GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR Q. 9aad W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

 

GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 9aad

W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

Been, khiyaano iyo kibir, dhammaan waa waxyaabaha sabab u noqda qurux xumo ku timaado badanaa guryaha lamaanayaasha.  Ka dhawrso sheekada ah “naag been ayaa lagu soo guri geliyaa, runna waa lagu dhaqaa”, guri aanan run lagu dhaqin qurux kuma raago.  Ma jirto been waxay wanaajiso ilaa hal xaalo oo ah kolki loo adeegsado maslaxadda(heshiisiinta) dad kala irdhoobay, is-heysto, dagaal gacan ka hadal ah dhaxmaray iyo khilaaf ku yimaado lamaanayaal nabad ku wada-joogay iwm.  Taasina, waa mid ku soo aroortay hadal uu Nabigeenna Maxamad(NNK ha ahaato) yiri.

Been raad ma leh, waana wax laga daba tegayo goor ay ahaataba.  Been, khiyaano iyo kibir (istaagtaag iyo isla qumanaan mar walba ah) guri qumman ma dhisto, xitaa haddii uu ka badbaado kala tag iwm.

Beenta, waxay ka mid tahay sifooyinka Munaafaqa ee ka wareeg, kibirkana waa lagu naar tagaa, khiyaanada iyadana waa wax aad u xun oo qeyb ka ah sifaha lagu tilmaamay munaafaqa.

Been waa ku kici karaan lamaamnayaal walbo ama hal dhinac oo ka mid ah lamanayaasha.  Lama sheegin Been gadaasheeda guul lagu keenay. Beenta waa lagu naar tagaa, been ka dhawr gurigaaga in aad kula dhaqanto, la waa wax ka fiican in aad run kula dhaqanto gurigaada, ilaa runta aynan ahayn mid waxyeelo ka imaan karto oo marmar loo baahan yahay in la qarsho ama laga gaabsado.

Guri qurax waxaa dhiso, ilamahoodana wanaajiyo isla dhaqanka wacan ee lamaanayaasha iyo ku tiirsanaanshada allah weyn iyo fulinta cibaadadiisa suubban.

Khiyaanada ama ku kicista in aad naagtaada/ninkaaga kula dhaqanto laalaab iyo qallooc waxyeeleyn karo xiriirkiina toosan haddii uuba jiro xiriir toosan oo aynan ku dheelin khiyaano iyo kibir.

Beenta, kibirka iyo khiyaanada iwm ah waxay qeyb weyn ka yihiin baabi’inta akhlaaqda suubban ee bulshooyinka dunida, kumana sii jiro dhibka ay u geysan karaan lamaanayaal ku wada nool qurux iyo ismaqal toosan inta uu la eg-yahay.

Ka fogow in shaydaanka kula tago, kuguna hogaamiyo dhaqannada beenta ah, kibirka iyo khiyaanada.

Been, khiyaano iyo kibir laguma libaano. Mug gashow ka fogay naftaada, xaaskaada/ninkaaga iyo carruurtaada si aad uga korta waxyeellada xunxun oo ay gadaasha ku wataan saddexdaa isma dhaanto.

Been, khiyaano iyo kibir waa irdaha laga soo galo fasaadinta bulshooyinka guud ahaan iyo gaar ahaan guri-neg oo ku degaynayo farxad iyo reynreyn. Waxa ay had iyo jeer ama inta badan sabab u noqdaan kala tag iyo is-neceyb ay ka dhax abuuraan lamaanayaasha.

Nin walba ama naag walba kolki ay guri cusub dhisaan waa in ay wax ka bartaan, ka war doonaan waaya arag u soo joogay dhibka iyo wax-yeellada ka soo gaaray ku dhaqanka been, kibir iyo khiyaano.  Sidoo kale ha ka tegin wax ka ogaashada dad dhibbanayaal ah iyo waxyelelada ay u geysteen wada-jirkooda nololeed. Kolka aad aragto lammaanayaal u dhibban ama u dhibtooday ayaad si mug leh u ogaataa khataraha ay leeyihiin saddexdaa isma dhaanto Beenta/khayaanada iyo kobirka.

Sidoo kale xaaraan quudasho iyo adiga oo dadka guud ahaan ama gurigaaga ugu sheekeyso in aad tahay Xalaal quute, waa laba jirro oo mid been tahay midna tahay in aad gurigaaga soo geliso xaaraan, kaddibna ku deyso carruurtaada inay ku koraan xaaraan.  Halkaana kaga timaado waxyeello waaweyn oo xaaraan quudashada iyo been ku dhaqanka sabab u yihiin.

Beentu, iyada oo xun/xaaraan ah, haddana waxaa ugu xun beenta aad naftaada u sheegto, isla beenta noocaas ah waxay kugu hogaaminee in aad caadeysato oo ay kula fududaato been u sheegista dadka kale. Maxaa yeelay adiga ayaa ajaran oo been isu sheegay.

Gogol dhaaf(Zino) iyadana waa Aafo culus oo bulsha walba khatar ku ah, qeybna ka ah khiyaano aad naftaada iyo gurigaaga kula kaceyso, kuna dudumineyso bulshooyinka kale siyaaba kala duwan.  Waa hoog iyo xishood la’aan bulshada dhexdeeda ah.

Aafadan ma laha yaraan iyo weynaan, lamaano iyo keli ahaan, waa fal foolxun ku kicidiisa, waa cudur, cadaw khatar ku ah bulsha walba, ku kiciddeeda waxaa ka dhasho khilaafaad bulsho walba dhaxdeeda ah, mar haddii ay soo gasho lamaanayaal wada joogo oo mid gaar u galo gogol dhaaf ka baxsan gurigiisa/gurigeeda waxaa ka dhalan karo ilmo ku yimaado gadaasha zinadaas, la ogeyn inuu ninka dhalay iyo in kale, la ogeyn ilmahaas gogoshee ka dhashay, taa  waxa geysanayo waa naag iyo nin malaha naag qabo. Waa nin aafa ku ah bulshada iyo guri ka baxsan guriigiisa, taa waxay la micna tahay in ninkaas uu gurigiisa wax yeeleeyay iyo guri kale.

Gogol dhaaf(zino) waa cudur xun oo baab’iyo bulshooyin badan si muuqato iyo si qarsoonba, nin iyo naag midki uu doono ha ka yimaado khiyaana noocaas ah lagama yaabo inay bisho qof zino dhaxyaal ah(gogoldhaaf u joog ah), gogol dhaafka waxaa ka yaal sharciyo adadag, walow ay fulintiisa aad uga gaabiyeen nidaamyada ka taliyo dalal badan oo dadkooda muslim yihiin waqtiga hadda la joogo, kuma sii jirto dhibka ay u geystaan dadka aanan heysan Diinta islaamka, oo ay haddeer ugu soo badatay, xitaa inay isku dayaan wax ka bedelka khalqiga Ilaahey dabeecaddooda ninnimo ama naagnimo, yacnii in nin loo beddelo naag, naagna loo beddelo nin, falalkaas xun haddeer  dad badan ayaa ku soo baraarugay xumihiisa iyo in ay taa dadkooda ku keentay akhlaaq xumo baahday oo khatar ku ah bulshooyinka aqbalo ummuuraha noocaaas ah.

Been, khiyaano iyo kibir waxaa ka badbaado qofki aan u dhega nuglaan shaydaan, ku dadaalo gudashada cibaadada suubban, ka wareego balwadeysi nuuca  uu doono ha noqdee iyo tegista goobaha waqti dhumiska, lagu cabo qamri, lagu cuno qaad, lagu dheelo qamaar iwm oo iyaga geddigood sabab u noqdo dhuminta qof toosan iyo u kordhinta qof qaloocan ku jirista xumaha.

Lamaane walbo inta aynan guri gelin ama guur gelin, waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan suubban oo u horseedo dhisidda guri-neg oo toosan, kana fog u jilcanaanta dhegeysiga shaydaan uu yoolkiisa yahay kala diristooda, jid ka qaloocinta carruurtooda.

Lamaana walba waa inay iska ilaaliyaan ku dhicista Tabaha uu adeegsado shaydaanka iyo kuwa uu ku adeegto, lamaana walba waxaa laga sugaa si ay uga koraan ku dhicista Been, khiyaano iyo kibir waa inay ka fogaadaan saaxib xun ama tegista goobaha suuqa u ah waxyaabahan sida Qamriga, qammaarka, cunista qaadka iyo wixi la hal maalo, ka feejignow , ka dheeraaw Been , khiyaano iyo kibir, kolkaa waxaa hubaal ah in aad ka badbaadeyso aafooyinka iyo cudurrada ay gadaal ku wataan waxyaabahaan xunxun dhammaan iyo wixi gadaashooda ku jiro. Sigaar cabidda iyo tubaaka gashiga waa irdaha koowaad ee laga soo galo jidadkaas xun ee aan kor ku sheegnay.

Guri-neg dhisidiisa ma ahan wax adag, mana ahan wax fudud, wanaag la imaashada waxay ku xiran tahay in naftaada ka fogaato wax walba wixi uu gadaal kaga daaban yahay shaydaan iyo adeegayaashiisa, dhibna kaagama horreeyo ku dhicista arrimahaas xunxun oo kor ku xusan haddii uu si fudud wax kuugu sheego shaydaan.

La soco Q.xiga

W/Q.Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

SHEEKOOYIN