QALANJO!
Qurux badanaa qidhim laga sii, wayna qaadatee. Maradda goonnada ah ayaa kor uga fidsan kubabkeeda cadcad ee catuutiga ah. Biyaha badweynta ee hirarku wado ayey cagaha kula dhex jirtaa iyadoo cagaagan, wayna ku sii siqaysaa iyadoo taxaddaraysa. Si laafyood leh oo laba qaad wacan ayey kolba lug u gundhinaysaa. Qidhim laga sii sawta na qaadday ee qalbiga na degtay. Saaxiibkay waxaan isla fadhinnaa maqaayadda ku teedsan xeebta Liido ee la yiraahdo: See food.Waxay leedahay; barxad badda u furan oo laydh macaan ka dhacdo. Halkaas ayaan jecelnahay oo aan fadhi ku dirirka ka galnaa habeenkii, kaftankuna noogu baxaa. Waxa horyaalla cabitaan Coffe Lafa ah iyo Fruit ka kooban qare, cambe iyo babbaay Jawhar laga keenay. Sheeko ayaa noo socota oo siyaasadda ayaa kacsaneyde, isagu duni kale ayuu galay oo filim kale ayaa maskaxdiisa ka dhex shidmay. Wuu maqan yahay oo mawjado jacayl iyo maayado xoog badan ayaa qaatay wiilka maankiisa. Ninkii baxaya buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaa baan maqli jiree, meel baa u muuqata aan la garaneyn. Waase la ogaan.
Waa gabar joogga iyo jamaalka ka raacday aabbaheed Jamaal, jalaqsanida iyo joofkana hooyadeed Jamiila. Iska jabinta iyo jiljileecana u dhalatay. Waa qalanjadii ifka oo maanta dibadda u soo baxday. Tani oo kale wali laguma arag carro-edeg. Malaha waa tii Cilmi boodhari u dhintay oo soo noqotay? Mooyi. Malaha waa cii Cantar malagtay oo mar kale ifka timid? Mooyi! Malaha waa tii Qays qudha jartay? Mooyi. Qidhim laga sii qurux badanaa!.
Saaxiibkay wuu sara kacay, wuxuuna u dhaqaaqay dhankii badda, malaha jinniyaheedii ayaa soo jiitay. Mooyi! Annagu weli waxaan sii dhex muquuranaynaa xantii siyaasadda oo nala maraysa Kismaayo iyo doorshada aqal sare. Meela adag aye y giraanku socotaa oo kaftanka waa la isku mari laa’ayahy, aadna waan u hogmaynaa oo sheekadu way iskugu kaaya dhacday.
Qalanjada waxa la socota, gabar kale oo da’ahaan ka yar, qurux ahaan aan gaadheyn oo weli soo fiilaysa. Malaha waa walaasheedii ka yareyd oo ay soo kaxaysatay. Biyaha ayey hore ugu sii socotaa oo hirarka ka hor imanaya ayey kolba lug ku salaamaysaa, marna way soo jeedsanaysaa, marna dhankiisa ayey soo jaalleecaysaa intay biyaha baabacada gacanta ku soo darsato. Wuxuu moodayaa in ay isaga fiirinayso, balse, wiilasha damaca badan ee sidii dugaag diifaysan agteeda meeraya waxba ugama duwana isaguna.
Waa gabar laf u dhalatay, dhex yar oo dhabar tiirsan. Sanqaroor kala shuban, sunniyo xoodan iyo san dheer ayaa isku sidkan foolkeeda u iftiimaya sidii dayax shan iyo tobnaad ah. Dhabankeedu waa dhalaal, labeenta saaran aad ka dhaashan karto. Dhabannada gota marka ay dhoollacadeyso ayaa dhaayaha eega dhimirka tira. Guud ahaan gabadhaasi waxay ahayd mar la arag ifka usoo aroortay. Qidhim laga sii qurux badanaa.
Saaxiibkay sidii uu nooga dhaqaaqay, nagu ma soo noqon ee maayadii quruxda ee xuuralceyntii ifka u soo aroortay ayaa jiidatay oo dhinaceeda joojisay sidii tiirka. Wuu fiirinayaa oo jidhkeeda kala jarjaran ayuu xubin xubin u tirinayaa, indhahana ugu mayrayaa, iyana danba kama gelina, sanka ayey taagaysaa oo saxar xataa korkeeda ma fuuli karo. Tiktik ayey duubanaysaa, walaasheedna muuqaalka ayey u duubaysaa.
Saaxiikay wuxuu isku dayay in uu la hadlo. Kuye: inta uu u dhawaaday;
– Walaal magacaa?
– Waxay tiri: Qalanjo. Waaba tahay ayuu niyadda ka yiri.
– Qalanjo barasho wacan. Sidaas ayuu ku hal-celiyay.
– Mahadsanid walaal ee adna? Sidaas ayey si degdeg ah ku wayddiisay!
– Wuxuu yiri: Qamar isaga oo ka beensheegaya magaciisa, balse, q-da ka raacaya.
– UUUH, soo dhawoow. Inta ay iska sii wadatay sawirkeedii. Sidaas ayey ku jawaabtay Qalanjo.
– Asiga oo fiigsan, isla markaana faraxsan ayuu ku yiri: Walaal ammin i sii?
– Si aan cabsi lahyen ayey ku tiri: kuuma haayo!.
– Wuxuu si geesinnimo leh u yiri: isku kay dhib Qalanjo.
– Dantaada ka hadal? Sidaas ayey ku tiri: iyada oo careysan!
– Saaxiibkay markii ay halkaa marayso. Isku qaad oo badhaadhihiisa bannaanka soo dhiggay.
– Wuxuu yiri: waan ku rabaa?
– Iyada oo aan is wareerin ayey tiri: Wakhtigeedii lama joogo! Dhidid intuu hooray foolka ayey xishood dhiiggiisu xawaareeyay. Wuu kululaaday saaxiibkeey. Wuxuu iska raadiyey geesinnimo, markaas ayuu ku yiri: Telkaaga I sii?
– Waxay si fudud u tiri: ma lihi. Isku adkeys. Wuu sii kululaaday haddana. Way ku daadatay saaxiibkeey. Markii ay halkaa marayso arrintu ee uu xishood isku dhex daatay, hadalkiina toosin waayay ee uu iskaga dhex darsamay, laba talaabana uu dib u faagtay, teleefankana isku boojeeyay, iyana hawsheedii soo dhamaysatay ayey soo agmartay isagoo wadnuhu sida durbaanka u garaacmayo oo bugta ka baxaysa la moodo sidii bulleyr fantiyo ciid loo dirayo.
– Waxay si jeesjees ah u tiri: iyadoo socota qoro numberka, isna intuu sidii awr hayin ah soo daba rucleeyay, isagoo degdegaya haye yidhi oo billaabay in uu dhaqso u qorto si aanu u illaawin. 0616543…ayey u yeedhisay si boobsiis ah. Isna wuxuu u qortay sidii uu u haleelay. Ilaa barxadda wareegsan ayuu ku sii lug daray oo intaa sii daba socday iyada iyo walaasheedii ka yarayd oo qosolkoodu baxayo, xantiisana hoosta ka wada.
– Wuxuu si dab aka tuur ah u yiri: xaggee deggan tihiin walaal?
– Waxay ku hal-celisay: xaafadda Jabbuuti ee Jaaw.
– Jabbuuti yaa…Jabbuuti yaa…Jabbuuti yaa! Saaxibkay weli ma maqal xaafad Jabbuuti la yidhaa in ay ku taal degmo ka mid ah magaalada Muqdhiso. Waayo, waa dhawaan soo galad aan wali dhul iyo dad baran.
Gaadhi kala jiidan oo aanay xabbadu karin ayaa dhankaa iyo xerada marinaayo ka soo baxay oo agteeda sidii faras carbisan ugu soo shag yidhi. Yaa salaam, Imisaan ku lahaa dee “Waa xuural cayntii jannada” ayuu naftiisa sidii saaxiibkii oo la jooga ula hadlay. Isagoo sidii bartii u taagan ayey cagtii catuutiga ahayd mar kale diracii baatiga ahaa kor uga jiidday oo jambiga kursiga hore ku degtay. Yaa, salaam, mar kale ayaa jidhkiisa jidhiidhico jacayl tin ilaa cirib dhex qaaday oo oogada inta laga soo kacay ayaa qalbigiisa laga muday falaadh jacayl. Si deggan oo raaxo leh ayaa gaadhigii madoobaa, cusbaa ee muraayadda wada ahaa dib loogu jeediyay jihadi uu ka soo baxay ee xaafadda Jabbuuti ee degmada Kaaraan.
Saaxiibkay, markii uu nagu soo noqday isagoon noo waramin ayuu numberkii la siiyay dhab ku yidhi oo garaacay, si uu iskaga xaqiijiyo, hadhowna ugu soo tabaabushaysto Qalanjadan mar la’aragta ah. Nasiib xumo se, wicitaankii wuxuu ka dhacay Buur hakaba, halkii uu la rabay xaafada Jabbuuti. Cajaa’ib. Wuu iska khalday oo wuxuu qortay number ay leedahay gabar maqaayad ku gadata degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Intuu degdeg u noqday ayuu orad ku tagay meeshii ay markii hore kaga dhaqaaqday. Isagoo weli sii eegaya dhankaa iyo xaafadda Jabbuuti ayaan sheekadii soo dhamaysannay. Saaxiibkay, ilaa iyo markii aan gaadhiga fuulnay ee aan u jihaysannay dhankaa iyo degmada Waabbari, weli indhihiisu waxay laacayeen gadaal. Anaku waabnay. Isagu se baadi uu jeclaa ayaa bartaa uu eegayo martay. Quud aanad lahayn qoryo ha gurin. Qurux badanaa qidhim laga sii way na qaadatee.
Maalin kasta oo aan xeebta u dalxiis nimaadno, saaxiibkay numberkii kama daalo ee wuu iska wacaa, haddana marka lahjadda Maayga laga horkeeno iska jaraa isagoo qoslaya. Sidoo kale xeebta ayuu lugeeyaa si uu markale ula kulmo qalanjadii qalbigiisa qaadatay, wuuse ku hungoobaa. Kamase waan toobo ee ilaa iyo hadda wuu hadal hayaa. Tolow ma jinbay ahayd ayuu marmar ka fikiraa. Haddana shayddaanka ayuu iska naaraa.
Maalmahan saaxiibkeey heesta: “Yarta Raadiya” ayuu aad u dhegaystaa, codsarena ku qaadaa. Gabadhkasta oo uu jamadana Qalanjo ayuu ugu yeeraa. Ree Kaaraanow saaxiibkay wuxuu u dhawyahay in uu waasho ee yarta u raadiyo oo Qalanjadii ma la aragta ahayd u keena.
W/Q: Cabdikariim Garruun
Author and blogger
NAGA LA SOO XARIIR: