Tab ama xeer mid uun ku taageer ubadkaaga Q1AAD W/Q: Nimco Noor

249ae97590b1f5431b9423c65ceb4992

Tab ama xeer mid uun ku taageer ubadkaaga Q1AAD

 

Culimada qaar ka mid ah markay ay ummadda wacdinayaan, waxay inta badan ka sheekeeyaan sida Ilaahay u cadaabo addoomadiisa ciddii ku kufrisa, oo awaamiirtiisa aan raacin, kuwaas oo muta cadaab darran. Waxay cod dheer ku cabbiraan qaabka uu yahay cadaabku, inta nooc uu u qaybsan yahay iyo qolo waliba sida loo ciqaabidoono.

Ololka naarta, mugdigeeda iyo cabsideeda goobta looga hadlayo cadaabta Rabbi, dadku ma dhaqdhaqaaqan, oo waa kuwo indhaha uun ka muluc mulucsiiya. Ma jira mid midka kale su’aal waydiiya. Mid kasta waxaa laabtiisa ku jirta, tolow adiga noocee laguu cadaabi? Mid walbana wuxuu soo xasuustaa danbiyadiisa, laabtuuna ka gubtaa. Baqdin iyo walwalbaa harreeya. Duni iyo hawsheed daqiiqadahaas meelbuu is ka dhigaa.

Sidoo kale marka culimada qayb ka mid ay sheekaynayaan Ilaahay iyo naxariistiisa iyo sida Rabbi u wanaagsan yahay, Jannooyinkiisa iyo quruxdooda, hablaha xuuraylcayta ee dhexjooga iyo wiilasha. Wabiyaasha ka la nooca ah, ee dhex durduraya, qaarkood malabka yihiin ee aan lagu laqanyoonayn, qaarkood caanaha yihiin, kuwana qamriga yihiin oo aan lagu miyirdoorsoomin.

Dadka goobtaas joogaa waxay dareemaan farxad iyo kalsooni, waxay niyaystaan, in ay haystaan Alle danbi-dhaafe ah, naxariis badan oo ay ku kalsoon yihiin. Waxaa qalbigooda ka baxa cabsida iyo walwalka. Waxay dareemaan, in gafkii ka dhacay uusan Rabbigood ku ciqaabayn oo markastoo ay u soo laabtaan una toobadkeenaan Rabbigood uu ku farxayo ayna yihiin addoomadiisa. Waxaa wajiyadooda ka muuqda farxad iyo dhoollo-caddayn, qof walba qofka u dhaw ayuu si farxadleh u yiraahdaa, “Ilaahay haddii uu kuwaas naga mid dhigo” rajadooda iyo naawilkooda ah, in Jannada Rabbi aan cidina ka xigin markaasi waa mid qof walba laabtiisa ku wayn, xataa haddii uusan ahayn mid ku fiican diinta, haddana wuxuu haystaa kalsooni ah Raxmadda Alle in lagu Jannogalo.

Sidaas si lamid ah, waalidiinta qaarkood waxay ubadkooda u yihiin Janno adduun, hiil iyo garab, mid ay is ku halleeyaan dhib iyo dheefna ay ku tiirsan yihiin. Hoy iyo gogol ay ku soo hirtaan, mid mustaqbalkooda u sii bidhaamiya tusa, oo tubta la jeexa. Markii gaf ka dhaco way hogotusaalweyaan wayna ka waaniyaan siyar oo daggan. Waxay dhex xulaan qalbiga ilmaha, waxayna si fudud ku helaan kalsoonidiisa. Haddii cunigoodu la soo darso caqabad way ka caawiyaan, ku ma cunaan ku mana cannantaan waxay ku cabbiraan waqtigoodii dhaallanyaronimada iyo waayaha ay soo mareen. Waxbarashadooda iyo mustaqbalka ilmhooda waa kuwo ay si fiican ooga baaran dagaan ka lana tashadaan. Waalidkaasi si fiican ayuu u yaqaan hayaanka nolosha.

Kuwa kalana waxay u la dhaqmaan, sidii in uu xabsi ku noolyahay. Way ciqaabaan waliba mid aysan ka mudnayn. U ma jajabna ka ma dhagaystaan cabashadooda. Waxay ku haaramaan hadba cillada ilmuhu leeyahay. Dhalliisha iyo eedayntuna waa u caado. Khaladkooda waxaa loogu jawaabaa habaar iyo garawshiiyo la’aan, aan marnaba loo cudurdaarin. Waa dhibbanayaal.

Ebyan waa 14jir waxay dhigataa dugsiga dhexe. Ka sokow, in ay ku jirto marxalladii qaangaarnimada, Ebyan waa gabar sharaarad badan. Waa gabar hanwayn oo aan sahal cidina ku loodin karin, macallin iyo saaxiib midna.

Waqtiga ay iskuulka joogto waxay ka la kulantaa dhibaato iyo dacwad badan, doodda ka dhextaagan iyada iyo iskuulku xad ma lahan. Waa tuke cambaaraysan. Gar iyo gardarro iyadaa danbiga leh, cid wax ka ma waydiiso waxa dhacay, haddii la su’aalana cid ay la garataa ma jirto. Af-garadkeedu waa mid aad u liita! Labo eray is ku ma toosin karto, macangagnimada iyo qallafsanaanta waxaa u dheer inaysan ku fiicnayan dhinac kasta oo waxbarashada ah.

Toddobaadkii ugu yaraan mar ama laba waxaa waalidkeed loo gudbiyaa dacwad, dhacdaba midda kale way ka xuntahay. Cashar ka ma soo shaqayso, qalabkii iskuulka barbaa maqan, ardayda ayay dhib ku haysaa xilliga xiisaddu socoto, hadalkeedu wuu badan yahay. 15 daqiiqadood ayay ka soo daahday waqtigii iskuulku billaabmayay, caajis iyo daal badan, ayaa ka muuqda inta xiisaddu socotay, saaka qof hebal ayay la dagaashay, macallinka ammarkiisa ayay diiday Iwm.

Dacawadahaas hooyadeed way dhibsatay, waxa kaliya ay samaysaa waa in ay Ebyan ciqaabtaa, waliba si xadka ka baxsan.

Naayaa!  Alla ku qaadye, maxaad tahay? Naa miyaadan dhago lahayn? Maalin walbaa ma dacwaa ii imaanaysa? Allah la qaadan xaggeen is ka kaa geeyaa?.

Habaarka, guulguulka iyo qaylada waxaa u dheer gacan qaadka. Awalba iskuul wax fiican ka ma aadan soo wadine ilmahaan iyo guriga ii hay, ayey hooyadu ku tiraa. Halkaas ayay hawshu ku soo uruurtay.

Ebyan ma jirto cid ay ka filanayso inay ka hesho garawshiiyo, waayo, waalidkeedii dad ugu dhawaa, marna si hoose u ma eegin waxa sabab u ah dhibka gabadhooda. Maysan raadin halka sartu ka quruntay, kaalmo iyo gargaarna ma aysan doonan dhugna u ma lahan, inay xal u helaan dhibka gabadhooda haysta. Ma fahansana in uu jiro, raadinta xal ku habboon caqabadahan oo kale, hadday ahaan lahayd cilmi diini iyo mid maaddiba.

Sidaa daraaddeed, Ebyan waxay nafteeda ku qancisay, awalba adiga uunbaa danbiile ahaa, ee waxaad awooddo samee, naftaadan ku difaac dagaal iyo qaylo, ma kolbaa cidi kuu garaabaysay. Marna ka ma fakarto, maxaa ka iman kara ficilkaaagan? Waxay is ku ciilkaambidaa, maxaa kaa dhaliyay qoyskan aan marnaba ku difaacayn, aadan marnaba hiillo iyo garab ka helayn?.

Marnaba ma eyan waraysan gabdhooda. Ma jiro qorshe u dagsan qoyska hab noloeedkooda, xilliga hurdada, cuntada iyo wada sheekaysi ama saacado ay ka wada hadlaan caqabadahan haysta gabdhooda.

Ebyan waalidkeed maahan kuwo aqoon u leh korriimada carruurta iyo noloshan qurbaha midna. Ma lahan wax xiriir iyo is ku dhawaansho, marka laga reebo inay waydiiso, wax ma cuntay? Taas oo inta badan mihiim ay u arkaan waalidka Somaalida qaarkood, balse, marka la barbardhigo waalidiinta reer Yurub aysan mihiimad sidaas u wayn u arag, haddii uu hal qaaddo afka gashto ilmuhu iyagu way ku qancaan. Koriimad jirka iyo midda caqliga iyo garashada waa labo xaalo oo mid waliba mihiimaddeeda leh, ayna tahay in midba munaasibkeeda ay hesho.

Berrito waxay ballan ku leeyihiin iskuulka. Waxaa halkaas ku sugaya turjubaan si macallimiintu ugu soo gudbiyaan warbixinta laga diyaariyay gabadhooda. Xaadsan markuu waagu baryay waxay billowday hiif iyo kahsi:

“bal maxaa aniga iyo iskoolkaan iskeen baday! Sow tan maahan! Ma anigaa maalin walba gaaladan ii wici lahaayeen, haddii ay qummayadan si fiican u dhaqmi lahayd!”

Xaadsan markay la kulantay macalimiintii u ma aysan gudbin aragtideeda ku aaddan, in gabadhu aysan mar walba ahayn mid iyada uun khaldan. Ma aysan la doodin waxa sababay is ku dhacyadan tirada badan. Balse, waxay daabka la fuushay gabadheeda una nisbeeyeen, inay tahay inkaarqabto reerka hah kaga siisay.

Ebyan wax niyad ah u ma hayso iskuulka, waxa kaliya, oo ay sugaysaa waa in mar uun ay dugsiga dhexe dhammayso, maadama ay ku qasban tahay oo haddii ay diiddo waxbarashada qasabka ah waalidkeed laga la wareegayo. Wax qorshe ah u ma diyaarsana mustaqbalkeeda waxbarasho, balse, waxay ku hammisaa waa Allow mar uun galaaska sagaalaad maan ka baxo, waanba is ka shaqaysan lahaa kol aan waayeelka riixona.

Ebyan yaraanteedii xilligii carruurnimadeedii ee ay xannaanad joogtay. Waxaa dhawr jeer loo keenay, in baaritaan dhanka maskaxda ah loo diro, si loo ogaado, in ay jiraan baahiyo dheeraad ah. Macallimiinta xannaanad waxay dareemeen, in Ebyan ay ka mid tahay carruuraha baahiyaha gaarkaa qaba, aysanna aadi karin fasal caadi ah. Is ku dayo badan iyo xiriir ay la sameeyeen waalidkeed midna ku ma aysan guulaysan, in ay wax ka qabtaan arrinta Ebyan waalidka, oo aad ooga soo horjeestay, sheegayna in gabadhoodu ay caafimaad qabto aysan u baahnayn wax cilminafsi ah.

Ka ma aysan faa’iidaysan waqtigii ay gabadhoodu wax ka qabashada lahayd. Waxaa diyaar loo la ahaa, inay hesho qaybo ka la duwan, ee THERAPY ah, balse, nasiibdarro taasi way seegatay Ebyan oo mey helin cid la tacaasha.

La soco qaybta labaad.

W/Q: Nimco Noor

SHEEKOOYIN