QORANAHA: DHIMAAL DHAQAN
GORFAYNTII: MAXAMUUD SHIDDO
Bulshada soomaaliyeed ayada oo laga fiirinaayo xilliyadii iyo heerarkii kala geddisnaa oo ay soo mareen, xoolo dhaqato, beeraleey iyo reer magaalba, dhaqammada qaar waa laga xishoon jiray, la iska ilaalin jiray, la iskuna cambaarayn jiray.
Dhimaal Dhaqan oo ah buug soo baxay sanadkii 2023, ayna daabacday madbacadda Laashin, ayaa diiradda saaraya habacsanaanta ku timid dhaqammadii wanaagsanaa ee bulshada, weliba qaybteeda reer magaalka ah, amaba ku sifeysnaa jiray ilbaxnimada.
Sidoo kale kama marna in uu qoraagu tilmaamayo dhaqammo tira-beel ah oo taban, asaga oo tusaalayaal tix iyo titaab isugu jira ku muujinayo, si taxaddar loogu yeesho, loogana tillaabsado.
Waxaa xusid mudan in Bashiir Maxamed Xersi ‘Ina Cubtan’ oo ah qoraaga buuggaan, uu ku dhiirraday in uu si dhaliil dhaqan celin ah oo aan hore loo arag, wax ugu sheego bulshada. inkastoo ay indheergaradku badanaa arkaan dhaqammada uu dhaliilay, haddana waa markii ugu horraysay oo aan arko buug laga qoray wixii la shareeri jiray, sina loo maldihi jiray sheegiddooda.
Markii aan buugaan aqrinaayay, waxa aan soo xasuustay maahmaah hadda ka hor aan macallinkayga ka maqlay, oo ahayd, “doqonta usha agteeda ayaa lagu dhuftaa, haddii ay garan waydo dusheedaa ayaa lagu dhuftaa.” Sidoo kale qoraaga waxa uu qaab waxbarid nafsaani ah u adeegsaday buuggiisaan, asaga oo sheegaya dhaqanka taban, tusaale ka bixinaya, talooyin ku daraya, tubta toosanna nagu hagaya. Si la mid sidaas waxa uu si shareeran ama sheeganba u tusaaleeyay in aan bulshooyinka kale ka hari doonno haddii aanan la is daba qaban, dhaqammadeennana aanan toosin.
Dhimaal Dhaqan si guud waxa uu dhaliilayaa bulshada Soomaaliyeed, siyaasigeeda, saxafigeeda iyo inta saamaynta lehba, asaga oo si diirran u soo gudbinaayo erayo summadaysan, laga dhex garan karo cidda ay ku jeedaan.
Haddii aan tusaaleeyo dhimaalka dhaqan ee ku jira erayada siin sawiran, gardiidnimo, ballan xumo, tanaasul la’aan iyo jirjiroolenimo, waxa ay ku tusayaan in ay siyaasiyiintu ku badan yihiin dhinacaas, bulshada inteeda kalana kama marna, oo waa ay wada saamayasay.
Waxaan ku soo gunaanadayaa:
Dhimaal Dhaqan sidiisuba
Waa bulshada dhambaalkeed
Ujeeddada dhex taallaa
Dhumucdeedu waxay tahay
Dhaqammadii la dhalanrogay
Iyo kuwa dhallaaanoo
Dhawaanahaani soo baxay
In uu dhilo xumaantood
Dhaliilaha ka barax tiro.
🖊 Maxamuud Shiddo