Mugga daahan ee masafada Sh. Axmed Wacdiyow W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Mugga daahan ee masafada Sh. Axmed Wacdiyow

Erayada suugaaneed ee la soo koobo, godkii la doono ha laga curiyee, waxaa ku hoos aasan macno iyo mug aysan dadka intiisa badani qiimeyn karin, eray walba ama tuduc kasta mugga iyo miisaanka ay ku fadhido ee ay sida maldahan u muujineyso.

Sheekh Axmed Sh. Abuukar Xasan “Sh. Axmed Wacdiyow” (AUN), wuxuu ka mid yahay: culimada hal-abuurkoodu oo meel sare gaaray. Sheekh Axmed Wacdiyow Alle how naxariistee, wuxuu caan ku yahay oo lagu garan ogyahay tirinta godka masafada, taas oo uu qeyb libaax uga qaatay fidintii diinta islaamka, dagaalkii saancaddaalaha iyo dhaqamadii kale ee bulsheed. Inaan Sheekh Axmed Wacdiyow “AUN” sooyaalkiisa iyo waxtarkiisa ka faalloodo ujeedku ma ahan, balse, waxaan doonayaa inaan masafooyinka uu tiriyey Sheekhu mid ka mid ah; aan miidda iyo mucda ku aasan kala soo baxno, taas oo bidhaamineysa: “Siiyaal nololeed oo weli noo dhiman, balse, diintu ay caddeysay. Haddaba masafadaan miiska noo saaran magaceeda waxaa la yiraahdaa: “DAJAAL”. Dajaal-Cawir waa mid ummadda islaamku ay maqalkiisa iyo warkiisaba heyso haba lagu kala badnaado e. Haddaba, masafadani waxay ka kooban tahay: siddeed beyd ama tuduc. Afarta tuduc ee hore waxay ka hadlaysaa siiyaal dhimman. Afarta dambana waxay ka hadlayaan sabayaal. Wax hadda dhacaya ama taagan oo in la yeelo ay tahay.

Siddeeddaas tuduc ayaan tuduc walba goonideeda u tilmaamayaa mugga ay leedahay ee ay sida maldahan u werinayso. Tuducda koobaad waxay leedahay:

  • Intaan Dajaal arladaan jig soo dhihin

DAJAAL-CAWIR

Masafadaan magaceeda waxa la yiraahdaa: “Intaan Dajaal arladaan jig soo dhihin”. Waa masafo ka hadleysa; “Masiixu-dajaal” ama dajaal cawir. Dajaal cawirku wuxuu imaan-doonaa amminka ugu dambeeya ee adduunyadu ay gabaabsiga tahay. Dajaal Cawir waa mid ummadda islaamku shartiisa iyo balaayadiisa ay salaadda dhexdeeda iyo meel walba uga ducaysataan inuu Ilaahey ku dhinac-dhigo. Wuxuu gacanta bidix ku sitaa dab holcaya, gacanta midigna wuxuu ku wataa biyo uu qofkii raacda ama rummeeya ku tuurayo. Aqriste ii oggolow inaan hal xaddiis oo ka mid ah boqollaalka xaddiis ee ka sugan suubbanaha (SCW), kuna saabsan Dajaal-cawir kula wadaago.

Faadima bintu Qays Ilaahey ha ka raalli ahaadee, ayaa laga soo weriyey inay tiri: waxaan maqlay  Suubbanaha (N.N.K.H) oo ku dhawaaqaya (Salaatuljaamicah) isu soo bax salaadeed, kuna celcelinaya eraygaas. Markaas ayaan usoo baxay masaajidka oo aan la dukannay Rasuulkii Alle (N.N.K.H), Faadumo, waxay tiri: waxan ku dukanayay safka haweenka ee ka danbeeya kan ragga, markii uu salaaddi dhammeeyey Suubbanuhu s.c.w, wuxuu fadhiistay minbarka isaga oo qoslaya, wuxuuna yiri: ”Qofkasta halkiisa ha sii fadhiyo, ka dibna, wuxuu yiri: ma garanaysaan waxa aan idiin soo kulmiyey?”

Asaxaabtii waxay yiraahdeen; Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og. Markaas ayuu yiri: Suubbanuhu s.c.w. Ilaahbaan ku dhaartay ee iskumaanan kiin yeerin in aan idiin bishaareeyo ama in aan idin cabsi galiyo toona, hase ahaatee; Tamiim al-Daari oo ahaa nin Kiristan ah ayaa yimid oo soo islaamay, wuxuuna iiga warramay war waafaqay warkii aan idiin sheegay ee Masiixi-Dajaal.

Suubbanuhu s.c.w. wuxuu yiri: Tamiim Al-Dari, wuxuu ii sheegay; inuu doon raacay isaga iyo soddon nin oo ka mid ah qabiilka Lukham iyo Judaam. Markii ay doontu shiraacatay oo ay bartamaha badweynta mareyso ayaa mowjadiihii baddu waxay qaadeen doontii aan saarneyn. Muddo dhan bil ama u dhawna waxaan ku jirnay badda, waxaanna magan galnay, jasiirad badda dhexdeeda ku taalla ilaa ay qorraxdu dhacaysay.

Waxaan ku fadhiisananay doon-yar (laash), waxaanna galnay jasiiraddii oo aan la kulannay daabad timo badan oo aanay garanayn madaxeeda iyo dabadeeda toona timaha badan awgeed. Waxay ku dhaheen: maxaad ahayd? Waxay tiri: waxaan ahay Al-jasaasah. Waxay dhaheen: waa maxay jasaasadu? Waxay tiri: qoomyahow! Taga derbigaas, waxa jooga nin u xiisoonaya warkiinna e. Wuxuu yiri Tamiim: markii ay magacaawday ninkaas ayaan cabsannay oo aan u malaynay inay tahay; shaydaamada.

Wuxuu dhahay: waan tallaabo dheeraynay oo aan u galnay derbigii ninku joogay, waxaan aragnay ninkii ugu waynaa xagga abuurka dadka iyo ninkii ugu silsilladda badnaa sida loo xirxiray, gacamihiisu waxay ku xirnaayeen qoortiisa, inta u dhaxaysa labadiisa ruug/laaw iyo cagihiisuna waxay ku xirnaayeen; bir-shub ah (xadiid).

Waxaan ku dhahnay: ku maad ahayd? Wuxuu yiri: gadaal-baad ka ogaaneysiin ee idinku maxaad ahaydeen? Waxay dhaheen: waxaan nahay Carab, waxaan soo fuulnay doon, ka dibna, waxaa na qaaday mowjadihii badda, waxayna uga warrameen arrinkoodi.

Markaas ayuu dhahay: iiga warrama Timirtii Baysaan? Waxaan ku niri: maxaad ku falaysaa warkeeda? Wuxuu dhahay: waxaan idiin waydiinayaa miraheedu miyey baxaan? Waxaan ku dhahnay; haah! Wuxuu yiri: waxay ku dhowdahay inaysan soo bixin. Wuxuuna mar kale yiri: iiga warrama bad yarta Dabariya? Waxaan ku dhahnay: maxaad warkeeda ku faleysaa? Wuxuu yiri: biyo ma leedahay? Waxaan ku niri: haah!, biyo badan ayey leedahay. Wuxuu nagu yiri: biyaheedu waxay ku dhow yihiin inay go’aan.

Haddana, wuxuu yiri: iiga warrama ceelka Zuqar, waxaan ku dhahnay; maxaad warkiisa ku faleysaa? Wuxuu yiri: biyo ma leeyahay, dadkuna beeraha ma ku waraabsadaan? Waxaan ku niri: haah!, biyo badan ayuu leedahay, dadkuna beeraha ayey ku waraabsadaan. Wuxuu yiri: iiga warrama Nabigii Ummiyiintu, muxuu sameeyey? Waxaan ku dhahnay: wuxuu ka soo baxay Makah wuxuuna usoo hijrooday Yasrib/Maddiina. Wuxuu yiri: Carabtu ma la dagaallantay? Waxaan ku dhahnay: haah!, wuxuu yiri: muxuu ku sameeyey? Waxaan uga warrannay inuu ka adkaaday Carabta oo ay addeeceen/raaceen. Wuxuu yiri: ma sidaasbaa? Waxaan ku niri: haah!. Wuxuu yiri: waxa u khayr badan inay rummeeyaan oo ay addeecaan/raacaan.

