Kulanka 2aad ee Af-aqoollada Afafka Kushitigga
Jaamacadda Napoli ‘L’Orientale’ oo ku taalla koofurta dalka Talyaaniga ayaa qabanqaabisay kulan aqooneed labo maalin socday 5ta iyo 6da bishan diseembar, 2024. Qabanqaabada shirkan waxaa hormuud u ahaa labada af-aqool ee kala ah Prof Giorgio Banti iyo Prof Martin Orwin, oo labaduba afka iyo suugaanta Soomaaliga aqoon durugsan u leh.
Siminaarku wuxuu ku saabsanaaa “Cushitic Languages and Linguistics” kulankiisa labaad, oo ahaa mid sidoo kale fogaan-aragga looga qaybqaadan karay (The 2nd Hybrid Meeting on Cushitic Languages and Linguistics).
Kulanka waxaa ka qaybgalay af-aqoollo ku xeeldheer Afafka Kushitigga, oo soo bandhigay aqoonbaarisyo kaladuwan, oo afafkaa iyo maalmintooda isugu jiray.
Afafka doorranaanta la siiyey waxaa hormuud ka ahaa afkeenna Soomaali, oo laga soo jeediyey kulanka ilaa 7 aqoonbaarisyo kaladuwan, oo afka, naxwadaha, maansada, dhawaaqyada (lahjadaha) iyo saamaynta afafka kale ay ka mid ahaayeen.
Martida ka qaybgashay ayaa kalajoogay in ay ka soo jeedeen ka sokow dawlado badan sida Soomaaliya, Talyaaniga, Iswiidhan, Hoolland, Maraykanka, Jabbaan, Itoobiya, Kanada, Faransiiska, Jermalka iqk, oo kala metalayey jaamacado, xarun aqoonbaarisyo, dugsiyo afaf iqk.
Kulankan waxaa ka horreey midkiisa koowaad, oo ay qabanqaabisay isla Jaamacadda ‘L’Orientale’, qabsoomayna sanadkii 2022.
Waxaa la filayaa, in kulanka saddaxaad ee “Cushitic Languages and Linguistics” uu dhicidoono labo sano ka dib, kana dhicidoona jaamacaddii oggolaata martigelinta shirka afafka Kushitigga, oo halkan ay fursad weyn ugu jirto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, in ay iyadu xil iska saarto martigelintiisa.
#Maanso
F.G. Qormadii waxaa markii hore lagu faafiyey Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye