Maansada: “Bilan iyo Buug” Curiye: Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’

Maansada: “Bilan iyo Buug”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maansada: “Bilan iyo Buug”

Burdo ruuxa meersaday

Minhaajkana ka soo baxay

Burhaan way u gaartoo

In uu buubo waa gare

Bulbul beena oon jirin

Adoon biririf kaba siin

Amaan boolaxoofteyn

Bishu soonqad weeyoo

Bartankeed la marayee

Horta buuq adoon furin

Ama samaha aan bi’in

Bilaneey sideedaba

Weli buug ma dooddeen

Hadba baalroggiisii

Iyo baababkiisii

Ma bilkayday garashada

Ma ku baahay maankaa

Durba boqol su‘aalood

Ma ku faray birbirintood

Baaraandeggiisiyo

Kala baydgurkiisii

Ma ka baqatay gudashada

Baalba baal ma kuu diray?

Bilaneey aqoon buug

Bilaash qaado maahee

Bugna maaha iyo been

Badankii qoraalkiyo

Waa barasha iyo nolol

Beri hore wixii jirey

Iyo beriga maanta ah

Baab furid wixii iman

Qalin lagu bineeyoo

Lagu beegay garashada

Ayaa lagu balleeyaa.

Bilaneey aqoon buug

Bulxan doodo dhaliyiyo

Mid jacaylka bi‘iyoo

Bugto keena maahoo

Xuma baahsha maahee

Waa bile hannaankiyo

Noloshaba ballaarshoo

Kaa bayrsha hadimada

Iyo boholihii qodan

Kuu bidhaansha guushoo

Kuu fura jid barako leh!

Bilig raac qofkii ahi

Inuu baylah mudanoo

Buur dheer ka dhacayoo

Basanbaasi waa gare

Waadigan babbanayee

Durba baqaha moojee

Noloshii ka baygagay

Buuqu kugu abuurmaye

Yaa bullaanka kugu furey?

Oo beenta kuu dhigay?

Ka ma baaqsan karayee

Bilan waxaan ku weydiin;

Maxaa kuu bidhaamoo

Maxaa halacsi kuu baxay?

Boqol jeer aqoontaan

Buuggeeda lagu noqon

Bilyan jeerna lagu celin

Ama aan burhaanteed

Baaritaanka loo gelin

Beryo badan la dabasocon

Waa ruux bil iyo laba

Raacdo xoola baadiya

Baafinaayey oo kale

Misna baylahdeedii

Barta laga helaayiyo

Berrinkeeda aan jirin

Oo durbaba ka baaqsaday

Dadna baaqa ugu diray:

“Mindhaa bahal ayaa cunay!”

Ee heedheh baayooy

Bilaney waxbarashadu

Waa boqol kun oo jaad

Mar baraha hortiisiyo

Waa buugga iyo qalin

Marna baaris nololeed

Keli baacsi weeyaan

Marna waa bayaannada

Buuniyadu gudbinayaan

Adigoon intaa bogan

Inaad belo abuurtaa

Waa muran billowgiye

Horta yaa ku baaboo

Bilan tuhunka kugu furay?

Hal-adayg birjeexnimo

Burji dumar in uu yahay

Buubbuub nin qabo iyo

Bacowgaan aqoonsane

Horta Bilan ayaad tahay?

Buug aan balaayiyo

Baas iyo abuureyn

Kala bood lammaaniyo

Maandhaaf bulsheed iyo

Baygag iyo xumaanoo

Baalashiisa lagu qoray

Kalgacayl berriinsaday

Boholyowga caashaqa

Iyo sama billowgiis

Anigaa ku barayoo

Baalashiisa furayee

Adigoon isbiimeyn

Oon baqannin gacalooy

Barbarkeyga maad iman

Batarkiyo ciyaaraha

Beerreyda riintiyo

Inan yahay Baloolley

Anigaa ku barayoo

Kuu tumi Bullada ee

Bashiir wuxuu na leeyahay

Baaqaygu wuxuu yahay

Bilaneey abbaayooy

Buur aadan kori karin

Baab aadan furi karin

Iyo bado ha jiirine

Qofku maaha beec iyo

Badeecada dukaan taal

Badankiisa iyo qaab

Bidaar iyo calool iyo

Buurni iyo gaabnida

Iyo dhererka baaciis

Bilan lagama maarmaan

Oo maaha barashadu

Qofka iyo bidhaantii

Ku halbeeg aqoontiyo

Basarkii wanaagliyo

Dhaqan lagu baraaroo

Birmashada tixgelinta leh

Iyo baahi tiriddaa

Dhan kastoo aad birataba

Inuu yahay badbaadiyo

Mid baxnaano kuu gala

Oo baarrinimoloo

Naxariisna beernugul

Oo buuqa necebiyo

Wixii belo abuuraba

Bal ka baar intaasoo

Bilanay xasuusnoow

Xulashada mid baarriya.

Bilaneey isweydii

Boqorkaad sugeysaa

Ma mid bahal ahaayoo

Boob iyo dhib geystoo

Boqol aano galaybaa?

Mise waa mid beeniyo

Ku barbaarey xumahoo

Hablo boqonta gooyee

Abid xile bilaaloo

Bahdiisii ka bayraa?

Ma nin loo bogee gebi

Bulshaduba taqaannoo

Boqol lagu tilmaamo

Samabixiye sharafloo

Bugtadii(aa) daweeyoo

Kii baahan quudshoo

Beeldaaje wacanoo

Nabad uun ku baaqoo

Ka badbaaday xumahoo

Berrin lala galaayo

Baro lala wadaagaa?

Ha ka dhigannin barashada

Xulashada baraaraha

Muxuu beeso lacag iyo

Muxuu baad abuurtoo

Muxuu badar tacbadayoo

Baakaaraha u yaal kayd?

Balse abid isweydii

Muxuu barasho gaar iyo

Bar-aqoon ka qaatoo

Bii hej dii diyaarshoo

Barfasoorna kuba yahay?

Baxaalliga abuur baad

Beryo weheshataayoo

Aad bilaha adag iyo

Dhibka uga baxdaayoo

Beenbeentu abidkeed

Beryo siima joogtee

Runtaa baal u legaddo

Bushigeeda sheegtee

Danta nimaan bareerayn

Bahal adiga kuu daran

Baalkaaga yow gelin!

Bihinbihinta hadalkiyo

Beenbeen u heeskiyo

Boohintaan qalbiga jirin

Bilan yaan lagugu dagin

Bahal adiga kuu daran

Baalkaaga yow gelin!

Baqal faras la daaqdiyo

Badowgii hunguri badan

Hadba tii bidhaantaa

Biligteeda raaciyo

Bilisxaawo bi’isee

Intaan bowda lagu goyn

Oon baahi lagu badin

Bahal adiga kuu daran

Baalkaaga yow gelin!

Bashar wuxuu samaystiyo

Bulsho kale aqoosheed

Adigoon ku baygagin

Uga(u) bogin wax aan jirin

Bahal adiga kuu daran

Baalkaaga yow gelin!

Dhammaad

Curin: maarso, 2024

Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’

SHEEKOOYIN