Shirib dood ah oo dhex maray Laashin Ibraahim Cali iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe
Waa shirib dooda oo dhax maraya, Laashin Ibraahim Cali iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe, dooda iyo waxay ku saabsantahay waxaad kaga bogan doontaa Shiribka ee bogasho wacan: waxaa bilaabay Laashin Ibraahim Cali wuxuu yidhi;
Ibraahim
- Aalaadka leyska dhex arkaad
- Aqyaar ka tahay axmadoow
Madoobe,
- Waadan ogeynin ee igaar
- Aqyaarka ewelaan ahaay
Ibraahim
- Illaah ka cabso axmadow
- Amaantu waa afar cawee,
Madoobe,
- Waxaan ahay anaa aqaan
- Mana ogoli eed cidlaa
Ibraahim,
- Ayaan dhaweeday ingiriis
- Inaad ka aamustaan ogaay
Madoobe,
- Afkaada ka ahaaw agoon
- Waa ey qoyan aroosla dheel
Ibraahim
- Itaal yaraan ameey ahayd
- Oo aadan afka gaal aqoon,
Madoobe
- iskuul ma tegin ebedkeey
- I love se waa ku adimaa,
Ibraahim
- Horta afweyne xaad eheed
- Aqoontu waa kugu intaay
Madoobe
- Aqoon yahan ayaamahaan
- Nin aarmi heystayaa ahaay
Ibraahim
- Ayaan calanka aastayee
- minkasuu abaal guddaa
Madoobe
- Afkaar shisheeye i amroon
- Hadaanka imidey eheed
Ibraahim
- Irmaan guray ma ololee
- Umadu maku aamineen
Madoobe,
Ujeedadaas anma aqaan
Ee iga aal ibraahimoow,
Curiye: laashin Ibraahim Cali