Ninkii Saboolka Ahaa Ee Naaybuur

Ninkii Saboolka Ahaa Ee Naaybuur
Waxaa qoray Cali M. Diini

Sheekadan Ninkii Saboolka ahaa ee Naaybuur (The Poor Man of Nippur) waa mid ka ah suugaanta ugu faca wayn dunida. Waxaa la sheegaa in sheekada lagu qoray carriga Mesobotaamiya (Ciraaq) hillaaddii 701 BC, laakiin waxaa loo malaynayaa in sheekadu aad intaa iga fac wayn tahay oo dib ugu noqonayso ilbaxnimadii reer Sumeer. Meelaha laga helay xalleefyo (tablets) ay sheekadani ku qoran tahay waxaa ka mid ah maktabaddii boqorkii Asiiriya ee Ashurbanipal ee magalada Ninaawa, degmada Sultantepe ee dalka Turkiga, iyo meelo kale.
Sidii caadada u ahayd qoraalladii xilligaas la qori jiray, ‘Ninkii Saboolka Ahaa Ee Naaybuur’ waxa ay u qoran tahay qaab maanso/tix ah waxa ayna ka warramaysaa qiso dhexmartay nin sabool ahaa oo lagu magacaabo Gimiil Ninuurta iyo nin duq ka ahaa magaalada Naaybuur ee Mesobotaamiya.
Gimiil Ninuurta waa cayr aan beerkiisa beer uga sokeyn; haddaba asaga oo sidaa ah ayuu u himmoonayaa casho heer sare oo cad iyo casiir (hilib iyo khamri) ah. Markii uu talo rogrogay waxa uu ka badin waayayaa in uu labada calal ee uu xiran yahay suuqa geeyo dabadeedna waxii ay u gooyaan uu casho ku samaysto. Lacagtii uu calallada ka helay waxa ay u goysay ri’ duq ah oo weyd ah. Gimiil Ninuurta talo ayaa ku caddaatay; maxuu ka dheefayaa hilibka ri’ duq ah oo joogsatay? Haddii uu iska iimaansan lahaa maxuu ka yeelayaa qoyskiisa, deriska iyo qabiilkiisa, marka ay maqlaan in wiilkoodi feentay hilibka ri’ caato, weliba khamri la’aan? Malaha reer Mesobotaamiya ceeb bay ka ahayd ku cashaynta hilib aan khamro wehlin.
Maxuu sameeyaa?
Reer Mesobotaamiya waxa ay lahaayeen XEERKA MARTISOORKA kaas oo ay aad ugu ad’adkaayeen kuna dhaadan jireen. Haddaba Gimiil Ninuurta oo xeerkaas maanka ku haya ayaa go’aansaday in uusan rida gawricin ee ayada oo nool uu u geeyo duqa magaalada Naaybuur. Dabadeedna duqa magaaladu si heerkeedu sarreeyo ayuu Gimiil u soorayaa, illeen xeerkii martisoorka ayaa sidaa ku waajibinayee. Weliba Gimiil Ninuurta haddiyad buu keenay, sidaa daraaddeed xil gooni ah baa la iska saari doonaa.

Gimiil Ninuurta oo ridii dhegaynaya ayaa aqalkii duqa magaalada horistaagay, markii waxa uu rabo la waydiiyayna waxa uu sheegay in uu u socdo duqa magaalada. Waardiyihii markii uu duqii wargeliyay waxaa la faray in uu soo daayo. Dabadeed Gimiil oo gacanta bidix ridii ku dhegaynaya ayaa gacanta midig duqii magaalada ku salaamay. Intaa ka dib, Gimiil waxa uu ridii guddoonsiiyay ninkii madaxda ahaa. Duqii magaaladu markii uu arkay neefka joogsaday ee haddiyad ahaanta loo siiyay wuu carooday, ka gadaalna waxa uu amray in rida la qalo. Markii ridii la qalay ayaa duqii magaaladu waxa uu shaqaalihiisi faray in ay Gimiil ku sooraan LAF, SEED iyo dhalo KHAMRO ah go’day (ama la berxay) marka saddex loo qaybiyo meesheed. Intaa kuma uusan ekaane, duqii magaaladu waxa uu amar ku bixiyay in isla marka Gimiil farta kaga saaro lafta qallan, seedda iyo gororka khamriga ah ee calaqa ah in dibadda loo tuuro, oo aqalka laga fiijiyo.

Gimiil oo waardiyihii duqu ka sii tugtugsiinayo ayaa ku gooddiyay in uu duqa ka aargudan doono, weliba uu ciqaabta u saddex-laabi doono. Hanjabaaddaas miskiinka cayrta ah duqii magaaladu maalintii oo dhan waa uu ku qoslayay.

Gimiil waxa uu aaday boqorkii dalka dhan xukumayay waxa uu ka tuugay in boqorku amaahiyo gaari-faras (chariot), hal maalin oo qur ah Gimiil na uu boqorka siin doono nuskiilo dahab ah, marka uu hawshiisa soo guto. Boqorkii waa oggolaaday codsigii Gimiil, weliba waxa uu amray in dhar qurux badan la siiyo Gimiil. Gimiil Ninuurta oo si wacan u labbisan, gaari-faras ku jooga ayaa dhankii Naaybuur u soo dhaqaaqay. Intii uusan Naaybuur soo gaarin ayuu Gimiil 2 shimbirood soo qabtay dabadeedna sanduuq yar oo kuwa dahabka lagu gurto ah ayuu shimbirihii ku riday.

Gimiil waxa uu soo istaagay aqalkii duqa magaalada Naaybuur. Waxaa si halhaleel ah u soo dhoweeyay duqii magaalada. Sanduuqii shimbiruhu ku jireen ayuu Gimiil duqii u dhiibay asaga oo u sheegay in dahab ka buuxo. Gogol fiican baa loo dhigay, neefaf xoolo ah na waa loo loogay. Gimiil waxa uu duqa magaalada u sheegay in uu ka yimid dhanka boqorka uu na dahab farabadan u sido macbadka magaalada Naaybuur. Waa la casheeyay oo la cabbay si fiicanna waa loo caweeyay, ka bacdina duqii magaaladu hurdo ayuu la dhacay. Markii duqii gam’ay ayaa Gimiil inta sanduuqii furay shimbirihii sii daayay. Aroortii markii la toosay ayaa duqii arkay sanduuqii oo afka kala haya. Ka dib maxaa dhacay? Waxaa bilowday aargudashadii Gimiil. Horta marka hore Gimiil inta uu duqii magaalada kulleetiga qabtay buu il iyo daankeed fujiyay, feer iyo jilibna kala daalay. Markii uu jilciyay buu ku yiri “adeer sanduuqa kiilo dahab ayaa iigu jirtay ee soo boodbood, haddii kale yaa waylak.” Duqii magaaladu kiiladii dahabka ahayd buu halhaleel u bixiyay. Gimiil na sidaas buu ku tagay.

Gimiil gaari-faraskii boqorka iyo nuskiiladii dahabka ahayd buu boqorkii u geeyay. Saboolkii qaawanaa hadda nuskiilo dahab ah buu haystaa. Sheekadu intaa kuma dhammaan. Gimiil waxa uu u tagay timajare magaalada ku yaal dabadeedna madaxii baa barbar loo xiiray. Waxaa magaalada ka jirtay caado ah in dhakhaatiirtu madaxa barbar xiirtaan.

Gimiil oo dhakhtar iska dhigaya ayaa aqalkii duqa magaalada tagay, markii uu duqii la kulmayna waxa uu u sheegtay in uu yahay dhakhtar garan kara meelaha jugaha iyo dhaawacyadu duqa magaalada ka gaareen dawadoodana hayo (waxa uu iska dhigay in dhawacyada duqa gaaray uu magaalada ka soo maqlay). Cabbaar goortii uu jirkii duqa taataabtay ayuu yiri na gee qol gaar ah si aan dhaawacada kaaga dhayo. Markii qol gaar ah oo mugdi ah ay tageen ayuu Gimiil inta duqii lugaha, gacmaha iyo qoorta ka xiray garaacid ku bilaabay. Balaq buu kaga siiyay, kana tagay.

Mar saddexaad ayuu Gimiil duqii helay. Ayaamo ka dib, Gimiil nin ay saaxiibbo yihiin ayuu inta u dhiibay sanduuqii duqa laga raacay waxa uu ku yiri aqalka duqa magaalada tag, dabadeed sheego in aad tahay ninkii dahabka xaday ka dib carar marka ay ku eryadaan waardiyuhu ayaan inta ku dabamaro cashar kale u dhigayaa duqa magaaladee. Sidii baa dhacday, markii waardiyihii eryadeen ninkii ayaa Gimiil duqii gacanta ku dhigay dabadeedna hooyooy ba’ayeey kaga yeersiiyay.

 

Tixraac

Joshua J. Mark, “The Poor Man of Nippur”,  World History Encyclopaedia (2023): https://www.worldhistory.org/article/2145/poor-man-of-nippur/.

SHEEKOOYIN