GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI) Q.5aad

GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR?

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI) Q. 5aad

Cilaaqaadka(Xiriirka) lamaanaha ee Guriga iyo Sariirta waa tiir muhim u ah nolosha lamaano walba..

Guri dhisnaantiisa iyo dumistiisa waxaa qeyb culus ka ah xiriirka Ninka iyo Naagta wada joogistooda, baashaalkooda dhinaca dareenka dhan walba. Mid walba iyo hortiisa waxaa laga rabaa koolkoolin dhinaca kale ah, isu furnaan qalbi iyo in ay wada qaataan jawi u gaar ah goor walba oo xaaladda u ogolaato raaxeysi dhaxmaro lamaanaha. Ogow Qalbiga wuxuu Allah ku tilmaamay cad Hilib ah, cadkaas haddii uu faasido waxaa faasidayo jirka intiisa kale iyo nolosha.

Maanka ku adkey, ninka waxaa looga baahan yahay in uu xaaskiisa la fara ka ciyaaro, dareensiiyo naagnimadeeda, u sheego mar walbo hadal kor u qaadayo himadeeda naagnimo sida in ay naagaha wax badan dheer-tahay, in ay quruxdahay naag ahaan, quraxda uu ku tilmaamayo in ay warkiisa ka dhax kasto in aynan quraxda ahayn oo kaliya joogga, caddaanta, af toosan, ilka cadcad oo siman, sandheer, sumaya siman, dhexyar, gacma toosan, caga siman, suulalal qurxoon, balsa ay qurux oo dhan tahay qalbi wanaagsan iyo in uu iyada qalbigeeda uu yahay mid wacan oo in lagu daydo mudan.

Mar walba ninka waa in uu guriga ku soo noqdo isaga oo gacanta adeeg ku sido, inta ay tabartisa la eg-tahay.  Adeeggaas, waa in uu ku dadaalo in uu ka mid yahay adeeg gaar u ah(haddiyad) xaaskiisa iyo mid taas la mid ah, haddii ay carruur leeyihiin.  Tan waa in ay wehliso Af mac, dareen wacan. Ninka, waxaa laga rabaa in uu dareemi karo in naagtiisa diyaar u tahay raaxeysi iyo sarriir ku wada ciyaarka iyo in uu ku kaadsoomin, haddii ay xaaskiisa tabaneyso arrima badanaa aynan naagaha ku dhiirran ka hadlidooda.

Waqtiga gogosha, waa in uu u gutaa waajibkiisa, og-yahayna in dumarka badankooda ay ninka uga dambeeyaan xagga rabidda, weliba kuwa Soomalida ka xishoodaan sheegashada baahidooda.

Ma ogtahay in diinteenna suubban dumarka ku tilmaantay in ay yihiin beer lagaa rabo in aad ku raaxeysato, adiga oo aadan ka tilaabin xuduudda sharciga ah iwm.

Ninka waa  in uu had jeer diyaar u yahay ka kaalmeynta xaaskiisa hawlaha guriga ama ugu yaraan wax uun kala qabto hawlahaas iyo haddii ay carruur kala helaan in uunan iyada kaliya ku deyn, ka warheynta xaaladda carruurtooda guud ahaan, weliba gaar ahaan tarbiyeyntooda, waxbariddooda, u sheekeyntooda.

Ninka waa in uu dadkeeda xiriirshaa inti tabartiisa ah, dhawraa waalidkeeda haddii ay u dhaw yihiin iyo haddii ay ka fog yihiin.

Ninka waxaa looga fadhiyaa in uu ka  dheeraado wax kasta oo dhaawaci karo dareenka naagtiisa ee qof ahaaneed, ku dadaalo in uu badanaa ka gaabin u sheekeynteeda, wargelinteeda wax yaabaha uu dibadda ku soo arko ee wacan, gaar ahaan wixi sheeg-sheegooda uunan ka imaaneyn dhib iyaga ka dhax abuuri karo, khilaaf mid yar iyo mid weyn.  Ka gaabin in uu masruufka guriga diyaar ka yahay mar walbo,  illaa ay jirto xaalad adag oo taas ka hortaageyso fulinteeda, si buuxdo ama si kale, balsa ugu yaraan fahamka xaaladdaas si fudud u gaarsiiyo xaaskiisa  isku dhicid la’aan iwm.

Naagta, iyadana had iyo jeer waa in ay la timaado ku dadaalidda in ninkeeda ay isu qurxiso, labbisato mar walba dhar wacan oo soo jiito ninkeeda, is-carfiso weliba wixi tabarteeda ku eg.  Ninkeeda dareemo mar walbo, in habeen walba uu yahay aroos.  Naagta, waxaa laga rabaa in ay ninkeeda waqtiga sariirta dareensiiso in uu dhex joogo beer u gaar ah isaga, si uu u gurto miraha beertiisa. Iyadana ay si wacan halkaa uga hesho raaxo wacan oo ka jebiso xamaasadda iyo dareenka waqtigaa iyo kulaylka uu ku haayo hormoonka naagnnimo.

Naagta, waa in ay hawsha sariirta keddib baalka kaga jirto ninkeeda in mudda ah, inta ay la ekaataba si uu u dareemo mawaddo iyo raxmad qalbigiisa ku abuurto kalkacal iyo jaceyl aanan kala goi’n.  Naagta waa in ay ka dhawrsato waxyaabaha uunan ninkeeda la dhacsanayn ama dhibsanayo, ixtiraamto amarkiisa, wixi iyada dhibayo in ay si hoose ugu sheegto si xal wada jir ah looga gaaro.

Naagta waa in ay ka fogaato muran iyo hadal badan.  Naagta waa in ay dhaqaaleyso masruufka guriga, una maareyso si wacan oo gurigooda qurxinayo, ayna dhawrto martida ninkeeda iyo martideedaba. Waa in ay ku dadaasho dadka u yimaado gurigooda in ay dhaqankeeda ka aqristaan in ay yihiin lamaano is jecel, iska warhaayo, xejiyo wixi iyaga u gaar ah.

Hawsha sariirta iyo cilaaqaadka ninka iyo naagta, fal ahaan haddii si wacan loo guto, waxa ay adkeysaa tiirka guriga.  Haddii ay dhacdo in naagta ay uur yeelato, waxaa caada ah in naagta jir ahaan uu hormoonkeeda ku yimaado isbedel culus, maadaama uu korkeeda ku soo kordhay ilmo, kaas oo si aayar ah ugu dhax korayo riximkeed.  Waxaa timaado in dabcigeeda uu isbedel ku yimaado, kolkaa ninka waxaa laga rabaa in uu u dhimriyo xaaskiisa, ogaado uuna  dareemo isbedelkaas dhinaca hormoonka ah iyo dabeecadda uu xaaskiisa ku soo kordhiyay, keddibna uu kor u qaado koolkooliska xaaskiisa, la wadaago waxyaabaha ay jeceshahay in looga sheekeeyo. Waa in uu tuso in uu aad ugu farxay uurkaas iyo ilmaha idim Allah ku soo kordhayo gurigooda.

Naagaha, badanaa uurka koowaad wax buu ka beddelaa dabeecaddooda, mar isbeddelkaas ayay ku gaartaa xilliga dhalmada. Isbeddelkaas waxa uu u noqdaa mid joogto ah, mar walba ay uur qaaddo.

Naagaha qaar, Isbeddelka wallaca iyo isbeddelka dabeecadda waxa uu ka dhamaadaa saddex bil kaddib. Qaarna maba dareemaan wax isbeddel ah.

Haddii hawsha sariirtu ku dhamaato kala bood iyo gaabis, waxa ay abuurtaa khilaafaad aynan runti ogeyn ninka iyo naagtaba halka uu ka soo jeedo, balsa ka dhasho koolkoolis la’aan dhaxdooda ka jirto iyo baahi uu midkood dareemayola kale aanu laba dareen ahayn.

Nin iyo naag iyo guri walba tiirarka aasaaska u ah, in uu gurigaas dumo waxaa ka mid ah:

  • In ninka iyo xaaskiisa ay leeyhiin saaxibbo ay sirta gurigooda ku war-geliyaan, ku qarsadaan ama kala tashtaan.
  • In bannaanka wax lagu soo arkay oo aanan ahayn wax wacan iyo dhaqanka dad ama guri kale lagula soo noqdo guriga.
  • In waalidka qaar aanan laga dhawrin qeyb ka noqoshada maareynta gurigooda.
  • In masruufka guriga laysla fahmi waayo maareyntiisa iyo intee mudan in uu la ekaado.
  • In masayr dhibkiisa xambaarsan lugaha lala galo.-
  • In naagta ay ninkeeda culays ku saarto dalabaad aanan tabartiisa ahayn.
  • In ninka ka gaabiyo la sheekeysiga xaaskiisa.
  • In naagta tahay areebo.
  • In ninka yahay ma tashada iyo ma shaqesyta had iyo jeer ku hawlan dan ka baxsan danta gurigiisa.
  • In naagta ay ninkeeda u diido in uu cilaaqo la sameeyo jir ahaan, haddii aynan jirin sabab ay ka mid tahay inay jirran tahay oo kale, laakin diidmadaas haddii ay salka ku heyso xujo in ay diidmadaas kaga rabto hawlo ay ka heli karto ninkeeda iyada oo aan marin jidkaas .
  • In ninka uu ka gaabiyo mas’uuliyadiisa ninnimo, weliba wixi ka baxsan inta xuduudda sharciga u ogol yahay.
  • In uu jirom ismaqal la’aan iyo madax adeyg ka yimaado lamaanayaasha midkood ama labadooda, kaas oo dumoiyo ama halis geliyo sii jiritaanka gurigaas.

Qurux guri iyo wada joog aad cimrigiinna ku wada joogtaan, waxa uu ka dhashaa hadba lammaane walbo sida ay ugu dedaalaan in ay ka fikiraan in uu gurigooda ka kore xumo iyo cuqdo kala gasho lammaanayaashaas.  Dumintiisana waxa ay ku timaadaa dadaal la’aan ay lammaanahaas mid uun ka gaabiya xilkiisa ama ka wada gaabiyaan.  Guri walba waxaa dhiso dulqaad, waxaana dumiyo dulqaad la’aan iyo in aan laysu dhimrin, kolki xaalad adag la soo gudboonaato lammaanaha.

La soco Q. xigta

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

 

 

SHEEKOOYIN