WAA LABO ADDUUN | W.Q. Cali M. Diini

WAA LABO ADDUUN
W.Q. Cali M. Diini

 

Waa uu ka naxay. In kasta oo uu arko in shaqadu biyaajo dheer tahay haddana waa uu ka naxay; magaca meesha ay taal iyo codka ka soo baxaya shaashadda ay ka muuqataaba waa ka nixiyeen. Ma qabataa, ma iska dhaaftaa? Ayuu Guuleed ku labalabeeyay. Cabbaar buu daawaday shaashadda kombiyuutarka hoolhoolmay ee daashboodhka (dashboard) gaariga ku rakiban. Goor shaqadii iska noqon rabto ayuu shaashaddii riixay. Waxa uu eegay magaca qofka tagsiga dalbaday; waa Cheng oo raba in laga soo qaado hoteelka Beachfront ee sii dhuganaya badweynta Hindiya, ee xeebta degmada Kottesloo (Cottessloe); waxa uu na rabaa in la geeyo degmada Mandurah oo jirta fogaan ilaa 80km ah, bannaanka magaalada Perth. Waa biyaajo tagsiluhu ka helayo lacag ku dhow intii uu maalintii oo dhan shaqayn lahaa.

Weli waa uu labalabaynayaa. In uu kansalo shaqada iyo in uu aado oo Cheng soo qaado ayuu isku hayaa. “Ma jecli degmadaas iyo dadka degganba. Waa goob i xusuusisa adduun hore iyo nolol hore, dadkeeduna waa dad islawayn, haddana su’aalo badan. Wayddiimo maalaayacni ah iyo hadallo dheregdhacsi u badan bay kugu dhegobarjaynayaan,” ayuu Guuleed naftiisa kula faqay asaga oo weli aan go’aan ka gaarin in uu shaqada aado iyo in kale.

Ugu dambayn asaga oo aan niyadsamayn balse ku dhici waayay in uu lacagtaas badan baylihiyo ayuu dhankii Kottesloo shukaanta u jalleeciyay.

Waa dhammaadka Oktoober oo ka mid ah gooraha cimilada Perth ugu wacan tahay. Qorraxdu kul daran oo hagoog iyo hoos u baahan ma soo daacayso. Cirku ma aha caddaysin ee waxaa saaran daruuro teelteel ah oo cadarkoodu mar mar dadka bacaadka badda gebran ku hagooganayo. Dhanka koofureed waxaa ka sii muuqda daruuro cufan oo roob laga filan karo, kuwaas oo aad mooddid kurusyada korommo cayilay oo banankii Mudug daaqaya. Dabayl darani dhici mayso, huur ku cabburiyaana ma jiro. Dhirtu waa wada ubax iyo doog cagaaran dhulkuna waa wada ilo qulqulya iyo waro halcanaya. Maalmahan oo kale Perth waa jannadii dunida dadkana hadalkooda waxaa ku badan ammaanta cimilada magaalada. Rag matatayaal xiran iyo dumar candhasaab aad dabagelid mooddo gumaaarka ugu maran yahay baa xeebaha dabaasha tuuran. Maqaaxiyaha bunka, buskeetiga iyo biirtuna waa xarigmar. Kalaabyada iyo baararka habeenkii lagu caweeyo ayaga warkooda daa; waxaad mooddaa in dadka ka buuxa gebigooduba waalwaalan yihiin.

Kottesloo in ay ka mid tahay degmooyinka ugu hodansan Perth waxa uu dheer xeebta cammuudda ah ee biyaheedu qandaca yihiin iyo hoteellada dalxiiska iyo raaxada ee xaaxiga xeebtaa ku teedsan. Sidaa awgeed Guuleed waa uu og yahay mashquulka iyo ciriiriga ka jira Kottesloo maanta oo kale. Tirabadnida baabuurta laamiga susumaysa iyo hirarka dadka ah ee barkood xeebta ku sii qoodaynayaan barkoodna fulliinka ka soo yihiin, iyo boqollaalka kale ee hoteellada, maqaaxiyaha iyo baararka aroorka ku sii ahi ma aha waxa uu jeclaysanayo tagsile camalxun, sida Guuleed.

Sideedaba Guuleed ma jecla ka tagsilaynta degmooyinka Kottesloo ka midka tahay, inta uu awoodana waa uu ka warwareegaa. Sababtu waa in goobahani xusuusiyaan nolol Guuleed beri hore ku noolaan jiray, mar walba oo uu goobahan yimaadana noloshii adduunkaas hore ayuu dib u gocdaa, markaas baa shucuurtiisu isbeddashaa. Mar inta uu niyadjabo ayuu quus iyo aayoxumo dareemaa. Marna waa uu caroodaa, markaas buu lacnadaa dadkii noloshaas ka burburiyay. Mar kalena waxa uu ismoodaa in uu yahay xaasid ka xun bashbashta iyo barwaaqada ay haystaan ummaddan asaga oo qaxooti ah inta soo dhoweysay misana hugga iyo hoyga iyo shaqada ugu dartay. Waxaa u sawirma dadkaas oo inta hal mar soo eegay ku leh: “Abaallaawayahow xaasidka ah ma markii adiga oo dub madow ee dayaca iyo darxumada lagu moodo reer aakhiraad aan xero qaxooti kuu oodnayd, dabadeed biyo iyo baad ku siinnay oo nafta kugu soo celinnay, misana diyaarad ku soo saarnay oo intaan kuu qubannay hoy iyo hu ku siinnay baad inoo quuri wayday in aad tagsiga aan ku siinnay si edeb leh inoogu daabbusho? Oo weliba waad inoo ciilqabtaa oo il xun baad innagu eegaysaa.”

Markaas buu uurka iyo oogada ka ololaa niyaddana dadkaas kala hadlaa:
“Arrintuba halka ay ka quruntay waa halkaa. Waa aragtidiinnaas xun ee liididda, quursiga, iyo abaalsheegadka miiran ah. Qofkii aad maalin koob biyo ah siisaanba ilaa aakhiro ayaad ka daba yuustaan. Haddana waxa aadba aaminsan tihiin in qofkaas aad galaaska biyaha ah siiseen uu noloshiisa oo idil ahaado addoon iyo jaariyad aad leedihiin. U mana malaysaan in qofkani hortiin ahaa qof garaad iyo aqoon tiina la mid ah leh ee uusan ahayn dugaag aad duurka ka soo qabateen. Mana ogidiin in aan ka dhashay ummad ilbaxnimo iyo aqoon lahayd idinka oo aan jirin ama xilli idinka oo qaaqaawan aad miraha ka guranayseen kaymaha Yurub.”

“Waa labo adduun, waa labo nololood. Annaga iyo idinku shalay labo adduun baan ku kala noolayn maantana labo adduun baan ku kala nool nahay,” ayuu isla hadalkiisi ku soo gunaanadaa.

Waa labo adduun! Sow Guuleed ba maanta tagsile maaha? Waa labo adduun!

Guuleed waa lixdan iyo labo jir. Soddon iyo labo sano oo noloshiisa ka mid ah waxa uu ku noolaa labadaa adduun kan dambe, nolosha Australia, halka soddonkii hore uu ku noolaa adduunka hadda gujada ku haya. Aabbihii waxa uu ahaa jeneraal ciidanka Soomaaliya ka mid ah. Guuleed waxa uu dhashay habeenkii Soomaaliya dhalatay; asaga iyo Jumhuuriyaddii Soomaalidu waxa ay dhasheen isku habeen, isku saacad. Sababtaa ayaa aabbihii Guuleed ugu magacaabay. Maadaama aabbihii ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee qarankii Jamhuuriyaddii Soomaalidu yeesho, labo maalin dhalashadiisi ka dib waxaa qoyska u yimid madaxweynihii dalka si uu jeneraalka iyo curadkiisi ugu hambalyeeyo. Guuleed oo labo beri jira ayuu madaxweynihii dalku inta labada gacmood ku qabtay oo dabtiisa saaray aabbihiina ku yiri “idanka Eebbe, Guuleed waxa uu ka mid noqon doonaa jiilka saddexaad ee hoggaanka qarankan kala wareegi doona jiilka aad adigu ka midka tahay; jiilka aan ka midka ahay ee hoggaanka qaranka maanta haya waajibkeennu waa in qarankan oo midaysan, barwaaqo ah horusocodna aan hoggaankiisa u dhiibno jiilka aad adigu ka mid tahay. Idinkuna si taa la mid ah waa in qarankan oo ka qurux badan sidii la idinkugu dhiibay aad hoggaankiisa ku sintaan Guuleed iyo jiilkiisa”.

Guuleed waxa uu ahaa wiilkaas gacmihii madaxweynuhu kor u qaadeen; waxa uu ku ababay gurigaas madaxweynihii qaranku booqashada ku tagi jiray. Waxa uu ku koray guri ku yaal mid ka mid ah degmooyinkii Muqdisho ugu hodansanaa. Waxa uu ku koray aqal deris la ah aqallada madaxda iyo hoggaanka dalka. In kasta oo Guuleed aabbihii uusan berigii Guuleed dhashay hanti badan haysan haddana derajadiisi ciidan iyo maamuuskii berigaa ciidanka qaranku lahaa ayaa ugooyay in uu degmadaa dego. Yeelkeede, goortii Guuleed qaangaaray aabbihii keliya kama mid ahayn madaxda millateriga dalka balse sidaa oo kale waxa uu ka mid ahaa dadka dalka oo dhan ugu hodansan uguna nolol wacan. Sidaa daraaddeed, Guuleed markii uu qaangaarayba waxa uu ka mid noqday barbaarta ladan ee aan laga waayin goobaha raaxada iyo madadaalada ee Muqdisho. Asaga oo aan dugsiga sare dhammayn buu Guuleed ka mid noqday macaamiisha goobaha cawayska iyo hoteellada magaalada ugu caansan. Guuleed iyo saaxiibbadii inta ay rugaha waxbarashada joogaan waxaa ka badnaa inta ay goobaha baashaalka fadhiyaan iyo inta ay gabdhaha magaalada ugaarsanayaan. Sidaa oo ay tahay haddana Guuleed imtixaankii dugsiga sare dhibco sare ayuu ku baramoosay si dhib yarna Jaamacadda Ummadda ayaa u aqbashay. Dabcan Guuleed iyo qoyskiisuba ma moogayn nuxnuxda dadku isugu warramaan taas oo ah in Guuleed iyo saaxiibbadii, ubadka madaxda dalku dhaleen, imtixaanka loo musuqay. Dugsigii sare ka dib Guuleed baashaalkii ayuu sii labalaabay, in kasta oo uu arday jaamacadeed ahaa. Haddii Guuleed balwaddiisu horay ugu koobnayd ugaarsiga hablaha magaalada iyo cabbista khamriga, imminka waa uu dallacay. Waa kaas guri fillo ah kiraystay ee khamriga, jaadka, xashiishka iyo xaliimooyinka sida balliga ugu dabaalanaya. Mar walba oo balwadda Guuleed sii karaarqaadataba waxaa si taa la mid ah sii kordhayey hantida aabbihii ilaa Muqdisho oo dhan isku sheegtay hodantinnimada jeneraal Jujuub; in kasta oo jeneraalku uusan weligii ganacsade noqon shaqadiisuna ahay taliye ciidan oo hoggaanka millateriga ka mid ah. Dabcan Guuleed kama war la’ayn xanta suuqa ee aabbihii ku eedaynaysa musuqmaasuq ay ka mid yihiin boobka iyo dhaca hantida muwaaddiniinta, handadaadda ganacsatada, laaluush gurasho iyo afduubidda dad shacab ah oo inta qarandumisnimo lagu eedeeyo dabadeedna madaxfurasho laga qaato. Sidaa oo ay tahay, haddana ma jirin qof ku dhaca in uu eedadahaas Guuleed hortiisa ka sheego. Guuleed na in kasta oo uu ku baraarugsanaa oo dareenkiisa guduhu dhawr goor si lamafilaan ah u xantaxanteeyay farta ku godan hantidaa faraha badan ee qoyska ku soo shubmaysa, haddana weligii inta uu si dhab ah ugu fiirsaday wayddiin ma uusan saarin akhlaaqda aabbihii iyo xalaalnimada xoolihiisa xad’dhaafka ah.

Guuleed, asaga oo adduunkaasi isugu qoofalan yahay ayuu jaamacaddii dhammeeyay, weliba buundooyin sare ku baramoosay. Dabadeed talada iyo go’aanka aabbihii darteed baa Guuleed wasaaradda maaliyadda shaqo laga siiyay. Shaqo uusan baahi u qabin bay ahayd. Yeelkeede, maadaama aysan baahi shaqo wasaaradda ka jirin oo shaqaalaha badankoodu iska dhex fadhfadhiyi jireen xafiisyada wasaaradda, haddii ay ka jirtayna ayan ahayn shaqo Guuleed qaban karay oo uu aqoonteeda leeyahay, misana Guuleed wax shiddo ah kuma qabin in toddobaadkiiba uu hal maalin wasaaradda tago mushaarka ugu badanna qaato. Mushaarka qudhiisa baahi u ma uusan qabin, haddana in uu iska qaato qudheedu Guuleed shiddo kuma hayn.

Guuleed oo adduunkaa dhexdabaalanaya ayaa mar qur ah musiibo madoobi samada kaga soo dhacday. Mashaqo uusan abidkii filan baa si lamafilaan ah adduunkiisi madaxa ugu rogtay noloshiisina afgambiday. Rasaastii koowaad ee dagaalkii sokeeye ee Muqdisho ka dhacday waxa ay leeftay aabbihii, jeneraal Jujuub, madfacii koowaadna waxa uu digo iyo dambas ka dhigay gurigii qoyskiisa. Maydkii aabbihii oo laamiga gurigooda hormara bilqan buu Guuleed cagaha wax ka dayey. Hooyadii iyo walaalihii asaga oo aan gadaal u dhugan buu iska laalaadiyay duullimaadyadii Soomaali Airline kii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka haada, bilooyin ka dib na waxa uu ka soo jeestay Perth Australia.

Markii uu Perth yimid waxaa la dejiyay guri qol iyo musqul ka kooban waxaa na loo qoray lacag yar oo uu badarka iyo bas raaca isaga debbaro. Gu’ dhan oo dhammaaday buu qolkaa ku qabbirnaa asaga oo in uu waalan yahay iyo in uu fayow yahay aan la kala garan. Cidna u ma timaaddo asaguna ma raadsado. Bil ama ka badan markii la joogo ayaa hooyadii Kenya ka soo wacdaa. Gugaas uu qolka ku xirnaa waxa keliya ee uu faa’iday waa in uusan gugaas oo dhan khamri cabbin xashiishna duuban. Mindhaa lacag buu u waayay. Dabadeed dawladda Australia ayaa hooyadii iyo walaalihii Perth ugu keentay; asagu ma uusan dalban ee qaddarkaa go’aamiyay in Hay’adda Qaxootiga Australia ay Perth keento; laga yaabee in habartu markii dacwada laga qorayay ay sheegtay in wiilkeedu halkaa ku nool yahay.

Qoyska waxaa la socotay Hufan oo duqdu eeddo u tahay. Hal dabshid imaanshihii qoyska ka dib, waxaa la isu aroosiyey Hufan iyo Guuleed; kharashka aroosku ma ahayn mid Australia laga tabcay ee waxa uu ahaa haraaddigii hantidii jeneraal Jujuub oo habartu faraqa ku soo guntatay intii aysan Muqdisho ka soo qaxin.

Maanta curadda Guuleed iyo Hufan soddon bay madaxa sii gelinaysaa. Afar ayada ka yar yar iyo qoyskaba ayadaa dabka u shidda. Waa dhakhtarad cilminafsiga ku takhasusutay. Wiilkii ayada ku xigay lixdii sano ee u dambaysay qolkiisa kama uusan soo bixin marka laga reebo habeenkii saqdadhexe oo goortii qoysku seexdo uu sidii tuuggii jikada ugu soo dhuunto. Lacagta cayrta ee la siiyo xashiish buu soo siistaa bariiskana asaga oo karsan buu kala soo baxaa firiijka ay hooyadii ugu diyaarisay. Marar badan baa walaashii la talisay in uu sida isu dhaamo laakiin dedaalkeedi xoog doofaar lagu eryay buu noqday. Marar badan baa hooyadii iyo walaashii ku kala dhiman gaareen asaga dartii. Laakiin inta hooyadii nooshay dawladda Australia na cayrta siinayso dhankaa kama uu welwelayo.

Guuleed asagu awr rarmo days ah waxba ma dhaamo. Qoysku talo iyo tusaale midna ma warsado asaguna lama doonto u ma na doonto. Maalintii gelinka dambe iyo habeenkii gelinka hore tagsi buu ku shaqaystaa waxa uu kala soo baxaana qaadkiisa iyo sigaarkiisa, iyo hawlo kale oo u qarsoon ma soo dhaafaan. Waa lixdan iyo dhawr jir calooshiisa iyo cisalkiisa u nool. Dhawr iyo labaatankii sano ee tagtayba, iyo xataa ka horba ama noloshiisa oo dhanba tabtaa ayuu Guuleed ahaa.
Tobanka habeennimo marka uu tagsiga ka soo dego waxa uu abbaaraa marfashka qayilaadda halkaa oo uu ilaa waagu dillaacayo fadhiyo. Mawduuca marfashku waa siyaasadda Soomaaliya iyo qabyaalad. Inta badan muranku waxa uu u dhexeeyaa labo qolo: qolo ay dawladdii Soomaaliya ka duntay oo ayaga oo barwaaqo durduuranaya duul habaarani hilfaha u qaadeen, iyo qolo isu taqaanna dumiyayaashii dulmiga. Guuleed qolada hore ayuu ku jiraa. Wax walba oo dhacay waxa uu dusha u saaraa qolada dambe; hortood wax walba waa wanaagsanaayeen, dalku barwaaqo ayuu ahaa dadkiisuna baraare ayay dhexjiifeen. Asaga oo afka xumbaynaya ayuu tiriyaa goobihii raaxada ee Muqdisho ee uu habeen walba ku cawayn jiray iyo baabuurtii uu midba maalin ku xarragoon jiray. Waxa uu ka sheekeeyaa waagii asaga oo baasaboor Soomaali ah sita oo Soomaali Airline saaran uu dalxiistegi jiray dalal Talyaaniga iyo Faransiisku ka mid yihiin. “Aaway sharaftii iyo qabkii aan lahaan jirnay? Meeday Soomaali Airline? Baasaboorkeenni iyo lacagteenni maanta maxaa qiime ah oo ay leeyihiin sow xaashiga suuliyadu kama qiime badna? Curubo, Jubba iyo goobihii kale ee quruxda badnaa sow caawa qashinqub ma aha? Sidii aan ahaan jirnay iyo maanta halka aan joogno Sow labo adduun ma aha?” Iyo wayddiimo kale ayuu cadowgiisa ku hurgufaa. Dhab ahaantii wayddiimaha noocaas ah iyo hadallada la midka ah Guuleed nafis buu ku dareemaa marka uu dareenka cadowgiisa ku xanuujiyo boogahoodana ku daqninayo. In kasta oo marar qaarkood kashiisu u sheegto farriimo dooddiisa lid ku ah sida ‘haddaad adigu ladnayd oo barwaaqo durduuranaysey dadka dalka badankiisu beerkay dhulka ku hayeen. Ma og tahay halka ay ka timid hantidii aabbahaa haystay? Haddii adiga adduunkaasi kuu wacnaa dad buu wanjalayay haddaad dalxiisi jirtayna dad baa jiray diifkoodu quud u ahaa.’ Haddana Guuleed taa kama garaabo ee waa uu ismoogaysiiyaa.

Kolkii Guuleed hor istaagay hoteelkii Beachfront waxaa kursiga hore u soo fadhiistay nin da’ lixdanaad ah oo muuqaalkii Guuleed maanka ku hayay leh. Dhawr tallaabo markii baabuurku taayirka geddiyay ayuu Guuleed Cheng wayddiiyay su’aal ka mid ah labada su’aalood ee tagsilayaasha aan caddaanka ahayni ugu neeb yihiin in la wayddiiyo: Busy day? Iyo where are you come from? Aad buu Guuleed labadaa su’aalood u neceb yahay. Sidaa daraaddeed buu waayahan dambe bilaabay taaktiko cusub oo ah in uu asagu wayddiimaha ku horreeyo, intii asaga la wayddiin lahaa.
“Singapore baan ka imid, adiguna Guuleed?” ayay warcelintii Cheng noqotay.
“Soomaaliya.”
“Hagaag. Waan garanayaa Soomaaliya. Sannadkii 1980kii ayaan tagey.”
“Oo maxaad ka doontay?”
“Hagaag. Wafdi dawladda Singapore halkaa u dirtay ayaan ka mid ahaa. Waxaa na loo sheegay Soomaaliya ay ka noqotay nidaamkii hantiwadaagga dawladda Soomaaliya na go’aansatay in ay dhaqaalaheeda furfurto. Sidaa awgeed baa dawladda Singapore halkaa u dirtay wafdi ka socday Hay’adda Maalgashiga Singapore si fursado aan maalgashan karno u soo indha’indhaynno.”
“Dabadeed maxaa dhacay? Fursadihii ma hesheen?”
“Maya. Markii aan dalka tagnay oo gobollo badan marnay amakaag baa nagu dhacay dabadeedna annaga oo niyadjabsan baan iska soo noqonnay.”
“Oo maxaa dhacay, oo aad la amakaagteen?”
“Waxa aan aragnay dal saboolnimadu saloolatay dadkiisuna baahi iyo jahli dhexmaquurnayaan. Dal aan lahayn hay’ado garsoor oo muwaaddinku u cawdo, iska dhaaf in shisheeye maalgashade ahi aaminee. Waxa aan soo aragnay dal musuqu muunad lagu tartamo yahay. Weli waxa aan xusuustaa su’aal uu na wayddiiyay ninkii wafdigeenna hoggaaminayay taas oo ahayd: “Waar heedhahaya nimanka dalkan xukumaa ma cadow shisheeye oo dalka gumaysi ku haystaa?” Runtii, ninkaas madaxda inoo ahaa wayddiintiisu gar bay ahayd, maxaayeelay taliska Soomaaliya xukumayay ee aan soo aragnay waxba kaga ma duwanayn cadow shisheeye oo Soomaaliya duullaan gumaysi ku qabsaday.”

Hadalkaasi aad buu dareenka Guuleed u dhaawacay waxa uu na dareemay xanaaq daran balse uusan muujin karin; waxa uu na raagsaday inta uu Cheng ku dejinayo halkii uu u socday. Guuleed waa uu cabburmay hadalkiina soo gaagaabshay.

Waxa ay gaareen halkii Cheng u socday, dabadeedna labo boqol oo doollar buu Cheng Guuleed u dhiibay dabadeedna macsalaameeyay.

Asaga oo aan halkii ka dhaqaaqin buu Guuleed moobeelkiisi caaqilka ahaa la soo baxay ka gadaalna inta uu Google Maps furay buu ku qoray ‘near by brothel.’ Tobaneeyo goobood oo maabku tusay tii ugu dhowayd buu shukaantii baabuurka u duway. Waagii uu Xamar joogay waa uu iskala waynaan jiray oo ka qashaafi jiray booqashada goobaha noocaan oo kale ah, waayo waxa uu lahaa fillo qurux badan oo habeen walba loogu keeno gashaanti aan gacan hore soo marin oo miskaheeda geeyo la moodo. Laakiin, caawa taasi waa adduun hore iyo xusuus hore oo keliya un. Sidaa un bay xusuus hore u ahayd soddon iyo labadii sano ee tagtay. Waa labo adduun!

Toban daqiiqo ka dib asaga oo guryamaya buu baabuurkiisi ku soo noqday. “Lacnadi ha ku dhacdo. Shiinays xun oo uraysa oo aan lud iyo laf toona lahayn bay ahayd. Aadaarkeeda foosha xun ee bugta iyo iska keenkeenka ah bay boqol doollar iga ga qaadatay. Uf! Lacnadi kugu dhacday. Lacnadi ha ku dhacdo. Waa labo adduun, waa labo adduun.” Asaga oo ku wardinaya ayuu dhankii marfashka afka saaray. Waa labo adduun!

Dhammaad

SHEEKOOYIN