Waa maxay Federal?
Markaan fiirino qaabka Federalka Mareykanka, waxaad dareemeysaa in aanu hal sano iyo wax la mid ah ku dhismin, laakiin, wakhtiyo kala duwan uu soo maray, ilaa maantana wax lagu daro ama laga jaro Dastuurka ay leeyihiin 50 ka state uu ka kooban yahay Mareykanka.
Waxaa Midnimada billaabay 13 State sanadu markey aheyd 1732, kuwaas oo kala ah 1.Connecticut 2.Delaware 3.Georgia 4.Maryland 5.Massachusetts 6.North Carolina 7.New Hampshire 8.New Jersey 9.New York 10.Pennsylvania 11.Rhode Island 12.South Carolina 13.Virginia.
Waxey la bexeen 13 colonies, kuwaas oo ku wada yaaleen dhanka Bariga Mareykanka, iskuna xushay luqada ingiriiska iney ku wada hadlaanyeen, wixii ka dambeeyay Gobol gobol ayaa loogu soo biiray, waxaana ugu dambeeyay Alaska iyo Hawaii oo soo galay 1959.
Waxaa Dastuurka Mareykanka ku dhaqankiisa billaabay Madaxweyne James Madison oo loogu yeero Aabbaha dhaqangalka Dastuurka, sanadi (1809-1812) laakiin waxaa qoray Madaxweynihi ka horreeyay Thomas Jefferson (1801-1809).
Maxey ka siman yihiin 50ka Gobol ee midoobay? Maxeyna ku kala duwan yihiin?.
Waxey laga wada simay iney Golaha Baarlanaanka min Laba Sanetor ku soo darsadaan Gobol kasta, taas oo ah 50×2=100 Aqlka Odayaasha ama senetor, laakiin waxey ku kala duwan yihiin tirada (house representativies) Aqalka wakiilada, Aqalkaas oo loo qeybsaday tirada dadka
ku nool gobolka inta ay leg yihiin, tusaale Gobolka California wuxuu leeyahay 2 senetor iyo 53 house oo ah 55 Mudane, halka Goloka Montana uu ka leeyahay 2 senetor iyo hal house oo ah 3 Mudane, waayoo California waxaa ku nool dad gaaraaya 37,253,956 tiridi 2010 la sameeyay, halka Montana ay ku nool yihiin 989,415 qofood, markaan ka fiirino dhanka baaxada dhulka Gobolka New York baaxadiisu waa 141,741 km oo laba jibaaran, halka dadka ku nool ay ka badayihiin Montana oo baaxada dhulkeedu uu yahay 381,000 km oo laba jibaaran, Montana waa Gobolka 4aad ee ugu weyn gobolada Mareykanka, sidaa ay tahay New Yorka ayaa leh 2 senetor iyo 27 house waayoo waxaa ku nool dad gaaraaya 19,378,102 qofood, siddaa daraadeed waxey Montana raali ku tahay iney Baarlamaanka u soo dirsadaan 3 qofood halka New Jersey oo dhulkoodu yahay 22,000 oo km ay 14 qofood kaga darsato Baarlamaanka..
Waa kan taxa Tirada dadka, Bedka iyo Tirada Baarlamaanka 50 ka Gobol ee Mareykanka.
01.Alabama Dadka 4,779,736, Bedka 135,765 sq km, congress 9 qofood
02.Alaska…. Dadka 710,000, Bedka 1,717,854 sq km, congress 3 qofood
03.Arizona…Dadka 6,392,017, Bedka 295,254 sq.km, congress 11 qofood
04.Arkansas Dadka 2,915,918, Bedka 137,730 sq km, congress 6 qofood
05.California Dadka 37,253,956, Bedka 424,200 sq,km, congress 55 qofood
06.Colorado Dadka 5,029,196, Bedka 296,600 sq km, congress 9 qofood
07.Connecticut Dad 3,574,097, Bedka 14,356 sq km, congress 7 qofood
08.Delaware Dadka 897,934, Bedka 6,446 sq km, congress 3 qofood
09.Florida Dadka 18,801,310, Bedka 170,305 sq km, congress 29 qofood
10.Georgia Dadka 9,687,653, Bedka 153,910 sq km, congress 16 qofood
11.Hawaii Dadka 1,360,301, Bedka 28,311 sq km, congress 4 qofood
12.Idaho Dadka 1,567,582, Bedka 216,445 sq km, congress 4 qofood
13.Illinois Dadka 12,830,632, Bedka 149,997 sq km, congress 20 qofood
14.Indiana Dadka 6,483,802, Bedka 94,322 sq km, congress 11 qofood
15.Iowa Dadka 3,046,355, Bedka 145,741 sq km, congress 6 qofood
16.Kansas Dadka 2,853,118, Bedka 213,096 sq km, congress 6 qofood
17.Kentucky Dadka 4,339,367, Bedka 104,659 sq km, congress 8 qofood
18.Louisiana Dadka 4,533,372, Bedka 134,265 sq km, congress 8 qofood
19.Maine Dadka 1,328,361, Bedka 91,647 sq km, congress 4 qofood
20.Maryland Dadka 5,773,552, Bedka 32,134 sq km, congress 10 qofood
21.Massachu. Dadka 6,547,629, Bedka 27,335 sq km, congress 11 qofood
22.Michigan Dadka 9,883,640, Bedka 250,493 sq km, congress 16 qofood
23.Minnesota Dadka 5,303,925, Bedka 225,171 sq km, congress 10 qofood
24.Mississippi Dadka 2,967,297, Bedka 125,433 sq km, congress 6 qofood
25.Missouri Dadka 5,988,927, Bedka 180,532 sq km, congress 10 qofood
26.Montana Dadka 989,415, Bedka 380,837 sq km, congress 3 qofood
27. Nebraska Dadka 1,826,341, Bedka 200,346 sq km, congress 5 qofood
28.Nevada Dadka 2,700,551, Bedka 286,352 sq km, congress 6 qofood
29.New Hampsh. Dad 1,316,470, Bedka 24, 216 sq km, congress 4 qofood
30.New Jersey Dadka 8,791,894, Bedka 22,587 sq km, congress 14 qofood
31.New Mexico Dadka 2,059,179, Bedka 314,914 sq km, congress 5 qofood
32.New York Dadka 19,378,102, Bedka 141,325 sq km, congress 29 qofood
33.N. Carolina Dadka 9,535,483, Bedka 139,988 sq km, congress 15 qofood
34.N. Dakota Dadka 672,591, Bedka 183,112 sq km, congress 3 qofood
35.Ohio Dadka 11,536,504, Bedka 116,096 sq km, congress 18 qofood
36.Oklahoma Dadka 3,751,351, Bedka 181,035 sq km, congress 7 qofood
37.Oregon Dadka 3,831,074, Bedka 254,803 sq km, congress 7 qofood
38.Pennsylvania Dadka 12,702,379, Bedka 119,282 sq km, congress 20 qofood
39.Rhode Island Dadka 1,052,567, Bedka 4,001 sq km, congress 4 qofood
40.South Carolina Dadka 4,625,364, Bedka 82,931 sq km, congress 9 qofood
41.South Dakota Dadka 814,180, Bedka 199,730 sq km, congress 3 qofood
42.Tennessee Dadka 6,346,105, Bedka 109,150 sq km, congress 11 qofood
43.Texas Dadka 25,145,561, Bedka 696,241 sq km, congress 38 qofood
44.Utah Dadka 2,763,885, Bedka 219,887 sq km, congress 6 qofood
45.Vermont Dadka 625,741, Bedka 24,900 sq km, congress 3 qofood
46.Virginia Dadka 8,001,024, Bedka 110,784 sq km, congress 13 qofood
47.Washington Dadka 6,724,540, Bedka 184,666 sq km, congress 12 qofood
48.W.Virginia Dadka 1,852,994, Bedka 62,755 sq km, congress 5 qofood
49.Wisconsin Dadka 5,686,986, Bedka 169,639 sq km, congress 10 qofood
50.Wyoming Dadka 563,626, Bedka 253,334 sq km, congress 3 qofood
Tirada guud ee Baarlamaanka waa 535, laakiin dhibcooyinka la xisaabiyo doorashada Madaxweynaha waa 538 dhibcood oo uu Gobol walba leeyahay inta Baarlamaanka ugu jirto, waxaa dheer 3 dhibcood oo ah District of Columbia taasoo ah halka Madaxtooyadu ku taalo, tirada dadka ku nool waa 601,723 qofood, Bedka ay ku fadhido waa 176 sq km.
Qofka ku guuleysanaaya Madaxweynenimada waxaa laga rabaa 270 dhibcood, waxaa jira Gobolo loo yaqaano Blue States iyo Red States oo kala doorta Demoqoraadiga iyo Ribablikaanka, waxaa jira Gobolo loo yaqaan Swing States ama Gobolada is bedbedla oo had iyo lagu tartamo, sidda Florida 29, Ohio 18, North Carolina 15, Varginia 13, Wisconsin 10, Colorado 9, Iowa 6, Nevada 6, iyo New Hampshire 4, Goboladaas dhibcahooda guud waxey dhan yihiin 110 dhibcood.
Kontonka Gobol waxey ahaayeen 50 wadan oo isu tegay lana baxay 50 States, mid walba wuxuu leeyahay Govarnatoore ay dadkiisu soo doortaan iyo Duqmaalo ay degma waliba doorato, Gobol kastaa wuxuu leeyahay Baarlamaan u gaar ah iyo shuruuc u gooni ah, laakiin waxey hoos tagaan Federalka.
Somalia haddii ay rabto iney Federal noqoto, waa rabnaa laguma noqon karo, laakiin waa in marka hore la dejeyaa shuruucdi Federalka, waa in dadka dalka ku nool la tirakoobo si loo helo cadadka ku nool Gobol walba oo dalka ku yaal.
Waxaa lagama maarmaan ah inaan la iloobin Somaliweyn oo boos looga baneeyo iney berri nagu soo biiri karaan walaalaheena naga maqan, laakiin haddii aan waxba loo reebin oo 20 Maamul Goboleed oo Federal ah la sameeyo, waxey noqoneeysaa inaan cidna nagu soo biirin haddii ay hesho gooni isutaag berri ka maalin, haddaan maanta ka fiirsano oo aan Federalka ka dhigano labadi midowday 1 july 1960, waa albaab furan oo la soo geli karo.
Waa Qalinkii Axmed Xaayoow
xaayoow09@hotmail.com