QABIIL IYO QABYAALAD. Qore: Mahmoud Shiddo

QABIIL IYO QABYAALAD
________________________
Waxaa baryihii danbe dhagaheenna iyo dhaayaheenna ku soo noqnoqday wacaalka dhalinyaro wanaag doon ah, inkastoo aysan hagaajin jidkii ay umari lahaayeen sheegistiisa.
Baraha bulshada mar aan rogrogayay, ayaan ku arkay dhalinyaro qaarna taageerayaal yihiin, qaarna aragti keenayaal yihiin, waxa ay ka midaysnaayeen war aan daliil lahayn, qabiilku waa naclad ayaa astaan u ah, warkooduna waxa uu u ekaa, gola kafuul aan geed lagu soo dharaandhirin.
Qabiilku marnaba ma xuma haddii aan lagu xumaan falin, oo loo rogin qabyaalad, siduu eraygu isku baddalayna ay aaminsanaantiisu isku baddalin.
Qabiilku siduu Alle qur’aankiisa ku sheegay waxaa ujeedkiisu yahay in la isku garto, waxaana badanaa dhalinyarada iskaga qaldan qabiil iyo qabyaalad.
Diinteenna islaamka, gaar ahaan Axaadiista Nabigeena scw waxaa ku soo aroortay axaadiis dhaleecaynaysa qabyaaladda.
Markii labada qabiil ee reer ansaar la isku yiraahdo ay hadallo qabyaaladeed isku tuurtuuureen waa kii nabigu scw yiri
( دعوها فإنّها ممتنه)
War iska daaya waa qurune.
Nabiga scw sidoo kale waxaa ka soo aroortay asaga oo ku ducaynaya magac qabiil sida ku cad hadlkiisaan.
غفارُ غفر اللهُ لها وأسلمُ سالَمَها اللهُ وعصيةُ عصتِ اللهَ ورسولَه»
الراوي: عبدالله بن عمر
خلاصة حكمه: إسناده صحيح
Qabiilada kor ku xusan sida Ghifaar,Saalim iyo Cusayah, qaarna nabigu waa u duceeyay qaarna wuu habaaray.
Dhinaca kale aayad ama xadiis ama xikmad bini aadam oo ceebaysay ereyga qabiil anigu ma arag, haddii ay jirtana waad ii sheegi kartaan, Sidaasoo ay tahay qabiilku waxyaabo badan oo wanaag ah ayuu leeyahay, waxaana ka mid ah:
• Qabiilku waa bannaanyahay dhan caqli iyo mid diimeedba, halka qabyaaaladdu aysan midna ku bannaanayn.
• Qabiilku waa qaraabo xiriirin, waxtar sokeeye iyo unug abtirsiimo oo la isku soo dhawaysto xilliyada adag ee soo mara bulshooyinka.
• Qabiilka waa baadisooc.(lagu raadsho qof ambaday ama garan waayay ciddiisii). Sida uu sameeyo walaalkeen Abdiaziiz Really, barnaamijka (illintir).
• Qabiilku waa kan qaata ama bixiya diyada dadka is dilay, taasi oo ku cad shareecada islaamka.
• Qabiilku waakan ka odoyeeya arrimaha ka dhex dhaca qoysaska, arrintaasna sida axaadiista ku cad nabigu waa ammaanaay dadka ka odoyeeya arrimaha murugsan ee bulshada ka dhex dhaca.
• Qabiilku waxa uu qayb ka qaataa isku tiirsanaanta bulshada, waayo, qofku waxa uu kaalin ku dhex leeyahay qabiilka, isaga oo magac qabiil huwanna waxa laga qaadaa qaaraan, diyo iyo wixii dheeraad ah oo qofkii qoladiisa ahi uga baahdo.
• Qabiilku waa xidid. Sida dhaqanka ah, soomaalidu qofkii gabar ka soo doonta, ama ay u doontaan waxa ay is weydiiyaan ciddiisa, (toloow waa qoloma? War waa la yaqaan waa reer hebele ninka gabadha siiya…).
Qabyaaladdu sharrax dheeraad ah ugama baahna, hadduu qofku soomaali yahay, sidaa daraadeed waxaan qormadayda ku gunaanadaya, in aan laga hadlin lana taageerin wax aanad xog dheeraad ah ka haysanin.
🖊Mahmoud Shiddo

SHEEKOOYIN