SIDEE BUUG LOO GORFEEYAA?
Qore: Cali M. Diini
Buug gorfeyntu faa’iidooyin door ah ayay leedahay: mar waa buundo isku xirta qoraha iyo qoraaga, ama buugga iyo akhristaha, mar na waa toosh akhristaha u ifiya jidka ay tahay in uu maro iyo kan ay tahay in uu ka leexdo (buugga akhriska ku habboon oo akhristaha anfacaya iyo kan aan waxtarka lahayn); mar kale na waa xirfad bilaysa gorfeeyaha tabihiisa iyo xusuusihiisa, oo buugga aad gorfaysay iyo kan aadan gorfayn isku si u ma xusuusan doontid.
Gorfayntu (review) waa ka duwan tahay sookoobista (summary/reports). Sookoobista danta laga leeyahay ama loo qoraa waa in la ogaado in aad fahantay waxa buuggu ku saabsan yahay, laakiin gorfaynta waxaa loo qoraa in buugga lagu qiimeeyo lagu na sookoobo. Gorfaynta ra’yigaaga ayaad ku darsan kartaa, laakiin sookoobidda nuxurka buugga un baad sookoobaysaa.
Qorayaashu waa jecel yihiin in buuggooda la gorfeeyo, oo waxaa ba waayihii hore dhici jirtay in qoraagu buuggiisa gorfeeyo isaga oo magaciisa qarinaya, si uu indhaha dadka buugga ugu soo jeediyo. Tusaale ahaan, filasuuf reer Scotland, David Hume, waxa uu sannadkii 1739-kii qoray anuuggiisa ‘A Treatise of Human Nature’, ha ahaatee, markii uu waayay cid ka hadlaysa ayuu isagu isxilqaamay dabadeedna waxa uu qoray gorfayn uu buuggiisa ku sameeyay. Nasiibdarro se waxaa la sheegaa gorfayntaas qudheedu in aysan dhego laab u daloola ku dhacin, Hume na qiimaha waxsoosaarkiisa falsafadeed waxaa la ogaaday markii geeriyooday ka dib.
Intaa dabadeed, waxa aan jecel ahay in aan halkan ku sookoobo dhawr qodob oo aan is leeyahay waxa ay anfacayaan qofka doonayo in uu buug gorfayn bilaabo. Qodobka koowaad waa:
Keenayn
Marka aad gorfayn qorayso waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samayso, sida ay aniga i la tahay, waa keenaynta akhristaha gorfayntaada. Maxaan ka wadaa? Awrka marka la hoggaaminayo, marka hore xarrig baa qoorta laga ga xiraa dabadeedna isla xarrigii ayaa sanqaroorka laga suraa, taas ayaa keeno la yiraahdaa. Waayo awrka keeno la’aan la ma hoggaamin karo oo kuma uu raacayo. Taa darteed, qoraagu waa in uu akhristaha keeneeyo si uusan akhriska gorfayntiisa uga fuqin. Hal jumlad oo buugga gudihiisa laga soo dheegto, ama hal meeris oo maanso ah oo mawduuca buugga quseeya, ama jumlad si un mawduuca u la xiriirta, laakiin leh awood ay akhristaha maankiisa ku afduubato ayaa gorfaynta lagu bilaabaa. Gorfaynta keliya ma ahane qorayaasha qalinka cuddoon oo dhani waa adeegsadaan. Tusaale ahaan, Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil buuggiisa ‘Islaamka iyo Cilmiga: Dooddii Renan iyo Afgaani’ waxa uu ku bilaabay sidan: “Meeshu miyey kulushahay? Waxaan u dhididayaa sida wadaad jooga meel cashar saynis ah lagu bixinayo”. Ma shaki baa kaaga jira in jumladdaasi qofka ku riixayso in uu buugga akhriyo, xataa haddii yahay wadaad qoraaga neceb?
Sookoobid
Keenada ka dib, tallaabada xigta waa in aad buugga hal ama labo baaragaraaf ku sookoobto. Waa shaqo adag in buug dhan sidaa kooban loo sookoobo, yeelkeede, waa lagamamaarmaan in aad xogta buugga sookoobo. Haddii buuggu uu haluruur (non-fiction) yahay, sida, taariikh, u fiirso su’aalaha waawayn ee buuggu abbaarayo laga na yaabo in qoraagu hordhaca ku sheego; halkan waad ka qishi kartaa xogta buugga oo kooban.
Haddii buuggu halabuur (fiction) yahay, waa muhiim in aad xusto jaadka (genre) sheekada, sida, fantasy, historical fiction, crime memoir, biography fiction, iyo waxii la halmaala. Waxaa kale oo muhiim ah in xusto doorarka jilayaasha iyo sunsunka sheekada adiga oo aan meelaha xasaasiga ah faydeyn.
Qiimayn
Qodob kale oo mihiim ah waa in aad buugga qiimayn (evaluation) ku samaysid, habqoraalka qoraagu waa sidee? Qofka buugga akhrinayaa maxaa laga ga baahan yahay in uu og yahay akhriska buugga ka hor? Ma dad aqoon gaar ah leh baa buugga akhrin kara ama fahmi kara? Maxaad ka heshay oo buugga ku jira maxaad se ka didday oo iin u aragtaa?
Haddii buugga halabuur yahay, xus, adiga oo dusha un ka xaadinaya, kacaakufka atooraha iyo laadarka (protagonist & antagonist), surimaha afkalaqaadka leh ee sheekadu ka dusayso, keyamaha jiqda ah ee atooruhu ku dhex ambanayo iyo halisaha iyo quusta uu mudanayo. Waxa kale oo aad sheegtaa golollada (theme) sheekada oo ah jirridda sheekadu ku taagan tahay ama halka ay ku gororayso oo farriimaheedu farta ku fiiqayaan. Tusaale ahaan, sheekada gaaban ee ‘Necklace’ ee uu na qoray Guy de Maupassant gololladeeda waa: Iimaanso waxa aad haysato indhahana ha la raacraacin waxa dadka kale haystaan, waayo waxaa laga yaabaa in waxa aad haysto ka qiime iyo dheef badan yihiin waxa dadka kale haystaa laakiin adigu aadan taa hadda arki karin. Waxa kale oo laga yaabaa in waxa dadka kale haystaan ee adiga ku cajabinayaahi aysan ahayn sida aad mooddo qiimaha ay kula leeyihiinna aysan lahayn.
Ugu dambayn, soojeedin samee (recommendation) oo akhristaha u sheeg dadka aad jeceshahay in aad buuggan akhriyaan.
Hal qodob oo muhiim ah: marka aad buug akhrinayso aad na doonayso in aad buuggaa gorfayn ku samayso, dabcan xusuusqorasho (note-taking) ayaad samaynaysaa, haddaba ogow, marka jumlad ama bog ama cutub aad akhrido, dareenka u horreeya ee aad qaaddo iyo fikradaha koowaad ee maankaaga ku soo dhaca ayaa asal ah, kuwaas qoro, marka aad buuga qiimanaysid iyaga adeegso.