GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI) Q. 4aad

                 Guri-Neg (GUUR) DUCO MISE HABAAR?

           W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI) Q.4aad

Dhisid iyo dumis.

Guri lamaanihiisu dhisnaan ku dhameysto waqtiga noloshooda, waxaa lagu helaa afar waxyaabood oo waaweyn: Dulqaad hal dhinac ah, isu tanaasul labada dhinac ah, isfaham iyo dabeecad is qaado oo lagu daro xafidaadda asraarta gurigaas oo ka wada timaado odayga iyo marwada gurigaas.

  • Dulqaad badnaanta, waa guusha furaha nolosha guud, waxayna taa ka timaadaa Caqli neg, garasho dheer iyo miisaan nafeed.
  • Isu-tanaasul ka yimaado labada dhinac oo saas looga dhigo ismaqal iyo wixi laysla fahmi-waayo oo hoos looga wada hadlo, wixi laysla fahmana la xoojiyo, si uusan xarigga reerkaas u dabcin, sidaana ay ku timaado in culayska yimid rarkiisa layska wada dejiyo mar qura, is faham caqligal ah keddib.
  • Isfaham iyo dabeecad isqaaddo oo ka dhawrsan dhegeysiga hadallo tuur tuur ah oo dibadda kaga yimaado gurigooda iyo in ay gurigooda ka wada ilaaliyaan xagxagasho kaga timaado bannaanka sida: ehel, gacal ama cadaw shaydaan ku adeegto ha ahaado oo dibadda ah.
  • xafidaadda asraarta oo iyada ah saldhigga guri ku waaro negaasho iyo guul. Xafidaadda asraarta gurigaas, waxa ay horseeddaa in ay noqoto derbi xooggan oo hor-istaago faragelinta nolol maalmeedka reerkaas iyo guud ahaan noloshooda.

Dhisnaanta reer walba, waxa adkeeyo in la dhawro oo la adkeeyo mawaddada (kalgacalka) iyo Raxmadda ay wadaagaan oo Allah ku manaysto lamaana walba. Mawadada (kalgacalka), Raxmadda iyo iska warqabka joogtada ah waxa ay had iyo jeer kor u qaadaan rabitaanka iyo kalgacalka ay isu qabaan lamaanayaasha. Lamaanayaasha,  waxaa looga baahan yahay isu dhega nuglaan wacan oo mar walba abuurto jawi sabab u noqdo nolol wacan oo aanan marnaba kala go’in iyo sugnaanta tiirarka uu guri isku-waaro ku taagan-yahay.

Dhisidda wax walba waa adeyg, dumista wax walbana waa fudeyd.

Dhisidda guri lagu negaado, waxa uu rabaa in muggiisa hore loo unko, loona yeelo saas adag oo daad kama soo gudbaan ah.

Dumista guriga, in guri dhisan dummaahi ma adka oo aad ayuu uga jilcan yahay dhisidda, mana ahan wax la isbarbar dhigi karo. Wixii muddo dheer iyo dedaal badan lagu dhisan ayaa si fudud ku dumi karo.

Asbaabaha keeno in guri dhisan, mid cusub, mid gaboobay mid carruur la kala helay iyo mid aanan caruur la kala helin in uu si fudud u dumo waa timaadaa, tira ma laha oo waa tirobeel asbaabaha keeni karo taa waxaa ka mid ah:

  • Faragelin dibadda kaga timaado reerkaas, iyagana ay si fudud u dhegeystaan arrimo gurigooda ku gaar ah oo aynan cid kale shaqo ku lahayn.
  • Dhaqaale xumo , iimaan yari labada dhinac mid ku timaado ama ku wada timaado.
  • Neceyb aynan dareensaneyn oo ay gadaal ka riixayaan dad xun oo la soo dhaweystay, laguna baraarugsaneyn xumahooda.
  • Isfaham xumo iyo dabeecaad qallafsan oo labada dhinac midkood ku timaado ama ku wada timaado.
  • Korinta caruurta iyo qaabka barbaarintooda oo laysla fahmi waayo oo midba doc u jiido oo keento anaa iri iyo aniga maad iga daba tirsee iwl.
  • Waalidko oo dacwo joogto ah la gaarsiiyo, iyada oo aanan laga fiirsan dacwadaas dhibaatooyinka ay sababi karto.
  • Qeylo joogto ah oo guriga ka jirto, taas oo muujinayso isfah xumo lammaanaha dhexdooda ah.
  • Ka maqnaanshaha guriga oo tiro dhaaf ah oo ninka ama naagta ka timaado oo keento shaki, xaggeed jirtay iyo ma adigaa shuqul ku leh iwl.
  • In ninka iyo naagta uu mid ka gaabiyo xiriirka ama cilaaqaadka dhexdooda ah oo jir iyo maan ahaanba.
  • Carruur la’aan reerka ku raagto ama ku timaado, taas keeni karto burburka wadajirka lamaanaha.
  • Fiirinta dadka deriska ah waxa ay heystaan oo la rabooda in sidooda la noqdo danta iyo duruuftuna isla ekayn horraanba, taas oo noqonayso xkmaddii ahayd: (Tog walba taagtiis ayuu rogmadaa).
  • U dhega nuglaanta wax walbo oo gurigaaga laga sheego oo bannaanka laga maqlo midkood ama labadaba oo noqdo wixii la sheegi jiray ee ahaa: (Isma dhaanto iyo dhashood).
  • Waalid raba duminta reerkaas oo si fudud loo dhegeysto ama loo qaato taladooda, iwm.

Nin iyo Naag, sida xikmaddu ahayd: (Colna maahan, nabadna maahan). Guurka beled iyo baadiyo, aqoon iyo aqoon la’aanba waa isku mid.  Wixi guri wacan dhiso ama dumiyo, meel kasta oo ay noloshu kula gasho, dhisidda guri wacan waxaa  asbaab u ah wanaagga ay iskula joogaan, ismaqalka labada lammaane iyo wada dharaadhirinta, xal u helida arrimahooda haddii khilaaf yimaado.  Dumistiisana dhawaa iyo dheeraaba waxaa sabab u noqdo xumo ka yimaado dhinac ama labada lammaane oo aanan laga fiirsan.

Nin iyo naagba waa fudeyd in lays maandhaafo, balsa lammaano walba, waxaa looga fadhiyaa in si degdeg ah xal loogu helo ka korista col laysu noqdo oo joogto noqdo, nabad lagu wada joogana lagu bedelo col kasta oo ku yimaado lammaana walba. Waa tii aan maqli jirnay: (Carrab iyo ilko iyagaa isugu dhaw, iyaguna waa isqaniinaan.  Ma jiro/jirto cid isaga dhaw lammaanaha wada nool, khilaaf ka dhax dhacana kuma kala tagaan, sidaas ayaana lammaana kastaa laga rabaa in ay arrintooda col yimaado kaga magan galaan, nabad ku wada joogiddana aad loo adkeeyo.  Ha filan marnnaba in khlaaf dhamaado, sidoo kalena nabad waarto ay iyadana ka timaado lammaana walba. Dagaal(Col) la’aan, waa dad la’aan, Col waa imaanaa lamaana walbo dhaxdooda, nabadna waa imaanee haddii xanaaqa iyo istaag-taagga la yareeyo ama la joojiyo, sidoo kalena laga fogaado kali saxnaanta.

Fiira gaar ah, ogow si kasta oo dabeecaddiina isu qaado iyo si kasta oo nabad  ahaanshihiinna ugu dadaashaan, waxa aan sinna looga baxsaneyn qaddarka iyo ebtalo laydinku jarribayo oo idinku timaado, sababna u noqoto kala tag.  Dhinaca kalena waxaa jira lammaana ku wada joogo qeylo iyo khilaaf, iyaga oo sidaas ahna uu gurigooda dhisnaan ku waaro qaddarta awgeed iyo laga yaabee in ay sidaa ugu jiraan imtixaan iyo jarribaad nololeed.

Qaddarka khayrkiisa iyo shartiisa waa in aad aaminsan tahay, mar walbana xisaabtaada nololeed ku fadhiisiso iimaan togan, ka cabsashada Allah iyo gudashada cibaadadiisa, waana in aad ku faraxdaa khayrka, kuna shukriso Allah. Wixi aad shar u aragtana, waa in aad u dul-qaadataa(KU sabartaa), intaa haddii aad la timaado waxa aad ka koreysaa dhibaatooyin badan idim Allah.

Nimanka waxaa ugu akhyaarsan, Ninki u roonaado Naagtiisa, caruurtiisa iyo waalidkiis.  Ninka waxaa laga rabaa hawlo badan oo ay ugu horreyso ka soo bixidda mas’uuliyadda ka saaran gurigiisa, in uu xaaladda caafimaad ee naagtiisa ka war-qabo si joogta ah, la yimaado la sheekeysigeeda si wacan oo joogto ah oo niyadda naagtiisa kor u qaaddo, yareynta in uu gurigiisa bannaanka kaga maqnaado marka laga reebo in uu shaqo ama danta reerkiisa ku maqan yahay. Waxaa laga rabaa kolki uu gurigiisa ku soo noqdo, in naagtiiso dareento farxad iyo raynrayn iyo ninkeeda soo sama noqday, sidoo kale ay carruurtiisa ku farxaan imaatinkiisa. Ka warqabo waalidkiisa oo iyaga ka mid ah iridyada lagu helo khayr badan.

Naag, waxaa ugu wacan kuwa Allah u balan qaaday jannada haddii ay ilaaliyaan dukashada shanta salaadood iyo dhawritaanka Ninkeeda iyo asraartooda. Waxaa taa u wehliyo ka warqabka xaalada gurigeeda guud ahaan, ka warqabka carruurteeda, dareensiinta ninkeeda in ay maalin walba tahay maalinti uu soo guursaday mid la mid ah, is-qurxiso had iyo jeer hawl badnaan iyo hawl la’aan, ilaaliso sharafta gurigeeda iyo duqeeda oo iyada ah sharafteeda, u dulqaadato, haddii ay la kulanto dulduleello yar yar oo  abuuri karo khilaaf looga gudbi karo, in ay ninkeeda si deggan ugu sheegto wixi dhib ku ah qof ahaanteeda, in aynan guriga kaga maqnaan dan la’aan, haddii aynan caruur dhalin iyo haddii ay dhashayba, ku dadaaalista gurigeeda in uu nadiif ahaado si joogta ah. Nadaafaddu waa iimaan iwm.

La soco Q.xigta

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN