MAH-MAAHYO CUSUB
Maahmaahyahan iyo Halkudhegyada waa kuwa ka hadlaya marxaladaha nololeed ee aadmiga, hubaal waa xigmad iyo murti tilmaameysa dhacdooyinka iyo meertada nolosha nagu gaddaaman, haddana Marwo Maryan Keynaan ayaa isu xil saartey inay bal heerkeeda aqooneed dhaqan iyo waayo aragnimo ku cabirto waa 20 Maahmaahood oo ay curisay Marwo Maryan Keynaan, Bogasho wacan.
- Damac badan Dayac baa ka danbeeya
- Naagi ninkii aaminey nacas mooddaa
- Amuusnaantu Waa edebta aadmiga
- Intaad wax akhrisay ayaad aqoonteeda leedahay
- Haddii Nasiibkaagu xumaaday naftu kaama bixin
- Guur la qariyay Geeri ka xun
- Qofkaad dhibtay kaa dheeraay
- Farriintada kaan ku farxin faa’ido Kuuma hayo
- Jacaylku ma baxee Waa la kasbadaa
- Nin ku caayey Kuuma ceeb qarin
- jacayl iyo jiilaal meel walba wey joogaan
- Naagi ninkii neceb bey u naxariisataa
- Doqoni haddii la doodo dagaal bey moodda
- Indho waxay arkaan bay dhabeyaan
- Deyn qofkii kugu leh baa ku daydaya
- Eegmada badan is arag baa ka danbeeya
- Nacaybki naxariis isku baddala jacaylna noqoy
- Barashada badan balaayo kama maqna
- Geedo dhulkay ka wada baxaan laakiin isku dhirir maaha
- Nin naago badani naarta kaaga dhow
FG:
Maahmaahyahani waxaa isu xilqaantey inay ku soo darta, Halku dhegyada iyo halqabsiga Soomaaliyeed, Maryan Keynaan.