnaatee in Cali uunan ahayn qof dareensan mas’uuliyadda ay leedahay oogista guri san oo ay ku wada dhaqmaan labadooda.
Ugu dambeyn, waxaa dhacay heshiis ah in guurkooda lagu kala tago, Khadrana bilawda la tacaalidda korinta gabadheeda. Cali isagana mudda sanad ka yar wuxuu la tagay gabadh kale, kolki ay aabaheed iyo walaalaheed ogaadeen arrinkaa, waxay dhaxdooda ka gaartay gacan ka hadal, iyo in gabadhaa kalana looga furto si qasab ah, balsa waxaa dhacday in kala tag keddib in gabadhi kale uu ku soo baxay uur, waxayna waqti keddib dhashay wiil.
Cali, waa nin ma tole ah, waqtiga iyo nolosha aanan siin qiimahooda, aadna uu ugu yaryahay ogaalka Dhaqan iyo guri oogid muxuu yahay. Cali wuxuu ku dhamaaday tan guuri, tan fur, ilmana wuxuu ka helay gabadh iyo wiil oo ay u kala dhaleen labadi gabdhood oo uu guur ku bilaabay, fashil is dabayaal keddib waxaa marki uu duqoobay u baxay gabadhi iyo wiilki uu dhalay oo iyaga gacan wacan ka helay reerihi uu labadaa gabdhood ka guursaday ama ka xumeeyay sidi ay u jeclaayeen inay noloshooda ahaato…
Ogow dhibka ku dhacay labadaas gabdhood waxaa u sabab ah reeraha oo aanan gabdhahooda hoos ula sheekeysan, la hasaawin, hoos u weydiin xaalkooda kolki la qaan gaaro oo iyaga ay mas’uuliyad ka saaran tahay aabayaasha iyo hooyooyinkaba, weliba gaar ahaan hooyada, mas’uuliyadda dhibkaa waxaa iyagana dusha u dhiganayo gabdhaha fududeysto hadalka mac ee lagula haasaawo iyaga oo aanan reerahooda ku war-gelin, kol haddii ay arrinta gaarto guur iyo guri-dhisid oo iyaga u baahan xeerin iyo in guurkaa uu noqdo mid guul ku dhamaado.
Sidoo kale, waxaa dhibkaa dhacay mas’uuliyadda ugu culus dusha u dhiganayo Cali oo isaga dabeecaddiisa tahay ma tole, ma tashade aanan marnaba ka fakerin in aynan ciyaar ahayn nolosha gabdhahaas, iyo wax yeeleynta mustaqbalkooda, sumcadda reerahooda iyo tan reerkiisa iyo naftiisaba.
Ka fiirso inta aadan falin wax walbo, maankana ku haay in guurka uunan ahayn mid fudeyd lagu galo iyo in guurka iyo dhisida gurisan yihiin indhaha iyo wacnaanta dadyowga guud ahaan iyo gaar ahaan carruurtaada iyo bulshada kugu xeeran ,si lagugu daydo haddii aad wax wacan la timaado.
La soco Q.xigta
W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI