GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI) Q. 3aad

Guri-Neg (GUUR)

Habaar mise Duco? (Q.3aad)

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

Guur la galo cimriga hore ama lagu guursado da’ yar ahaan, dhinaca wiilka iyo gabadhaba wuxuu qeyb ka noqan karaa guusha reerkaa la yagleelay ama bur bur ku yimaado sii wada joogga lamaanahaas.  Sidoo kale guur oo dhan da’ yar iyo mid weyn guushiisa iyo bubrburkiisa waxaa had iyo jeer sal u ah hadba sida ay lamaanaha u maareeyaan noloshooda.  Guul waxa ay ka dhalataa maskax deggan, is faham, kalkacayl iyo garasho wacan oo la halmaalo aasaaska ay gurigooda ku bilaabaan, kuna wadaan si ay wada-jirkooda uga mira dhaliyaan guusha u bartilmaameedsan.

Wiilka iyo gabadha da’ yar ku guursado, tiirka noloshooda waxaa qeyb ka noqda reeraha ay ka soo jeedaan (Aabbe,Hooyo iyo qaraabo) sida ay horay ugu soo barbaariyeen iyo goobaha ay ku soo barbaareen dhaqammada fiican ee ka jiray, sidoo kale, haddii ay guriga la yimaadaan dhaqamo xun oo ka jiray guriga ay ku soo unkameen iyo deegaankooda, taana badanaa waxa ay dhalisaa burbur ku yimaada wada joogga lamaanahaas.  Sideedaba guul iyo burbur waa jarribaad nolosha ka mid ah sida aad u maareyneyso nolosha wada jirkiinna, dulqaadkiinna inta uu la eg-yahay, iyada oo wanaag badan ka dhax jiro lamaanaha ayaa haddana kala tag imaan karaa.  Dhinaca kalena iyaga oo laamaanaha isfahamkooda liita ayey haddana ka badbaadaan burbur ku yimaado wada jirkooda.  Tan dambe badanaa waxa ay ka dhalataa in lamaanahaas midkood uu dulqaad siyaada ah leeyahay, sababna u noqdo in uunan gurigaas lugaha la gelin kala tag.

Guurka lagu galo da’ yar iyo da’ weynba waxaa ka mid ah waxyaabaha xun oo uu dhabarka ku sito, in lamaanahaa midkood ama labadoodaba aynan ka sii tabaabusheysan guurka ay gelayaan iyo mas’uuliayadda lamaanahaas ka saaran adkeynta tiirarkiisa ama aynan ogeyn qof kasta iyo horteeda mas’uuliyadda looga baahan yahay guri dhis keddib.

Waxa la yiraa: “Ka fiirso inta aadan falin”.  Guur gelid, ma ahan wax adag, mana ahan wax fudud, mar walba waxa ay ku xiran tahay sida ay lamaanuhu u wada qorsheeyaan una maareeyaan aqalkaa la wada dhisayo ama la wada dhisayba.

Aqal isku heyntiisa iyo guul laga gaaro yoolka loo dhisay, mas’uuliyaddiisa koowaad waxa ay ku wada dhacee Ninka iyo Naagta iyada oo aan la kala soocin. Ninka waxa uu si gaar ah mas’uul uga yahay gacan ku heynta dhalaaqa iyo in uunan ku fududaan kala tag laga maarmi karo, sidoo kale haweeneyda, iyadana door weyn ayey ku leedahay mas’uuliyadda guul laga soo wada hooyo wada-jirka lamaanahaas. Ninka waxaa Allah weyn siiyay oo gacantiisa geliyay “Furriinka(dhalaaqa)” oo ah kala tag.  Waxa ayna taa fasiree, in Ninka uu mas’uul ka yahay maareynta iskuheynta gurigaas mas’uulna ahaan, iyo in ay meeshaas ka muuqato in haddii uu yimaado is faham xun ama khilaaf in uunan ku degdegin dhalaaq.  Furriinka ama Dhalaaqa waa Xalaasha midda ugu liidato Allah weyn aktiisa, guri dhisan in uu ku waaro wada jir waa in laga dheeraado damac huwan iimaan xumo, kibir iyo islaweyni, cinaad uu fadhi u yahay “warkayga ha shaqeeyo”, dulqaad-yari, u dhega-nuglaanta dhegeysiga wararka lagu soo tuurtuuro lamaanahaas iyo gurigooda, muran iyo qeyla jeedo.

Ogow, warkaa ku aaddan masruufka loogama jeedo in haweenka aynan shaqeysan Karin, ama kaabi Karin maareynta noloshooda iyo nolosha gurigooda, laakiin waxaad maanka ku heysaa in badanaa haweenka wada ahayn kuwa wada shaqeysan kara, haddii aynan jirin xaalada adag oo ku qasba in ay shaqeysato, midda kale xitaa haddii ay shaqeyso, maareynta maasruufka reerkaa wuxuu saaran yahay ninka ilaa uu jiro isfaham dhax maro lamaanahaas in ay gurigooda masruufkiisa meel wada saaraan.

Arooska da’da yar lagu galo yuunan ku baqdin gelin, haddii uu wiilka ka soo jeedo reer dhaqaale leh, waxa looga baahan yahay, waxaa ugu weyn in uunan marnaba arrimihiisa ku salayn in gurigaas uu weligiis ku taagnaaanayo dhaqaalaha ay leeyihiin reerkiisa,waayo ma jirto cid ogaal u leh isbeddelka nolosha ku imaan karo dhaqaala ahaan iyo nolol ahaan labadaba iyo waxyaaba badan oo kale oo aanan marnaba ku jirin xisaabaadka asaasayaasha u ah gurigaas.

Arooska da’da yar lagu galo iyo badanaa guur kasta, waxyaabaha uu ka dhasho waxaa ka mid ah xodxodasho iyo faham dhexmaro labada dhinac lab iyo dhedig, is guursigooda wuxuu ahaan karaa mid lala wadaago reeraha ay ka soo jeedaan labada dhinac, taana waxa ay sal u noqotaa tiir adag oo gurigooda ku taagnaado iyo raallinimada waalidka ama labada reer guud ahaan oo ay ka soo jeedaan lamaanahaas. Waxaase jiro caadooyin badan oo Soomaaliya iyo dalal kalaba ka jiro, oo xodxodasho keddib la is guursado iyada oo aanan lala socodsiin labada reer oo ay ka soo kala jeedaan lamaanahaas.  Isla tan oo kale guur kaddib waxaa dhacdo in ay labada reer saxaan khaladaadka sharciyeed iyo dhaqameed oo ka dhacay wiilkooda iyo gabaadhooda, heshiis wadajir ahna lagu dhameeyo khaladaadkaas guurkooda kaddib.

Guurka iyo Furriinka labadaba waa bilow iyo kala tag guur ku dhamaado ama ay tii Allah ku timaado midkood. Ogow in mararka qaar uu furriinka ku yimaado isfaham dhax-maro lamaanaha isla gartay kala tag, haddana iyada oo saas ah waxaa dhacdo in ay dib isugu noqdaan lamaanahaas kala taggaas kaddib, weliba iyaga oo soo galay guur kale ama inta aynan dhammaan tirada mudadda Dhalaaqa leeyahay dib laysugu noqdo, weliba haddii uunan furriinka u dhicin si buuxdo iyo dhalaaq dhameys-tiran.

Nikaax iyo Dhalaaqa(furriin) waa salka wada joogga ama kala tagga lamaane walba. Nikaaxa waa iclaan  sharciyeed oo looga jeedo in labada lamaane ay maalintaa ballan qaadayaan in ay wada jirkooda wada ilaashtaan si joogta ah iyo in khayr iyo shar wixi noloshooda ku soo kordha ay si deggan isaga kaashtaan maareyntooda. Khayrka ku soo kordhi karo waa badan yahay, waxaa ka mid ah taranka iyo awood ku soo kororto noloshooda, helitaanka awlaad isugu jiro wiilal iyo gabdho, wiilal kaliya ama gabdho kaliya, dhaqaala fara badan oo la helo, sidoo kale waxaa jiro culaysyo reerka ku soo kordhi karo oo aanan shar ahayn, balsa dadka qaarkood culays ku noqdo ama shar ku soo korortay noloshooda u arkaan, sida dhalista carruurta oo ka soo daahdo, dhaqaala yari ku timaado lamaanahaas, jirooyin la soo gudboonaaado reerka, waxaas oo dhan waa ballanka la galayo maalinta nikaaxa dhacayo oo iyada ah in si wadajir ah loogu wada maareyn lahaa iyo in iimaanka la adkeysto si deganaan looga baxo culayska yimaado idim allah. Dhinaca kalena haddii reerka ku soo kordho dhaqaale xooggan in uunan sabab u noqon khilaafaad kaga yimaado dhinacaas oo fashilnaan iyo kala tag soo dedejin kara.

Nikaaxa Islaamku, waxa uu leeyahay shuruud iyo waddo sharciyeed oo loo maro, waxaase casriyadan cusub ku soo kordhay in loo sameeyo diiwaangelin Nikaax.

Furiinka isaga oo lagu tilmaamo Xalaal midda ugu liidato ayuu haddana xal u yahay arrima badan oo ku aaddan isfaham la’aan ka dhex dhalato lamaanayaasha ama xaalado sabab u noqon karo furriin oo lamaanahaas ku soo kordho. Furriin waa kala tag, waana mid ka yimaado labada lamaane midkood oo xal u arko in uunan wada jirkooda sii socon Karin ama ay lamaanayaashaas isku fahmaan kala tag si quruxsan oo muran la’aan ah, Furriinka waa qiraal sharciyeed abuuro in si nabad ah lagu kala tago, Furriinka ma ahan wax xun, balsa waa xal haddii uu gudub ku yimaado wada jirka lamaane walba noloshooda.  Waa fududeeye in wada joog liito nabad looga tilaabo, sharciyadiisa midka ugu muhimsan waa in haweeneyda caddeyso xaaladeeda, sida in ay uur leedahay ama lahayn sidoo kale xaaladdeeda kale iyo wax yaaba kale oo fududeeyo in la xaddido muddada uu leeyahay Dhalaaqa haddii laysku soo noqonayo ama la kala raacanayo nolol adduunyo hadba cid-walba iyo horteeda.

Diiniyan, Islaamku furriinka waxa uu mas’uuliyaddiisa saaray ninka sida uu u saarayba mas’uuliyadda guud ee reerka, balse haweenayda lafteeda xaalado gaar ah haddii ay jiraan waxa ay codsan kartaa furriin sida ay diintu qabto. Codsigu ha noqdo mid ay saygeeda la wadaagto, reerkeeda ama qaaddi maxkameed.

La soco Q. Xigta

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

SHEEKOOYIN