Lafagurka Tayadeeda-Dhigaaleed sheekada Gacal iyo Gayaan| W/Q: Macallin Cabdullaahi Sheekh Cabdi Aadam (Gacanka)

Lafagurka Tayadeeda-Dhigaaleed sheekada Gacal iyo Gayaan| W/Q: Macallin Cabdullaahi Sheekh Cabdi Aadam (Gacanka)

Qoraalkan waxaan si kooban ugu lafaguraynaa sheekada “Gacal iyo Gayaan” ee dhowaan soo baxday oo uu qalinka u qaatay mudane: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal).

  • 2019 Laashin publishers and publications.
  • Katrineholm, Sweden.
  • Daabacaadii koowaad.

Hordhac kooban:

Inta aynaan u gelin lafagurka sheekadan magacsiinteeda loogu wanqalay Gacal iyo Gayaan. Marka hore, aan is wayddiinno sheekooyinku ma leeyihiin  faracyo-hoosaadyo ay u kala baxaan? Haddayse leeyihiin waa immisa jaad-sheeko-curineed? Mase leeyihiin halbeeg kala sooca oo lagu kala garto? Halkee bayse sheekada Gacal iyo Gayaan kaga aroortaa u abtirinteeda-dhigaaleed? Dhammaan su’aalahaas iftiimintoodu waxay innaga caawin doonaan inaan aqoonsanno sheekada Gacal iyo Gayaan jaadka ay tahay. Su’aalahaas aan soo xusay si aan jawaab waafiya ugu helno marka hore aan yara iftiiminno dul ahaan sheekada iyo faracyadeeda.

Sida aan badankeennu wada ognahay suugaanteennu waxay u kala baxdaa: labo rukun oo waaweyn oo kala ah: Tix iyo Tiraab. Labadaa rukumood mid waliba gaarkiisa ayuu u tarmaa leeyahayna faracyo-hoosaadyo ku aroora iyo xeerar u gaar ah oo ay ku soohmaan, halbeegna u ah lagu aqoonsado jaad ahaantooda tiraabeed.

Haddii aan toos u abbaarno bartilmaameedka lafagurkeenna oo gundhig u ah hal-abuur ahaan jaad-suugaaneedka tiraabta faracyo hoosaadyada ku abtirsada iyo halbeegga kala sooca jaad ahaantooda sheeko-curineed. Si aan jawaab waafiya ugu helno sheekada Gacal iyo Gayaan halka ay ku aroorto u abtirinteeda. Halkaa marka aan joogno aan is wayddiinn o ee waa maxay tiraab? Su’aashan innagoon meel dheer u doonin jawaabteeda waxaan ku soo ururin karnaa sidan: Tiraab waa eray suugaanta ku gooniya adeegsigiisa. weereyntiisana qaata dibgalaha qodobka “ta”. Oo innoo sheega dhammaan jaadadka sheekada ay u kala baxdo halbeegga magac-tusmeyntooda. Si kale haddaan u dhigo, tiraabtu waxay kulmisaa wax Allaale iyo wixii sheeko ku abtirsada halbeeggooda-suugaaneed.

Qeybaha ay sheekadu u kala baxdo:

Dul ahaan sheekadu waxay u kala baxdaa labo qeybood oo waaweyn oo kala ah:

  1. Sheeko-hiddeed.
  2. Sheeko-faneed casri ah.

Sheeko-hiddeed: Waxaa ku abtirsada seddax farac-sheeko oo kala ah:

  • Sheeko-xariiro
  • Sheeko-carruureed
  • Sheeko-murtiyeed

Sheeko casri ah: Waxaa ka farcama afar qeybood oo kala ah:

  • Qiso oo ka kooban: 50,000 ilaa 300,000 oo eray.
  • Qisa gaaban oo ka kooban: 30,000 ilaa 50,000 oo eray.
  • Sheeko gaaban 1000 ilaa 30,000 oo eray.
  • Sheeko aad u gaaban 1000 eray ka yar.

Labadaa rukumoodee ay sheekadu u kala baxdo iyo faracyadooda, mid waliba wuxuu leeyahay xeerar gundhig u ah iyo habraac-qoraaleed madhaafaan ah oo ka baadi-sooca inta kale jaadadka sheekada.

Haddaan u soo noqdo su’aashii innoo taagneyd ee aheyd sheekada Gacal iyo Gayaan halka ay ku aroorto u abtirinteeda. Marka aan u kuurgalno hab-qoraalkeeda iyo sida loo falkiyey taxanaha dhacdooyinkeeda-silsilladeed ee ay tahay in aynu ku qiimeyno halbeeggeeda. Innagoo ka shidaal-qaadaneyna faracyada sheekooyinku u kala baxaan ee aan kor soo xusan kala abla ableyntooda-tiraabeed.

Markaan u dhabbogalno qaabdhismeedka sheekada Gacal iyo Gayaan billow min dhammaad taxanaheeda-silsilladeed, waxaa innoo soo baxaysa inay tahay: qiso-hiddeed gaaban oo tixeysan. Iyadoo ay taas jirto haddaan dhan kale ka eegno xabkada silsillada sheekada dhacdooyinkeeda is dabayaalka ah qaabka loo dhisey, waa qiso loo falkiyey habka sheeko-faneedyada casriga ah loo qoro. Taa awgeed, qisa-hiddeedan gaaban waxay kulansatey labada rukun ee ay sheekooyinku u kala baxaan hal-curintooda-dhigaaleed. Tusaale ahaan sheekadan Gacal iyo Gayaan, mar waa qiso-hiddeed gaaban oo tixeysan, marna waxaa si farshaxaneysan oo doqon-ma-garato ah loogu saleeyey falkinteeda habka sheeko-faneedyada casriga ah loo qoro.

Sheeko-hiddeed iyo sheeko-faneed farqiga u dhexeeya labadaa jaad sheeko, haddaan soo koobno waxaan ku soo ururin karnaa labo qodob oo kala ah:

Sheeko-hiddeeda inta badan waxay ku dhisan tahay werin. Sidoo kale waxaa lagu soohaa weereynteeda dhammaan jaadadka tixda oo siyaabo kala duduwan ugu soo noqnoqda taxanaha dhacdooyinkeeda-silsiladeed. Halka sheeko-faneedda casriga ah aan lagu saafin waxa tix sheegta oo taxan jaad kastoo ay tahayba, marka laga reebo tuduc-tuduc oo marmar dhif ah xaalado gaar ah ama dhacdo la doonayo in si gaar ah loogu miisaan-cusleeyo loogu xisho ku saafideeda. Inta badan shaqsiyaadka ay ku socoto ayaa u warrama akhristaha oo werintu wey ku yar tahay. Geesta kale, sheeko-faneeddu halkii ay tix ka adeegsan lahayd jaad kastoo ay tahay waxay beddelkeeda si dadban u adeegsataa af-bilayaasha maansadu ku sameysanto sida: duurxulka ama sarbeebta, humaageynta, qofeynta, ekeynta, maahmaahda, murtida, halheysyo-tixeed oo tuduc-tuduc ah iwm oo si farshaxannimo leh loogu dhilo sifeynta taxanaha dhacdooyinkeeda-silsilladeed, si ay u dhumuc-cusleyaan hogatusaaleynta  sheekada farriinta ay gudbineyso qalad-sixideeda-bulsheed.

Isku dhafka labadaa jaad-sheeko-curineed ee ay kulansatey Gacal iyo Gayaan loogu magacdarey halkudheggeeda. Waa ibafur ku cusub dhigaalka sheekooyinka Soomaaliyeed oo aan iyada horteed dhicin inay cidi asiibto. Jid-bixintan sheeko-dhigaaleed ee uu qoruhu daaha-rogey, haddii la sii kobciyo oo la sii naax-naaxiyo tanaadintiisa, ayna kaga deydaan dhammaan qalinleyda kale ee hibada u leh sheeko-curinta toolmoon, hubaal waxaa marag-ma-doonta ah inuu hodmin doono halabuurka suugaanteenna, gaar ahaan tiraabta iyo faracydeeda.

Faaqidaada sheekada dhinacyada la eego:

Sideedaba sheeko marka la doonayo in la faaqido tayadeeda dhigaaleed, heerka ay gaarsiisan tahay; ha ahaato hiddeed ama faneed, mid waliba waxaa jira rukunno halbeeg u ah oo looga qiyaas qaato qiimeynteeda. Hadba, sheekada la faaqidayo heerka ay gaarsiisan tahay tayadeeda dhigaaleed waxaa laga eegaa dhinacyo kala duwan oo madhaafaan u ah lafagurkeeda, sida:

  1. Magacbixinteeda.
  2. Qaab-billowgeeda iyo gunaanadkeeda.
  3. Dul ahaan hab-qoraaleedkeeda.
  4. Isku xirka toolmoonida weereynteeda.
  5. Xulashada erayada ay ku soohan tahay.
  6. Shaqsiyaadka ay ku socoto la falgalkooda sheekada.
  7. Qaabdhismeedka taxanaha xabkada sheekada.
  8. Isku murugsanaanta dhacdooyinkeeda-silsilladeed.
  9. Loollan iyo dareen-kicinteeda.
  10. Bey’adda ku xeeran sheekada deegaannada ay ka dhaceyso.
  11.  Adeegsiga tiirarka qurxiya sheekada.
  12. Adeegsiga af-bilayaasha maansadu ku soohanto.
  13. Bartimaameedka xogta sheekadu gudineyso.
  14. Heerka ay ka tarjumayso waaqiciga nolosha.
  15. Waxa laga baran karo: aqoon, wacyigelin, qaladsixid-bulsheed.
  16. Koritaanka diirrimaadka sheekada taxanaha dhacdooyinkeeda.
  17. Sida ay ula falgaleyso akhristaha dareenkiisa.
  18. Iyo baacyo kaloo muhiim u ah faaqidaada sheekada.

Haddaan u soo noqdo lafagurka sheekada Gacal iyo Gayaan ammaan iyo dhaliil qiimeynteeda. Annagoo ka ambaqaadeyna qodobbadaa aan soo xusey ee sheeko waliba gundhigga u ah faaqidaaddeeda. Qodob waliba oo taxa kor ku xusan ka mid ah inta ay ka buuxisey iyo shuruudaha kale ee looga baahan yahay tayadeeda-dhigaaleed heerka ay gaarsiisan tahay. Inkastoo aynaan wada gaari karin dhammaan qodobbadaa inaan mid mid isu dultaagno oo aan ku qiimeyno sheekada mid waliba heerka ay buuxisey halbeeggiisa, balse, waxaan diiradda saareynaa dhowr qodob oo tiir-dhaxaad u ah faaqidaadda sheeko la arkaaba oo looga kaaftoomi karno inta kale.

Magacbixinta sheekada:

U magac-bixinta sheekada waxaa gundhig u ah laba shardi oo kala ah:

  1. Koobid, magac weliba oo sheeko-bixineed midba midka kale inta uu ka gaaban yahay wuu ka saamayn og-yahay akhristaha.
  2. Magac-bixinta sheekada waxaa laga doonayaa ugu yaraan 70% inuu ka tarjumo xogta ay sheekadu gudbineyso dulucda biyo-dhaceeda.

Halbeeggaa u magac-bixinta sheekada gundhigga u ah haddaan ka shidaalqaadanno. Halkudhegga la siiyey sheekada Gacal iyo Gayaan; waa magac buuxiyey labadii shardi ee looga baahnaa in lagu saleeyo. Waa magac kooban, xarafraac-erayeed ku saleysan, qof kastoo ay indhihiisu ku dhacaanna soo jiidanaaya oo ku qasbaaya inuu buugga kala furo oo deetana billaabo akhriskeeda, si uu uga salgaaro magaca soo jiitey ee ku suntan sheekada waxa uu xambaarsan yahay. Shardiga labaad haddaan u eegno: Waa magic 100% xambaarsan dulucda sheekadu ku dhisan tahay xog-tebinteeda. Waxaa kaloo magacsiinta sheekada sii biley farshaxanka jeldiga kore ee buugga sawirka lagu xardhey oo macno gundheer gudbiya, soona koobaya biyodhaca dhacdo-werinteeda. Isla markaanna dhadhan gaar ah u yeelaya aragtidiisa oo qacda horeba xiisa geliya akhristaha. Tus: cir-guduudka-waabberi, cilcillowgiisa aan saaniga u kaahin, geedka mugdiyeysan ee ay labada dhinac wiilka iyo gabadhu ka kala taagan yihiin, mukushooda mooyee muuqooda la aqoonsan karin, haddaad u fiirsato waxaa kuu soo baxaya iney sifeynayaan gacalka iyo gayaanka ay sheekadu ku socoto xogtebinteeda.

Hab-billowga sheekada:

Marka sheeko la billaabayo dhigaalkeeda. Inta badan seddax hab midkood uun baa lagu saleeyaa awal-billowgeeda oo kala ah:

Toos billow oo u sii kala baxa: billow xadfan iyo mid aan xadfaneyn. Xadfiddu waa iyadoo ku billaabata magacuyaal iwm.

Habka labaad: waa dhex-ka-billow. Jaadkan sheekada lagu saleeyo waxaa laga billaabaa bartamaha sheekada ama kala bar xigeenka meelaha ugu murugada badan si farshaxaneysan oo soo jiidasho leh loogu surin-jeexaa awal-billowgeeda, bog, labo iyo dhowr kaddib ayaa si hal-abuurnimo ku dheehan tahay loogu soo ridaa billowgeeda dhabta ahaa, sidaana laysugu guntaa xiriirsanka sheekada dhex-ka-billowgii lagu saleeyey taxanaha dhacdooyinkeeda-silsilladeed. Dhex ka billowga waxaa inta badan loo adeegsada sheeko-faneedyada casriga ah. Waa habka ugu wanaagsan ee sheeko loo billaabo waxaana loogu xishaa dhex ka billowga sheekada ku xiiso gelinta akhristaha.

Habka seddaxaad: waa dhammaad-ka-billowga sheekada. Halka ay ku dhammaato sheekada oo lagu saleeyo awal-billowgeeda, bog iyo labo ama dhowr aan badneyn kaddib ayaa laga feer-dillaaciyaa ku soo xiridda sheekada billowgeedii dhabta ahaa, hadhowna ku soo gabagabowda halkii laga billaabey. Habkan waxaa inta badan adeegsada filimada iyo sheekooyinka gaagaaban ku saleynta hab-qoraaleedkooda.

Haddaba, qiso-hiddeedaan Gacal iyo Gayaan haddaan eegno seddaxdaa hab billow ee aan soo iftiimiyey waxay ku saleysan tahay: toos-billow xadfan oo aan humaageysneyn ama qayaxan. Haddaan is weydiinno maxaa ku garan karnaa xadfidda toos-billowgeeda? Haddii toos-billow aan xadfaneyn lagu saleyn lahaa waxaa lagu billaabi lahaa magaca shaqsiyaadka ay ku socoto sheekada midkood sida: hebel oo sidaa… iyo… sidaa ah, balse xadfiddu inta badan waxay ku billaabataa magacuyaal iyo wixii la mid ah sida: sifeyn deegaan, ammin la joogo tilmaamideeda iwm. Haddaba sheekadu waxay ka billaabaneysaa: tusmeynta seben sammaadey iyo deegaan tigaadey, xilli barwaaqo kala guran-waa ah lagu jiro oo ku simman ilaa labo tuduc ama labo baaragaraaf weerahooda, kaddib waxaa xiga muujinta saanqaadka arbaha sheekadu ku socoto oo socod dheer u sahay-sita iyo ku socdaalidda hawd habar-dugaag looga kala fiigey iyo aragtida raad dad oo aanu meeshaba ka fileyn dareen ku beerey… halkaas ayey ka sii bus kicineysaa taxanaha dhacdooyinka isdaba yaalka ah.

Ma xuma hab-billowgan uu qoruhu ku saleeyey sheekada, waxaase ka sii habboonaan lahaa, aadna u sii bili lahaa quruxda sheekada, dhadhan gaar ahna u sii yeeli lahaa, haddii lagu saleyn lahaa dhex-ka-billow. Hab-billowgan oo ka xiiso iyo soo jiidasho badan marka loo eego toos-billowga xadfan ee ay sheekadu ku saleysan tahay dhigaalkeeda.

Xulashada erayada:

Dhanka eray xulashada sheekada markaan ka eegno hodan bey ka tahay. Wuxuu qorahu diiradda ku saarey eray xulashadiisa af-guriga deexda badda ka soo rogan looga hadlo, gaar ahaan deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe hoos taga qaarkood oo lagu garan og yahay: ‘xaa tiri.’ Erayo xulashada uu qoruhu ku soohay sheekadiisan Gacal iyo Gayaan 95% waa erayo af Soomaali dhalad ah, ogaanteyda haddii aanan qaldaneyn waa sheekada keliya ee ka maran adeegsiga erayo afaf qalaad ka soo jeeda oo ku milmey afkeenna hooyo. Waxaana taa u suurtageliyey inuu ka kaaftoomo xulashada erayo af-qalaad ka soo jeeda waa hodantooyada afguriga uu ku saleeyey dhigaalka sheekadiisa.

Qoruhu wuxuu dib boorka uga jafey erayo ciiddaas ah oo Af-Soomaali dhalad ah oo waa hore ka baxay afmaalmeedka bulshadu adeegsato, dib u soo nooleeyntooda awgeeda ku keyd dhigaaliyey boggaga sheekadiisu ka kooban tahay. Si markii loo baahdo looga raad-raaco adeegsigooda-erayeed. Geesta kale, wuxuu qoruhu farta ku fiiqey hodantooyada afka hooyo afguriyadiisa kala geddisan iyo sida loogu baahan yahay erayada muushka ah ururintooda iyo in lagu soo daro afmaalmeedka bulshadu adeegsato inta aaney dayac u salguurin.

Bey’adda sheekada ku xeeran deegaannada ay ka dhaceyso:

Sidaan horey carrabka ugu soo dhuftey bey’adda sheekadu ka dhaceyso: waa dhul-deexeedka badda ka soo rogan, gaar ahaan qaar ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe hoos taga. Sheekadu waxay cabbireysaa taariikh guun ah oo boqollaal gu’ hortood ku asteysan, sidii loogu noolaa deegaannada ay ku saleysan tahay dhacda-werinteeda. Waxay sheekadu diiradda saareysaa bulshadii mileygaa jirtey meerta-nololeedkoodii dhaqan-dhaqaale ee jiilba jiil ku soo simmaayey sooyaalka-tagtadooda. Xilligaas oo ku beegan intaan saancaddaalaha gumeysigu geyigeenna cag soo dhigin ee aanu isticmaarsan ummadda Soomaaliyeed. Sooyaal-taariikheedkaa xilliga fog ee ay sheekadu sawireyso waa waxa dhumuc-cusleeyey xogtebinteeda. Dhadhan gaar ahna u yeelaya akhriskeeda. Waa sheeko macne weyn sameyneysa marka loo eego isku murugsanaanta dhacdooyinkeeda oo uu in badan qoruhu ku ammaanan yahay sooyaalka dheer ee uu ku soo bandhigey sheekadiisa.

Shaqsiyaadka ay ku socoto iyo la falgalkooda sheekada:

Haddii aan eegno shaqsiyaadka sheekada tiirdhaxaadka u ah: waxay ku socotaa wiil gaashaan-qaad ah oo Dhaashane la yiraahdo iyo gabar gashaanti ah oo magaceedu Dheeho yahay. Labadaa gayaan ee sheekadu ku silsilladeysan tahay dhacdooyinkeeda; waxay duruuftu ku kulmineysaa dhul howd cidla ah oo habar-dugaag looga kala caagey. Degsin iyo daaqsin ha joogtee dhex-markiisa aan lagu deg-degin, ilaa dad is biirsadey oo hubeysan u soo bareeraan mooyee. Isla saanqaadkooda berrinkaa bahallo-galeenka ah, waxaa ka dhalanaya socdaal dheer oo maalmo iyo habeenno badan qaadanaya, iskana weheshanaya cidlo-ciirsili’idaa waayuhu badeen halisaha ku gedaaman dhexmarkiisa. Bariido iyo is barasho kaddib, waxaa xiga haasaawe guud iyo isu xog warran rabitaan jaceyl u xuubsiibanaya uu midba midka kale u qaado.

Inta ay socdaalka dheer ku jiraan, waxay marayaan dhibootooyinka badan oo mid waliba halisteeda leh, Dhaashane la’aantiisna ay Dheeho waa hore Alleysan laheyd. Hayeeshee, samata-bixinteeda Ilaahey u soo suuldaarey Dhaashane, si uu garab iyo gaashaan ugu noqdo ka-difaacidda col iyo cadaawe, hadba kii soo damaaciya waxyeelleynteeda. Maadaama uu markeedii horeba Dheeho xaalkeedu ahaa Allaa watoo wehel uma baahna. Badbaadintaa uu had iyo goor Dhaashane la garab taagnaa Dheeho iyo ka maagiddiisa inuu ku ardaaloobo ka maagey maadaama howd cidla ah ay wada gudayaan dhanka samaha ka xigsadey naftiisana ka adkaadey.

Kalsoonidaa dheeraadka ah ee uu Dhaashane siiyey Dheeho ayaa marba marka xiga ku sii kordhineysay iney jaceyl dhab ah u qaado ilaa ay nafteeda kula tallanto damac guur inay wadaagaan, balse rabitaanka Dheeho i qarso ayuu noqonayaa marka loo eego Dhaashane sida ay u beerqaaddey maankiisa. Qacdii uu arkayba wuxuu la ashqaraarey ilwaadsamideeda dhammeyska ah, waa tii loogu heesey:

  1. Toolmoon itaaldheer
  2. Tintu ay haldhaa tahay
  3. Kubka taabanayaan
  4. Oo hinqashada tallaabada
  5. Sida gorey u tuurtee.

Waxaa deeqey jooggeeda ilqabadka leh, dhabankeeda xaadda leh, dhexdeeda qabatinka ah, sanqaroorka lagu dhigey, sunniyaha bil dhalatey la moodo, ilkaheeda dhayda ah, dibnaheeda culeyga ah, cirridkeeda dugulka ah, hubqaadkeeda wacan, ugubnimadeeda gabarnimo ee ifeysa, hufnaanta haasaawinteeda la majeerto, fiiro-dheerida lagu galladey, murti heli ogaanta hibada loo siiyey. Dhan kastoo laga eegaba dhiiggiisey ku milantey oo ka waab sameysatey wadnihiisa. Wuxuu gaarey heer uu ku laba-bogleeyo soo xera gelinteeda. Wax kastaba ha ku qaadatee in aaney sinnaba gacantiisa u dhaafin. Go’aankaas uu aamusnaanta ku qaatey baa beddeley qorshihii socodkiisa iyo inuu dantiisii u baabi’iyo teeda. Isagoo goostey inuu marka hore iyada ku simmo halkey saanteedu ku jeedday, si uu xarig adag uga guntado oo ay guur ku yagleelaan. Si taa ugu meelmarto wuxuu go’aansadey inuu ka raarido isaga mooyee ina rag oo kale in aanay u carrab laalaadin.

Socdaalkaa dheer inta ay ku guda jiraan wuxuu qoraha sheekadu inna horkeenayaa dhacdooyin isku xiran oo hadba inna murjiya taxanahooda, farriinta ay gudbinayaan aqoon gundheeri ku xardhan tahay. Marba doc buu arrin dhakafaar innagu ridda innooga keenaayaa urugada taaheeda. Hadba, dhan buu wax  innaga tusayaa aan sii muhanno majeerashadooda, ilaa ay ka cid galaan marba mowjad nagu furayaa hor leh ina saameysa tiiraanyadeeda! Murugada la qaybsaneynaa! Ku hananaysaa dareenkeenna!

Isku murugsanaanta dhacdooyinka sheekada:

Haddaan eegno, isku murugsanaanta dhacdooyinka xabkada sheekadu waa mid heerkeedu sarreeyo, si farshaxnnimo leh laysugu sargooyey. Loollan-maskaxeedka ay nagu abuureyso sida hirarka iska daba-dhacaya. Diirrimaad sii koraaya oo hadba meel ka daadegaaya nagu dhaqaajinaysa taxanaheeda-silsilladeed. Waa dhacdooyin marba xaalad naga yaabisa na horkeenaaya. Farxad iyo murugo isku dhafan qulluubteenna ku xanta-xanteyneysa. Hiyi kaca ay nagu beereyso waa sida mowjadaha badda oo kale marba marka xiga sii labo-lixaadsanaaya is labo-roggeeda. Innagoo aan is ogeyn baan sheekada qeyb ka noqoneynaa sidaan nahay shaqsiyaadka ay ku socoto silsilladeynteeda. Isku murugsanaanta dhacdooyinka sheekada xabkadeeda waa kuwo si toos ula falgalaaya dareenkeenna nafsaannimo. Hadba arrin maankeenna ruxda ayey nagu jalbeebinayaa oo dadka qalbiga jilicsani ka ilmeysiisa murugadeeda.

 Dhan kastoo la eegaba waa sheeko mug iyo miisaan leh oo aan laga geyooneyn akhriskeeda. Waxaa la yaab leh mar haddii aad billowdo sheekada akhriskeeda sidaad u leedahay ka salgaar ayey dhacdaba dhacdo kuu dhiibeysaa, baalba baal. Sidaad u muhaneyso taxanaha dhacdooyinkeeda is dabayaalka ah waxa xigee hadba iman doona ee aadan sii oddorrosi karin ayey kula tegaysaa intaad is illowdo. Isku soo xooriyoo, Gacal iyo Gayaan waa sheeko meelo daraamaha xiiso leh ee uu qoraagu ku xardhey ku qafaallaneysa akhristaha oo aan ka caajiseyn akhriskeeda ilaa aad ka idleeyo taasoo uu in badan qoraha Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)  ku ammaanan yahay taabbagelinta dhigaalkeeda.

Geesta kale, waxyaabaha sheekada aad u biley haddii aan soo koobno waxaan ku soo ururin karnaa qodobbadan hoos ku qoran ee kala ah:

  1. Afguriga ay ku saleysan tahay.
  2. Ka marnaanta erayo afqalaad oo ku milmey afkeenna hooyo.
  3. Ka hor gumeysiga meerta-nololeedka bulsheed ee xilliga fog ee ay ku qotonto dhacdo-werinteeda.
  4. Filweynida sooyaalka hiddiyo dhaqan dhaqaale ee ay iftiimineyso.
  5. Dib-boor uga jafidda kumannaan eray oo waa-hore ka baxay afka hooyo adeegsigooda ee ku soohan sheekada.

Erayo mudan in hoosta laga xariiqo:

Sida aan horey u soo xusey sheekadan Gacal iyo Gayaan waxay hodan ka tahay dhanka erayada afka hooyo ee uu qoraagu ku soohey dhigaalkeeda. Wuxuu kaloo ku ammaanan yahay sida uu isaga Ilaaliyey inuu xusho erayo afqalaad ka soo jeeda oo ku milmey afkeenna hooyo. Waxaan oran karaa markaan eegno ereyada lagu dhisey weereynta sheekada 95% waa erayo af Soomaali ah oo barax la’, laga yaabee qofka aan akhrin sheekadan loogu magacdarey halkudheggeeda: Gacal iyo Gayaan inuu buunbuunis u qaato ku yaraanta ereyo afqalaad ka soo jeeda oo ku milmiley afkeenna hooyo dhigaal-weereynteeda. Haddaba, akhristoow, si aan taa idin kaga shaafiyo oo aadan warkeyga ka badbadis ugu qaadan erayo kooban oo ka mid ah kuwa lagu dhisey sheekada dhigaalkeeda aan idin kaga soo xulo oo aad iiga marag-kacdaan ka run sheegiddeyda sida ay hodan uga tahay erayada dhaladka ah ee afka hooyo. Waxaan halka hoose idin kugu soo gudbinayaa soddan eray oo aan ka soo dhex saarey weeraha sheekadu ku soohan tahay oo kala ah:

  1. Dul iyo dug/bari iyo galbeed.
  2. Dhabuullac: socod aan dheereyn iyo gaabis midna ahayn.
  3. Habjaqey: ka soo dhaqaaqey.
  4. Tafaal: isgoys laba surin halka ay iska gooyaan.
  5. Xorrod: kureyga da’diisu u dhaxeyso 11-13 jir.
  6. Jinfo: qaybta dambe usha waranku ku jiro.
  7. Dhoolgaad: misaar ama gudin yar oo raggii hore ku xarragoon jireen.
  8. Sululubo: dherer aan xaddhaaf ahayn/meel dhaxaad.
  9. Tabiin: mar kaliya. Tabiin jawiya/ halmar kaliya.
  10. Haaliqato: abley aad loo soofeeyey/xiiro xiiro ah.
  11. Dabcalleel: hakasho/ka joogsasho.
  12. Kowkabe: aarka labka weyn.
  13. Demmin: ammin, goor iwm.
  14. Qambalafsi. socod dheereyn ah/karaarin socod.
  15. Aguux/Ugbaad: Khamiis maalmihii Soomaalideennii hore.
  16. Agaax/hoyaad: Jimce.
  17. Agaalli/negaad: sabti.
  18. Harbax: yac ama yur.
  19. Cubbaan: taajir.
  20. Hadeec: daalsocod. Socod saamo-jiid ah.
  21. Tawl: waalid, erayga waalid wuxuu ka soo jeedaa af Carabi.
  22. Dhasiiq: dulmi-diid/gardarro qaadan.
  23. Obolos: belaayo soo noqnoqota.
  24. Shindhiriq: mugdi ah/duggaal badan leh.
  25. Gabiir: kala dheer/ dhul masaafo dheer isu jira.
  26. Xeraad: casho.
  27. Qammaaciir: wax tiro badan.
  28. Xood: hu’ ama dhar.
  29. Cagwaal: orod badan, socod badan.
  30. Yabaq dadeed iyo yuuc xoolaad.

Soddankaa eray tusaale ahaan uun baan uga soo qaatey sheekada inaan idiin muujiyo sida ay hodan uga tahay dhanka erayada dhaladka ah ee afka hooyo, balse, waxaa laga dhex helayaa kumannaan eray oo kale oo la jaad ah kuwaas aan soo taxay iyaga iyo macnafurkooda.

Dhanka iimaha sheekadu leedahay:

Ma qaldame waa Ilaaheey. Dhigane ama buug kasta oo uu aadamigu qoro galdaloollo lagama waayo. Dhaliil aad leedahay qofkii kuu sheegaa wuxuu kaa mudan yahay inaad uga mahadceliso. Dhaliishu wax bay toosisaa ee wax ma bi’iso. Waa sida muraayadda, marka aad is hortaagto oo hadba waxa kaa qaldan ee aan kuu muuqan kuugu sheegto aad uga shidaal-qaadato ayuu la meel joogaa ruuxa dhaliil aad leedahay kuu iftiimiya sixiddeeda. Intaasi waa iga afeef guud in cillad-sheegeyga-wanaag mooyee xumaan loo arag ee lafagurka sheekada Gacal iyo Gayaan qiimeynteeda.

Inta aanan u gelin galdalloolooyinka sheekada Gacal iyo Gayaan leedahay, marka hore waxaa xusid mudan in sheekadani 85% ay buuxisey dhammaan shuruudihii looga baahnaa halbeegga tayadeeda-dhigaaleed. 15ka soo harey ee iimeysey toolmoonideeda, dhinacyada ay kaga jiraan haddaan isku soo xeerinno, waxaan ku soo ururin karnaa qodobbada soo socda:

Dhanka tiirarka qurxinta sheekada looga baahnaa oo aan sidii la rabey loo sugin, taas oo galdaloollooyin u yeeshey macaansigeeda. Meelaha ay ahayd in si wanaagsan looga hufo waxyaabaha sheekada dhabqinaya toolmoonideeda, waxaa ka mid ah: dhanka astaameynta hadalka oo ay daldalloolo baahasan ka jiraan, hingaadda erayada oo turxaanbixin u baahnaa, xeerarka qaabeeya dhismaha weeraha oo jabnaan ay ka muuqato meelaha qaarkood iyo is-diiddo-naxweed aan badneyn oo kala dhantaallan ku keeney isku-xirka weeraha… iwm.

Sheekada oo tebin u badan dhacdooyinkeeda-silsilladeed halkii ay ahayd inay shaqsiyaadka sheekadu ku socoto ay iyagu u warramaan akhristaha. Hadba xaaladda ay ku sugan yihiin, si ay dareenkiisa ula falgalaan. Sifeynta dhacdooyinka qaarkood oo ay sheekadu ka arradan tahay ama heerkii la rabey aan loo sawirin.

Dhanka dhismaha haasaawaha oo ay sheekadu ku liidato:

Dhanka sifeynta dhacdooyinka qaarkood oo heerkii la rabey aan gaarsiisneyn.

Dhacdooyinka qaarkood ee sheekada ku jira oo aan waaqiciga nolosha dhabta ah ka tarjumeyn ama adag tahay in la rumeysto dhicitaankooda.

Habqoraaleedka tixaha sheekada ku jira gaar ahaan dhanka gabayada taxanka tuducyadooda. Hoojis iyo hoorisba lagu saleeyey xaraf weyn oo aan loo baahneyn oo qiimatirey halbeeggii gabayga lagu aqoonsan lahaa dhigaalkiisa-maanseed. Taasoo mad-madow gelisay baadi-soociisa inuu gabay yahay iyo inuu geeraar yahay ama inuu jaad-tixeed kale yahay, maxaa yeeley, qoraalka gabayga taxankiisa waxaa shardi ah in billowga tuducda uun xarafka la weyneeyo, balse haddii isla tuduca labo dhaca hooriskeeda xaraf weyn lagu saleeyo, taasi waxay shaki gelineysaa halbeeggii gabayga looga baahnaa beyd-dheeraantiisa ee looga aqoonsanaayey jaadad-tixeedyada kale ee maansada beyd-gaabta ah. Marka buraanburka laga reebo oo gabayga la qaabaal ah meeriseyntiisa.

Urursanaanta sheekada laga rabey in weero gaagaaban lagu dhiso oo beddelkeed qoruhu ku saleeyey kuwo dhaadheer. Taasoo wax u dhintey toolmoonida sheekadu yeelan laheyd dhadhansigeeda. Waxaa ku badan sheekada waxna u dhimey erayo ay ahayd in laysku dhejiyo oo la kala qaadey dhigaalkooda. Tusaale ahaan sida: lama; oo loo qorey la ma ama kama oo loo qorey ka ma iyo kuwo kale oo ciiddaa ka badn. Kala qaadida erayada aan kala qormin oo baal-marsan xeerarkii ay u dejiyeen far Soomaalida in la raaco guddigii Af-Soomaaliga taabbageliyey xuruuf u yeeliddiisa.

Waxaa sheekada ku badan erayo hadaltiro ah oo laga maarmi karo oo aan sidii la rabey looga hufin oo hoos u dhigey sheekada nuxurka tayadeeda-dhigaaleed.

Dhaliishu ma ahan cambaareyn ee waa toosin wax dhiseysa oo uu qoruhu ku xisaabtamo daabacaaddiisa labaad ee sheekada dib-u-sixiddooda. Sideedaba, qof horumarkaaga jecel baa gefafkaaga-qoraaleed kuu sheega. Dhaliishu waxay ka marag-kacdaa hawl qabasho waqti iyo dadaal lagu bixiyey. Dhaliishu waa furaha guusha lagu hantiyo. Nin aan wax qaldin wax ma saxo. Sidaas daraaddeed qof hawl qabtey uun baa dhaliil yeesha oo aakhirkiina guuleysta. Taa cagsigeeda, kaan waxba qaban ee ka cabsada ee dhaliisha ayaa guuldarreysta oo ka hara asaaggiisa.

Gebagebadii hambalyo ayaan leeyahay qoraha sheekada: Gacal iyo Gayaan taabbageliyey dhigaalkeeda, mudane: Xasan Cabdullle Calasow Shiribmaal. Hubaal hawl dhaxalgal ah ayuu qabtey oo uu bogaadin mudan iyo in lagu ammaano dadaalkii dheeraa iyo waqtigii uu ku bixiyey ka mira-dhalinta hadafkiisii qabyo-tirka sheekada. Mar labaad hambalyo ayaan qoraha leeyahay.

W/Q: Macallin Cabdullaahi Sheekh Cabdi Aadam (Gacanka)

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN