GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 14aad  W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 14aad

W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

Fudeyd:

Waa galab, ammintu waa casir-gaab, dhalinta xaafad ka mid ah Muqadishu waxaa caada u ahayd 1983di in ay fadhiistaan biibito ku taal jidka dheer ee hawl-wadaag dhinaciisa ah, waddada ka soo daadegto golaha ummadda.

Waxaa halkaa soo martay gabadh aad u qurux badan, qurux muuqato oo ay isha la raaceyso cid walba, ciddi ay soo hormarto. Waxa ay leedahay joog dheer, dhinac walba u siman.  Waxaa dhacday in wiil xaafadda iyo magaaladaba ku cusub oo la yiraa Cali Madoobe ay ishiisa qabatay gabadhaas, fadhiga ayuu ka haahaabtay, wuxuu daba galay gabadhi isaga oo  aanan muujin  inuu gabadhaas daba galay, kokli ay in yar sii socotay gabadhi, waxay gashay guri aan meel fog u jirin biibitadi ay fadhiyeen dhallinyarada xaafadda degan iyo kuwa dool ahba.

Wiilki daba galay gabadha, wuxuu in yar kaddib ku soo noqday biibatadi, shaah kale ayuu wacday. Wuxuuna hadalka hoos ugu dhigay mid ka mid ah dhallinyaradi halkaas ku ciyaaraysay oo isaga biibtadaa keentay , kaas oo la yiraa Calas, wuxuuna ku yidhi: War saaxibow xaafaddan si wacan ma u kala taqaan dadka degan?

Wiilki wuxuu ku celiyay: “haa”, maxaa u baahnayd oo doonaysaa ogaanshahooda.

Wuxuu ugu jawaabay:  Ma rabo in aan khaldamo, balsa waxaan rabaa in aan wax kaa weydiiyo gabadh qurux badan oo galabta halkan martay.

Wiilki ayaa ku yiri:  Waa la yaqaan, adigana uguma horaysid qof wax ka weydiiyo inantaas.

Kolkaa ayuu ku yidhi: War ninyahaaw, si hoose oo fogna isuma naqaano, balse waxaan hawooday in aan gabadhaas is-baranno ee ma iga caawini kartaa taa? Wuxuu ku yiri:  Waa kaa cawinaa, balse ogow waa mid dabeecad qalafsan, sida la sheegsheego.  Dad badan oo isku dayay barashadeeda ayaa horay ugu hungoobay, ama barashada kaddib ay is-fahmi waayeen, waxaa intaa u dheer in ay diiday dhawr nin oo reerkeeda u keeneen iyo kuwa iyaga iskood u soo doontay.

Waddanka, kolkaa waxaa aad ugu batay dhallinyara dooneyso aadista qurbaha oo loo shaqo tago, gaar ahaan waddamada khaliijka.

Cali madoobe, isaga waxaa Imaaraadka looga soo diray visa shaqo, wuxuuna beryahaa isu diyaarinayay in uu u ambabaxo Imaaraadka, balsa kama fikireyn arrima kale oo dhaafsiisan bixidiisa.

Maalmo kaddib, waxaa loo fududeeyay in ay isbartaan Muuna Cali oo iyada ah gabadhi qurxaneyd oo uu arkaday, wuxuuna gabadhi u sheegay in uu doonayo inuu guursado, reerkeedana ka soo doonto. Waxaa kale oo uu si bayaansan ugu sheegay in uu safar shaqo u yahay imaaraadka, doonayana haddii ay ajiibto codsigiisa guursi in uu doonayo in ka badan lix bilood, kana yar sanad inuu visa uga soo diri doono imaaraadka, halkaana ay ku aqal galayaan.

Muuna Cali, aad ayey ugu faraxday warkaas, iyada oo aanan muujin farxaddeeda, balse waxa ay Cali Madoobe u sheegtay in ay ka fikireyso codsigan, kaddibna marki ay ku qanacdo guur in ay arrintan ku wargeli doonto Reerkeeda.

Maalmo kaddib waxay wiilki (Calas) fududeeyay isbarashadooda u soo dhiibtay Farriin ay ku leedahay “Cali Gaab caawa ha iigu yimaado meel aanan ka fogeyn Biibitadi dhallinta xaafadda siddeeda fiidnimo”.  Cali Gaab, kolki loo sheegay farriinta, si heelheel ah ayuu ku ajiibay, waana u tagyay isla habeenki ay Muuna ugu yeertay Cali Gaab isla kulan dhaxdooda ah.

Muuno, waxaa ku dhacay laab-la-kac, kaddib marki ay hubsatay in loo guursanayo dhankaa iyo imaaraadka, waxayna is tustay,reekeedana u sheegtay in wiilkaas uu iyaga ka soo doonanayo, iyadana ay aqbal tahay in ay siiyaan wiilkaas.

Reerka, waxa ay ku yiraahdeen: Bal horta ha noo yimaado, si cadna ha kuu soo doonto.  Reerka waxay horay muuno ugu keeneen dhawr nin, waana diiday in ay midkoodna aqbasho.

Kulan kaddib, waxaa laysla gartay in Cali Gaab uu Muuna ka soo doonto reerkeeda, waa lays fahmay.

Cali gaab oo ay la socdaan qaar ka mid ah qaraabadiisa suke ayaa tegay guriga reerka Muuna Cali, iyagana way soo dhaweeyeen, waa lays wareystay, guud ahaan waa laysku af gartay in Muuno lagu mehriyo Cali iyo arrimahi kale ee guurka la xiriirray dhammaan.

Muuno Cali, waa la mehriyay maalma kaddib, Cali iyo Muuno mid walba way u socdeen sidi ay wax u rabtay.

Mudda gaaban kaddib, sidi balanka ahaa Cali gaab wuxuu u ambabaxay Imaaraadka, mudda lix bil ka yar kaddib, Cali Gaab wuxuu visa(iqaamo) u soo diray Muuna Cali xaaskiisa. Muuna Cali, si heer sare ayaa loogu soo dhaweeyay  ra’sul-khayma oo ah degmo ka tirsan imaaraadka, waxaana maalma kaddib loo dhigay Aroos sare oo ay ka soo wada qeyb-galeen qaraabada Cali iyo qaraabadeeda wixi magaaladaas ka joogay iyo kuwa arooska uga yimid Dubay, Abudabay iyo meela kale.

Muuno, waa loo aqal-geeyay ninkeeda, waxaana gurigaas cusub u bilaabatay nolol ah xaas iyo ninkeeda.  Cali Gaab, waa koolkooliyay Xaaskiisa, si sarane wuu u daryeelay, waa la yimid nin inti laga rabay iyo ka badan. Balsa saddex bil kaddib, waxay Muuno bilawday dalabaad culays ku noqday Cali Gaab.

Cali, wuxuu Muuno u sheegay in ay yareyso dalabaadkeeda,maadaama uu isaga yahay shaqaale, qaatana mushaar cayiman. Muuno warkaas kuma socon, taana waxay ku darsatay kolki ay siyaaro ugu yimaadeen gabdhihi magaalada ay ka baratay ama ay iyada siyaaro ugu tagto in ay Cali u soo bandhigto wax kasta oo waxa ay gabdhaha ku sheekeysteen Dahab ha ahaado ama arrima kale.

Muuno Cali (joog dheer)  ama dhegdheer murugaba kuma heyn dhaqan iyo dhismaha gurisan oo neg, balse waxaa ka xoog badiyay ku socoshada sida ay wax u rabtay, bilo kale kaddib Muuno iyo Cali waxaa ka dhax aloosmay “Muran” iyo faham xumo xoogeystay oo ka dhax qaraxday dhaxdooda, waxaana  dhacdadaas ku soo baxay qarabadeeda degan degaankaas iyo qarabadi Cali Gaab, kaddib kolki ay Muuno kaga dacwootay isaga.

Waa la galay dacwooyinka aanan kala go’a lahayn ee Muuno iyo Cali Gaab, tiro iyo dhawr jeer.  Qeyladooda iyo dacwadooda, waxay noqotay arrin joogta ah oo gaartay heer magaalada looga sheekeysto, qaraabada labada dhinacba waxa ay Muuno u sheegeen qaabka ay ula dhaqmeyso Cali gaab in ay khaldan tahay iyo in arrintooda haddii ay sidaa ku sii socoto ay ku dhamaaneyso kala tag.

Sidi ay labada qaraababa u sheegeen Muuno Cali.

Cali gab, wuxuu go’aansaday in uu Muuno iska furo, sidaana ku kala tagaan, weliba isaga oo dhab u rabay in uu gurigiisa ka dhawro dumis inta karaankiisa ah, balsa sidi uu Cali Gaab wax u rabay arrin ma noqon, waa la kala tegay.

Muuno, waxa ay ku dhamaatay in ay imaaraadka kaga shaqeyso Adeegto(khaadimo), Cali Gaab isagana ma guursan ilaa iyo toban sano.

Muddadaas kaddib, wuxuu helay gabadh diyaar u ah dhaqan suuban iyo laba caruur ah.

Muuna waxa ay ku dhamaatay  guur la’aan iyo in ay imaaraadka uga gudubto dalalka Europe, qaxooti ahaana isu dhiibto, halkaana ay guur daahay ku gashay xilli ay xeero ay fandhaal kala dheceen.

La soco Q.xigta

W/Q.

Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

 

 

SHEEKOOYIN