Igu qiimeeya waxa aan ahay!
Sucdi waxay aheyd Gabar aad u Qurux badan, oo jalaqsan, jir iyo joog ahaanba, balse, aan dadka dhexdiisa magac qurxoon ku lahayn. — Waa Sheeko ku saabsan Isbadalka ku dhacay Bulshada, gaar ahaan Gabdhaha Soomaaliyeed oo uu diyaariyay Cabdicasiis Maxamed Shidane.
Sucdi iyadoo yar ayey guursatay, wiilkii ugu horreeyay ee ey is calmadeen, kama eysan labalabeyn in ey ka run sheegto dareenkeeda jacayl, guurkaasi waxuu ku soo gabagabaysmay guul-darro iyo gunuunac, waxayna ka qaadday niyadjab iyo in eysan aaminin nin dambe.
Waxay door biddey in ey nolasheeda ku salayso wax kasta iyo waxii ey nafsaddeedu u hilawdo. Waxay billawday in ey isticmaasho maan-dooriyaasha, si ey u hesho xasillooni iyo nasasho ey ka waysay bulshada qofkii ey ka doortay.
Garashdadeedu waxay tustay in ey la haasaawdo dhallinyaro kala duwan, waxayna billawday caweys iyo dhafar aan kala joogsi lahayn, taasoo ey ka raadinayso wehel iyo la wadaagidda dareekeeda nolaleed, kadib markii qoyskeedu ey dayriyeen, kana saareen liiska qayska iyo awlaadda.
Sucdi waxay billawday in ey jabiso xeerka iyo caadada u taallay bulshada markaas ey ku dhex nooleed, oo ah bulsho xirxiran dhaqan ahaan, balse, u furfuran wax kastoo xun oo wax yeelleynaya xurriyadda shaqsiga, kadib markii ey baratay rag fara badan oo ugaarsaday iyaduna eey ugaarsatay.
Waxay billawday in ey u labisato si layaab leh, indhahana soo jiidanaysa ragguna ka helaan qalbigaba yeysan ka jeclaysanine. Waxay billawday in ey soo muujiso bannaankana soo dhigto labadeeda gacmood, timaha iyo qoorta, taas oo horay ugu daboolnaan jiraty, balse, ey u aragaty in eysan waxba badalayn dabooliddooda iyo feydiddooda, iyada oo badashay qaab socodkii iyo habkii ey u laafyoon jirtay, kuna kabaysa Qosol macaan iyo cod dabacsan.
Maalintii inta badan waxay ku hawllan tahay qurxinta wajigeeda, dibnaha, dhabanka iyo xulashada dharka ey qaadanayso, dadku wey wada caaynayaan, balse, ragga oo dhan waxay u hanqal taagayan in uu mar la kulmo, taas oo Sucdi ku sii riixday in ey u badasho hawshaan ganacsi iyo maal abuurid.
Waxey aaminsaneyd in ey la mid tahay qof saakay shaqa tagay, ee xibin ka mida xibnihiisa ku soo shaqaystay, dhididkiisana cuna, iyaduna in ey ku shaqaysan karto xibin jirkeeda ka mid ah, si fudud oo ey u sii dheertahay dareen ey u maara waysaneed in mudda ah.
Dadku waxay ku xantaan qof faddaroobay oo fallaagaa, iyo in loogu yeero magaca caanka ah ee qof kasta adeegsado (DHILLO) balse, waxaa ka yaabin jiray oo gabadhaas eysan fahmin wali waxa loogu faquuqayo waxa ey tahay misana kumannaan rag ah ka helaan, iyagoo qoysas leh, dhallinyaro iyo wayeello iskugu jira!
Sideeda kale Sucdi waa qof aad u dabeecad wanaagsan, naxariis badan, dariska qiimaysa, qof kasta oo liitana caawisa, waxa kaliyah ee lagu gariifayo waa waxa ey ku samyso jirkeeda, iyo xirfadda ey qabato, halka iyadu ey aaminsaneed in jirkeeda ey iyadu leedahay, xorna u tahay, waxay rabtana ku samyn karto, ciddey doontana siin karto, taas oo ka hor imaanaysa anshaxa iyo dhaqanka bulshada, hasa yeeshee, taas waxay u aragtay been iyo ii dheh, waxa raba oo danayhaa shaqadeeda waa isla bulshadii, iyaduna wey ku qanacsaneed waxa ey qabanayso, sida ey iyadu ey rabto ayaana ugu qiima badneed sida ey dadku rabaan.
Sucdi horey ayey u samysay waxa bulshadu rabto iyadoo guursatay guur dhaqanka iyo diintaba ku salaysnaay, balse, waxaan dhib iyo qasaaro ahayn kama qaadin.
Waxaa u kiraysan guri yar oo aad loo qalabeeyay, kuna yaalla meelaha aadka u daggan magaalada, raggu aad ayey ugu soo qulqulayaan gurigaas, iyagoo leh nuuc kasta, ganacsade, siyaasi, wadaad, dhallinyaro, waayeello intaba. Waxay noqotay qof markii ey magaalada marayso aad loo qiimeeyo, maxaa yeelay, xiriirka sirta ah ee kala dhaxeeya ragga isku muujiya in ey yihiin magafayaal ayaa waxuu siinayaa qaddarin iyo qiimayn gaara, marka laga reebo lacagta faraha badan ee ey ka tabacday ka ganacsiga jirkeeda. Waxaa u sii dheereed isticmaalka maan-dooriyaasha, taas oo ey u keeni jireen rag bulshada ka dhex muuqda
Sucdi iyada oo si habsami leh u wadata shaqadeeda misana waxay blilawday in ey baaritaan ku samyso qaab nolaleedka ragga iyo waxa ugu wacan in ey sameeyaan nolal laba waji leh, iyagoo qaarkood uga sheekeeyaan nolashooda qaaska ah, iyo dhibka ka haysta qoysaskooda iyo ilmahooda, taas oo Sucdi ku sii riixaysa in ey ka sii fogaato bulshada, kuna sii riixaysa in eysan samyn qoys dhaqan ku salaysan iyo ubad.
Waxay isku haysatay in ey daawo iyo xal u tahay raggaan faraha badan ee walaaca iyo walbahaarku ku furanyahay, ee iyada ugu imaada nasashada iyo in ey buuqa iilloobaan xoogaa. Sucdi iyada oo og in ficilkeedu ey dhibsanayaan dad badan misana waxay qirsantahay in %90 in ey raggu ku qanacsanyihiin, iyaduna isku qanacsantahay, cidna eysan wax u dhibin, xukminta dadka kalana ey iska dhaga tirto, una noolaato qaabka y jeceshahay, iyadoo nafteeda been ka sheegin, beenna u sheegin.
Muddo dheer kabacdi waxay ku nooshahay illaa iyo maanta nolal ey u aragto in ey saxantahay, iyada oo sii wadata shaqadeeda, kuna samaysa hadba jawigu sida uu yahay, nabadgalyada iyo isbadallada bulshada Soomaaliyeed lana jaan qaadaysa, balse, aan marnaba ku fakarayn in ey iska badasho, maxaa yeelay, maba aaminsano in uu jiro wax badali kara waxa ey ku qanacsantahay, oo ah in ey jirkeeda ka ganacsato, dad badanna ey ka caawiso, su’aasha ey iswaydiiso ayaa waxay tahay; “Maxaan la iigu qiimayheen waxa aan ahay, in aan ahaadana la ii qadaray, oo aan ku qanacsanahy dareen ahaan, sidaas ayaa tahay ama (DHILLO) ayaa tahay waxba iga badali mayso?”.
Haddaba, qaab dhaqankaan oo soo badanaya maalmahaan dambe wuxuu u baahanyahay in looga hortago si cilmiyeysan, oo murti ku jirto, lana sameeyo wacyigalin si looga weeciyo gabadhaan oo kale hawshaan ey faraha kula jirto, lana badalo qaabka loola dhaqmo, loona furo qaab kale oo ey ku heli karaan farxad iyo shaqo abuuris, xalkana aan laga raadin cadaadis iyo af-lagaaddeyn, ama gaca-qaad midnaba, haddii kale dabar go’i mayso ee way sii faafaysaa.
W/Q: Abdi-aziz Mohamed Shidane
Shidane05@hotmail.com