GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q2 W.Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud ‘SIYAASI’

                                                       GURI NEG

                                     (GUUR) DUCO MISE HABAAR

Q. 2aad

W.Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud ‘SIYAASI’

 

Aroosaa miskiin ma ahan!

Aroosaa miskiin ma ahan, weertaan marka laga dhawaajiyo, waxa ay dad badan u arkaan ama u gartaan in loola jeedo in arooska ama guurka uu sal u yahay dhaqaale.  Arooska (Guurka) waa wax la kowsaday abuuritaanka Basharka, halka aynu ka soo jeedno Aadam iyo Xaawo. Arooska waa fitro, waa quraxda nolosha, waa tamatuc(nolol ku wada raaxeysi). Aroos waa u adeegidda taranka, aroos ma ahan wax adag; haddana igu soo orod ma ahan.  Arooska waxa uu u baahan yahay go’aan, ogaal iyo in aad ogtahay sababaha aad u guursaneyso, laakin haddii ay kaa tahay waa la aroosaa ama ku dayasho, waxaa ku sugayo howla adag oo aanan xisaabka kuugu jirin oo dhismaha aqalkaaga isku horgooynayo, walow ay dhici karto in qaddarta noloshaada ahaato mid guul iyo reynreyn ku dhamaato adiga oo xisaabtaada ka maran tahay yool kuu caddaa guurka ka hor.

Guriga lagu fadhiisiyo laba ay waalidkood isu dooneen,waa wax aad ugu badan Bulshadeena(Bulshada Somaliyeed) haddeer ama xilligan iyo xilliyadi hore. Labada dhinac oo isu doonay carruurtooda waxa ay adeegsadaan xeerar soo jireen ah, iyo xeerar kale oo si lama filaan uga dhasho isu aroosinta labadaa. Waxa la isugu yimaadaa gogol la dhigo guriga reerka gabadha laga doonanayo, waxaa lagu heshiiyaa Meher, waxaa la kala qaataa yarad ,waxaa guf la siiyaa reerka Gabadha, adeerradeed, abtiyaasheed, waxaa la wanaajiyaa kor-joogtada gogosha, waxaa aroos iyo farxad lagu qabtaa muddo kaddib. Kolka uu meherka dhaco guriga reerka ay gabadha ka soo jeedo miyi iyo magaalaba, guurkaa badanaa waxa uu ku dambeeyaa guri neg, is xaq dhawr, kala dambeyn, kala lahaanshaha hawsha guriga, iyo in aanan laysku haleyn  hawlaha reerkaa haddii ay timaado arrimo aanan xisaabka ku jirin oo soo dhacaale ah.

Guurka ku yimaaado isbarasho ama xod-xodasho dhax-marto wiil iyo gabadh, isagana badanaa waxa uu maraa in ay wiilka iyo gabadha ehelkooda ku war geliyaan rabitaankooda ku aaddan in ay rabaan in ay wada dhistaan guri wacan, halkaana waxaa ka bilawdo sidi dhaqanka ahaa, reerka wiilka uu ka soo jeedo oo gabadhi uu xod-xotay ay reerkiisa u doonaan, kaddibna labada reer isla gartaan in laysu guuriyo, iyada oo la marayo caadooyin soo jireen ah qaabka uu arooska u dhacayo.

Waxaa jiro guur ama guurar ku bilawda jidad qaloocan, badanaana ku dhamaada is-faham xumo iyo kala tag. Walow ay mar-mar dhacdo in ay labadaas isku waaraan, khaladaadki noloshooda ku bilaabatayna ay dib u saxaan.   Guur ama yagleelidda reer ma ahan howl fudud, mana ahan mid adag, balsa waa mid u baahan in quluub toosan oo wanaag doon ah ay dhinac ka yihiin isu guurinta labadaas Allah isu calfay.  Iyagana (labada is-guursatay) ay fahansan yihiin yoolka guur loo galayo ama ujeedka guurka.

Ogow guurka, waxaa ku dherersan dabeecado ay gabadha leedahay ama wiilka leeyahay oo sabab u noqdo guusha guurkaa ama burburkiisa, isla markaana saameeyo dhaqanka carruurta la kala helo, lagama yaabo in aan ku iraahdo waxaa hubaal ah in aad adiga ama iyada dooran kartaan dabeecad la saan qaadi karto dabeecada aad ka rabto haweenayda kula wadaagi karto in uu guurkiina negaado, guulna ku dhamaado. Sidoo kale dhinaca kale, iyadana ma dooran karto nin leh dabeecad la saan qaadi karto dabeecaddeeda oo sabab u noqon karto  in uu guurkooda negaado, guulna ku dhamaado.  Yacni, guurka waa calaf iyo qaddarta Allah. Ogow waa dhici kartaa, waana dhacdaa in ay is guursadaan laba dabeecaddooda isku doortay oo guurkooda waaro, sidoo kale kuwa isku doorto dabeecadooda, iyagana guurkooda waa ku imaan karaa burbur, ma ahan aragti neg in wax walba u soconayaan sida ay jecel yihiin lamaano walbo, waayo waxaa noloshooda ka qeyb noqonayo nolosha ku xeeran aagooda oo  keeni kara guul ama burbur.

Doorashada dhabta ah waa mid la xiriirto sida uu qaddartiina Allah subxaana Allah waa tacaalaa ka dhigo, tan macnaheeda ma ahan in ay lamaanaha lahayn awood doorasho oo ku aaddan maareynta noloshooda.

Qof walba, labada uu guurka dhax maray ama Allah isu calfay, mid waliba wuxuu ku soo barbaaray guri iyo bii’a(goob) ka duwan guriga iyo bii’ada dhinaca kale ku soo barbaaray.  Labada is guursatay mid walba wuxuu guriga cusub la imaanayaa dabeecaddiisa iyo wixi nolosha uga bilaaban ama lagu soo barbaarshay, waxaa taa wehliyo howla dhaxal ah, oo uu qeyb ka yahay raad hore oo ay dabeecad ahaan u lahaaayeen hooyo, Aabbe, Abkow, abuulan, abooto, jiridka dambe iwm oo ka mid noqdo nolosha labadaa is guursaday. Waxaa iyadana taa wehliyo maqalka, aragtida ay lamaanaha mid walba uu ka soo dhaxlay deegaanka ama xaafaddi uu ku soo barbaaray.

Sidoo kale, isku waaridda ama kala tagga labada is aroosay waxaa qeyb ka noqon kara ehelka, saaxibbada, deriska iyo korreeya ay dabeecaddiisa tahay ka shaqeynta ama u adeegidda shaydaanka, haddii labada arooska ah aynan xafidin sirtooda iyaga iyo gurigoodaba u gaarka ah. Sidoo kale, wada joog waaro waxaa qeyb ka noqon karo ehelka, saaxibbada, deriska iyo koreeya wanaagsan oo leh niyad san.

Somalida iyo dad waliba waxa ay leeyihiin tilmaamo nolaleed oo lala xiriiro dabeecadda Ragga iyo Dumarka oo qeyb ka noqdo nolasha laba waliba oo is guursada, sababna u nqodo guur negaado oo raago ama guur burbur ku dhamaado iyo kala tag iwm.

Ha sugina wiilal iyo gabdhoow, guurka kaddib in ay noloshu ahaato sida aad wax u rabteen, Nolosha waxa aad mareysaan jarribaad wejiya kala duwan leh, xitaa haddii ay dabeecaddiina tahay mid is qaado. Waxaa imaan karo in aad ka daahdaan in aad heshaan Carruur, halkaas waxaa ka dhalanayo hadal badan oo la idinku soo tuurtuuro, abuuri karana in uu khilaaf idinka dhax abuurmo, waxaa imaan karo guurka kaddib in ay dhaqaale ahaan noloshiina is bixi weyso.

Waxaa imaan karo, dhaqaalo xoogan in aad heshaan ama heysateen, maareyntiisana uu ka abuurmo khilaaf iwm , hawlahaas oo dhan iyo in uunan khilaaf imaan ama uu yaraado waxaa loo baahan yahay la imaanshaha Dulqaad, degenaan, isdhawr, is faham uu ku dheehan yahay kalgacal, qalbi weyn oo wanaag u furan, iwm.

La soco Q.xigta

W.Q. CAbdullaahi Macallin Maxamuud ‘SIYAASI’

SHEEKOOYIN