QABYO JACAYL”SHEEKO TAXAN”
Waxaan ahaa arday dhigta dugsiga sare ee Bursade sanadkii saddexaad, waxaan la noolaa qoyskayaga hooyaday, aabbahay iyo walaalahay,aad ayaan u faraxsanaan jiray, noloshana waxaan jeclaa inaan ugu noolaado si bilaa war-war ah.
Waxaan saaxiib dhow la ahaa Cumar, had iyo jeerna waan isu sir sheeggan jirney, wax kasta oo jirana si calool furnaan ah oo ay ka muuqato saaxiibtinimo iyo is aaminaad dhab ah ayaan isugu warrami jirney habeenkii, laakiin wakhtiga lama celin karo wuunna is beddelay sidii uu maanta ahaa berri ma noqonayo, Berrina waxay waddato farxad iyo murugo aqoon umma lihid, warna umma haysid alle ayuunba aqoon ku filan u leh.
Waxay ahayd maalin nasiib wanaagsan wadatay, dareen cusubna igu soo kordhisay, cirku maddaw iyo buluug isku jira ayuu ahaa muuqaal cudoon oo nafta la ashqaareyso ayaad dareemaysey markaad eegto, Neecaw qabaw ayaa dhacaysay oo aad moodayso inay dhammaan jidhka ka waraabineysay naxariis iyo deganaanshiiyo, waxay ahayd subax hore, iskuulka ayaan ku deg degaayay, hore ayaan u quraacday, hooyana waan sii nabadgelyeeyey, kaddib deg deg ayaan u baxay anigoo niyadda ku haya iskuulkii iyo ardaydii aan isku galaaska ahayn,
xooggaa markaan soconayay ayaa waxaan arkay gabadh yar oo aad u qurux badan, waxay ahayd gabadhan ayaa ahayd mid heemaal qurxoon, hubqaadkeeduna aad isoo jiitay, wajigeeda iftiinka iyo jamaalka ka muuqda ayaa nafteyda la cajabtey, waxaanan in door il qoodha ka eegayey iyada oo iga fogeyd, habsami socodka iyo deganaan ayaa ii muuqday qaabka ay u tallaabsanayso, qof isku kalsoon, muddo markaan daba socdey oo aan daawanayey laafyaheeda iyo sida quman ee waynuhu ugu hagar baxay ayey iga libidhay.
Waxaan mar qudha is waydiiyay “wejigani maaha mid kugu cusub ee bal qaybaha kaydka maskaxda ka raadi, inkastoo qofku marka uu yaryahay uu middyeeyo sida Faraska Baroorka ah, oo sanad weliba u kordhiyo bilic iyo muuqaal ka duwan kii aad ku taqaanay, Haddana wejiga saaka i indhosarcaadiyey ma ahayn mid igu cusub ee waa inan aanu wada dhigan jirey, dugsigayagii hoose, muddo ku dhawaad Afar ilaa shan sanno ahna is moognahay, balse farqi weyn ayaa u dhaxeeya, muuqaalkii shalay markaasu isku galaaska ahayn iyo kan maanta, markaan gartay iney tahay, (Heblaayo) waxaan mar kale is weydiiyey oo goorma ayay Iskuulkan uusoo wareegtay?, waxaan hoosta iska lahaa wallee waa is beddeshay waxayna la soo baxday bilic iyo heemaal qurxoon.
Fasalkii ayaan galay waxaan isku deyay inaan xiisada iyo casharada la jaanqaaddo, laakiin waan awoodi waayay, oo maskaxdeyda waxaa ku furmay bullaan iyo buuq, ka imanaya xaga dareenka oo doonaya, inaan wax badan iska weydiiyo, Gabadhii aan jidka ku soo arkay, marba weydiin qaraweyn ayuu I hordhigayaa, miyaadan arkay, quruxdeeda, habdhismeedkeeda, siday u ekayd, waa kuwii lagu sheegay jannada.
Doodan oo labada hawl wadde ee damiirka iyo wadnaha ka dhex ribatey ayaa iga maahisay oo iga mashquulisay inaan casharada, Macalinka iyo ardeyda la socdo.
Hadba waxaa i hor imanaya sawirkii quruxda badnaa ee inantii maankayga saaqdey, waxaan noqday qof jooga haddana maqan waxaan nafteyda weydiiyey “Iminka maxaa kaa khaldan, gabadhan sawdiga garanayay waliigaaba arki jirey, ma maanta kuugu horreysa” haddana waxaan isugu halcelinayaa, may, maanta iiguma horreyso laakiin muuqa aan maanta arkay waa mid ka duwan kii aan aqaaney, habdhismeedka jidhkeedu waa mid korey oo kobcay, waa ubax intii biqlay fiidda la soo baxay bu’diisa ay kala bixisay baallasha oo ishii mar qudha milicsataa la amakaagayso daawashadiisa oo aysan ka daaleyn.
Anigoo xaalkaygu uusan qumaneyn ayaa waxaan tegay gurigii, anigoo weliba aad u daalan, ma jirin, hawl aan qabtay, balse dareenka naftayda dooda iyo baaxaaliga ay ku jirtay ayaa iga dhigay mid maantoo dhan shaqaynayey.
Guriga markaan imid, hooyo way maqneyd laakiin waxa joogtay walaashay iga yar oo la yiraahdo Sahra waxaan idhi anigoo luudaya intaan dhinaca qolkayga u dhaqaaqey, “Sahraay kumee walaal dharkaan iska beddelayaaye, ii keen qadadii” Sahra ayaa igu tidhi: “Iska beddel waan kuu diyaarinayaa” markaasaan mar kale ku idhi” Walaal madaxaa i xanuunaya manatee qolkayga iigu keen” Sahra ayaa tidhi” Bisinka maxaa kugu dhacay wallaal?” waxaan idhi waxba walaale ee mindhaa waa daalanahaye iigu keen qolka qadada.” Sahra qadadii ayay ii keentay iyadoo dhammaan waxyaabahaan jeclaa inay qadada iila socdaan, qudrad iyo cabitaanba iisoo raacisay, sidoo kale waxay i keentay koob biyo ah iyo xabad kiinka, Kaarjebinta ah, qadadii uma cunin sidaan doonayey, waayo waxaad moodaysay, in dhuunta wax iiga takhlan yihiin, macaan iyo dareen dhadhamona adigaaba sheegaya, ka dib waan seexday si uu madaxu iigu qaboobo.
Arrintii kuma ekaan maalintaan la kulmay, “ Dareenkii cusbaa ee cuslaa” ee waxay igu qaadatay ayaamo inaan inaan la baxaadego, xasuusta muuqaalka hannaan wanaag,sidoo kale waxaan isku dayey inaan iska dhigo, sidaan ahaa awal, balse marnaba ma suuroobin, inuu maankay ka dhex muuqaalka wajigaana dardarey ee dawakhiyey nafteya.
Arrinkii markaan arkay inuu igu sii ballaadhanayo ayaa waxay naftu huri weyday, inaan saaxiibkay rumaad kala tashado, hawsha igu soo korodhey iyo isbeddelkayga ileeyn keligay waan maareyn waaye…..
La soco qaybaha dambe
Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)