Waa shirib haasaawe ah oo dhex maray wiil iyo gabar, waxaana dhex martey sheeko iyo haasaawe suugaaneed qurxoon, bogasho wacan, shiribka waxaa curiyey, Laashin Maxamed Macalin Cabdiraxmaan.
Wiilka
- Bariida wacan baariyeey
- Boqorad waaba kuu baxshee,
Gabadha
- Buuraad ka dhacday berigee
- Boqor allaa ah bisinkee,
Wiilka
- Babis ma hurto burjikee
- Baaqeeyga fahan bilaneey,
Gabadha
- Baw bawda iiguma baxdee
- Ammaan kala bariiqanaa,
Wiilka
- Bureeqo waaba kuu bogee
- Beydkiina mii bari kartaa,
Gabadha
- Badawsanaa ninkuu bogaa
- Asoon ku baran bisinkee,
Wiilka
- Baahida ow qabaa baddee
- Badaw ma,ahan waana buux,
Gabadha
- Baahi ku heysa baqtigaas
- Looguma boodo baariyoow,
Wiilka
- Baqtiga cun haddaad baqtee
- Ha beenin waa banaantehee,
Gabadha
- Bay bay ninyohow waa barqee
- Beri kaleyna noo bexee,
Wiilka
- Berinku waa intaay basraay
- Bar baarku ha is barayee,
Gabadha
- Berinka aan kusoo baree
- Waxaad u bukto ii bisleey.
Wiilkaa
- Bila dhammaan ku baafiyoo
- Basray adaanba kuu bukaa.
Gabadha
- Bood bood nin raga waa ba.shee
- Badaad gashee kasoo bad baad
Wiilka
- Badaasu xey ahayd basraay
- Bukaanka lama beensadee.
Gabadha
- Beri horaa an lay baxshee
- Ka baano maad buktaan ahayd
Wiilka
- Bilicsaneey bellaa dhacdee
- Baaqaygi hore been miyaa.
Gabadha
- Adees badee amiis bireey
- Amma barooro waa bexee.
Curiye: Maxamed Macalin Cabdiraxmaan