Waa shirib dood ah oo dhax maraya Laashin Ibraahim Cali iyo nin xildhibaan ah oo ay Ibraahiim saaxiib ahaayeen balse hadduu xildhibaan naqday ka goostay, laashinka ayaa weydiinaya weydiimo dhawr ah, isaguna waa iska weecinayaa xildhibaanku isagoo una xog warramaya Laashinka Bogasho wacan.
Laashin Ibrahim
- Xogta isii bal xidhibaan
- Xariirki bulsho waa xirtee?
Xildhibaan.
- Xiriirki bulsho waa xirmoo
- Xeyndaabka gaaladaan xigaa
Laashin Ibrahim
- Xaaraan miyaad xalaashateen
- Xeyndaabka gaalo xow ahaay?
Xildhibaan.
- Xayi maaha nin xil qabtayoon
- Xaaraan dhe dhemin xiligaan
Laashin Ibrahim
- Xisaabka aaqiroon xirmeyn
- Xawaal maku xisaabtanteen?
Xildhibaan.
- Xeer gaalo xar xariiqdayoo
- Xaaramahaan xalaal dhahnaa
Laashin Ibrahim.
- Xaashaa liillaahiye xishoo
- Xeer gaalo looma xaadiree
Xildhibaan.
- Xabashadaa na xakuntee
- Xeer gaalo xow naga dhibaa
Laashin ibraahim.
- Xabasho nama xakuntee
- Hasoo xad gudbin xildhibaan
Xildhibaan.
- Ama xanaaq amuu xadrey
- Xabashaan isku xeernehee
Laashin Ibrahim.
- Hadii ximaar xalaal naqdey
- Xabasho nagu xeer naqee
Xildhibaan.
- Xujaa tehee xagiiga qaad
- Xeerkaasu mar horow xirmee
Curiye: laashin Ibrahim Cali