Aniguna aan isu kiin sheego ee waxaan ahay: Masiixi-Dajaal, waxaan ku dhowahay in laysoo daayo, waxaan meerayaa dhulka oo idil, kamana tegayo tuulo ku taalla oo waan ku hoobanayaa/deganayaa [40] afartan habeen. Marka laga reebo Makah iyo daybah, maxaa yeelay, waa lay diidayaa oo way iga xaaraan in aan galo, markasta oo aan is dhaho gal, waxa i joojinaya malag haysta seef oo iga buubinaya/ceyrinaya, waxaana ahaaday meelkasta oo ka mid ah Malag ilaalinaya. Wuxuu yiri Rasuulku s.cw: intuu minbarka ka taagay ushiisii: tani waa Daybah saddex jeer.

Intaas ka dibna, wuxuu yiri, suubbanuhu: (s.cw.) sow hadda ka hor idiinkamaanan sheekaynin? Asaxaabtii waxay dhaheen: haah! Rasuul Alloow! Markaas ayuu yiri, Suubbanuhu: s.c.w. waxaa i cajab-galiyey! Warkaan Tamiimi Al-Daari, wuxuuna Masiixi-dajaal ahaaday: badda Shaam ama Yaman! Maya! Ee wuxuu ahaaday bari! Dhanka bari, dhanka bari! Wuxuuna fartiisa ku fiiqay dhanka bari. Xaddiiskaan ka fiiri: “Saxiixu-muslim”. Isla Muslim ayaana soo saaray.”

Haddaba toddoba tuduc ee ay masafada sheekhu ka kooban-tahay beydkeeda koobaad, wuxuu bidhaaminayaa xaddiiskaan Suubbanaha s.c.w. laga soo weriyay, kuna saabsan ninkaas aan soo tilmaamay ee inkaarta qaba. Masiixi-Dajaal. Cajiib!

Tuducda labaad:

Juujya inteysan imaannin mowjuud

YA’JUUJ IYO WA MA’JUUJ

Beydka labaad, sheekhu wuxuu ku tilmaamey labada qabiil ee imaan-doona, dhammaadka jiraalkaan, (adduunka). Labadaas qabiil waa laba qabiil oo dhulka fasahaadin-doona. Waxayna soo bixidoonaan, kolka uu Masiixi-Dajaalku yimaado ee uu (4) afartan maalin dunida qarribo magaalooyinka ku yaallana uu burburiyo, inta aan ka ahayn MAKO, KACBADA iyo Maddiina oo Eebbe ka ilaaliyey inuu u soo dhawaado. Masiixi-Dajaalka waxaa dilidoona Nabi Ciise (CS). Nabi Ciise c.s. wuxuu jiraalka caddaalad ku maamuli doonaa 40-sano. Haddaba, afartankaas sano ee Nabi Ciise c.s. uu ifka joogo, ayey soo bixidoonaan labadaan qabiil ee tirada badan. Lana kala yiraahdo: “Ya’juuj iyo wa ma’juuj ama Yaajuuj iyo wa maa Juud”. Labadaas magacba qur’aanka ayey ku sugan-yihiin, waana aqriska laba qiro.

YA’JUUJ IYO WA MA’JUUJ MAXAY YIHIIN?

Dadyowga ku nool dunida maanta iyo kuwii hore ee ku noolaan-jiray, dhammaantood waxay ka soo tarriifmaan Nabi Aadam (CS) oo Eebbe ka uumay dhoobo iyo ayeey Xaawo oo Eebbe ka abuuray feer ka mid ah feeraha abul-basharka (Aadam cs). Kolkii ay farcameen oo ay tarmeen ubadkii Nabi Aadan iyo abooto Xaawo, waxa ka soo dhex-baxay kuwa Eebbihii abuuray ku caasiyay kuna gaalnimo falay awoodda Eebbe iyo abuurkiisana wax yaabo abuurane ah oo uu abuuray Eebbuhu ula wadaajiyay.

Amminkaan fasahaadda iyo gaalnimadu ay hana qaadday, wuxuu ka soo billowdaa xilligii Nabiyu-Allaahi Nuux (CS), xilligaas oo ay soo baxeen bulsho diidday inay kalinnimo u qirto Eebbe. Sida qur’aanku uu caddeeyay amminkii Nabi Nuux (cs) ilaa Nabi Aadam (cs) inta u dhaxeysay, dadku waxay ahaayeen hal ummad oo Eebbe kaliya wada caabudda. Taasna waxa noo caddeynaysa aayaddaan uu Eebbe (SWT) ku yiri:

[كَانَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً فَبَعَثَ اللَّـهُ النَّبِيِّينَ مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَأَنزَلَ مَعَهُمُ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِيَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ فِيمَا اخْتَلَفُوا فِيهِ ۚ وَمَا اخْتَلَفَ فِيهِ].

Dadku waxay ahaayeen ummad kaliyeeta, Eebbe kaliyana caabuda, markii ay kibreen ayaanse u soo dirnay NABI iyo rusul badan, si’ ay qaarna ugu bishaareeyaan, waa kuwa wanaagga daa’imaye, qaarna ay ugu digaan, waa kuwa xummaanta ku talax-tegaye, isla markaasna waxaan soo dejinnay oo aan micigooda yeelnay nabiyada kutub si ay xaqa ugu xuguntamaan dadku, khilaafka iyo is-diidkana ay uga waantoobaan.” Suuratul-Baqara, aayadda: (213-AAD).

Aayaddaasu waxay caddeysay in ummaduhu ay Nabi Nuux c.s. hortiis ay hal ummad ahaayeen. Haddaba ummadahaasu markii ay Eebbihii abuuray ku gardarroodeen waa la rogay oo waa ay halaagsammeen, waxana Eebbe (SWT) uu ka soo reebay oo uu halaaggaas ka badbaadiyey Nabi Nuux “cs” iyo intii raacday, wuxuuna ku qaaday DOON. Culimadu waxay ku sheegeen: “In daadkaasi ay ahaayeen: 80-qof oo kali ah, ku waas oo ah intii raacday oo rummeysay nabiyullaahi Nuux c.s. marka laga reebo noolihii kale ee doonta la saarnaa ee aan dadka aheyn.

Si’ ay noogu dhabowdo in Nabi Nuux “cs” ka hor ummad la rogay aysan jirin, aayaddaan ayaa daaha ka rogtey, wax walbana kala caddeeysay. Aayaddu waxay leedahay:-

وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِنَ الْقُرُونِ مِن بَعْدِ نُوحٍ ۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِ خَبِيرًا بَصِيرًا ﴿١٧

Badanaa oo badanaa, quruun iyo qoomam aan halaagnay Nabi Nuux ka dib, Eebbe waa mid kaafiya kuna filan addoomadiisa, waa mid dhaafid badan dembiga addoomadiisa, sidoo kale, Eebbe waa khabiir wax walba u ogaal badan, sidoo kale, Eebbe waa mid arka waxa ay falayaan addoomadiisu. Suuradda Al-Israa ama Subxaan, aayadda: (17-AAD).

Qur’aanka oo ah saldhigga loogu noqdo ifka iyo aakhiro labadaba ku arki maysid aayad sheegaysa: “Qabla Nuux” Nabi Nuux xilligiisi ka hor qolo Eebbe ku gardarrootay ee la rogay. Halkaas ayaanna ka qaadaneynaa cibaarada ah dhibka ummaduhu, halka uu ka soo billowday. Kolkii uu Eebbe halaagay quruumahaas, Nabi Nuuxna la faray inuu doon saaro intii raacday oo rummeysay. Markii uu Eebbe dhulka ka nadiifiyey qoomkaas gardarrada badan ayaa waxa ku soo haray: Nabi Nuux “C.S” iyo intii uu doonta ku qaaday ee dadka iyo duunyada ahaa. Sidaas ayaana nabi Nuux c.s. loogu yaqaan oo uu u yahay; “Abul-bashar al-thaanii” ama aabbaha labaad ee basharku ay ku abtirsadaan.

Haddaba Nabi Nuux “CS” wuxuu dhalay: (3) seddax wiil. Seddaxdaas wiil waxa la kala dhihi jiray:

  1. Saaf
  2. Xaaq
  3. Yaafith/Yaafid

Haddaba labadaan qabiil ee tirada badan, “Ya’juuj iyo wa ma’juuj”, waxay ka soo tarriifmeen oo dhalay: Yaafith, waana tarriiftaas ka soo farcantay wiilkaas uu dhalay nabi Nuux “C.S”. Culumada intooda badani waxay sheegaan inay isku qolo-yihiin; Turkida, Jaynaha/shiinaha iyo dhammaan indhayarta. Sooyaalka diineed wuxuu weriyaa in ay bannaanka ama debadda ay ku maqnaayeen xilligii uu darbiga ku wareejinayey boqorkii qur’aanka lagu sheegay ee “Dulqarneyn”.

Haddaba qoladaan; Ya’juuj iyo Wa a’juuj, waxay ka soo bixidoonaan taag walba dushiisa, waxayna fasahaadi-doonaan dunidaan oo idil. Haddii aan dib ugu noqonno qur’aanka amminka uu tilmaamey qur’aanku ee ay dhulka fasahaadiyeen waa xilli hore, sidoo kale, waxaa dhab iyo xaqiiqo ah inay mar kale fasahaadin-doonaan dhulka oo idil, waa goorta ay soo dhawaato adduunya gaddoonku ama seminu-aakhirku. Ya’juuj iyo Wa ma’juuj waxaa derbi ka sameysan bir ku wareejiyay boqorkii Qur’aanku ku magacaabay: DULQARNEYN.

Waa kuma DUL-QARNEYN?

Dul-Qarnayn wuxuu ahaa: boqor uu Eebbe u hibeeyay xukunka dhulka, sidoo kalena uu Eebbe u sahlay xigmad, cilmi iyo awood ku lammaan. Dulqarneyn inuu Eebbe dhulka u makaniyey qur’aanka ayaa caddeeyay, waxaana Eebbe ku yiri: aayadda (84-aad ee suuratul-kahfi), taas oo leh:

Aniga Eebbe ah ayaa u makaniyey dhulka, una sababay inuu meel walba oo dunida ka mid ah si’ sahlan u tago, u gaaro”.

Dul-Qarneyn socdaal dheer ayuu u galay halka uu gabbalku u dhaco, ka dibna, wuxuu helay: Qorraxda oo ku dhaceysa meel dhoobo ah, goobtaas ayuuna ugu tagay qoom isugu jira kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, ka dibna, Eebbe ayaa u waxyooday, kuna amray oo ku yiri: “Dul-Qarneynow! Waa inaad cadaabto ama aad ka yeelato wanaag, wuxuuna yiri:- Ruuxii dulmi fala waan ciqaabi-doonaa, markaas dabadeedna waxaa loo celinayaa Eebbihiis wuxuuna cadaabi-doonaa cadaab daran, balse, ruuxii rumeeya oo fala wanaag, wuxuu mudan doonaa abaal fiican, waxkasta oo uu rabana waan u fududeyn doonaa. Dul-qarneyn amarki Eebbe ayuu fulinayaa ee ma ahan awood uu isagu la gaar yahay.

Dul-Qarnayn wuxuu dareensanaa in marka qoomkan uu ugu yeero dacwada iyo towxiidka ay u kala qeybsami doonaan laba qaybood, ku waas oo kala ah: qolo ka hor timaada dacwada iyo towxiidka, gaashaankana u daruurta iyo qolo addeecda oo rumeysa towxiidka iyo amarka Eebbe, intaas ka dibna, ciddii Eebbe amarkiisa raacda wuxuu u fudaydinayaa arrinkooda, xagga Eebbana wuxuu ku yeelanayaa abaal weyn, balse, kii ka gaalooba ee addeeci waayo dacwada waan ciqaabayaa, waxaana loo celinayaa Eebbe (Qiyaamaha), wuuna cadaabayaa Eebbuhu cadaab daran!.

Markii uu Dul-Qarnayn dhammeeyey safarkiisii galbeedka, wuxuu u socdaalay dhanka bari, (halka ay qorraxdu ka soo baxdo). Markii uu gaaray qorrax ka soo baxa, wuxuu u tegay qorraxda oo ku soo dul baxaysa; “qoom aan iyaga iyo qorraxda waxba u dhaxeyn oo qaaqaawan”. Qoomkaan uu ugu tegay bariga fog, waxay degganaayeen dhul aan caws iyo geed toona lahayn, sidoo kalena waxay ahaayeen qoom badawiyiin ama cawaan ah oo aan haba yaraatee wax hu’ ah heysan.

Eebbe wuxuu qur’aanka ku yiri: Dul-qarneyn wuxuu sii watay safarkiisi, wuxuuna gaaray; dhul buuraley ah. Dhulkaan wuxuu qur’aanku ku magacaabay: “Bayna saddeyn”. Waana dhulka u dhaxeeya qorraxdu halka ay ka soo baxdo ee bari iyo halka ay u dhacdo ee maqrib ama galbeed. Qiyaas ahaan waa dhulka ku abbaaran cirifka qaaradda Eeshiya, gaar ahaan halka ku aaddan; waddamada la isku yiraahdo: “Indhayarta” oo shiineysku ugu tirada badan-yahay Indoniisiyana ay dhica bari u xigto. (ILAAHBAA OG).

Dul-qarneyn dhulkaan wuxuu ka helay: “qoom ka duwan kuwii hore” qoomkani waa kuwa aan garaneyn luqadda Dul-Qarnayn, ka dibna, qoomkii uu halkaas ugu tegay ayaa waxay uga dacwoodeen laba qabiil oo waa weyn dhibaato daranna ku haayey, labadaas qabiil oo ah: kuwa aan kor uga soo sheekeeyay ee “Ya’juuj iyo Wa ma’juuj”.

Dul-qarneyn Eebbe ayaa u fududeeyay inuu la fahmo afkii ay ku hadlayeen, waxayna ku yiraahdeen; “Dul-qarneynoow” annaga iyo labadaan dhexdeenna waxaad ku sameysaa xijaab adag oo aysan ka soo dusi karin. Waxaa cad in qoomkani aysan fahmeyn luqadda Dul-Qarneyn, hase ahaate si uun bey ugu gudbiyeen cabasho ka dhan ah: Ya’juuj iyo wa Ma’juuj kuwaas oo fasahaadiyey dhulka, cabsi weyna laga qabay inay laayaan dadka oo idil.

Markaas ayuu Dul-Qarnayn ka aqbalay cabashadoodii oo wuxuu u sameeyey; derbi-xireen weyn oo gidaar ah, kaas oo u dhaxeeya labada buurood ee ay ka soo daadegi jireen labadaas qabiil. Wuxuu Dul-Qarnayn dalbaday birta xadiida (birta budada noqotay ama goor hore duugowday) iyo naxaasta si ugu sameyo xireenkan (Gidaarkan). markuu dhameystiray gedaarkii meysan awoodin Ya’juuj iyo wa Ma’juuj iney ka soo baxaan, wuxuuna yiri: Eebbe ayaa mahad iska leh. Markii ay gaarto maalintii uu Ilaaheey ugu talo galay ayeyna burburi-doontaa birtaanu, ka dibna, labadaan qabiil ee tirada badan ayaa ka soo hooban doona taag walba dushiisa.

MAXAA LOOGU BIXIYEY DUL-QARNEYN?

Magaca Dul-Qarnayn wuxuu u dhigmaa; “ruuxii geesaha u saaxibka ahaa” sidoo kale, waa laysku khilaafay magiciisa. Qolo waxay yiraaheen: waxaa loogu bixiyey; wuxuu xukumay: koofur iyo waqooyi, bari iyo galbeed, dunida oo idil. Qolada kalena waxay yiraahdeen; wuxuu lahaa taaj (koofida boqorrada) oo laba geesood leh. 《Ilaah baa og》.

Waxaa kale oo cajiib leh! Dunidaan aynu ku noolnahay afar qof ayaa xukunkeeda Eebbe u gacan geliyey, afartaas hoggaamiye labo waxay ahaayeen: “ISLAAM” Halka labada kalena ay ahaayeen; “Gaalo” weliba aan gaalnimo ku sinmin ee Ilaah sheegasho ku darsaday. La bada gaalada ah ee Eebbe fogeeyay waxay kala yihiin:

1: Namruud binu Kancaan.

Namruud waa ninkii kibray ee nabi Ibaarim cs, kula dooday inuu Ilaah yahay oo uu wax dili karo, waxna nooleyn karo. Sidoo kale, waa nikii debka uu afartanka maalin hurinayey ku dhex tuuray nabi Ibraahim cs, waxaa saldhiggiisu ahaa: magaalada BAABILYOON ee ku taalla waddanka hadda loo yaqaanno Ciraaq. Baabilyon, waa magaaladii ugu horreysay ee adduunka laga dhisay. Sida ku cad sooyaallo badan oo diineed waxa dhisay boqorkii uu awoowaha u ahaa nabi Shiis/Shiith (Cs) ee la dhihi jiray: Mahlaayiil. Nabi Sheesna cs, waa nabigii uu xilka ku wareejiyay nabi Aadam uuna la dardaarmay, sidaa darteed waxaa dhalay Aadam. Magaalada Baabilyoonna sidaas ayey ugu facweyn tahay magaalooyinka dunida ku yaalla oo idil.

2: Bukhtu-nasar:

Bukhtu-nasar wuxuu ahaa isaguna boqor kibray Eebbena gacanta u geliyay maamulka dunida. Waxaa saldhig u ahayd: isla magaalada aan soo xusay ee BAABILYON, balse, isku xilli ma ahayn. Qarniyaal aad u kala fog ayaana u dhaxeeyay. Bakhtu-nasar waa ninka amarkiisa lagu dilay nabi Yaxye (CS). Nabi Yaxye waxay isku xilli ahaayeen oo ay waliba hal mar wada dhasheen Nabi Ciise (SC). NABI CIISANA waxaa ku xigay nabi Muxammed (SCW). Haddaba amminka boqorka Bukhutu-nasar waa uu ka dambeeyay Namruud.

Labada boqor ee islaamka ahaa dhulkana wada xakumay

1: Nabi Suleymaan (CS),

Nabi Suleymaan c.s, waxaa dhalay: Nabi Daa’uud Alle ha ka raalli noqdo dhammaantoode, wuxuu adduunyada inta ku nool ee neefsata xakumay (40) afartan sano. Wuxuu boqor u ahaa: jinniga, insiga duurjoogta, dabjoogta, xasharaadka, shimbiraha iyo dhammaan noolaha oo idil. Waa boqorka kaliya ee Eebbe u sahlay inuu xakumo dhammaan noolaha. Aabbihii nabi Daa’uud ayaa geeriyooday asiga oo 12-sano jir ah, ka dibna, sidaas ayuu xukunka kula wareegay, wuxuuna geeriyooday: asiga oo (52) konton iyo laba jir ah. Sidaas ayuuna afartan sano adduunka ugu maamulayey asiga oo fulinaya amarka Eebbe.

2: Boqorka labaad: waa kan aan ka sheekeynayoo ee Dul-qarneyn. Haddaba afartaas ruux ayaa ka jira wax dunida oo idil wada xakumay oo saldanadoodu ay wada gaartay, dhammaantoodna waxay ahaayeen addooman kuwana amar Eebbe ku socdaan, kuwana ay amar sheydaan ku socdeen. Suubbanuhu s.c.w. wuxuu xaddiis ku yiri: afartaas waxaa shan ku noqon doona mid ehlu-beydka ka mid ah.

HALKEE ayuu ku yaal aderbiga DULQARNEYN dhisay ee ku daahan labada qabiil ee aan soo tilmaanay?

Qolo ayaa ku tilmaantay in xireenku uu ku yaallo derbiga dheer ee mara dhulka Shiinaha, hase ahaatee, xireenkaasi maaha mid ka kooban xadiid iyo naxaas toona, kuwo kalena waxay ku tilmaamaan inuu ku yaallo waddanka hadda loo yaqaanno Yaman ama dhulka Qooqaasiyiinta ee u dhow badda madoow (Black sea), balse, sida xaqiiqada ah lama garanaayo meesha uu ku yaallo. 《Eebbe kaliya ayaa Og》.

Qisada Dul-qarneyn iyo tan labadaas qabiil ee Ya’juuj iyo wa Ma’juuj iyada oo dhammeystiran waxaad ka helaysaa qur’aanka kariimka ah meelo badan oo ka mid ah, waxaa si gaar ah u bidhaamisay suuratul-Al-kahfi aayadaha: 83 ilaa laga gaarayo aayadda: 98-aad. Waa toban iyo lix aayadood oo si xariir ah uga hadlaya qisooyinkaas cibaarada iyo yaabka leh!. Sidoo kale, axaaddiis tira badan oo dhammaantood saxiix ah ayaa ku soo arooray, waxa kale oo Eebbe ku tilmaamay aayadda 96-aad ee “suuratul-Anbiyaa ama Iqtarib” isku soo wada duuboo dhacdooyinkaas xaqiiqada wada ah ee qaarna ay hore u dhaceen kuwa kalena ay dhammaadka dunidaan ay dhici doonaan, ayuu sheekh Axmed Wacdiyow uu ku soo koobay masafadaas dhowrka beyd ah.

Haddaba waxaa yaab leh! Sida uu Sheekh Axmed Wacdiyow Alle ha u naxariistee masafada isugu xigsiiyey ayey dhacdooyinka dhammaadka duniduna ay isu xigaan. Tusaale: “Dhacdooyinka waaweyn ee dhammaadka jiraalka waxaa ugu horreeya Dajaal-Cawir, isla mar ahaantaana waxaa ku xiga Nabiyullaahi Ciise c.s. oo Dajaalka dili-doona. Nabi Ciise c.s. 40-sano ayuu adduunka caddaalad ku xukumi doonaa. Haddaba afartankaas sano ee Nabi Ciise c.s. uu adduunka maamumalayo ayey labadaas qabiil ee Ya’juuj iyo Wa ma’juuj imaan doonaan. Kolkaasna umadda islaamku waxay shartooda ka fuuli doonaan buura aad u dhaadheer. Intaas dabadeed waxaa xigi doona waxyaabo kale oo tirodan oo dhammaantood muujin doona dhammaadka jiraalka.

Qorraxduneey jiha dhaaf ka soo bixin

Astaamahaas tirada badan ee dhammaantood Suubbanaha s.c.w. ka sugan ayaa waxaa ka mid ah in qorraxdu ay ka soo bixi doonto halka ay hadda u dhacdo ee galbeed. Kolkaas ka dib oo aan towba la aqbali doonin. Isla tuducda xigta ayuu Sheekh Axmed Wacdiyow ku leeyahay:

Jidadka towbo intaan la soo jarin.

Qorraxdu haddii ay jaha dhaaf ka soo baxdo ma jiraan wax towbo ah oo la aqbalayo, goortii iyo kanshadii ay aadanuhu heysteenna halkaas ayey ku soo idlaan doontaa, intaas dabadeedna waxaa xiga dabkii weynaa ee dadka u kaxeynayay halka ay ka dhaceyso qiyaamuhu.

Haddaba, Sheekh Axmed Wacdiyow Alle ha u naxariistee, markii uu afartaas beyd gogol dhig uga dhigay tilaamaantiisii aakhiro ayuu afar tuduc oo kale iskuna xiran ku daba soohiyey. Afartaas tuduc wuxuu ka billaabay salaadda, wuxuu ku xejiyay qiblada ama Kacbada halka loo jeesto marka la dukanayo. Wuxuu xigsiiyey digniin taas oo uu yiri: jismiga ama jirkiinnu dab iyo naarba uma dulqaadan karo ee hadda intaad awoodda leedahay Alle caabud oo amarkiisa yeel oo kaligiis caabud. Caajiib!! Masafada oo dhammeystiranna waxay leedahay:-

  • Juudya inteysan imaannin mowjuud
  • Intaan Dajaal aradaan jig soo dhihin
  • Jidadka towbo intaan la soo jarin
  • Qorraxduneey jaha dhaaf ka soo noqon
  • Jinaha weeso ku jiidi haayo
  • Jaahiinna fool qibladaan u jeediya
  • Jiljilcanaa jinihiinna taabdhee
  • Jusmigu naar ma u joogsan doonyaa?”

Gunaanad:

Koobnaanta suugaanta, waxaa ku hoos aasan cilmi iyo ogaal aan si fudud lagu garan karin, taas oo ku xiran qofka hal-abuurka ahi mowduuca uu u dooranayo. Haddii uu meelsan la aado, waxay toli kartaa ama ay bidhaamin kartaa wax badan. Haddii uu meel qalloocan la aadana caksigeeda ayey noqoneysaa. Haddaba siddeeddaad tuduc ayaa waxaa ku hoos aasan cashir aad u qiima badan oo qofka maankiisa ogaalbadan ku soo kordhinaya.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Imeyl: cuute23@hotmail.com

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN