Waxaa arkayey markii la ka xaystay Doolli iyo Dalmar saaxiibkood Samatar, oo wax badan ka daba qayliyey baabuurkii lagu qaadey, hase yeeshee, Samatar ma gaadhin mana awoodin wax intaa ka badan, oo ciil iyo cadhadii ayuu meel darbi ah oohin la fadhiistay.
Samatar, oo ciil iyo cadho ku gadhoodhay, ilmadu daamanka ka qooysey, oo aysan jirin cid uu ku cataabo ama la qaybsata murugta haysa, ayaa waxaa u yimid Hanad. Samatar iyo Hanad ayaa isku ooyey, midba midka kalana isku dayey aamusiiyo, Hanad ayaa weydiiyey?…… Ka dib Samatar ayaa uga warramey sida wax u dhaceen.
Hanad oo markan nin weyna, ayaa aad uga werweray xaaladda cusub, ee soo food saartay isaga iyo saaxiibbadiis, maadaama markuu Samatar u sheegay inay wadaaddo ahaayeen ragga kaxaystay Doolli iyo Dalmar, meeshana boob ka dhacay.
Hanad wuxuu ogyahay in cidda ay Maxkamaduhu qabtaan, ay ku xukumaan hadba falka lagu qabto, ayna ugu culustahay dhaca, tuuggada iyo dilka. Waxaa u sawirmay arrin halisteeda leh, taasoo ah, haddii sida kuwa kale, oo uu yaqaan loo galo, oo ah in gacmaha iyo lugaha laga gooyo, iyagoon markii horeba lahayn waalid iyo walaal ay tahay dhibaato muggeeda leh, oo la soo deristay saaxiibbadiisa, ay is walaashadaan, weliba ku soo dhaweeyey magaalada.
Hanad baa madaxa gacmaha saaray, waxaana u soo baxay, labadiisii walaal, oo gacmaha laga gooynayo, Samatar ayuu gacanta ka qabsaday, waxaana laysku shubay geerashkii iyo xeradii Ilbir.
Ilbir waxaa ka amar qaata ciidamo aad u badan, oo hubeysan, awood laxaad lehna ku leh deegaanka ay ka taliyaan, Ciidankaas oo gaadhaya ugu yaraa hal guuto 1500 Askari iyo 60 Tikniko ah, waxayna xukumaan degaan ballaadhan. Ilbir waa ninka abaanduulka ciidanka haysta, isagaana amarka dagaalka bixiya, sidoo kale, saadkooda iyo noloshooda qaabilsan.
Waxaa ka sarreeya madax kale, oo isugu jira hoggaamiye kooxeed iyo odayaal beeleed talo weyn ku leh arrimaha ciidanka iyo dhaqaalahaba, balse, Ilbir ayaan qofna is hortaagi karin, gacan iyo xabbad ayuuna ku xaajo gutaa. Markuu arkay ciyaalkiisii, ayuu ka soo dhex kacay meel uu ku qayilayey, wuxuuna wejigooda ka aqristay duruufta iyo diifta ka muuqata.
Waa goor cilcilow ah, waxaa meesha ku yaal maqaayado cunto lagu kariyo, ee loo yaqaanno “Buushashka” wuxuu u soo ka xeeyey meel Buush ah, si uu waxay cunaan uga dalbo, isagoo weliba ku dheggan Samatar yare. Samatar ayaa dhaqaaqi waayey, halkaasoo uu ka dareemay inaysan baahi iyo gaajo hayn, ee wax ka weyni jiraan.
Samatar ilmada labada daan ka gobo’le markuu arkay, ayuu intuu jilbaha dhigtay, oo isla simay ka tirtey. Samatar iyo Hanad waxay u sheegeen sidii wax u dhaceen, Samatar yare jilbaha dhulka u dhigay, ayuu isku duubay, waxaase arrin fajiciso ah noqotay, markay arkeen ciidankii Ilbir, taliyahoodii ma naxaha ahaa, oo ilmeynaya, weliba faruuryo qaniinsan.
Weligood may arag arrintan iyo mid u eg toona, isaga oo xita ragga ugu geesisan ciidankiisa, haddey dhintaan weligiis uma ooyin, lagamana dareemin wax ka badan murugo muujinaysa inay waayeen mid ka mid ah saaxiibbadood.
Caawase waa Ilbir oo ilmo indhihiisa ka socoto, mar qudha ayuu soo jeestay, wuxuuna la hadlay Dirir oo agtaagan, kuna yiri:
“Diyaari ciidanka, kuwa maqanna isu keen, dhammaan horjoogayaashuna haygu yimaadaan qolkayga” ciyaalkiina wuu u xaystay aqalka, isagoo gabadh meesha wax ku karinaysey uga dalbay cuntooyin kala duwan, mid ka mida ciidankiisana amar ku siiyey inay u keeno cuntada isaga iyo labada wiil.
Samatar wuu yaabay, Hanadse wuu dareemay in Ilbir qorshe damacsan yahay, maadaama uu isagu yeedhay horjoogayaashii. Markii ay casheeyeen, ayuu ciyaalkii ku yidhi, iska seexda, anigoo nool, Dalmar iyo Doolli cidina gacan iyo lug ka gooyn mayso, intaan noolaahayna weligiin cidi idinma dhibaateyn doonto.
Waxaa isu yimid dhammaan horjoogayaashii, wuxuuna u sheegay inay berrito, Maxkamadda Dheryaaley weerarayaan, marku waagu beryo, haddana sahan loo diro, meelaha ugu fudud, ee laga geli karo. Sidoo kale, inta baabuur ee u joogta, isla caawana jidadka waaweyn, ee soo gala in ciidan la sii dhigo, si aan gurmad kale ugu iman.
Ilbir waa nin aad ugu xeeldheer habka dagaalka jabhadaha, ee magaala ka dirirka ah. Dhinaca maqaasiinnada, ayaa loo dhaqaaqay, oo lagu raray gaadiidka, rasaastii loo baahnaa, sidoo kale, la buuxiyey shiidaalkii baabuurta. Geerashka habeenkii lagama jiifan, waxaana dadka badankoodu dareemeen, in duullaan weyni jiro, waxaa laysugu yeedhay, ninba ninkuu ka dagaalyahansanaa.
Markii la kaxeeyey Doolli iyo Dalmar, waxaa lagu soo xereeyey, meel xabsi ah, oo ciidan ka buuxo, guryo wareegsan, oo dad ka dhex bullaamayaan. Waxaa la istaajiyey meel qorraxa, shaatiyadana waa laga bixiyey, waxaana karbaash la dhacayey askartii meesha joogtay.
Muddo saacado ah ka dib, ayaa waxaa la soo geliyey qolkii xafiiska diiwaangelinta maxaabiista, waxaana lagu billaabay wareysi. Waxay maqlayaan cabaadka dad gacmaha laga jarayo iyo kuwa la karbaashayo, naxdin iyo argagax ayaa u dhammaaday. Waxaa la weydiiyey magacyadooda. Nasiib xumo, Dalmar ma xasuusto magaca aabbihiis, Doollina ma yaqaan wax dhaafsiisan, Cumar Xasan in la yidhaahdo.
Markay intaas dhaafin waayeen, ayaa la weydiiyey, waalidkood, waxayse sheegeen inaysan waalid lahayn. Wuxuu ugu yeedhay, ciyaala suuq, saaqidiin ah, kuwii idin dhalay haddey idin soo fardeen, annagaa idin marineynaa waajibkiina!
Hanjabaadda ka imaneysa ninka gadhka weyn, qamiiska cad iyo cimaamadda guduudan xiran, ee tafaha gaaban, indhahana guduudan, qalbigooda waxay ka shidday dab holcaya, waxaanay arkeen inay ku jiraan gacan cadow, oo Ilaah maahine cid ka badbaadisa aysan garanayn.
Waxaa loogu hanjabay, haddaan maya tidhaahdaan, carrabkaa laydinka jarayaa, wax walba waa inaad, haa tidhaahdaan. Kadib waxaa loo soo gudbiyey qol kale, oo ay fadhiyaan dad badan, oo rag iyo dumar leh, iyagoo feedha qaawan, ayaa la soo geliyey. Waxaa la sheegay magacyadooda, ka dibna waxaa la sheegay fal dambiyoodkooda, laakiin, lama sheegin da’dooda, markii la qeexay, ayaa nin oday ah, oo Qaaddiga ahaa yidhi:
“Mar haddii ay yihiin dad qaangaadh ah, una badheedhay, boob iyo dhac, xukunkoodu waa sida ay qabto diintu, waana in lagu qaado, Xadka tuuggada oo ah, GACMA GOYN!”.
Hadalkaas markuu dhegahooda ku soo dhacay, ayaa waxaa naxdin la gariirey Dalmar, oo ku calaalay:
“Alla adeer maya Alla Adeer maya, Alla Adeer Ilaahay ka cabso!” Cabaad iyo oohin, Wallaahay manaan xadin, isla markiiba waxaa shaabuug kala daalay, mid arxan laawe ah oo meesha taagnaa.
Waxaa dadkii ka dhex kacay, nin dhallinyaro ah, oo markaas ka socday dhinaca saxaafadda, balse, is hayn waayey, oo yidhi:
“Sheekh maad weydiisid, carruurta da’dooda?” intaan arrintii laga hadlin, ayaa dad la dhacsan xukunkaa dulmiga ah, la soo boodeen:
“Waa Baaluq nimankani!”
Doolli ayaa qayliyey, walaahay 11 sanno ayaan jiraa, kanina waa iga yar yahay, walaahay waxba maanan xadin, waxoogaa guux ayaa dadkii galay, annaga darbi jiif ayaan nahay, Gaajaa noo geeysay, dadka wax boobaya ayaan aragnay, meeshana sidaasaan ku galnay.
Nin Odaya ayaa istaagay oo yidhi:
“Maw hadli karaa, maadaama aysan ahayn qaangaadh, diinteenuna aysan qabin in xukun lagu rido qof aan qaangaadh ahayn, sidoo kalena aysan jirin cid dammaanad qaaddanaysa dhibaatada ay geeysteen oo gudaysa?”.
Qaaddiga oo wejigiisa cadho badani ka muuqato ayaa yidhi:
“Maaha meeshani Maxkamadihii Cilmaaniga, ee waa Maxkamad Islaamiya, xukunkuna waa kan Kitaabka Alle!” Ugu dambayn, meeshii ayaa bullaan iyo buuq ka kacay, dadkiina laba ayay u safteen, qolo leh, carruurtan baahi baa u geeysay, dambiga lagu eedaynayo, iyo kuwa leh, daalin iyo tuug ayaad garab siineysaan, ka dib waxaa dib loo dhigay dacwadoodii, maadaama la gaadhay, waqtigii Salaadda Duhur oo ah waqtiga ugu dambeeya Xukunka.
Waxaa lagu soo xidhay qol weyn, oo ay ku jiraan maxaabiis badan, oo aan wax gogol ah dhexdiisa oollin, ka dib, Salaaddii Casar ayaa la soo saaray, waxaana lagu amrey inay tukadaan, balse, waxay sheegeen ineysan aqoon sida loo tukado, taasoo keentay inay ku muteystaan ciqaab culus ilaa lagu xidhay qolka ciqaabta gaarka ah, qol yar oo mugdi ah cidhiidhi ah oo aanu qofku fadhiisan karin, jiifsan karin, joogsan karin, waxaana looga buuxiyey biyo, sababta ciqaabtan loo mariyey ayaa ahayd, inaysan u hoggaansaneyn Allahooda, oo aysan Quraan iyo Salaad midna diyaar u ahayn, balse, laguma darin xisaabta inaysan aqoon ama helin cid barta.
Habeenkaas oo dhan waxaa ku socdey Dalmar iyo Doolli garaac iyo jidhdil, oo dhinacoodu dhulka diiday, markii dambena istaaggii xamili waayeen. Habeenkani wuxuu ahaa habeen ka dhib badan habeenno badan, oo bannaanka roob ku helay, balse, gabbaad iyo darbi qallalan ma aysan waayi jirin, iyo jawaan ay ka huwadaan dhaxanta iyo juubaha.
Waa dareen ku joog, maanta waxay dhegahoodu maqlayeen cabaadka, dadka gacmaha laga gooynayo, sidoo kale, waxay ogyihiin in kiiskooda lagu sheegay gacmo gooyn. Doolli ayaa qalbi adeygey, wuxuuna ku yidhi:
“Haddii gacmaha laynaga gooyo, waxaa ina caawin doona walaalaheen Hanad iyo Samataryare” Dalmarna oohin ayuu la dhacay, isagoo ka werweraya xanuunka iyo iyadoo ay noqon doonto, astaan ay ku digtaan dadka oo dhami, oo muujinaysa in tuugnimo looga jarey.
La Soco qaybaha kale.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr