Waxaan ahay wiil Soomaali ah, oo guri iyo quud uusan maalinna u dhibaatoon ku soo barbaaray. kala dambayn iyo xeer dagsanna aan arkin waligiis. intaas waxaa ii sii dheer waxaa la iga dhaadhacsiiyey in aan ka soo jeedo beel awood iyo itaalba leh, odayaasha beesha iyo qoyskaba waa la aaminsanaay arintaan. wax kastana waxay ila aheed, wax haddii aan u gacan qaado aan heli karo, maxaa yeelay waxaan ku dangiigay duud libaax (QABIILKA) waxaan iska dhaadhiciyey la iiguna xog warramay in aan deegaanka inagu leenahay. dadkii guulaystay ee taarikhda baalka dahabka ka galayna aan nahay, tiro iyo tayo wax nagu gaarana jirin, waana aaminaay sheekadaas macaanka badneed markaas. dhallinyarada xaafaddu waa iga baqan jireen, maxaa yeelay heybta beleed ee aan ahay iyo xigtadeyda oo dhan waa ragga ka arrimiya xaafadda iyo deegaanka. waxaan billaabay in aan gabdhaha qash qasho, tii ila hadli waysana aan u gooddiyo cagahana dhulka ugu dhufto, markii dambana heer waxaan gaaray la isku kay sheego xaafadda oo dhan, oo waxii dhacaba la igu soo wargaliyo.
Waxaan iska helaayey lacag sahal ah. kaaga darane in aay xaraam tahay ma aaminsaneen, maxaa yeelay sheekha xaafadda waxuu ahaay beesha, oo mooryaanta ayuu qur’aanka saari jiray. xogaaygiisana waa loo laabi jiray, suuqyada ganacsiga markaan maraa waa la i wada fiirin jiray. eegmadaas waan ku raaxaysan jiray, gabdhahana waxay ila ahaayeen wax aan markaan rabo heli karo, maxaa yeelay lacag iyo awood Ilaahay i siiyey ayaan ku faanaayay, waxna ma qori jirin mana aqrin jirin, ciyaalka iskuullada aada waan la yaabi jiray, ee misana aan waxba haysan, kana soo jeeda beelaha liita ee awoodda daran. labiska iyo qaadka, sigaarka iyo daroogada nuucyadeeda kala duwan waxay ii aheed wax Eebbe wayne ii hibeeyey. qofkii fiirada iga badiyana waxaan u haystay qof baahan oo ciil dishtay, waxa iga dhigay in aan noqdo (suprahuman) waa bulshada iyo deegaanka oo ii sacabbo tumaayey. magacayga markaas la iiguma yeeri jirin, ee waxaan yeeshtay magacyo qaaliya, sida guddoomiye, mas’uul, capo.
Mar kastoo aan qof u gacan qaado waxaan sii noqonaayey caan sharaf iyo xushmad leh. goobaha lagu shaaho lagana cunteeyo waligay lacag kuma bixinin, oo wax kasta waa la igu soo dhawayn jiray. mar marka qaar anigaa iswaydiin jiray, waxa aan waxaan oo qiimo iyo qaddarin ah ku kasbaday, jawaabtu markasta waxay i siinaysay in aan ahay wiil geesiya oo beel barakaysan ka dhashtay. waxaan ku jiraba nolashaas aan xuduudka lahayn, ee taageeraddu iyo xushmaddu ka buuxdo. waxaa is badalay jawigii oo waxaan guursaday gabadhii xaafadda ugu quruxda badneed markaas, guurkaas oo igu qaatay hal maalin gudaheed, maxaa yeelay lacag iyo laan dheeriba waan isku haystay. gabar i diidi kartana ma jirin, kuwii isku kay diidayna waay ka shallaayeen. guurkii ka bacdi nolasheydii ayaa is badal ku dhashay waxaana dareemay nolashii khiyaaliga aheed ee aan ku jiray, waxaan bilaabay in aan kaligay iska ooyo, habeenkiina aan hurdi waayo, daawo iyo qur’aan saarna waan ka daalay. qorigii aan lahaay ayaan iska iibiyey, waxaana joojiyey isticmaalkii daroogada, balse gabadhii aan guursaday go’aan kaas ma jeclaysan, maxaa yeelay lacag iyo dahab aan kala joogsi lahayn ayey igu qabtay.
Waxaa ila so daristay, hummaag cabsi leh, iyo walbahaar, waxaan ka go’ay qoyskaygii iyo asxaabtii. waxaan bilaabay in aan ku faraq xirto koox dimeedka al-tabliig, si aan uga dhex baxo baddaan waalan ee cid kasta iigu hiillinayso, oo maalinna qofi igu dhihin ka joog, waxaan baxay waxa loo yaqaan khuruuj, waxaana raacay kooxdii tabliiga aheed, erayo kooban oo carabiya ayaa la ibaray, labiskana waa la iga badalay, catar marsi iyo waxyaabaha udgoonna waa la ibaray, waxaana la iigu labisay qamiis nuuca bakistaanka ah, duub wayn oo cimaamad ahna waa la iixiray, waxaan raadinaayey qaab aan uga xoroobi karo nolashaas. hooyadey iyo xaaskaygii waxay bilaabeen in ay u tagaan kitaab gaablow iyo kuwa wax faalsha, maxaa yeelay in la isixray ayeey aaminsanaayeen, iyo in nimcadaan iyo awooddaan nin dhalin yaraa ee ka tagaya in uusan jirin si macno darra ah. afar bilood ka bacdi waxaan soo laabtay anigoo gar wayn yeeshtay, waxaana iska furay gabadhii shalay sahalka igu soo gashay. wax badan ayaa nolashayda iska badalay, laakin in aan aaminsanaahy awoodda beeleed wali igama go’in, oo dadka markaan u sheegayey wax ku saabsan diinta waxaan ku kabi jiray qaylo iyo sawaxan awoodi ku jirto.
Muddo ka bacdi nasiib wanaag dhallinyaradii beesha oo dhan ayaa wadaaddo iska wada noqotay, waxaana bilaabay in aan abaabulo kulamo dimeed cinwaan beleed leh, waxaan ku hishiinay in aan sii wadno dacwadda islaamka inagoo la kaashanayno awoodda beeleed, maxaa yeelay waa labo sheey oo Ilaahay nagu mannadeystay, dinta iyo qabiilkuba. waxaan u moodaayey in wax isbadaleen, balse waxba isma badalin oo sidii ayaan wax u amraayey, waxaana bilaabay aruurinta sadaqada iyo zakada si lo quudiyo dhallinyarada xaq u dirirka ah. waxaan sii noqday wiil libaax ah oo libaaxnimada ka dhaxlay ab iyo isir. isla fiican, isla quman, markuu socdana madaxa kor u taaga, diin iyo dal iyo dadnimana ku faana, Ilaahayna u doortay howshaas, qofna igama tir tiri karo fikradaas, waxaana igu taageersan qoyskii, wadaadkii iyo siyaasigii, waxaana ku noolahay meel ammaan ah oo Soomaaliya ka tirsan wax kastana aan ku haysto, sharaf iyo awood Rabbaaniya.
W/Q Abdi-aziz Mohamed shidane
shidane05@hotmail.com