JACAYLKII MULLIYO IYO XUSEEN MEECAAD

JACAYLKII MULLIYO IYO XUSEEN MEECAAD

“Waaxyaha jidhkaygaay

Haddaan ku waayo

Waa ii waxyeelee

Alla ku aaway?” -Xuseen Meecaad.

“Kuu waashay waashay

Naftaan wareertay

Ha wayrax goysee

Anna i way kan….” -Mulliyo.

Sheekada caashaq ee labadaan mucaashiqiini waa mid aad ugu baahday guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dhulka ku teedsan Jabuuti, Soomaaligalbeed iyo waqooyiga Jamhuuriyadda Soomaaliya (Soomaalilaand).

Taariikhda sheekadaan caashaq waxa ay dhacday hillaadii qarnigii u dambeeyay ee xukunkii dawladdii Cusmaaniyadda, wayse adag yahay in si dhab ah loo ogaado amminta rasmiga ah ee ay noolaayeen wiilkaan iyo gabadhaan caanka ka noqday Soomaalida dhaxdeeda.

Waa qiso ay qaab sheeko-tabin ah isugu soo dhiibeen bulshada Soomaalidu, waxayna aad ugu sii faafsan tahay deegannada hoos yimaada magaalada sooyaaliga ah ee Saylac, taasi oo ah halka ay ka dhacday qisada labadaan dhibbane ee Xuseen Meecaad iyo Mulliyo. Waxay ammintaas Saylac ahayd mid aad u caan ah, uguna hormarsanayd deegaanka geeska Afrika.

Waa Saylac e, waxay waayadaas ahayd deked caalami ah oo xiriir ganacsi la lahayd qaaradda Aasiya, gaar ahaan deegaanka Carabiya, Iiraan iyo Hindiya.

Ilbaxnimadaas iyo hormarkaasi waxay Saylac ka dhigtay meel ay deegaameeyaan bulshooyin aad u kala duwan, sida, Hindida, Carabta, Yahuudda iyo Soomaalida oo ah bulshada deegaan ahaan u leh ee martida looyahay.

Sida ay inta badan isku raaceen waayeelka ka sheekeeyay qisada labadaan, Mulliyo iyo Xuseen, waxay ahayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo, halka ay qaar yar oo dadkaasi ka mid ihi ay ka labalabaynayaan Soomaalinimada Mulliyo, kuna sheegayaan in ay ka soo jeedday shisheeyihii Saylac degganaa ee kala jaadka ahaa, gaar ahaan Hindiya.

Waa sida la soo tabiyaye, Mulliyo iyo Xuseen Meecaad waxay ahaayeen labo xigto ah oo gu’ ahaan aad isugu dhowaa, waa haddii aan qaadanno warinta aadka u xooggan ee sheegaysa in ay ilmo abti ahaayeen. Waxayna markii ay soo hanaqaadeen noqdeen labo ku caan ah ciyaarista ciyaarta aadka loo jecel yahay ee Sayliciga waxayna noqdeen kuwo ka sheeggan goobaha lagu caweeyo, kuna caan ahaa codad hallaasi ah, hal-abuur dhanka curinta maansada ah iyo ka ciyaarista goobahaas ay aadka u soo buuxin jireen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallintii ay isku da’da ahaayeen Xuseen iyo Mulliyo.

Wada ciyaaristii iyo wada koriddii Mulliyo iyo Xuseen waxaa ka abuurmay jacayl ay isku qaadeen, kaas oo gaaray figta sare, heer ay dadkii ay isku deegaanka ahaayeen dareemaan xiriirka cajiibka ah ee ka dhexcurtay wiilkaan iyo gabadhaan hooballada ah.

Meel kasta waxaa lagaga haasaaway erayada caashaqu ka tisleeyahay ee ay isku taleexiyaan Xuseen iyo Mulliyo, gaar ahaan marka ay ka qayb qaadanayaan cawaysyada dhallintu ku kulanto, cawaysyadaas oo ah halka ay ku kulmaan wiilasha iyo gabdhaha qaangaarka ah ee mid kastaaba ugaarsanayo qofkii uu nolosha la wadaagi lahaa ee uu dadka kala bixi lahaa.

Mulliyo iyo Xuseen waxay noqdeen labo la isku aqoonsaday oo dhab ahaantii isku habboonaa, kalsoonida xiriirkooduna gaaray halkii ugu sarreeysay. Waxayna Saylac iyo agagaarkeeda ka noqdeen kuwo caan ah oo aad looga qaddariyo.

Markii uu in badan soo jiitamay xiriirkii jacayl ee Xuseen iyo Mulliyo ayuu Xuseen garwaaqsaday in ay adag tahay in uu u hollado doonashada boqoradda uu ifka u jecel yahay ee Mulliyo, maadaama uu Xuseen ka soo jeeday qoys sabool ah oo aad u danyar ah, wuxuuna go’aan ku gaarayaa in uu Hindiya u dhoofo si uu uga soo shaqaysto magaalada Mumbay oo waayadaas ahayd saldhig ganacsi oo caalami ah.

Mulliyo iyo Xuseenna waxay isla galeen ballan ahaa in uu mid kastaaba dhankiisa ka ilaaliyo jacaylka marka uu Xuseen soo shaqeeyana uu arooskoodu dhaco. Waxaana sidaas doon nooca shiraaca ku shaqeeya ah Saylac ka raacay Xuseen Meecaad oo afka saaray magaaladii uu riyadiisa ku rumayn lahaa ee Mumbay.

“Axdiguu Xuseen jiray

Mulliyana ha jabin tiri

Iil in ay u jiifaan

Muxuu jaahil ka og yahay?

Jawaab aniga way kan ah

Maahmaahyo joogto ah

Soo ma dhalin jacaylkii?

Dhaguhu waxay jeclaadaan

Janno loogu baaqaa

Indhuhu waxay jeclaadaan

Qurux in ay u jeedaan

Hadal waxaad jeclaataa

In uu ximin ku joogaa

Anna waxaan jeclaadaa

In aan kula jalbeebaa…” -Abwaan Maxamuud C. Ciise (Singub) AUN.

Dhawr dabshid ka dib bixitaankii Xuseen ayaa la soo doonanayaa gabadhii Mulliyo ahayd, waxayna reerkii wiilka soo doontay aabbaheed u ballanqaadayaan in ay bixinayaa 50kii Rubbi ee uu xeerku qorayay. Mulliyo aabbaheedna kama labalabayn in uu heshiiskaas qalinka ku duugo, waxuuna goob la wada joogo ku bixiyay gabadhiisii kuna guddoomay lacagtii uu xeerku qorayay.

Waa siday caadadu ahayde Xaajigii Mulliyo dhalay wuxuu gabadhiisii ogaysiiyay in uu bixiyay oo mardhaw la guri gayn doono Mulliyana waxay aabbaheed u sheegtay in uu xiriir kala dhaxeeyo wiil ay xigtada yihiin ee Xuseen Meecaad. Markii uu aabbaheed rumaysan waayayna waxay tustay waraaqihii ay isdhaafsadeen, kuwaas oo sida waaberigii ugu caddeeyay odaygii in aan xariggiisa xoola ku jirin oo ay adag tahay in uu guuriyo gabadhiisa.

“Waalidka i baxshiyo

Waddadaas Mumbay

Warka igaga xiran

Kala weecsanaa!..” -Mulliyo

“Doontaan watoo

Dabayl waysay baa

I yar waabisaye

Wacaneey ku mee?….” -Xuseen Meecaad.

Mulliyo aabbaheed markuu ogaaday jacaylka baaxadda wayn ee u dhaxeeya wiilka uu abtiga u yahay iyo gabadhiisa ayuu degay shax aad u shar badan oo uu ku kala gaynayay labadaan is ballansaday, labadaan mid kastaaba uu ku dhaartay in uu ballanka dhinaciisa ka xejinayo.

Wuxuu la xiriiray wiilkii waraaqa u kala qaadayay, oo inta lacag jeebka u galiyay ka codsay in uu joojiyo waraaqaha uu u kala gaynayo Mulliyo iyo Xuseen, taas badalkeedana waraaqahooda badda ku qubo. Intaas kuma harine, Mulliyo aabbaheed wuxuu qoray waraaq tacsi ah oo uu ka dhigay in ay ka timid Hindiya uuna soo qoray qof la noolaa Xuseen, waraaqdaas oo warinaysa in wiilkii Xuseen Meecaad ahaa uu iska allaystay oo uu dhintay.

Lix bilood ka dib ayuu wiilkii Mulliyo farta ka saaray waraaqdii been-abuurka ahayd ee uu aabbaheed qoray; markii ay heshayna waxay kula soo carartay qolkii ay ka degganayd gurigeeda iyadoo sugi la’ aqrinta waraaqda ka timid gacaliyaheedii ay aadka ugu xiistay. Markii ay waraaqdii furtayse waxay kala kulantay naxdin iyo afkalaqaad, waxayna bannaanka u soo baxday iyadoo barooranaysa oo ku dhawaaqaysa in uu dhintay wiilkii ay ilma abtiga ahaayeen ee Xuseen Meecaad.

Mulliyo waxaa la soo darsay murugo iyo hanjab, waxayna ku aruurtay oo ka soo bixi waysay qolkeedii yaraa, halkaas oo ay uga caagtay cunnadii, dadkiina ay kaga go’day. Waxay noqotay bukaan aan la aqoon cudurka haya, maadaama ay aad u adkayd in dadkii ammintaas joogay laga dhaadhiciyo in qofi sariir la fuuli karo jacayl dartiis.

Waa halkii uu Cilmi Boodhari ka yiri:

Caashaqa haween waa horaa, Caadil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo, Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo, Ciise nebigiiye

 Cidla lagama beermeen dadkoo, cuudi waaxidahe

Waxa qaarba cayn looga dhigay, waa ha is cajabiyeene

Soomaalidaa caado xune, iguma caydeene….

Markii xaalkii adkaa ee Mulliyo la wada dareemay, geeri-beenaadkii Xuseenna maalmo badan laga joogo ayaa Mulliyo aabbaheed u yimid oo u sheegay in uu aad uga murugaysan yahay xaalka ay gabadhiisu ku sugan tahay, ka gadaalna ka codsay in ay ka yeesho in uu u guuriyo wiilka soo doontay, wiilkii ay jecleed ee Xuseen ahaana u ducayso oo ay sidaas ku illowdo, maadaama aan la soo celin karin qof uu Eebbe Wayne oofsaday.

Mulliyo way ku qanacday soo jeedintii aabbaheed waxayna oggolaatay in loo guuriyo wiilkii soo doontay. Maalmo kooban ka dibna waxaa si dhaqso ah loo abaabulay gurigaynteedii waxaana ugu dambayntii la iskugu yimid goobtii aadka loo soo shaaximay ee uu ka dhacayay arooskii Mulliyo. Waxaa sidii caadada u ahay goobtii soo buuxdhaafiyay dhallintii deegaanka kuwaasi jiibta iyo jaanta iskula helay ciyaarihii ay caanka ku ahaayeen ee ay Saylicigu ugu foolaadsanayd.

Intii ay socotay xafladdii iyo damaashaadkii arooskii Mulliyo ayaa laga war helay dooni ku soo xiratay magaalada, markii laga wardoonayna waxaa la ogaaday in uu la socdo wiilkii Xuseen Meecaad ahaa ee dhawrka bilood ka hor tacsidiisii la dhigay! Dadkii ugu horreeyay ee arkay ayaa aad u argagaxay; waxaaba layaab ku noqotay maytidaan socota, ugu dambaynse way xaqiiqsadeen in wiilkii Xuseen ahaa nool yahay!

Hadalkii ugu horreeyay ee Xuseen afkiisa ka soo baxay waxuu noqday waydiin ahayd waxa uu yahay arooska dhacaya, waxaase la waayay qof u warceliya, maadaama la ogaa in Mulliyo iyo Xuseen uu ka dhaxeeyay jacayl gaamuray oo gaaray gees ka gees geyiga ay Soomaalidu deggan tahay. Markii laga fursan waayay ayaa dhegta loogu dhibciyay runtii qaraarka badnayd ee tabinaysay in qofka caawa gaafka loo tumayo ay tahay gacalisadiisii uu ifka u jeclaa gu’yaasha badanna darteen Mumbay uga soo shaqaysanayay ee Mulliyo!

Xuseen Meecaad oo sidaan kor ku soo xusay ahaa hoobal ku caan baxay ciyaaraha dhaqanka iyo tumista cawaysyada ayaa cod murugo xambaarsan goobtii ka yiri:

“Indha xariira haaha

Indha Qumaashee ayaa kulumba.”

Markii Xuseen intaas yiri ayaa laga war helay Mulliyo oo barxaddii taagan aadna uga naxsan dhagarta loo gaystay xiriirkii jacayl iyo ballankii ay la gashay gacaliyaheeda Xuseen Meecaad, waxaana erayadii ay dhibkaas ku muujisay ka mid ahaa:

Ku sugay ku sugoo haahaa

Ku sugi waayee haahaa

La i suntayoo

La iga kaa qaadyee ayaa kulumbaa”

Ka dibna isku la jiibiyeen eraydii caanka noqday ee ahaa

Allaa ku meeyay?

Alla way kan!”

Intaas markii ay is dhaafsadeena Mulliyo iyo Xuseen way isku soo boodeen oo isku dhegeen, dadkii goobta joogayna waxaa ka soo horay amakaag iyo yaab. Markii la isku dayay in Mulliyo iyo Xuseen la kala qabtana waxaa si lamafilaan ah lagu ogaaday in labadoodaba naftu ka baxday. Layaab iyo argagax ka dibna waxaa la xaqiiqsaday in geeridoodu dhab tahay, waxaana subixii xigay labadoodii, waa Xuseen Meecaad iyo Mulliyee, lagu aasay laba xabaal oo isgarab yaala.

Waxaa la tabiyaa in labadii qabri ee Mulliyo iyo Xuseen ay ka baxeen labo geed oo isku maran, kuwaas oo astaan u ah midnimadii iyo kalsoonidii lama-ligligaanka noqotay ee u dhexaysay Xuseen iyo Mulliyo, waxayna xabaasha labadaas mucaashaq noqotay meel aad loo qaddariyo oo la xuso ayna soo booqdaan lammaanayaasha is jecel, illaa maanta waa goob taariikhi ah oo boos wayn uga jirta dhaqanka iyo sooyaalka bulshadeenna Soomaaliyeed ee Rabbi ku teediyay dhulka aadka u istiraatiijiga ah ee geeska Afrika.

Marka aad daawato muuqaalada laga duubay dadka waayojoogga ah ee aqoonta u leh sooyaalka qisadaan Mulliyo Xuseen waxay sheekada u tabinayaan qaabkaan aan kor ku soo xusay. Waxaase jira dad aad u kooban oo qaba in sheekadu sidaas ka duwan tahay.

Dadka aragtidaan dambe qaba waxaa ugu caansan Mudane Rashiid Xaashi oo ah qoraa, suugaan yahan iyo aqoonyahan reer Saylac ah oo hadda ku nool dalka Canada. Ustaad Rashiid Xaashi wuxuu sheekadaan Mulliyo iyo Meecaad ka qoray buug, buuggaas oo uu ku qoray afka Faransiiska. Wada sheekaysi aan kula yeeshay qadka taleefoonka ayuu iigu bidhaamiyay in gabadha Mulliyo ahi ahayd gabar asal ahaan ka soo jeedda Hindi aabaheedna uu ahaa nin farsamayaqaan ah oo nolol ahaan aad u sarreeyay, kana mid ahaa dabaqaddii sare ee Saylac, halka uu Xuseen Meecaad ahaa wiil Soomaali ah oo ka soo jeeday qoys kalluumaysto ah oo sabool ah, saboolnimada Xuseenna ay sababtay in Mulliyo aabbaheed ka biyo diido in uu gabadhiis u guuriyo Xuseen.

Taas ayaa sababtay buu qabaa ustaad Rashiid Xaashi in uu Xuseen Meecaad u socdaalo dalka Hindiya, gaar ahaan magaalada caanka ah ee Mombay, si uu uga soo shaqaysto ka dibna uga miradhaliyo himiladiisii ahayd in uu guursado boqoraddiisii Mulliyo.

Rashiid, wuxuu kaloo aad u didahay in Xuseen iyo Mulliyo goobtii arooska ku dhinteen, wuxuuna taas beddalkeeda qabaa in ay u geeriyoodeen naxdintii iyo dhibaatadii ay ka qaadeen goobtii xafladdda, Mulliyana ay ahayd qofkii koowaad ee u geeriyootay, halka Xuseen uu dhintay dhawr sano ka dib geeridii saaxiibtii Mulliyo, sanadahaas uu ka dambeeyayna uu ahaa qof dhimir ahaan xanuunsanayay oo bukaansocod ah.

Isku soo wada xooriyoo sheekada Mulliyo iyo Xuseen, waa mid sooyaali ah oo aad ugu faaftay guud ahaan geyiga Soomaalida waana sheeko ka mid ah sheekooyinka ciidda ka badan ee lagu xambaaro afka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay sheekooyinka jaadadkooda kala duwani ay ka qaybqaataan kobcinta iyo faafinta afka ay ku qoran yihiin.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

SHEEKOOYIN